C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo Hor tagaya Baarlamaanka

khilaafka-labada-nin.jpgC/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa maanta lagu wadaa in ay ka hor akhriyaan xubnaha Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya Qodobada Heshiiskii ay ku soo wada gaareen Magaalada Addis Ababa Xarunta Dalka Itoobiya. 

C/laahi Yuusuf oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Baarlamaanka ka hor aqkhrin doonaan waxay isaga iyo Nuur Cadde ku soo heshiiyeen, isaga oo inkiray in mooshinka Baydhabo lagu hayo ee la xiriira ridida Nuur cadde aysan ka soo wada hadlin isla markaana ay tahay waxa ay labadooda isku hayaan waxa uu ku tilmaamay “sharciga”.

  

Khilaafka labadan nin ayaa sii minjo xaabiyay howl maalmeedkii iska tabarta yaraa ee ay qabsanaysay DFKMG ah iyada oo sidoo kalana is-qab qabsi siyaasadeed ka dhex abuurtay xubnaha Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Baydhabo.

  

Ma cadda ilaa iyo hadda sida ay ugu qanci doonaan Xubnaha Baarlamaanka Heshiiska labada nin ay soo wada gaareen iyada oo maalmahanba ay ka soo baxayeen xubno ka mid ah Baarlamaanka inaysan waxba iska khuseyn Mooshinkooda la xiriira ridida Nuur Cadde iyo Heshiiska laga dhex wado C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo