Xoogagii isku hayay Baardheere oo ka wada Baxay
By Somalimirror on 28 Aug, 2008 9:24 AM in Main, Wararka
Ciidamadii Baryahanba Dhaq-Dhaqaaqa ka waday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay ka wada Baxeen Degmadaasi isla markaana ay ukala dhaqaaqeen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, Bay iyo Jubooyinka.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Odayaasha Degmada Baardheere ay ku guuleystaan in ciidamadii kuwada sugnaa gudaha iyo daafaha Degmada ay ka wada saareen ka dib wada hadal in mudo ah socday.
Maleeshiyadii uu hogaaminayay Barre Hiiraale ayaa la sheegayaa in ay u qul-quleen dhinaca Degmada “Daawo” oo dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyada oo warar aan la xaqiijina ay sheegayaa in uu sii aadayo Barre Hiiraale Dhinaca Dooloow oo ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya.
Dhinaca kale Xoogagii Islaamiyiinta ahaa ayaa iyaguna la sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Diinsoor iyo Saakoow oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Jubadda Dhexe.
Dhowr maalmood ka dib oo ay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka jireen Degmada Baardheere ayaa saaka markii ugu horeysay xaalad deganaansho laga dareemayaa degmadaasi iyada oo ay caadi ku soo noqdeen Dhaq-Dhaqaaqii Ganacsiga, isku socodkii Gaadiidka iyo dadweynaha intaba.
Daabaco
U dir saaxiib



asalaamu calekum eeb waxan jeclahay inaan waxyar aan ka hadlo taasoo ah. maalmahaan waxaa dhagaha dadka ku batay hadalo ay isticmaalaan wadamada reer galbeedka runti kuma wanaagsana in la isticmaalo eraygaas eraygaas waxaa weeye islaamiyiin ayaa qabsaday kismaayo islaamiyiin ayaa ga dagaalama soomaaliya uma wanaagsana in qof soomaali ah uu isticmaalo erayga ALLAAH halaga baqo oo reer galbeedka meel walba way inaga soo galeen xitaa hadalada ay u sameesteen islaamka ayaa ayaan isticmaalnaa WABILAAHI TOWFIIQ
cali | Aug 28, 2008 | Reply
a/c
Jizaakalaahu khayr, waa runta dadbadan oo aan ku baraarugsanayn ama u qasdinaya aa isticmaala eray bixinta Reer galbeedka ay u la qinaan Saxaafada ayaa jira. Waxaan la yaabay markaan arkay TV-ga Universal ee u xagliya Dowlad ku sheega Itoobiyaanka u adeegta oo isticmaalaya erayga Islaaminyiinta, Fadlan cidii la xiriirikarta ha uga nasteexeeyeen arintaan.
wadani | Aug 28, 2008 | Reply
ASC.
Waxaan oran lahaa , waa inuusan soo laaban barre hiiraale , haddii kale isaga iyo inta lasocotaba cawaaqib xumo ayaa u danbayn doonta. dadkii uu kadhashayna dhibaato ayuu usoo jiiday , marka waxaan oran lahaa intaas ha ugu ekeeyo dhibka. haddii aysan sidaas dhicin waa laga sheekayn doonaa wax badan waxa dhaca. Xaaji
wiilwaal | Aug 28, 2008 | Reply
A/C DHAMAAN UMADA SOO MAALIYEED, WAXAN HALKAAN UGA MAHAD CELINYAA DADKA REER GADDO OO MEELCAD ISKA MARIYAY QABQABLIHII DADAALKA WAX KU RAADINAYAY OO KA DOORTAY DIINTA ISLAAMKA ILAAH BAA XAQA IDINTUSAY, EE ILAAH HATUSO REER PUNTILAND IYO REER SOMALILAND WAXAN WAX KU NAHAY MIDNIMADA IYO DIINTA ALLE OO AAN KU DHAQANO,KUWA NAGAMAQANA OO GUMAYSIGA KU JIRA WAY KU SOO XIGAAN INSHA AALAAH A/C
burdaar | Aug 28, 2008 | Reply
ASC.
Waxay ila tahay in aan laga badbadinin arinta Kismaayo waxaan aaminsanahay nin kastoo reer Kismaayo ah inuu soo dhaweenayo isbadalka ku yimid magaalada, neeftana kusoonoqotay.
