Isbaarooyin Farabadan oo la Dhigtay 4-ta Jardiino & Maanabooliyo

Published on August 29, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

isbaaro.jpgCiidamada dawladda KMG ah ee la shaqeeysa gumaysiga Itoobiya ayaa maanta jidgooyooyin ay lacago baad ah uga qaadayaan gaadiidka dadweynaha waxay dhigteen inta u dhaxaysa Isgoysyada 4-ta jardiino iyo Maanaboliyo.

  

Ciidamada ayaa jidka waxay si talantaali ah u dhigteen isbaarooyinkan oo ay si sharci darro ah lacago baad ah uga qaadayaan gaadiidleeyda waxayna arrintani walaac ku abuurtay daka iyo gaadiidka isticmaasha wadadaas.

Jidgooyooyinkan ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa 4 waxaana intaa dheer isbaarooyin sooboodo ah oo ay ciidamo si kala gooni gooni ah wadada u soo istaagayaan ayna lacag baad ah waydiisanayaan gaadiidka kuwaas oo xataa baarasho ku samaynaya dadka rayidka ah oo saaran gaadiidkan.        Ciidamada DKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa caado u ah in ay dhibaatooyin u gaystaan dadka rayidka ah waxayna falal isugu jira dil dhac iyo qafaalasho si joogta ah uga gaystaan goobaha ay ku sugan yihiin taas oo gabood fal ku ah shacabka Soomaaliyeed oo isaga barakaca xaafadaha ay soo dagaan ciidamadu.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xalay weerar qorshaysan ku qaaday Isbaarooyin u yiilay DFKMG ah inta u dhaxeysa Deegaanka Buur-Hakaba & Leego
  2. Ciidamada DKMG ah oo dad Rayid ah ku Dilay Deg. Wadajir
  3. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  4. Is Rasaaseyn Ka Dhacey Isgoyska Kuliyada Jaale Siyaad
  5. Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Miisaanka Dhuxusha

Readers Comments (2)

  1. faysal hoban says:

    shabakadda war baahinta ee soomali mirror waxaan oodhan lahaa waxaad tihin war baahinta calamka kuwa u horeeya inaad ka mid tihiin ana waxaan odhan lahaa inaad noqotaan kuwa aad uu fir-fircon.

  2. C/risaq says:

    A/C

    Waxaan Salaamayaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Musllimiinta guud ahaan meelkastoo ay joogaanba.

    Salaantaa ka dib marka hore waxaan ka codsanayaa Idaacadaha iyo Mareegyada Soomaaliyeed in aanay ku sheegin burcada Ibagaati Dowlad ee ay ku sheegaan waxay yihiin oo ah Jabhado ama canaasiir Xabashida/fumeystaha u shaqeeya intaa ka dib waxaan la yaabanahay in Kooxda Ibagaato ay wali iloobi la’ yihiin Isbaaroonyinkii ay ku caan baxeen oo wali haystaan taageeraha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed( Beelaha la dulmiyo) oo lagu shubay waa la idin xoreynayaa.

    Waxaan u sheegayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inta xalaasha ah in isaga baxaan iskana dayaan in ay taageeraan Tuugadaan Imbagaati ay Xabashidu ku soo dhoob dhoobtay .

    Ramadaan Kariim,




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xalay weerar qorshaysan ku qaaday Isbaarooyin u yiilay DFKMG ah inta u dhaxeysa Deegaanka Buur-Hakaba & Leego
  2. Ciidamada DKMG ah oo dad Rayid ah ku Dilay Deg. Wadajir
  3. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  4. Is Rasaaseyn Ka Dhacey Isgoyska Kuliyada Jaale Siyaad
  5. Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Miisaanka Dhuxusha

Latest Headlines