30 Qof oo laga sii daayay xabsi ku yaal Dhulka S/galbeed

Published on August 30, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

xabsi.jpgku dhawaad 30 Qof oo Rayid ah oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee xooga ku haysta Dhulka S/Galbeed Qafaasheen ayaa dib u helay Xoriyadoodii ka dib markii ay mudo 4 Bilood ah ku xirnaayeen Xabsi ku yaala Degmada Galaadi ee Dhulka S/Galbeed. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in 30 qofood oo ay ku jiraan Dumar iyo Caruur yar oo qaarkood ay isku reeryihiin laga sii daayay xabsi ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku xirteen ka dib wada hadal mudo socday la yeesheen Odayaal dhaqmeedyo ka soo jeeda dadkaasi Taliska Ciidamada Gumeysiga.

  

Dadkan la sii daayay ayay markii hore ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka qafaasheen deegaano hoos yimaada Degmada Yamaarugleey, waxaana la sheegayaa in ay ahaayeen dad xoola leey ah isla markaana ay dayacmeen xoolahoodii ka dib markii ay ciidamada Gumeysiga ka dhex qafaasheen xoolahoodii iyo reerkoodiiba.

  

Mid ka mid ah dadka la sii daayay oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay intii ay xabsi ku jireen ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya dhibaatooyin badan kula kaceen, isaga oo sheegay in ay ciidamada Gumeysiga ku amreen in mudo Bil gudaheed ah ay  klu Bixiyaan qof aan la garanayn cid dishay diyadiisa oo gaaraysa 100 Neef oo Geel ah.

  

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka ha dasha Tacadiyada kala duwan ee Joogtada ah ee ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya kula kacayaan Shacabka Dhulka S/galbeed ee la gumeysto in ka badan Hal Qarni.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  2. Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo Ka Jira Xuduuda G/Hiiraan iyo Dhulka S/Galbeed
  3. 5 Nin oo lagu sheegay ONLF oo la sii daayay
  4. Mujaahidiinta Jabhdda S/Galbeed oo Weeraray Ciidamada Gumeysiga
  5. Wasiir S/land oo deyn loogu haysto hudheel ku yaal Addis Ababa.

Readers Comments (2)

  1. jibriil laascaanood says:

    waa u hiilinaaya dadkaan cadaaban ee gaalazdu haysato.yaa kale ilaahay uun laakiin marka aanu ka faraxalano koonfurta soomaaliya ayaanu hadaanu nahay al-shabaab waxaanu tagi doonaa oo uhiilin toonaa walaalahayaga baabaaya ee s/galbeed

  2. xor says:

    oo warkaani goorma ayuu ahaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  2. Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo Ka Jira Xuduuda G/Hiiraan iyo Dhulka S/Galbeed
  3. 5 Nin oo lagu sheegay ONLF oo la sii daayay
  4. Mujaahidiinta Jabhdda S/Galbeed oo Weeraray Ciidamada Gumeysiga
  5. Wasiir S/land oo deyn loogu haysto hudheel ku yaal Addis Ababa.

Latest Headlines