C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Muqdisho soo Gaaray

Published on August 29, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

labada-itoobiya.jpgGalabta maqribnimadii ayaa waxaa garoonka Magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi ay wada hogaaminayaan C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan golaha xukuumadda Nuur Cadde iyo baarlamaanka DKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya.

  

Wafidgan ayaa la sheegay in ay ka soo amba baxeen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay waxaana C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ku weheliyay safarkan Wasiirada Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga, wasiiro kale iyo gudoomiye K/xigeenka Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa.

  

C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa safarkan ay Baydhabo kaga soo abmabaxeen waxaa uga horeeyay safar kale oo ay uga yimadeen Magaalada Addis ababa oo ay dawladda Itoobiya ugu yeertay si ay u xaliso khilaaf weyn oo soo kala dhex galay labada Mas’uul.

  

Labada Mas’uul oo bilihii lasoo dhaafay uu ismaandhaaf u dhaxeeyay ayaa waxay Magaalada Addis ababa ku sugnaayeen muddo todobaad ah halkaas oo ay ugu kala garqaadaysay Dawladda Itoobiya waxay ku soo kala saxiixdeen heshiis ku qotoma dhamaan qodobadii ay ku kala boodsanaayeen waxaana laga dalbaday in ay ku fuliyaan muddo 15 cisho ah.

  

Madaxda DKMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Itoobiya ayaa wajigabax kala kulmay xubnaha Baarlanaaka oo buuq ku furay kadib markii ay damceen in ay u soo bandhigaan mirihii kasoo baxay shirkii muddada uga socday Magaalada Addis ababa, waxaana la xiray kalfadhigii Baarlamaanka ayada oo aysan madaxdu gudbin risaaladii ay ka soo xanbaareen Magaala madaxda Itoobiya.

  

Dhanka kale warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay tibaaxayaan in ilaa 3 madfac oo nooca hoobiyaha loo yaqaano abaare 06:00 maqribnimo lagu weeraray Xarunta madaxtooyada xilligan oo ku beegay waqtigii ay halkaa soo gaareen Madaxda DKMG ah ee lashaqeeya gumaysiga Itoobiya.

  Lama garanayo ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada oo ay soo gaareen C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde lamana oga in ay jiraan ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay bixiyeen ciidamada ku sugan Madaxtooyada.   



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo Hor tagaya Baarlamaanka
  2. Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde Oo Baarlamaanka Hareeyay
  3. Itoobiya oo Eedaysay C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde
  4. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo saacadaha soo socda laga saxiixayo Heshiis
  5. C/Laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Heshiis Wada Gaarey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo Hor tagaya Baarlamaanka
  2. Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde Oo Baarlamaanka Hareeyay
  3. Itoobiya oo Eedaysay C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde
  4. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo saacadaha soo socda laga saxiixayo Heshiis
  5. C/Laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Heshiis Wada Gaarey

Latest Headlines