Xubno ka mid ah Baarlamaanka DFKMG ah oo la weeraray
By Somalimirror on 27 Aug, 2008 7:35 AM in Main, Wararka
Xalay fiidkii ayaa Dabley Hubaysan oo aan haybtooda la garanay waxa ay weerar Bambaano ku qaadeen Hoyga xubin ka mid ah Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya oo lagu magacaabo Max’ed Xuseen Raage xili uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay.
Weerarkan ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 2 will oo mid ka mid ahi uu dhalay ninka lagu magacaabo Max’ed Xuseen Raage, iyada la sheegayo in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay weerarkaasi oo ku sugnaa hoyga la weeraray.
Lama garanayo illaa iyo hadda cidda weerarkaasi qaaday, balse waxa ay ka mid yihiin weerarada Joogtada ah ee Baryihii ugu danbeeyay lagula beegsanayay Xubnaha ka midka ah Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya.
Weerarkan waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo habeen hore sidan oo kale weerar Bambaano lagu qaaday hoy ay ku sugnaayeen Cusmaan
Lama kala sheegi karo illaa iyo hadda in ay weeraradani xiriir la leeyihiin khilaafka ka aloosan Baydhabo ee la xiriira C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde iyo in kale.
Magaalada Baydhabo oo ah Magaalada kaliya ee ay sida rasmiga ah uga taliso DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayaa waxa uu amaankeeda noqday Bilihii ugu danbeeyay mid fara ka baxay.
Daabaco
U dir saaxiib



ialahi balaayo haku rido oo ha baabiyo ma’ahan xildhibaano ee waa xilmadhibaan
mmc | Aug 27, 2008 | Reply
ASCWW ILLAAHAY HA U NAXARIISTO INTA MUSLIM AH EE KU DHIMATAY MASIIBADAA WAXAAN AAD UGA XUMAHAY NINKA SHICIBKA IYO ADEEGAHA SHICIBKA WUXUU DOONO HA AHAADEE BOMKA LA DHACAYA WAA CADAW SOMALIYED ARAGTI AHAANA WAA WAX ILLAHAY IMAANKA KA QAADEY WAXAAN DHIHI LAHAA UMMDDA SOMALIYED ILLAHAY HA IS FAHAMSIIYO HAKHANA HA TUSO .
Talmma | Aug 27, 2008 | Reply