Meles oo shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Somalia

meles-zenawi2.jpgMales Zenawi ayaa Daboolka ka qaaday in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu la baxo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya xataa inta aan la xaqiijin deganaansho iyo dhisida xukuumad uu ku tilmaamay mid Soomaaliyeed oo xoog leh oo wax-qabad leh.

Zenawi ayaa u sheegay Wargayska “Financial Times” ee ka soo baxa Cariga Ingiriiska in culayska Maaliyadeed ee haysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya uu yahay sababka ugu horeeya ee ay ugala baxayaan Ciidamadiisa gudaha Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay culayska Dhaqaale ee haysta Ciidamadiisana mid sinaba looga loo qarin Karin.

 

Meles ayaa ku nuux nuuxsaday in Taageerada ay Xukuumadiisu siinayso DFKMG ah aysan ahayn mid waligeed iska soconaysa, isaga oo carabka ku dhuftay in xaqiijinta Nabad ka dhalata Soomaaliya aysan ahayn wax mar walba dusha ka saaran Itoobiya balse ay tahay qeyb ka mid ah siyaasada wadankiisa kaga Aadan Soomaaliya.

 

Meles Zenawi ayaa dusha u saaray Dowladaha Reer Galbeed Mas’uuliyada deganaanshiyo la’aanta ka jirta Soomaaliya isaga oo ku sababeeyay in ay Reer Galbeedku bixin waayeen kaalmo maaliyadeed iyo mid Siyaasadeed oo ku filan Ciidamada uu ku tilmaamay “Nabad ilaaliyaasha” Afrika ee la geeyay Soomaaliya.

 

Waxa uu qiray Meles Zenawi in joogitaanka ciidamadiisa gudaha Soomaaliya uu yahay mid Qasab ku ah Dalkiisa, balse ay xukuumadiisa isbar-bar dhigayso Baahideeda gudaha iyo Dhaqaalaha Joogtada ah ee ku baxaya Ciidamadiisa Jooga Soomaaliya.

 

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo dhamaadkii 2006 xoog iyo sharci daro ku soo galay gudaha Soomaaliya isla markaana xasuuq, dhac iyo kufsi ka baxsan Bani aadamnimada ka geystay ayaa hadda ah kuwo si xun ugu dhiiqaysan sidii ay uga bixi lahaayeen ama ku joogi lahaayeen Soomaaliya isla markaana kaalmo ku filan oo isugu jirta mid Maaliyadeed iyo mid siyaasadeedba ka waayay sida uu Melesba sheegay wadamada Reer Galbeedka iyo Midowga Afrika.

 Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed inta badan la wareegeen gacan ku haynta Gobolada Dalka Soomaaliya isla markaana ay weeraro iyo Qaraxyo maalinle’ ah la beegsanayaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, kuwa sharciyaynaya Gumeysiga ee Uganda & Burundi iyo waliba kuwa DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

18 Comment(s)

  1. mahad oo idil waxay u sugnaatey alle sw allihii guuleeyey mujaahidiinta dulleeyey jebiyeyna gaalada & gaala raacyada , waa ilaahey mahaddiisa waa guul weyn oo usoo hoyatey muslimiinta soomaaliyeed ee ay horkaceyaan mujaahadiinta in maanta gaalkii MALES ZAANII ahaa uu cabaadkiisa baxayo oo uu ku haayo meeshaan ma joogi kari dhaqaale uma hayo , alle waxaan ka baryeynaa in gaalada waddankeena soo gashey uuna hal gaal xitaa ka badbaadin oo dhammaantooda la xasuuqo sida ay iyagaba noo xasuuqeen ,teeda kale ragga dhiigga mujaahidiinta ku gorgortameya oo gaalidii oo cabaadkeeda baxayo dhahaya xabbad joojin & guddiyo ammaan & kuwo siyaasadeed wax ay ku sheegeen la galeya raggii ashahaada la dirirka ahaay oon weli towbad laga heyn waa iney ka waantoobaan waxyaalaha ay ku kaceyaan , haddii kale maanta ma jirto qof uu jihaadka u istaagaayo inshaa allaahu tacaalaa mirihii jihaadka way soo dhowyihiin gurashadooda qoftii ka qaddana iyada unbaa iska qadisey “”??? ????? ?????? ????????? ?? ?? ????? ??????? “” ??? ???? ??????