Magaalada Kismaayo waa ay ku heshiinayaan qabiilada degan, ciday iyaga soodoortaana hamaamusho iyadoo la eegayo deegaanka qolo walba ay leedahay. Balse wax macno leh masamaynayso hadii qof deegaan kale kayimid, deganaana magaalada dhow sano layiraahdo maamul. Taasi waxay dhib iyo dagaal hor leh ukeynaysaa magaalada, wax loobaahan yahayna ma aha. Jubada Hoose waxay kakoobantahay dhow degmo intaan kaxasuusto, sida Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Jamaame, marka hadii ladhiso maamul aanan ka imaan ama raali aysan ka ahayn dadyowga meelahaasi degan, wax macno leh masamaynayso.
Waxayna soo dedejin kartaa in markale gacan gaal kal kaal ay gasho, sababi kartana gumaad hor leh. Reer Kismaayo waa inay iyaga maamul caadil ah soo dhistaan, iskana daayaan isqab qabsi iyo leadershipka waa reer hebel.
Wadaada cadowgoodu wuu badan yahay waana inay si taxadir leh, maamul ugu sameeyaan, cida ay dadka soo doortaana lasocdaan. Hadii deegaanka Waamo qof udhashayna lagadhigin Amiirka gobolka ciduu doonaba ha’ahaadee waxay noqonaysaa howshooda hal bacaad lagu lisay.
Mohamoud | Aug 28, 2008 | Reply
A/C WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN WALAALAHA ISLAAMKA AH, WAXAAN UGU BISHAARAYNAYAA GUUSHA AY SOO HIYIYEEN MUJAAIDIINTA SOOMAALIYEED EE HABAYN IYO MAALINBA UDIIDAY IN AY HURDA KULADAAN MASIIXIYIINTA MACATAB KUDIRIRKA AH IYO MURTADIINTA LASOCDAY EE NASIIBKOODA ADUUN IYO KA AAKHARABA XUMAADAY,DHARIGA KARKA KULAULKA AYAA KAKEENA. MALISE ZENAWI WAA QARIN WAAYAY GUULDARADA IYI DHABAR JABKII AKSOOGAARAY GAYIGA SOOMAALIYA,AYADOO BARE HUURAALLE UU HUB URUURSI IYO MALEESHIYO BEELEED UU U TAFA XAYTAY,WAXUU SOO JAJAFTO EE HUB IYO RASAAS AH WAA QANIMO ILAAHAY U QORAY MUJAAHIINTA EE YAAN LAGA HOR ISTAAGIN, MABDA KUDIRIR MA AHEE WAA MALAGU SOO QAADYO.ALAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU
mustafa shaarub | Aug 28, 2008 | Reply
asc/wrt/wbt.
dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay ka jooogaan caalamka.haddii aan wax yar ka idhaahdo xaalada guud ee soomaaliya iyo khaasatan magaalada kismaayo,
marka hore soomaaliya soomaali baa leh, waa dad isku diin ah ( muslim ah )isku isir ah, dhaqan ah,oo aan sina ukala tageynin, waxaana odhan lahaa,, illaahiina ka baqa oo u soo noqda islaamnimada ,, mideeyana cudidiina oo iska celiya gaalada dalkii ku soo duushay iyo kuwa u adeega ( caamilada ), waxaana haboon in lagu waano qaato, marxaladii la soo maray ee dagaalka sokeeye ,, wixii sababay iyo dhibaatadaii uu keenay oo , ah mida uu maanta ina dhaxalsiiyey, hadaba war ha lo soo noqdo diinta xaqa ah,oo ha la is cafiyo, qabyaaladana ha la iska iloobo.
mida kismaayo ,, barre iyo saaxiibadiisa ( waa qabqablayaasha e,, waxay ka mid yihiin caqabadaha hortaagan in dowlad xaq ah oo soomaaliyeed in ay ka dhalato ,, dalka,, waxba yaan loo maleynin in uu yahay mid u daneynaya ,, qola gooni ah,,ee midaas ha la ogaado ,, oo gacmaha ha la is qabsado, si aynu u soo celino qarankii soomaaliyeed.
waliid | Aug 28, 2008 | Reply