Max’ed Dheere “Maamulka G/Banaadir anaa Gobol-Notooro iyo Duqa Magaaladaba ka ah, inta nin la doortay igala wareegayana”

maxamed-dheeree.jpgMax’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ugu qaabilsan Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waraysi uu saaka siiyay Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo la xiriirta xil ka qaadistiisa iyo Haweynay la sheegay in ay canshuuraha uga qaadi jirtay Dekada Muqdisho taas oo uu shalay ka xeystay Taliye ka mid ah ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

 

 Max’ed dheere ayaa mar la weydiiyay in uu soo dhaweynayo go’aanka ay adis ababa ku wada gaareen C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ee la xiriira in isaga xilka laga qaado ayaa waxa uu sheegay in uu go’anka soo dhaweynayo balse aysan Jagadiisa meesha ka bixin.

 isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “wixii madaxdeenu soo gaarto oo go’aan ah aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa”.

  

“aniga Jagadeydii meesha ka bixi mee aad iyo aad ayaana ugu faraxsanahay in maanta Maamulka Gobolka Banaadir dadka xaq iska leh ee soomaaliyeed ay soo doortaan, anigana doorashadaas waan ka qeyb gali doonaa, aniga oo shacabkayga ka codsanaya in ay codkooda isiiyaan”.ayuu yiri Max’ed Dheere .

  

Sidoo kale mar la weydiiyay in uu filayay in lagu heshiinayo in maxamed dheere xilka laga xayuubiyo ayaa waxa uu sheegay “waana maleynayay, maxaa yeelay dad wax garta oo soomaaliyeed iyo kuwo Beesha Caalamkaba ka socda haddii ay isku tagaan arintaasna ay falaqeeyaan inay sidaas ku danbeyn doonto midaan sugaayay waaye”.

  

Max’ed dheere ayaa lahjad adag kula hadlay dad uu ku sheegay kuwii markii hore ku cam-caminayay in uu xilka dhiibo“kuwii markii hore arinta nagu cam-caminaayay waxay doonayeen in ay si gardaro ah oo aan cadaalada waafaqsanayn ay noogala wareegaan Maamulka xaq ah oo aanu hayno taasna waan iska diidnay”.

  

Max’ed Dheere ayaa difaacay in uu wali yahay Gudoomiyaha iyo Duqa Gobolka Banaadir isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Jago waan hayaa, maxaa yeelay Maamulka Gobolka Banaadir anaa Gobol-Notooro iyo Duqa Magaaladaba ka ah, inta nin la doortay igala wareegayana anaa ahaanaya ama anay ii rasmiyoobaysaa”.

  

Ciidamo la sheegay in uu soo diray Taliye ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo lagu magacaabo Yohanis ayaa shalay dekada weyn ee Muqdisho ka kaxeystay Haweynay Max’ed Dheere ugu qaabilsanayd canshuur uruurinta taas oo la sheegay in uu Taliyahu six un ula dhaqmay isaga oo Maxamed dheere ka hadlaya arintaasina waxa uu yir “gabadhaasi waxay ahayd Agaasimaha waaxda Dakhliyada kala duwan ee Gobolka Banaadir, ayadoo Dakada joogta ayaa laba Baabuur oo hubaysan oo ciidanka Itoobiyaanka ah u timid si sharci daro ah ayayna Dakada ku galeen, xafiiska lacagaha lagu qaadayayna ku galeen, dukumiintigiina ay ku qaateen, gabadhiina markii danbe waa la kaxeeyay, xoogaana lagu kaxeeyay waxaana guri loogu geeyay ninkii Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya jooga ee Itoobiya ahaa, dad waa la dacwayn karaa, gabar waa la dacwayn karaa, in xafiis dowladeed la geeyo ayaa loo baahanyahay, laakiin ninaan qabin inuu gurigiisa geysto arintaasi dadka soomaaliyeed xeer ayay ka leeyihiin arin aan raali ka noqonaynana ma ahan”.

  

Max’ed Dheere ayaa sheegay in uu arintani uga dacwoonayo Itoobiya isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “arintaas waxaan u gudbinayaa Dowlada Itoobiya, ninkaasuna takri fal cad ayuu sameeyay in Dowlada Itoobiya sharciga hor keento ayaana loo baahanyahay haddii la hor keeni waayana Beesha Caalamka ayaan ka codsanaynaa in ninkaasi wax laga qabto”.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

12 Comment(s)

  1. M dheere markii naagtiisii canshuuraha uqaadi jirtay, Ethopianku faraxumeeyeen ayuu afka labadii yeeray.Dabaalsanaa,dameersanaa,alla kuqaad,maxuu meelxun fariistay.laakiin naag lafaraxumeeyey asaga caadi utahay.Asaga laftigiisa ayaaba laga shakisanyahay.

    Wiifaal | Aug 27, 2008 | Reply

  2. Maxamed dheere, saaxib yaa isgaaray?

    Ma maanta ayaad ogaatay in aad warqadda musqusha General Yohannes aad ahayd?

    Hal gabadh baad ka hadlaysaa, war imisa hablood baa lagu xadgudbay?

    Weli maadan garan shaxda socota.

    Yusuf Aldarwiishi | Aug 27, 2008 | Reply

  3. Maxamed dheere inaad sidaan u calaacashid iyo inaad barax iyo carunka tikreega ka mayrtid adaa iclaamiyay saaxiib ee maanta ka lis adigana ku xiga oo xabiska itoobiya yaala ayaan allah ka rejaynayaa inshallaah, ilayn aqoon la,aan amxaaro garanwayday oo sokeeyahaba kaala qaalisane. Ninku doqonsanaa seefta ayaa qoorta kaasaaran adiguna gudoomiye iyo waa lay dooranaa ayuu ku calwasaadaya. Ninaduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban.

    daacad | Aug 27, 2008 | Reply

  4. maxamed dheere in aad oyso ma ahan waa walaha itoobiya marka cabadka daa ee adkayso nin adkaysi lehna noqo

    cade | Aug 27, 2008 | Reply

  5. ala maskiinsanaa maxamaed dhere
    gabadha uu leyahay waa la kufsaday
    ma adeer buu u ahaa

    jamal | Aug 27, 2008 | Reply

  6. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa” af nool waa hadlaa Eyna waa ciyaa” Maxamed-dheere damiirkiisu wuxuu ku siman yahay ayuu faahfaahiyay kaliya ee wax kale ma sheegin,dadnimadaadii,diintaadii,dalkaagii dadkaagii iyo damiirkaagii saw kumaad doorsan halka aad maanta leedahay: nin aa igu xad gudbay ethiopian ah: kaaga sii darane adigoo jooga caasimadii Soomaaliyeed oo waliba sheeganaya in aad tahay ninka gudoomiyaha ka ah mayor kana ka ah! ceebeey tacaal,waar ninyahow Allah in aad ka xishooto ayaa ka horeysa in aad wax kale ku hadasho. nasiibkaaga ayaana nabsi run ah kugu abaal-marin doonaa insha allah in xiniinyaha xero axmaaro lagaaga saaro ayaan kuu rajeynaynaa DHAAXAAD OOHINTA IYO ARGAGAXA SHACABKA MUSLIMIINTA AH KU RAAXAYSANAYSEE.

    Maxamed | Aug 27, 2008 | Reply

  7. waa bayuurtaa inaad maanta saa aad aad u hantaatacdo,walina la isma gaarin ee sida soomali ku maahmaahdo ama afeefad hore lahaw ama adkaysi dambe yeelo.

    cumar xuseen | Aug 27, 2008 | Reply

  8. Dabcan ninkii muslimiinta iyo birmagaydada layntoota ku farxa allah waa caadil oo culumadii iyo dumarkii duqowdii reer muqdisho adiga oo maxamed dheere ayaa ku faani jiray, waxaase taas ka sii daran masaajidyadda allaah lagu caabudi jiray ayaad ku raali noqotay in ay noqdaan club tekreegu qamradda iyo sinadda lagu sameeyo sow ma ogid allah waxaad samaysay oo dhan xifdiyay oo kula sugaya tan iyo cadaab aakhiraba ku sugayaan haddaadan hadda ka toobad keenin oo kuwa aad soo hugaamisay aad ka saartid dalka hooyo.
    allaw ku dhamee daalimiinta daalinmadda kale ee dalka kusoo hugaamiyeen. Ammmmmmmmmmiiiin