    gaal dile | Aug 28, 2008 | Reply

  2. a/s/c waa arin lagu farxo in uu maanta gumeysigu ku dhawaaqo in uu ku dhibaatoobay gudaha soomaaliya,laakin dadka la rooraya qoryaha ee ka buskiciyay cariga koonfureed iyo kismaayo ayaan ka baqayaa in aay iyagu isu qaataan qoryaha oo aay dhexdooda ka dhalato dagaalo u horseeda dadka iyo dalka burbur iyo dhibaata kale oo hor leh, iyo in aay qabiil ka bilabaan gudaha beelaha soomaaliya

    wiil hawiye | Aug 28, 2008 | Reply

  3. waxaan jeclaystay iaan fikradayda kadhiibto report kan ,waxaana iiga muuqda warbixinta uu bixiyay zenawi inay salka kuhayso inuu dhaqaale kaga helo qolyaha daba kasoo riixaya ee uu danohooda u fulinayo si dadban(MARAYKANKA iyo IZRAEL)) sidaa darteed ilaaa uu zinawi meesha ku dhameeyo saraakiisha mucaaradka ku ah dawladiisa ee katirsan ciidan kiisa,wuu kusugnaan doonaa somalia,ama inta ay signal cas ubixinayaan qalyaha soo dirsaday oo ay odhanayaan maraqsanid hawshaadii waad gudatay. AM UU ISBADAL DOORASHO KADHACAYO AMERICA

    siciid max'ed c/raxmaan | Aug 28, 2008 | Reply

  4. Waxaa wax lagu farxa ah warkaan ka soo yeeray Melez Zanaawi laakiin waxaa isweydiin mudan maxaa ku soo beegay xeligaan?

    mise runaa in ula jeedada ugu weyn ee Ciidankiisa qabsaday Soomaliya dib uga saarayo arin ku saabsan Dhaqaalaha ?

    mise waxaa jira ula jeedooyin u qarsoon oo ku qasbay inuu ka baxo Dalka Soomaliya ?

    Waa war aad u farxad badan marka laga eego dhinaca ah in cadwgii uu qirtay in ay heestaan Culeesyo sida mid dhaqaale iyo inuu waayay taageeradii siyaasadeen ee uu ka filaayay wadamada reer Galbeedka,laakiin waxaa isweydiin mudan maxaa kusoo beegay xiligaan ayadoo la ogaa in horeyba Ciidanka itoobiya uu u hestay Culees dhaqaale kuna adkeysan jirtay in aysan marna ka baxeynin Soomaliya ilaa Dowlada ay taageerto Cagaheeda isaga taagto?

    Waxaa lagu macneyn karaa in sababta ugu weyn ee keentay in Melez ku dhawaaqo inuu Dalka Soomaliya Ciidankiisa dib ugala baxaayo arimo badan oo isbiirsaday, qaarkoodna uu waxaa dhici karta dan kale inuu ka lee yahay oo siyaasadeed waxaana arimahaas ka mid ah:

    1- sida warkiisa ka muuqata in uu saaran yahay cadaadis siyaasadeed uuna waayay taageeradii siyaasadeed oo uu ka filaayay wadamada reer galbeedka gaar ahaan mareykanka oo ka mashquulay arimihii dibada ama arimihii ku saabsanaa Afrika laba arimood daraadood.

    A- Mareykanka waxaa ka jira loolan xaga siyaasada oo labada xizbi ee ugu waaweyn wadankaas ugu jiraan madaxnimada dalkaas cidii majarahau qaban laheyd taasoo ay muuqata in culees weyn uu saaran yahay Xisbiga Jamhuuriga ee hada ka taliya Mareykanka oo ah Xizbi ku caan baxay hurinta dagaalada hadey ahaan laheyd inuu weraro bareer ah ku qaado wadamo xor ahaa, ama inuu taageero Dowlado gaar ah si uu ugu fushada qorshayaashiisa Dagaal

    B-Waxaa muuqata Mareykanka in uu saaran yahay Culees weyn oo uusan maleysaney oo kaga yimid dhanka wadanka Ruushka oo ay muuqato inuu dib u bilaawday tartankii u dhaxeeyay Naato iyo Waarso oo loo yaqaanay Dagaalkii Qaboobaa, taasoo Mareykanka ku keentay inuu Xisaabaadkiisii wax ka badalo maxaa yeelay Rauushaka ma aha Dowlad la dhayansan karo.

    marka Itoobiya waxaa muuqata tiirkii ay Cuskaneed in ay weysday labadaas arin dartood.

    2- Arinta labaad ee ka muuqatay hadalkiisa waa in uu saaran yahay Culees siyaasadeed kaasoo laga yaabo in aysan Dadka qaar isweydiin maxaa keenay ? halkuuse kaga yimid?

    Hadii aan bal arintaas faahfaahiyo waxaa muuqata inuu Culeeska siyaasadeed kaga yimid Dhaqdhaaaqyadii nabadoonka ahaa ee ay sameeyeen Isbaheysiga uu horjoogaha u yahay Sh Shariif Sh Axmad

    maadaama ay dhinacooda muujiyeen in ay yihiin nabad doono dagaalka ay ku jiraana uu yahay mid Itoobiya soo galitaankeedii sababay ee aysan hada diyaar u aheyn dagaal weyn ee ay ka huriyaan Geeska Afrika oo idil sida ay ku andacooto Itoobiya oo ku magac raadsaneysay in aysan nabad marna ogoleyn Islaamiyiinta Soomaaliya taasoo keentay in markii hore taageero ku hesho ayadoo sheegi jirtay in ay yihiin Qatar cad oo Caalamka oo dhan kusoo fool leh.

    3-Waxaa kaloo jira Culees weyn inuu ka heesto Duulaamada joogtada ah ee Ciidankooda kaga yimaad dhanka Muqaawamada kaasoo u diiday fursad ay ku socsocoto ama isugu gurmato ama ay ku taageerto Doowlada Embigati, maxaa yeelay waxaa Ciidamadeeda joga Soomaaliya meelo ka mid ah ka soo bixi waayeen Dhufeesyada si ay lafahooda u ilaashtaan taasoo xataa ay ku badbaadi la’ayihiin.

    4-Waxaa kaloo jiri kara siyaasado qarsoon oo ay damacsan tahay Itoobiya sida:-

    A-in ay ku dooneyso hadalkan ka soo yeeray Melez in ay ku hesho taageeradii Dhaqaale iyo kii siyaasadeed ee ka go’naa mudooyinkii lasoo dhaafay ayada oo u tuseysa in ay ka bixi karto Soomaliya amaba ka bixi doonto hadii aan dalabaadkeeda loo yeelin, taasoo laga yaabo wadamada qaar in ay Maslaxad u arkaan Itoobiya in ay mudan tahay in loo jilco lana taageero maadaama la aaminsan yahay in ay hortaagan tahay in Dalka Soomaliya dib gacanta ugu dhigi doonaan Maxaakiimtii taagerada badan ka heysan jirtay shacaka Soomaaliyeed.

    B-Waxaa kaloo dhici karta marka la eego xiliga uu kusoo beegmay hadalkaan oo ah xili ay muuqato inuu qilaaf ku kala dhex jiro Muqaawamada madaxdeeda iyo garabyada muqaawamada sida warnaahinta laga dhageestay gaar ahaan qabsashadii Kismaanyo ka dib,oo waxaa dhci karta in ay aaminsan tahay inuu uu qarxi doono Dagaal weyn oo dhex mari doono kooxaha Muqaawamada taasoo ay ku faraxsanaan laheyd Itoobiya hadii ay dhici karto taasna ay kaga filan tahay in ay dhiig Ciidamadeeda ah ku daato gudaha Soomaliya ayadoo loo fulinaaya siyaasadeedii aheyd in marna Soomaliya ka dhismin Dowlad leesku raacsan yahay oo awood leh, taasoo ay Itoobiya aaminsan tahay in ay qatar ku tahay Amniga wadankeeda iyo in ay keeni karto in ay Itoobiya kala go’idoonto qeybo fara badan.

    Hadaba Maxaa nala gudboon?

    1-Waxaa laga maarmaan ah in aan arintaan ugu faraxno si taxadir leh ogaanana in ay suuragal tahay in ay dhaboowdo, islamarkaana ka digtoonaanaa wax walba oo Itoobiya Siyaasada u fulinaya Siyaasadeeda ah in aysan Soomaliya marna Dagin sida in kooxaha Muqaawamada tartan u galaan kala qabsiga Gobolada iyo Ilaha dhaqaale, taasoo keeni karta in ay isu gacan qaadaan.

    2-Waa in si dagdag u wada shiraan Madaxa Muqaawamada Gudaha iyo Dibada gaar ahaan kuwa kala fadhiya Jabuuti iyo Asmara kana wada hadlaan hadii ay dhacdo arintaas in ay dhaboowdo sidee lagu badbaadin karaa diinta Dadka iyo Dalka soomliya, hadii kale oo aanan leesu tanaazulin Danta guudna laga wada tashan waxaa dhici doonta in Muaqaawamada ku dhacdo Dabinka siyaasadeed ee loo maleegayo, waayo marka laga hadlaayo Danta guud waxaan maanta aragnaa Hellary in ay u tanaazuleyso Danta Xizbigeeda waloow uu qilaaf iyo tartan shaqsi ahba dhex maray kana dhaxeeyo ayada iyo Obama oo kaga Guuleestay Musharaxnimada Xizbogooda.

    Hadaba waxaa dhihi lahaa Culimada Soomaliyeed ee xoogaa ku kala tagay fekerka iyo ijtihaadka haka garaad liidanina Naagta u tanazushay Xizbi aanan Diin gaar ah isu keenin ee kaliya ka mideysan Siyaasada qaar, halka idinka Culimada ah aad ku mideysan tihiin wax badan oo aysan ku mudeysneyn umadaha Caalamka ku nool. hadii aadan saas yeelinana waxaa hubaal ah ASduunyada waxaad galeysaan Taariiqaha la qoro baalka Madoow, maalinta Qiyaamana waxaad qaadi doontaan fidnada ka dhalata Masuuliyadeeda maxaa yeelay maanta wax dhowran ama dhaqan ma jiraan hadii ay ahaan laheyd Diin Dal iyo Dadba waxaa dhalin yaradii Soomali rag iyo Dumarba dabin u galeen Shahwadooda iyo Naftooda waxa ayna ku jiraan Kalaabyada habeenada Axadaha lagu tunto e Qamriga iyo Zinada lagu isticmaalo, dhanka kalana waxaa ay ku daadaataan Badaha Caalamka ayaga oo nolo doon ah, waxaa kaloo jira in Boqolaal Soomaliya ey ka buuxaan Xabsiyo wadamo ku yaal Afrika ayagoo ku nool nolol ayasn eeyaha Afrika joogaa ku nooleyn waxaana kula wada dhacay xabsiyada dhexdooda Tiibishi iyoMaleeriyo oo aan wax daawo ah laga siin ilaa Todobaad walbaaba qaar ka mid ah Maxaabiistaas ku geeriyoodaan xabsiyadaas.

    Gabagabadii waxaa looga fadhiyaa Culimada soomaliyeed laba uun mid in ay noqdaan kuwa danahooda gaarka iyo kooxohooda gaarka kala weyn yihiin Diinta Dalka iyo Dadka Soomaali ayagoo buunbuuninaya Qilaafaadka xaga fekerka ah ee u dhaxeeya una dhaqmaaya sidii Firaqdii Ahlu Bidcaha sida Qawaarijta oo hadba gaaleysiiya cidii fekerka isku qilaafaan iyo in ay wax walba ka hormariyaan Danta guud oo ah in la ilaaliyo waxyaabihii asal ahaanba illaah(cw) usoo dajiyay Shareecada Isklaamka Sida Diinta Nafta Sharafta Nasabka iyo Caqliga Muislimka

    Waxaa diyaariyay Asad Cali Axmad

    asadcnx@hotmail.com

    asad | Aug 28, 2008 | Reply

  5. alluhu akbar guuuuuuuuuuuuuuul

    abgaaloow | Aug 28, 2008 | Reply

  6. asc wr wb asadow waxaanla yaabanahay sida aad xaqiiqada jirta oo qoraxsoobaxday ka muuqaal dheer uga leex leexanayso waayab oo uma jeedidmiyaa in amxaarada Allaah ku cadaabay gacmaha shabaabkii soomaaliyeed oo Allaah makansiiyey guulo inta aan is indhatirin ku diirsadeen gaaladii iyo munaafiqiintiina ka cabaadiyey gaalada Allaah baa dhagartoodii ku celiyey waana guul Allaah nagu siiyey dhiiga wiilasheena geesiyaashaah nin Hotel hurda gaal kama baqo kiraduu kabaxshaa suu isii hurdo waana siyaasad uu gaalku cayaarayo oo nalooga baahan yahay inaan fahano in uu qaar guryo iyo hotelo dajiyo diyaaradana ku qaado qaarna diyaarada ku dukheeyo oo argagixiso aan jirin ku shaabeeyo ama ku calaamadeeyo caqligu ha shaqeeyo mujaahidiinta guusha allaah siiyey yaan dhankale lala aadin asc wr wb

