Waan-waan ka socota Baardheere

ciidamo8.jpgIlo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dadaalo waan-waan ah laga dhex wada xoogaga Islaamiyiinta iyo Maleeshiyada Barre Hiiraale oo la xiriirta sidii ay labadaba aysan ugu dagaalami lahaayeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. 

Odayaasha Deegaanka ayaa la sheegayaa inay kulamo aan toos ahayn la qaateen labada dhinaca isla markaana ay isla gaaray is-faham hor dhac ah oo la xiriira in ay labada dhinaca ciidamadooda kala baxaan gudaha Magaalada Baardheere waa sida uu ku soo waramayo wariye madaxbanaan oo ku sugan Degmada Baardheere.

  

Ciidamada islaamiyiinta aya iyagu la sheegayaa in ay Magaalada uga baxeen meel u jirta 5 km, halka Maleeshiyada Barre Hiiraalana ay uga baxeen Magaalada meel u jirta 3km.

  

Ma cadda illaa iyo hadda sida ay u aqbli doonaan dadaaladan la sheegayo in ay wadaan odayaasha deegaanka oo hadda is-faham hor dhac ah la gaaray labada dhinac.

  

Arintani ayaa ku soo beemaysa ka dib markii shalay ay Magaalada Baardheere dhex wareegayeen ciidamo kala duwan oo kala taabacsan labada dhinaca kuwaas oo marba qolo ay imaanaysay.

  

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

14 Comment(s)

  1. waxaan salaamayaa umada muslimiinta ah gaar ahaan soomaalida muwaadiniinta ah aniga oo ah muwaadin soomaaliyeed una dhashay gobalka gedo waxaan taageersanahay in baardheere lagu maamulo shareecada islaamka dabcan cida ku maamulaysaana waa mujaahidiinta ee waxaan oran lahaa hiiraale iyo inta raacsani waqtigoodii wuu dhacay midakale hiiraale waxaan kulatalin lahaa in uu labada saf ee maanta isku haya siyaasada soomaaliyeed mid ha ku biiro ama gaalada itoobiya iyo dabadhilifyada afsoomaaliga ku hadla ama mujaahidiinta soomaaliyeed waxaan cadaynayaa hadaan nahay dhalinyarada gobalka gedo in aanaan aqbalidoonin hiiraale haduu islaamaka ka horyimaado

    abuucubayda | Aug 27, 2008 | Reply

  2. waa fiicantahay talada odayaasha deegaanka laakiin mala aamini karaa xildhiban bare hiiraale in uu uhogaansamo oo kamid noqday dadka deegaanka waayo waxoo diiday tii kismaayo laga dhaxwaday marka see loogu qancin karaa in uuyeelo iska joog gurigaada oo sinabad ah kujoog mase waxuu rabaa in uu iska soo abaabula oo waxuu sugaa fursad oodib ugula wareegi karo baar dheere dhinaca kale walaalaha mujaahidiinta ah waxaan kula talinayaa iska ilaaliye balamaha been abuurka noqon karowaayo bare waa hogaamiye kooxeed hogaamiye kooxeedna balan malaha yuusan idiin kadinin tan kaleodayaasha deegaanka iyagana ilaah haka baqeen ooxaq hasheegeen haba lagu dilo waan ogahay in dhib badan kaimaan karo laakin qulilxaq walookaan maroor xaqasheeg haba kaqraaraada dacaarta ama sibirka qof walba sidoo uyaqaan marka bare hadoo ula muuqda inuu qaldanyahay ha usheegeen oodhiib hubkaan kuna noqo baarlamaankii ijireeyda oobeydhaba fadhiyay hadii mujaahidiinta waxkaqaldanyihiin ha usheegeyn oowaxaa waaqalad haku yiraahdaano ma umaleynaayo in waxbadan kaqaldan yihiin waayo aas aaskooduba waakalimatulaahi hiyalculyaa war qabiil wax mataro waana soo aragnay in aan qabiil waxtarin walaalayaal aan ku walaaloona diintayna macaan oogaalada lajihaadna waan ognahay inodayaal ugurbaan tumayaan in bara lagu taageero dagaal rogaal cilis ah wax macna ahna makeeni doona waxaa wax lala yaaba ah markey amxaaro dhulka islaamka qabsatay hal oday oowiilasha beeshiisa udiray malaheyn hadana waxaaloodiyaarinaa in kismaayo lagusoodilo ama oowaxsoodilo walalayaal wiilkaas waxaalooga baahanyahay baydhaba haloodiro kismaayana qof walba oomuslim ah ayaa taladeeda wax kuleh eetala halagu raadiyo laakiin qofkii isbaaro u ordaayoo kajoog isbaaro waaladiiday alaah waxaan waydisaneynaa in xaqa nagu suga baadilkan nagasuuliya gaalada alaah hajabiyo muslimkana alaah haguuleyo aamiin aamiin

    maxamad muxumad caraaye | Aug 27, 2008 | Reply

  3. salaanta xaqa ah kadib,waxaa i soo gaaraya warar sheegaya in nimankii maamulkii cabdullaahi yuusuf ee uu u soo magacaabay gobolada labada jubbo ay weli joogaan ayagoo dadka ay isku haybta yihiin ee xagga maxkabadaha ah wada shaqeyn tolnimo ka dhaxayso,marka haddii ay taasi jirto waxa barre hiiraale loo cayrsanayo waxaan u arkaa baroortu orgiga ka weyn,waxaan kaloo u arkaa in ay fidno wax walba ka weyn kana qatarsan middii qabqablayasha iyo qabaailada ay fooda nagu soo hayso,waxaan leeyahay yaan hab qabiil loo isticmaalin wanaaga waayo wanaagii wuxuu si degdeg ah isu bedeli dulmi keena inuu galaafto kumanyaal maanta nool,waxaan ku soo gabagabeynaya xaqa dhamaantiis allaha kor yeelo wixii ku lidana allaha jebiyo.

    faysal | Aug 27, 2008 | Reply

  4. waxaan salaamaya ummadeena islaamka ah,salaan kadib waxaan maqlay raggii ka midka ahaa maamulkii dowladda cabdullaahi yuusuf ee qaar kamida gobolada labada jubbo u soo magacaabay ayaa hadda wada shaqeyn ka dhaxaysaa maxkabada qaybtooda dhulalkaas joogta,marka haddii taasi jirto miyeysan arrinka barre hiiraale lagu cayrsanayo u ekaanaynin baroortu orgiga ka weyn,waxaan u malaynayaa in ay masiibo weyn nagu soo fool leedahay haddii xaqa iyo xaqdarada laysku qaso,qabyaaladuna noqoto wax dariiq walba loo adeegsado,ragga ahludiinka ah haddii fidno ka weyn tii qabqablayaasha aad u horseedaan ummadaan awal dhibaatada la ildarneyd ayaan hiil danbe ka sugi doonaa?,waxaan ku soo gabagabeynayaa baryo aan ilaah ka baryayo in dhibaatadaan aan dhamaadka lahayn uu soomaali ugu bedelo nabad,is afgarad iyo midnimo waarta aamiin.

    faysal | Aug 27, 2008 | Reply

  5. beerdhiga seey u toosanyd way so xumaanaysaa markay bilaawday ineey ku hadasho erayaday isticmaalaan yuhuuda iyo kuwa la jira sida kalmadaha (ISLAAMIYIINTA)ay had iyo goor caanka ku yihiin mediaha gaalada oo soo kama wanaagsanaateen inay qoraan xoogaga xaq u dirirka?!!!!

    Adoon ALLa | Aug 27, 2008 | Reply

  6. odayaashu waa dadaalayaan laakiin mujaahidiinta malahadli doonaan midkamida murtadiinta bariga africa jawaabtu waa maya. mujaahidiinta go.aankoodu waa inaysan marna wada hadal lagalin murtadiinta saliibka garabtaagan . barrana wuxuu xaq uleeyahay gowrac oo kaliya

    cazaam | Aug 27, 2008 | Reply

  7. salaamun caleykum waraxma.

    Walaalkay cazaam waxaan kaaga naseexaynayaa in aadan ku degdegin gaaleysiinta ama gaal ku sheegida bare hiiraale iyo dhammaan qabqablayaasha soomaaliyeed waayo weli maan arag meel culimada soomaaliyeed fatwo kaga soo saareen lagu gaaleysiinayo nimankaa.

    Ogowna in aan mujrimiintaa dagaal kula jirno iyaga iyo gaalada ay dhulka keeneen,laakiin walaalkayow qofka hebel waa gaaloobey in la yiraahdaa waa meselo aad u dhib badan ee ka waantow.sc wr wb

    darwiish | Aug 27, 2008 | Reply

  8. Asc,aldarwiish walaal nimankan xabashida macatabta ku dirirka ah soo garwaday ee diinta,dadka iyo dalkaba kusoo duulay xukunkooda waa murtadiin diinta banaanka ka ah waxaana sidaa fadwooday culimadeena cilmiga u saaxiibka ah ee ay ka midka yihiin sh.cabdinuur iyo sh.cumar faaruuq sanadkii 2007 bilowgiisa waxaana lagu soo qoray web.badan oo ay ka mid tahay qaadisiya,fatwa cinwaankeedu ahaa gaal ninkii kaashada gaal waaye sh.cumar faaruuq marka walaal kuwaas maanta ka dib yuusan shaki kaa galin tan kale quraanki ayaaba ku leh ninkii gaal ka wali yeesha ayaguu ka mid yahay ama qofkii ka horyimaada isku xukunka kitaabka alle waa gaaloobayaa marka hadaysan kuwaasi gaalo ahayn maxaan oola diriraynay ilayn qof muslim ah ma banaano in dhiigiisa la daadiyo

    Deeq | Aug 27, 2008 | Reply

  9. URURKA ALSHABAAB OO KA MIDA ARGAGAXISADA DUNIDA WAXAY BILAABEEN INAY HAATAN QABIIL KU DUULAAN OO AY XASUUQAAN TAASOO UMADDA NABADA JECEL U CADAYNAYSA IN MEESHU AYAN DIIN KU SOCON EE DIINTU TAHAY WAX LAGU GABADO, WAA FIRQO BIDCA AH OO KA MIDA 71 EE GAALADA LA MID AH,WALAAHI ADUUNYADANA CADAAB BAY KU JIRAAN AAKHIRANA CADAAB DARAN, LAAKIIN SOOMAALI WAA IN AY ISKA QABTAAN OO KA HORTAGAAN HADDII KALE DHIBAATADAY U SOO JIIDAAN WALIGOOD KAMA BAXAYAAN>
    WABILAAHI TOWFIIQ

    mirocood | Aug 27, 2008 | Reply

  10. Salaama Calaikum,

    Walaalayaal haddii la ii oggolyahay inaan wax yar oo fikirkayaga halkan ka dhiibo, walaal waxaan qabaa in ninka Barre la yiraah, uu dambe ballaaran ka geystay dadka, dalka iyo khaas ahaan diinta Islaamka, waddanka Soomaaliya waxaa gaalo lagaga badbaadiyey dhiigi muslimiinta ee hore, maanta mujrimiin hungurigooda uun u muuqda, ayaa gaaladii weligeen yurta aanu ahaynay, si sahlan ku soo hoggaamiyey waddankeena, iyagoo kumiyaal jeebka looga buuxshay. Darwiisho walaal Barre iyo waxaa la dhaqan ah muslim iskuma sheegi karaan, waa murtad diinlaawa ah, ee Mujaahidiinta ayaga ayey u taala waxay ka yeelayaan.

    Asha | Aug 27, 2008 | Reply

  11. Asalaam caleykum, marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan umada somaliyed, waxa layaab igu ah in weli somalida aysan ka caqliyeysan digaalka qabaa’ilka. qabsashada Kismaayo wax macna ah masameyneyso waayo somalia oo idil ayaa laheystaa marka waxay ku habontahay inaan udigaalano sidaan wadanka u xoreyn laheyn mar labaad balse waa ayan daro weyn inaan angii isku soo laabano. Barre Hirale iyo Indhacade waxba isma dhamaan waa laba qab qable, kuwa qabsaday kismaayo iyo kuwa ay ka qabsaden waa laba qab qable midna diin kuma uusan dhaqmin xitaa hadii uu isagu sidaa sheegtay waxa uu ku hadlay wax uuusan faleyn. qofkastana camalkiisa ayaaa horyaal qiyamaha.
    Barre Hiraale waxaan leeyahay: Hadii aan nahay Reer baardheere Diyaar uma Nihin inaan qabiilada kale kaa qabsadeen kismaayo aan weerar ku qadno ama aan maanta qabiil somali ah weerarno waxaan ku jirnaa sidan amxaarada uga saari laheyn dalka marka Barrow hadii aad Rabto baardheere si nabad gelyo ah ugu Noolow adiga oo aanan cidna weeerar ku aheyn cii kuugu timaadana wanu kuugla jihadeynaa lakin ku ogolaan meyno abaabul ka dhan ah xassan turki iyo qabiilkiisa.
    Asc.

    Waayo Arag | Aug 27, 2008 | Reply

  12. ASC

    Walaalayaal, odeyaalka yaan lagu kedsoomin. Waa kuwa laga hayo Calina gar leh, Ceydiidna gar leh. Beledweyne waxay maxaakimta ku sameyeen waa laga ogaa. Odeyaalka waa tuugo maalinba meeshii kafada u raajixan tahay raaca. Mabd’a laawayaal waaye. Waxay ka ugaarsadaaan biyaha cakiran. Walalayal, ha aminina kuwa odey isku sheegay oo berritona cadawga kugu soo hogaaminaya. Barre waa murtad, yaan caadifad qabiil idin qaadin ee la jihaada, waa nin yahuud la dhashayee. Walaalayaal, sidii mujrimkii Caato uu idinkaga fakaday, kan yuusan idinka fakanin. Odeyaalka laftigoodi ka bilaaba hadday ka dhexbixi waayeen arrintan lagu ugaarsanayo. Kismaayo ma galeen gacanta mujaahidiinta haddii odeyal la dhowri lahaa. WSC

    Abu Munsif | Aug 27, 2008 | Reply

  13. ASWW waxaa qalad aan u arkaa kalmada (GAAL) ah luqad ahaana ma aha in aan ku hadlo waayo ruux kasta oo somali ah wuxuu ku dhashay tawxlldka wuxuu igu leeyahay ixtiraam xaga muslimnimada dambigiisa illaah ayaa kala xisaabtamaya ruuxii muslim ah wuxuu u yahay illaah iyo nafsadiisa ma ah in laysku ciriqsado , haddaba diinteena waa mid laysu nasteexeeyo had iyo jeer ruuxkasta oo islam ah waxaa ku waajiba in si naxriis leh oo wwanaagsan inuu ruuxa islamka ugu sheega camalka wwanaagsan, sidoo kale hadaad aragto qalad hasamay Amar deg-deg ah wax kaaga wwanaagsan adoo yiraah si carro aan ku jiri (ADOO IGA RAALI AH WAXAA KHEYRKA KU JIRAA ADIGOO SIDAA KU DHAQAAQA) haddii uu kaa qaadan ha carroon ku dheh illaah ha ku soo hanuuniyo, saxiib azzam ha deg- degin dambiga iska ilaali waxa somaliya ka dhacay waa masiibo aan raali ka ahayn dadkan xabashida keenay waxay galeen dambi qaran xabashida iyo wixii mas’uul ka ah dhibka somalida waxa dhacay qiimaheeda ayey bixin doonaan haddii illaahay yiraah.

    cajami | Aug 27, 2008 | Reply

  14. ASWW barre hiiraale iyo maleeshiyadiisa maxbuus halaga dhigo haloo furro collegge school quraan oo leh cuno iyo cabid la seexdo leh maskaxdooda fareesh ah bulshada lagu soo celiyo hana laga ilaaliyo wax ka qeyb qaadasho ah .

    Talmma | Aug 27, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo