Isbahaysiga Garabka Asmara oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Abaaraha Dalka ka jira
By Somalimirror on 28 Aug, 2008 9:10 AM in Main, Wararka
Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska samafalka ee Isahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro baahsan oo saameyn balaaran ku yeeshay nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in shacabka Soomaaliyeed oo horeba ula il darnaa colaad sabatay xasuuq, barakac, xabsi dhac iyo boob ayaa xilligan waxaa ku habasaday abaar ba’an oo baad iyo biyo la’aanta dalka ka jirta awgeed waxay galaafatay nolosha dadka maatida ah sidoo kale waxa la’day xoolo u badan geesley.
Xaaladda abaarta waxa sii xumeeyay ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan ammaan la’aanta baahsan ee dalka ka jirta taasoo uu sababay Gumeysiga Dalka qabsaday, waxayna saameyn balaarani ku yeelatay bad iyo beriba iyadoo ay xoogeysatay burca-badeedii xilli ay Xeebaha Soomaaliya dhooban yihiin Maraakiib Shisheeye oo sheeganeysa inay nabadda Geyiga sugayaan.
War-saxaafadeedkan ayaa waxa kale uu ku baaqayaa in laga hor tago wax kasta oo sicir barar ku keeni kara bulshada Soomaaliyeed ee la liidata Nafaqo Darida, oonka iyo Cudurrada sida Shuban-Biyoodka ku faafay Goobaha ay ku sugan yihiin dadka maatida ah ee uu cadowgu soo barakiciyay.
Waxa kale oo uu Bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata uu ugu baaqayaa inay taageeraan gar-gaarna u fidiyaan walaalahooda ku dhibaataysan Gudaha Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii War-Saxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Samafalka ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara wuxuu ka codsaday Hay’adaha Samafalka kuwa Goboleed iyo kuwa Dowliga ahba inay gar-gaar Aadannimo la soo gaaraan Maatida Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolo badan oo dalka ka mid ah, ayaa lagu yiri war-Saxaafadeedkan.
Daabaco
U dir saaxiib



waa wax lagu farxo in kuwa weli ku harsan ka hadlaan Abaaro ama dhibaato umadda heysato, waxaase iga su’aal ah miyeysan ahaeyn ayaga kuwi diidanaa Dagaalka cdawga lagula jiro in lagu barbar wado Dadaal Nabad lagu Doonayo taasoo Dadka Soomaliyeed ku macneesteen in ay diidan yihiin xal ka dhasha Dalka Soomalaiya ayagoo fulinaya Siyaasadaha Ertareya ee ku aadan in aan Itoobiya marna fursad u helin dagaal ay ku qaado Ertareya
marka ma waxaa hadalkaan daba joogaa Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaliyeed oo dhawaanahaan ka hadlay sicir bararka ka jira Dalka Soomaaliya?!!!
waa layaab hadii umadda la rabo in warar macaan oo magac doon ah lagu marin habaabiyo Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed ayadoo dhab ahaana la fulinayo Eretareya Siyaasadeeda
asad | Aug 28, 2008 | Reply
SHACABKA SOMALIYOW DULI AAN ILAHY IDIN SAARIN HA ISA SAARINA
dhaman akhristayaasha sharafta leh iyo warbaahinta dabacda maqaalkaygan waad sallaamantihin.
anigoo ah muwaadin somalilander ah waxa igu kalifay inaan qoro maqaalkan ka dib markaa war baahinta ka arkay dumar somalia u dhashay o ay fara xumeyeen ciidamada amisom iyo ethiopia qarkoodana ay ubad ka dhaleen.
dadka rer somalia waxa idin haysta guumaysi dadkiina, diintiina, iyo dalkiina ba raba inay dhallan rog ku sameeyaan.
Ciidamada shisheeye ee haysta dalkiina (somalia) ha ahaadaan ugaandhis ama ethiopia ama ha sitaan magaca AMISOM.
dhamaantood waxay ka siman yihin dhaqan xumo aanay dadkiinu dhaqan u lahyn.
wxan idnkula talin laha madama oo aad tihin dad aanu diin iyo afba wadaagno inaad ka tashataan sidaad dalkeena uga saari lahydeen guumaysiga idin haysta. naftiinana ugu hibayn lahaydeen sidii xornimo iyo mustaqbal fiican uu u heli lahaa jiilashiina soo kacaya iyo kuwa aan weli dhalan soona beegan mustaqbalku.
Wax yaabaha ay ciidamada shisheeye kawadaan dalkiina maha wax qof diin iyo iyo dhaqan lahi uu eegan karo.
waad ogtihin in dumarkiinii iyo caruurtiinii loo qaybiyay badh la laayo iyo qaar ay ka dhalaan ubad xaran ah.
waxa wacan inaad qabyaalada diciifka ah e aan meelna gaadhsiisanyn iska dhaaftaan kana tashataan sidaad ayihiina iyo mustaqbalkiina uga tashan lahydeen.
taana waxaad ku gaadhaysaan markaad daacad isku noqotaan ee aad badbaadisaan ninkiina aqoonta leh aydaan u eegin waa rer hebel iyo xukuumaduu u shaqeeya.
waxan odhan kara manta intaad nin cilmi iyo aqoon leh aad iska disheen way ka badan yihin inta cadwgu idinka laayay.
Gebogebo, gacmo wada jir bay wax ku goyaan rer somaliyoow waxa wacan inaad fahantaa meesha laydinka haystaa inay tahay rer hebel ina xukumi maayo iyo anaa laandheere ah taasina ay sababtay in cadawgiinu si yar idiin kala qaybiyo.
mohamed ibrahim
mbashe30@yahoo.com
mohamedbashe@somaliland.com
malaysia
mohamed ibrahim` | Aug 28, 2008 | Reply
WAXAAN LA YAABAY SIDA DIDA UU ASAD U ARGAY RAGAAN ASMARO IYO WEBSAADYADOODA SIDA BEERDHIGA , DALKA NEW WAR IYO QAAR KALE WAR WAQTIQEE LA MAREE HADAAN IDINKA AQBALNAY IN INDHACADE OO WADAAD NOQDAY MA WAXAAD RABTAAN WAX INTAA KA BADAN DAWACADII MACAL U BARATAY MACLUUL BAY U BAQDIN TOONTAA WALEE WAX BADAN OO RIYO AH MA HESHAAN EE XAQA EEBBE HA IDIN TUSO.
waxgarad | Aug 28, 2008 | Reply