    umubilal | Aug 28, 2008 | Reply

  7. ASc

    Waxaa faalo nagu filan qoraalka walaalkeen ASAD, hase yeeshee ogaada gaalo waa dhagar badan yihiin. Waxaana u badan tahay hadalkan ka soo yeeri mujrim Zanaawi mid dhaqaalo doon ah sidaas darteed waa inuu jihaadka socdaa dhegna yaan jalaq loo siin ilaa cidaamada gaalada isbahaystay ay wadanka kaga baxayaan oo xornimo taam ah muslimiinta ay ka gaarayaan. Yaa is gaaray!! Beer Bolol, Afar Indhoole, Fanax Ganjeelo, Balaq, etc. meeshii aadi lahaayeen ayaa laga rabaa. Taangi Ethiopian waa lagugu kenay Xamar laakin hadda adigoo lugeynayo ayaa xaafada xamar lagaa soo qaban doonaa iyadoo ay gaaladii kaa wada carareen insha allaah. Wam mannasru ilaa min cindil Laahi. WSC

    Abu Munsif | Aug 28, 2008 | Reply

  8. sc wr wb.

    asad mahadsanid faaladaada wanaagsan

    sc wr wb.

    Muslim Dhab Ah Insha Allah | Aug 28, 2008 | Reply

  9. dhaqaalo ayuu ku raadinayaa mels ee ka biximayo gaal sirtiisana aad ayay u xuntahay
    sida aniga aan qabo hadlkiisana sida wargayska ku qoran dhaqaalo raadis waaye
    ok intaas kadib wargayskan
    in aan la xariiro ayaan u bahanahay
    e-mail fadlan ii soo dira arimo baan rabaa in aan idin sheego

    ahmed | Aug 28, 2008 | Reply

  10. salaamun caleykum waraxma.

    waxaad moodaa cabaadka meles ee ku aadan ka bixida soomaaliya in ay tahay wax la filayey.

    soomaaliya horey waxaa u soo galay dawlado reer galbeed ah oo itooboya ka xoog badan,xili weliba soomaalidu aad uga jilicsanayd heerka ay maanta taagantahay,laakiin awoowayaasheen ayaa diidey in gumeystayaashaasi dhulkeeda ku ledaan,Allaahna waa ku guuleeyey,abaalna way inoo galeen ee miyaanay ahayn in aan maanta kaalinteena ka soo dhalaalo,ubadkeenana taariikh wanaagsan oo la mid ah taas awoowayaasheen aan uga tagno?
    Waxaan qabaa in haddii cadowgu baxo aan hawshu sahlaneyn,sidaa awgeed waxaan ku talin lahaa in dhammaan xoogaga muqaawamada,culimda soomaaliyeed,odayaasha dhaqanka iyo dhamaan wax garadka soomaaliyeed ay ka tashadaan aayaha soomaaliya oo cid waliba xaq u leedahay in ay ka talabixiso wanaagiisa.
    waxaan ka digayaa in aanay dhicin degdeg iyo dan ama koox jeclaysi aafeyn kara aayaha danbe ee diinta ,dalka iyo dadka soomaaliyeed ee meel walba ku dhibaateysan.
    Allah xaqqa hana waafajiyo meel aan joognaba.
    salaamun caleykumwaraxma.

    darwiish | Aug 28, 2008 | Reply

  11. melez yaa ku gaarey yaa kuyiri hada kabax muxuu marmarsiyo kaga dhiagayaa dhaqaale ma dhaqaalaa kuyar war been badanaa,,,, ma dhaqaale kaliya laguma dagaalamo ee niyadaa loo baahan yahay ciidanka westernka ee ciraaq iyo afgaanistaan jooga ma dhaqaalaa ku yar hadana waan ujeednaa waxa haysta…. meliz hadaad baxdo xitaa ogow lagaama haraayo ilaa xukunkaaaga laga taqaluso insha allah

    ciise | Aug 28, 2008 | Reply

  12. Asalaamu Calaykum
    Salaan Kadib waxaan la yaabaa markaan arko meesha dadku naf ka doonaan mar waa shiico raafida ah oo kitaabki allaah beenshey Suubanihii scw iyo reerkiisii iyo Asxaabtiisii ka baxsan wayday iiraan waa dawlad islaami ah oo gaalo iska celinaysa xizbulaata waa mujaahidiin,haddana ruush oo mulxid ah ayaa naf laga doonay waxaad arkaysaa dadki oo u sacbinaya ruushka maantana zenawi ayay rumaysteen(kaburat kalimatan takhruju min afwaahihim in yaquuluuna illaa kadibaa)waxaan dhaqaalo ayuu ku helaa oo waa kaar oo ku adeegto weligiisna waa ku hadaaqi jirey markii biilku go’ ethopia kuma baxayso illaa bi rasaas wa bil camaliyaati istish haadiyah hadday ethipia baxdo kulaylka mujaahidiinta ayaa saaray oday hotel hurda iyo gaal mulxid ah hadalkood midna kuma baxayso weligaa iska ilaali yaan si doqonnimo ah laguu sirin,khasab itoobiya waa baxaysaa waa xaqiiqo inaysan joogayn kuwi ka qaan gaarsan ayaa wax haysan waayay,Mida kale Asxaabul ximaar(democratic) iyo Asxaabul fiil(Republic) waa laba gaal mid mid ka kale inooma dhaamo,qoloyinka madaxtinimada maraykanka o u tartamaya qolana shicaarkeedu waa dameer qolona waa maroodi doorashadi hore waxaa la taageersanaa Asxaabul fiilka haddana asxaabu dameer weli lama waantoobin dariiqi mugdiga ahaa ayaa lagu sii socdaa.

    somali | Aug 28, 2008 | Reply

  13. Melez sanaawi waxuu carabka ku dhuftay in soomaaliya ay ka sow gaartay qasaar maal & moodba leh !
    waxaa Is waydiin muddan haddii UU ciidamaddiisa kala baxa soomaaliya ma sii jiri doontaa kooxda Embagathi uu asaga meesha ku haayay isla markaana meesha keenay waa Maya maya nin wayn wadkiisu wuu yaqaana kama haraan daba dhilifyadda waxaynu laynahay yuusan ka tagin meel ay u ciirsadaan ma haystaan ama U cararaan haddii Uu wax kale waayo ha ugu shaqeeyaan guryahiisa ha ka dhigtaan booyaas awalba asaga ayaa diri jirey hool U dhiibi jirey BYE

    ilkaqalalax | Aug 28, 2008 | Reply

  14. WAYAANIHII WAA QAYLIYAY AF LABADEED AYUU LAKALA BAXAY WAR LACAG KEENAAY WAA AMERICA IYO REER GALBEEDKA QAASATAN, KAALMEEYA SOOMAALIYAAN QABSADAY OO DAL ISLAM AH REER GALBEED IYO TUUGADII DABA SOCON JIRTAYBA LACAG HA KEENEEN WEEYE HADAFKA… KAN WAABA NIN WADAN KALE QABSADAY OO KU DUL GORGORTAMAYA BALSE CANWAANKII XALAY LA WAREYSANAYAY DIGIR CUNAHII MA DHALAYSKA AHAA EE MAATADA LAYN JIRAYE MAXAAAD DHEERE AHAA GABDHAHEENEY QOL KU SOO XERAHAAYAAN, XEY U SAMEEHAAYAAN EITHOPIA MADAXDEEDAAN OOGA DACWEEHEEEYNAA. CANWAAN RARKA DAMEERKA IN LAGUU SAARIYAAD ISTAAHISHAA MARKAAD SOO HOR ORDAYSAY ADOO ARAG XUN OO WASQ BADAN MAXAAD MOODAY IN GABDHAHA ISLAMKA AH NIMAN FALAASHAHA (JOHANNA) INAY KALA JECLEEN SOOW MA OGID ADIGA CANWAANKA AH IYO KUWA CAQLIGA LEH EE KA GILGISHAY EE DAGAALAMAYA..

    WAXBA YAANAN CARADA IYO CALOOL XUMADA I DILINE AQRISTOOW AMARKA ILAHAY MARKAAN DADKA QAARKII SOMALINIMADA IAL SHEEGTA ARKAA WAAN JIRADAA OO XANUUNSADAA BLOOD PRESSURE BAA IGU KACA.

    GAALADU WAA DULMI BADAN YIHIIN WAY BEEN BADAN YIHIIN HADALKOODANA MACNA FARA BADAN BUU LEEYAHAY OO HALA DIGTOONAADO, HADALKAA WAYAANIGA YAAN WAXBA LAGA SOO QAADIN, EE DAGAALKA HALKIISA KA SII WADA.

    caadil | Aug 28, 2008 | Reply

  15. Asc,walaalaha jecel inuu xoroobo dalka laguna xukumo shareecada,qabsashadii kismaayo waa dhamaadkii haysashadii soomaaliya,waakaa axmaarku af labadii dhawaaqay ee lasoo shirtagay dhaqaalo la,aan darteed ayaan ciidamadayda kala baxayaa soomaaliya intuu afka ka sheegay waxaa ka badan intuu uurka ku qarinayo oo ay ka mid tahay in duulaankii soomaaliya uu ku guuldaraystay,in ciidamadiisu ku jabaneey dagaalka in khasaare dhabarka loo saaray, inuusan haynin dad iyo dal midna inuu ku mooral jabay jabay soomaaliya,inay mujaahidiinta kaga guulaysteen dagaalkii,qabsashadii kismaayo waxaan filaynay hadaan wax weerarayaa iyo waxbaan samaynayaa inuu axmaarku ku hadaaqo bal jawaabtuu ka bixiyey haday noqotay ciidamadayda soomaaliya waan kala baxayaa taasi waxay daliil u tahay in gaala madowda ay dhabarka ka jabtay alle idankii,xabashi dabo jeedisaye dabadhilifow xageed gali?dalkuna waa xor inta badan alle fadligiis

    Deeq | Aug 28, 2008 | Reply

  16. waan idin salaamy inta wanaaga iyo dalka iyo diinta jecelow

    waxaan aqristay webside ay leyihiin ethiopianka oo la yiraahdo http://www.nazret.com
    commentigooda malez ayaay caayayaan oo waxay leeyihiin dhibaad nagalisay

    jamal | Aug 28, 2008 | Reply

  17. Asalaam aleykum,

    Waxay ila tahay in aanu ka siifikirno marxaladdaha foodo inagu soo hayso, waayo melez iyo ciidamaadiisu way baxayaan ee maxaa xal ah?

    Maxaa dhici doona? Sideeebaanu ugu diyaargaroownaa waxa dhici doona? Yaa og waxa dhicidoona? bal adba ii sheeg?

    Wax yaabaha MMIS (maxkamadaha) lagu xanto waxaa kamid ah in aysan lahayn istaraatijiyad fog taasna waxaa u cadayn ah wixii dhacay december-january 06/07, iyo waliba waxa hadda ka dhaxdhacay. Waxaad moodaa inay ka maqantahay aragti fog taasina waa aragtidayda.

    Isku soo wadaduub, Soomaliyeey, maxaa inoo xiga ama maxaa inoo qorshe ah marka ay xabashi baxdo? Waxaan sidaan wad kayga u hubo aan u hubaa in meles ay u qorshaysantahay waxaa uu soomali kayeeli doono marka u baxo, ee adiga maxaa kuu qorsha ah?????

    Allah knows best.

    Yusuf aldarwiishi | Aug 29, 2008 | Reply

  18. mrss. yusuf aldarwishi
    anaa kuu sheegaya waxa dhicidoona
    oo xiga markay baxaan xabashida
    in laydinka sufeeyo somaliya oo dhan
    sababtoo ah adeerkaa c/yusuf
    maxaa ku keenay inuu barlamanku sheega uu sidii ciyaal uu dhalay u canaanto
    runtaa loo soo sheegay waxaa layiri la heshii
    muwaadiniinta somaliyeed nin somali dhab ahna waxaa ka go an inuu yusuf iyo waxa la socda dabka la saaro

    jamal | Aug 29, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo