MMIS oo Hawlo Burcad sifayn ah ka fuliyay G/Sh.hoose
By Somalimirror on 27 Aug, 2008 8:19 PM in Main, Wararka
Ciidamada MMIS ayaa galabta Hawlgallo burcad Sifayn ah oo ay ka fuliyeen Agagaarka Tuulada Yaaq-bariweyne ee G/Sh.Hoose ku dilay hal nin oo ka mid ahaa dableey isbaaraleey ah waxayna gacanta ku soo dhigeen 3 kale.
Wadada u dhaxaysa Degmada Wanloweyn ee G/Sh.Hoose iyo Degmada Buurhakaba ee G/Baay ayaa baryihii danbe waxaa ku soo badanayay Burcad dhibaatooyin kala duwan u gaysanayay Dadka iyo gaadiidka ku safra wadadaas.
Burcadda ayaa waxay dhibaatooyin isugu jira boob dil iyo kufsi ka gaystaan wadada taas oo walaac weyn ku abuurtay gaadiidleeyda iyo dadka ku safarka ah ee isticmaala wadadaas.
Dadka ku safra wadada isku xirta Sh.hoose iyo Baay iyo dadka deegaanka Yaaq-bariweyne ayaa si heersare ah u soo dhaweeyay hawlgalkan ay ku dhaqaaqeen xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan G.Sh/hoose.
Xoogagga MMIS ayaa hawlgallo noocan oo kale ah ka fuliyay wadada dheer ee xirrisa Gobolada Banaadir Sh.dhexe iyo Hiiraan waxayna suuliyeen jid gooyooyin fara badan oo ay dhigteen burcad dhibaatooyin ku haysay safareeyda adeegsada Wadadaas kuwaas oo si diiran u soo dhaweeyay tilaabadaas ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Maxkamaduhu.
Daabaco
U dir saaxiib



ASCWW AAD IYO AAD AYAAD UGU MAHADSAN TIHIIN ILAALINTA NAFTIINA IYO MIDA SHACABKA SHARAFTA LEH EE J/HOOSE QAADICIL DARIIQA MAXBUUS HALAGA DHIGO OO MAGAALADA YAAN LAGU DEEYN KADIBNA MASAAFURIYE MEESHU DOONO HA MARO UNA DIGA CID ALLA CIDII ISKU DAYDA QALALAASE IN AY MUDAN DOONTA SHARCIGA SIDUU DHIGAYO LAGANA ABAAL MARIN DOONO ANNAGAN DHINACA GAR-GAARKA XAGA CAAFIMADKA IYO GURMADKA MIYIGA IYO DARYEELKA CARUURTA IYO ISGAARSIIN BIYO I.W.M WEY IDIN SOO GAARAYAAN DHAWAANAHAN
Talmma | Aug 27, 2008 | Reply
maxaysan u tagin marko iyo shalambood iyo qoryoolay iyo baraawe waa tan isbaarada bal camal u daadsan tahay maxaase ka celinaaya mise jeneral indhacade isbaaradiisa lama qaado
ciise | Aug 28, 2008 | Reply