Baaritaano Maalintii 2 aad ka Socda Wadada Sayidka
By Somalimirror on 28 Aug, 2008 2:50 PM in Main, Wararka
Baaritaano xoogan ayay ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ka wadaan maalintii labaad isgoyksa Jidka Sayidka ee Degmada Hodan.
Gaadiidka iyo dadweynaha kala duwan ayay ciidamadu baaritaano xoogan ku sameeyaan ,iyaga oo dadka gaadiidka ka soo wada dajiya ka dibna ku sameeya baaritaan qof qof ah.
Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ciidamadu baaritaanadan u sameynayaan, marka laga reebo in saraakiisha ciidamadu ku warbixiyaan in baaritaanadu qeyb ka yihiin sugiga amaanka guud ee deegaanka.
Warar dheeraad ah lagama hayo in ciidamadu gaadiidka iyo dadka rayidka ah ee baaritaanada ku sameynayeen kula kaceen dhibaatooyin dheeraad ah.
Wadooyinka qaar ee sida aadka ah ciidamada DKMG ah ugu sugnaayeen ayaa ah kuwo ku sii yaraanaya marka laga reebo agagaaraha xarumaha waa weyn ee madaxdoodu ku sugan yihiin.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo