Wiil Yar oo Soobe Lagu Dilay
By Somalimirror on 27 Aug, 2008 3:32 PM in Main, Wararka
Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ayaa maanta Wiil yar ku toogtey agagaarka Isgoyska Soobe ee Degmada Hodan. Wiilka yar ee askarigu toogtey ayaa xilliga uu la tooganayey ku guda jirey Baco Iibin oo ku raadinayey wixii nolal maalmeelkiisa ku maareyn lahaa. Lama oga ujeedka rasmiga ah ee askarigu u toogtey wiilka yar, balse wararka halkaa laga helayo waxa ay sheegayaan in uu ka dalbadey bacaha uu iibinayey balse markii uu u soo dhawaadey uu toogtey. Dilalka micno darada ah ee sida joogtada ah loola beegsado dadka rayidka ayaa ah kuwo mar walba ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMH ah ku kacaan, arintaas oo dhibaato weyna ku ah rayidka. Mana markii ugu horeysay ee arintan oo kale la gula kaco dadka rayidnka, waxaana u sii dheer Dhac, bur burin hanti iyo barakicino si joogto ah loola beegsado.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo