Puntland ma la Badbaadin Karaa?

Puntland  ma la Badbaadin Karaa? 

Waxaa muuqata in Maamul goboleedka Puntland uu maanta  ku jiro marxalad adag oo aan horay loo arag taas oo dadka intiisa badan ay Maanta ka raja dhigeen xitaa in la badbaadin karayo, lakiin waxan qabaa in la dabaqaban karo dhibaatada maanta  ka jirta Puntland oo dib loo sixi karo haddii loo maro qaab wanaagsan.

  Ma rabo inaan dib ugu laabto wixii uu gobolkani ahaa iyo sidii uu ku dhismay taas oo aan u arko mid dadkoo dhami ay wada ogyihiin, laakin arrinta xusida u baahani waxay tahay in dhismaha  maamulkani ahaa mid ku yimid rabitaanka dadwaynaha gobolka oo taas  u huray dhaqaale, fikrad iyo waqti fara badan, taas oo markaa macnaheedu yahay inay tahay hanti ummadda oo dhan u dhaxaysa.                           Iyadoo ay sidaa tahay haddana waxaa muuqata in dawlad goboleedka Puntland ay maanta noqotay meel u rahman caqliga iyo talada dhowr qof oo lagu tilmaami karo burcad shabbad wadata, kuwaas oo haadaan ka tuuray qiimihii gobolka lagu yiqiin gaar ahaana dhinaca siyaasadda, ammaanka iyo siyaasadda intaba.                                  Arrimahaas oo dhan waxaa tusaale noogu filan lacagaha faraha badan ee mararka kala duwan lagala baxay khasnadda dawladda, dhaqaalaha  faraha badan ee ka soo xerooda ilaha dhaqaalaha iyo mushaar la’aanta haysata shaqaalaha  iyo ciidamada dawladda; iyo sida Cade, Afqurac iyo Gaagaab ay dhaqaale iyo awood kasta ugu bixinayaan inay aamusiyaan  cid walba oo arrimahaas soo hadal qaada.                                            Dadwaynaha  gobolka waxaa maskaxdooda ka go’i wayday halka ay Cade iyo Gaagaab dhigeen dhaqaalaha dadka ka dib markii ay si cad heshiis ula galeen qolo burcad ah oo dibadda ka soo duulay oo wata makiinad lacagta lagu sawiro, waxaa yaab  lahayd in kooxda makiinada wadata ay la galeen Cade heshiis  qoraya inuu leeyahay kala bar lacagta la daabaco, taas oo aynu wada ognahay halka ay gaaray dhibaatadii arrintaas ka dhalatay.

Ammaanka  gobolku wuxuu galay heerkii ugu hooseeyay inta la ogyahay jiritaanka Puntland, waxaynu ognahay in gobollo dhan ay ka baxeen gacanta maamulka haddana uusan dan ka lahayn, burcadda bad iyo berriba haraysay ee tabarta  loo waayay, xabsiyada maalin kasta laga  yaacayo ama xoogga lagu gelayo maxaabiistana lagala baxayo.

Siyaasad ahaan gobolku wuxuu noqday mid jahawareesan oo aan lahayn istiraatijiyad siyaasadeed oo qeexan, M/waynuhu markuu siyaasadda  Puntland soo qaado wuxuu caado ka dhigtay inuu ku celceliyo ”annagu waxaan ka mid nahay dawladda federaalka” weligiisna  ma soo  qaadin siyaasad cad oo gobolku ka leeyahay arrimaha dalka, kuwa gobolka iyo caalamka oo madaxbannaan.                                Markii la doortay Cade Muuse dadku waxay u qaateen in laga baxay dhibaatadii uu maamul goboleedka  u gaystay ninkii isaga ka horreeyay C/llahi Yusuf, laakiin taasi dhab ma noqon waxayna noqotay kud  ka guur oo qanje u guur.

C/llaahi Yusuf wuxuu hadda  iska dhigaa inuu ka horjeedo Cade Muuse oo uusan rabin inuusan kursiga ku soo noqon, lakinse waxaa  la ogyahay in Cabdulahi Yusuf uusan doonayn qof kale inta uu isagu sii joogo Federaalka. Iyadoo xaalku sidaas yahay haddana  maxaa loo qaadan karaa haddii Saddexda nin ee la haray maamul goboleedka Puntland ay haddana doonayaan inay weli u hanqal taagaan gacan ku haynta maamulka shanta sano ee soo socota, ma waalli mise miyirqab maxaynu ku sheegi karnaa?Waxan la yaabaa markaan boggaga internetka ku arko jaaliyadaha Puntland ee dibadda oo u dabaaldegaya ”Puntlnad oo toaban jirsatay” oo xafaldo iyo hambalyo ka hadlaya, waa munaasabad qiima leh oo mudan in la  xusuusto, lakin waa yaabe jaaliyaduhu sow ma oga inaan arrintaas laga soo hadal qaadin gudaha Puntland oo dadkii mudnaa inay xusaan maamul iyo shacaba ka  xishoodeen xaaladda  ay Puntland  ku jirto iyo fashilka maamul ee dhacay awgood?.                                  Maalmihii la soo dhaafay wuxuu bilaabay Cade Muuse inuu yiraahdo Shirkad Jebel Cali ayaa ku wareejiyay  dekeda iyo garoonka  Bosaso, taas macnheedu waxa weeye  oo keliya inuu dadka maskaxdooda geliyo janno ayaa la galayaa. Lakin xilligan dadka ku dhaqan Puntland way ka gudbeen maaweelada carruurta oo kale ah ee uu ku hadaaqayo ina Muuse Boqor.            Waxaa la hadal hayaa in doorasho dhacayso, laakiin ma la eegay qorshaha ay wadaan saddexda nin ee burburiyay Puntland waa Cade, Afqurac iyo Gaagaabe, riyadu waxay tahay in gar iyo gardarraba Cade ku soo noqdo kursiga, ama uu sii fadhiyo doorasho la’aan, tan hore waxay ku suurageli  kartaa inuu fataho lacagta faraha badan ee uu ururiyay afartii sano marka uu soo dhowaado waqtiga  doorashada.

Laakiin taas mugdi ayaa kaga jira inay suuragal noqon karayso, markaa waxay taladu noqotay in dalka  la geliyo qalalaase iyo ammandarro, waxaa la rabaa in lagu duulo L/caanood waqti dhow, ujeedadu waxay tahay in meesha laga  saaro fursad isbeddel lagu hawaysto, xitaa haddii la heli karo in ciidan aan badnayn lagu duulo ka dibna Garowe ay gacan gasho ama ugu yaraan laga qaxo waa  mid meesha ku jirta.                                      Labadaas mid kasta  oo ay noqotaba dadku marna ma aqbali doonaan in maamulka hadda jiraa  uu dib uga  taliyo Puntland, xitaa haddii Cade Muuse lacag bixiyo oo loogu  shubo dadku ma aqbali Doonaan haba yaraatee, maxaa xal ah marka si Puntland loo badbaadiyo.Aragtidayda dhowr arrimood ayaa suuragal noqon kara: 

  •  In dadwaynaha oo wadajira ay Cade iyo maamulkiisa ka horjoogsadaan dagaal waqtiga doorashada  ka hor lagu qaado L/caano ama meel kale.
  • In Isimadu arrintaas fiiro gaar ah u yeeshaan oo ay awood u yeeshaan xakamaynta Cade Muuse.
  • in ciidamada iyo dadwaynaha dulman lagu wacyigeliyo inaysan aqbalin kana qaybgelin dagaal la  galo doorashada  ka hor
  • in arrinta Sool loo daayo maamulka soo socda ee ku imaan doona doorashada.
  • In dhismaha Barlamanka cusub aanu ka dib dhicin bisha October 
  • In beeluhu ka  fiirsadaan xulista xubnaha Barlamanka  cusub oo laga feejignaado qof aan ammaano lahayn
  • in doorashadu dhacdo xilligeeda oo aan maalin lagu darin wax kasta oo dhaca.
  • in fiiro gaar ah loo yeesho hubka faraha badan ee uu diyaarsaday Cade Muuse.

Arrinta kale waxay tahay in dadka faraha badan ee xilligan u taagan inay isu rashaxaan hoggaanka Puntland ay noqdaan kuwo ka midaysan in la helo isbeddel iyo sidii loo badbaadin lahaa Puntland  si doorashadu aanay u noqon mid uu ka  faa’idaysto Cade Muuse. Dhab ahaan colaad gaar ah uma qabo ragga haatan gacanta ku haya hogaanka Puntland  laakiinse waxa arkaa dhibta haysta dadka masaakiinta ah ee sidii la doono loogu ciyaaray iyagoo haddii ay ka dhiidhiyaana ka baqaya inay arrintu uga  sii darto, laakiin hadda waxaa muuqata fursad ay dadku ku diidi karaan ama ay ku aqbali karaan waxa ay doonaan.                                          Si kasta arrintu ha noqotee Puntland waa la badbaadin karaa haddii arrimahaas aan tilmaamay la maareeyo, dhammaan dadka ku dhaqan gudaha Puntland iyo dibadana ay isu taagaan isbeddel macna leh oo lagu sameeyo Puntland, waxa laga  yaabaa in dad badan ay Cade Muuse taageero u hayaan iyagoo arrinta ka eegaya dhinaca danaha beesha, taaas ma xuma laakin waxan ku talin lahaa taas danaynaya looga  fadhiyo inuu golaha la yimaado qof wax ku ool ah oo u cuntami kara dadwanaha kana fekeri kara danta guud ee aan u jeedin oo keliya  buuxinta boorsooyinka Kanada laga keenay.                  Abdalla Haaji Mohamed. 

abdalahaji@gmail.com.

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo