Taliye ka tirsan Booliiska DFKMG ah oo la weeraray
By Somalimirror on 28 Aug, 2008 9:08 AM in Main, Wararka
Abaarihii 03:00 saq Dhexe ee xalay ayaa weerar lagu qaaday Guriga Taliye ku-xigeenka Booliiska Degmada Dharkaynleey ugu qaabilsan DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ninka lagu magacaabo “Cali Yare”.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ilaalada Taliye ku-xigeenkaas iyo ragii soo weeraray oo aan haybtooda la garanayn ay isweydaarsadeen rasaas in mudo ah socotay.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaarooyin naf ama maal mid uun.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaasi in ay fulisay waxaana uu qeyb ka yahay weerarada kala duwan ee lagu u gaarsanayo Ciidamada iyo Madaxda DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.
Xaalda Degmada Dharkaynleey ayaa saaka la sheegayaa in ay tahay mid degan isla markaana aysan ka jirin wax Howl-galo ah oo ay ciidamada Booliisku ka sameeyeen degmadaasi.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo