Wakiilkii UNHCR oo 3 Bilood ka dib la Siidaayay
By Somalimirror on 27 Aug, 2008 8:03 PM in Main, Wararka
Madaxii Hay’adda Qaxooti Aduunka UNHCR ee Magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Cali Kaynaan oo muddo 3 bilood ah afduub loo haystay ayaa galabta abaare 05:00 galabnimo xoriyadiisii dib u healay kadib markii ay dadaal weyn u galeen Q.M iyo odayaal ka mid ah waxgaradka Gobolka Banaadir.
Wakiilka UNCR ee caasimadda Soomaaliya ayaa la afduubtay 21-kii bishii June ee lasoo dhaafay xilli uu ku sugnaa Deegaanka Ceelasha Biyaha wuxuuna gacanta kooxda afduubtay ku jiray muddo 3 bilood ah.
Xassan Maxamed Cali ayaa sheegay in la siidaayay ayada oo aan laga qaadan wax madax furasho ah wuxuuna sheegay in siidayntiisa ay ka qayb qaateen dad farabadan oo ay asaga asxaab yihiin siidayntuna ay ku soo gabagabawday wada hadal dhex maray afduubayaasha iyo dadkii ololaha ugu jiray in lasiidaayo.
Wakiilka ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay isla markaana kooxdii haysatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay ka daaweeyeen dhaawacyo soo gaaray markii la afduubayay.
Sidoo kale Mas’uulkan ayaa cabiray farxadda uu qabo mar hadii asaga oo badqaba uu dhex yimid qoyskiisii oo uu ka maqnaa muddo bilo ah.
Mar lawaydiiyay Mas’uulkan in uu dib ugu laabanayo shaqadii uu u hayay Hay’adda UNHCR ayuu sheegay in uusan hada bixin Karin wax tafaasiil ah oo ku saabsan arrintaas wuxuuna sababta loo afduubay ku macneeyay fahan xun oo laga haysto Hay’adaha hoos taga Q.M.
Saraakiisha u shaqeeya Hay’adaha Q.M iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawl-gala Soomaaliya Gaar ahaan gobolada Koonfureed ayaa waxaa soo wajaha khataro kala gadisan oo isugu jira dil dhaawac iyo afduub kuwaas oo aan si rasmi ah loo garanayn cidda ka danbaysa iyo sababta ay u beegsanaysa toona.
Daabaco
U dir saaxiib



WAXAAN DHIHI LAHAA SOMAALIYA WAA IN LAYS KAASHADAA SHICIBKA IYO DADKA NABADDA JECEL INAY NABADA KU DADAALAAN IS IXTIRAAMKA NAFTAADA WAXAA XARAAN AH IN AAD QOF DISHO DHACDO XAQIRTO WAXAA LOOGA GUDBAA IS KAASHI IYO IS AAMINID XAGA ILLAHAY AH DADKA SOMALIDA WALAALO YIHIIN DARIS XAQ DHAWR IS JECLAADAAN ISKU DUUBNAADAAN AYLEEYIHIIN HAL CADAW AMMAANKANA LA SUGAA SI WADA JIR AH
Talmma | Aug 27, 2008 | Reply