    daacad | Aug 27, 2008 | Reply

  9. Qeylo-dhaan: Qiso laga naxo iyo farriin..!!

    Muqdisho Tuesday, August 262008 SMC
    Soomaalidu waa dad xirxiran oo dhowrsan, waana dad isla weyn oo qabkoodu sareeyo waxay ahaan jirtay sifo dadkeena ay laheeyeen taariikhiyan, laakiin isbedelka dhacay ee qaranjabka ugu weyn yahay wuxuu na dhaxalsiiyay inaanu weyno wax waliba oo qiime lahaa Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.

    Dhaqanka lumaya ee haweenkeena wuxuu ka mid yahay dhibatooyinka waaweyn ee hore u bilownaa balse xaaladda la galay ay uga sii dartay, duruufta jirtana ay sii quudisay ilaa heer gebi ahaan laga tegayo dhaqankii suubaa iyo diintiiba.

    Ciidamadii shisheeye ee dalka yimid sanadkii 1992-kii ilaa 1995-kii waxay ku kaceen falal aan yareyn oo lagu waxyeeleeyay Soomaalida ku dhaqan degaanadii ay ka howl galeen, sidaasoo ay tahayna inta la ogyahay ee la shaaciyay aad ayay u yar yihiin, taasoo la wada fahmi karo sababta ugu wacan.

    Ciidamadii ugu faqsiga badnaa waxaa lagu tilmaamay xilligaasi Talyaaniga iyo Nayjeeriya, waxaa kaloo iyana jiray ciidamo aan laga maleysan karin oo ku kacay falal ka baxsan bani’ aadamnimada sida kuwa Belguim oo Kismaayo dab ku gubay wiil Soomaaliyeed, kuwii Kanada oo Beledweyne wiil kale dilay kadib markii ay fara xumeeyeen. Ogowna inta aan la ogeyn ee kiisas ah inay kumanaan gaarayeen.

    Dhacdo markii ugu horeysay soo shaac baxday 24-kii Bishan Ogost ayaa igu dhalisay inaan ka hadlo arrintan waxayna ahayd war uu qoray wargeyska The New Vision ee dalak Uganda kaasoo cinwaan looga dhigay: GABAR SOOMAALIYEED OO RAADINEYSA ASKARI YUGANDES AH OO AY JECLEYD!.

    Walaalka muslimka ahow gabahan da’da yar ee Soomaaliyeed sida warku qorayo waa 23 sano jir aabaheed caafimaad ahaan u geysay isbitaalka ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho waxayna natiijadii noqotay in dhaqtarkii Ugandeska ahaa ee ay la kulantay uu fursadaasi uga faa’iideysto kadibna sidaasi gabadhii kula falgalo kuna uureeyo.

    Magaceeda waxaa lagu sheegay Nino Cumar Ibraahim iyadoo wadata wiil ay sheegtay inuu dhalay askarigaasi kooxda caafimaadka Uganda ee Muqdisho ka mid ahaa waxayna tagtay Kampala, iyadoo raadineysaa ninkaasi oo ay sheegtay inay jeceshahay una baahan tahay, kana soo baqatay in lagu dilo Muqdisho.!!!!

    Kiiskan ihaanada ah ee muujinaya heerka xaalkeena akhlaakhda ahi marayo, wallaalayaal ha u qaadainina wax kale, waa calaamad digniin ah oo hordhac ahaan Alle u soo shaac bixiyay.

    Gabadha hadda waxay ku sugan tahay Kampala waxaana sida ay sheeegtay gacan siiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala Xuseen Xasan, waxaana dacwadeeda ay gaartay afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Akunda, ninka arrintan kula kacay Nino waxaa lagu sheegay magaciisa Joshua Aziza oo ah shaqaale caafimaad, waxaana la filayaa tallaabada laga qaado. Wuxuuse siiday inuu saxaafadda la hadlo.

    Kiiskan marka lagu daro dhibaatada dadkeena heysta ee u nugul wax waliba, loogana faa’iideysanayo xitaa samafalka la sheego in loo sameynayo, marka aan ogaano in Uganda ay tahay dal uu si weyn ugu baahay cudurka HIV/AIDS iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya inay ku dhow yihiin 2000 askari, maxaad u maleyneysaa inay dhici karaan.?

    Arrintu waa halis aad u weyn oo u baahan dadaal badan iyo iskaashi dhinacyada bulshada oo dhan, waxayna ilo xog ogaal ahi ii sheegeen in Isbitaalka AMISOM ee ciidamada Uganda maamulaan dad badan ku jabeen oo adeeg caafimaad u ooman balse inta badna kuwa ka shaqeeya ay yihiin shaqaalo ciidamadeed dhinaca caafimaadka ah oo dhaqankooda jinsiga ahi aad u liito ayna yar tahay haweeney tagta oo ka badbaada, xitaa kuwa la suuxiyo ee qalliinka lagu sameynayo.

    HAL WALIBA SHILISKA AY IS DHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA, haddii ciidamada Uganda oo sharci inay ku joogaan dalka la sheego meel loo dacwoodo iyo cid u hadasha oo loogu hagaagana la heli karo sidee walaalayaal xaalkoodu noqonayaa ciidamada 30-ka Kun lagu sheego ee Itoobiyaanka iyo waxa ay sameyn karaan?.

    Dhacdo kale oo aan goobjoog u ahaa waxay ahayd saddex gabdhood oo Soomaali ah da’dooduna u dhaxeyso 16 - 18 sano ayaa lacag 300 Birta Itoobiya ah loo sarifay, goobtii sarifka oo aanu si kama’ ah ugu kullanay ayay dadkii meesha joogay isu sheegayaan inay yihiin gabdho ay qabaan askar Itoobiyaan ah oomarkaasi deganaa dhisme Dugsi sare oo Muqdisho ku yaala, waxaana hadaladii laga sheegayay ka mid ahaa in hal qol lagu wada qabo, diinta lagu qabose ma garan.!!!!.

    Xaaladdu ma fududa imitixaankuna waa weyn yahay, waxaase la doonayaa in aan la yareysan arrimahan oo qeyb weyn ka ah ujeedooyinka lagu doonayo in lagu dooriyo dhaqanka iyo diinteena, inta xilka saaran yahay ayaase laga doonayaa inay ka dhiidhiyaan.

    Ujeedadu maaha in lagu mashquulo gabadha geftay ee baxsatay sababta kasta ha u geysee jariimadaasi.. mana aha in kiiskani kaliya laga hadlo, laakiin arrimaha la doonayo in inta waxgaradka ah ee damqashada leh ay u istaagto waxay kala yihiin:

    SAXAAFADDA SOOMAALIDA siiba tan gudaha waa inay arintan tooshka saarto baaritaanno badanna sameyso si ay shacabka wax u ogaadaan, kiisaska kale ee jirana la soo shaac bixiyo.

    Mar haddii aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo baaritaan iyo awood koontraool leh waa in saxaafaddu doorkaasi buuxiso.

    INTA WAXGARADKA AH Waa inay isu xil saaraan daba qabashada dadka, dhinacyada arrintan ku lugta lehna ay kala xiriiraan, waxna ka weydiiyaan ugu yaraan sida ay wax u wadaan, Tusaale ahaan ciidamada Uganda waa loo dacwoon karaa welibana wax weyn ayaa laga qaban karaa arrintooda.

    Kooxaha dagaalka ku jira wax badan ayay ka qabteen haweenka noocan ah ee nabaadguurka akhlaaqeed ku socda siiba kuwii laga celin waayay xerooyinka Itoobiyaanka, laakiin waa inaysan arrintu noqon in miisaanka la lumiyo oo dad aan waxba galabsan la waxyeelo, xaaladda lagu jiro haba dhib badnaato. Waxaana muhiim ah in la sameeyo kooxo gaar ahaan u qaabilsan la dagaalanka akhlaaq xumida noocan oo kale ah.

    BULSHADA INTEEDA KALE: Waxaa la gudboon inaysan qarin falalka iyo kiisaska noocaasi ah ee ay gaarsiiyaan cid kasta oo ay is leeyihiin wax bay ka qaban kartaa ama ugu yaraan ay la haldaan saxaafadda gudaha si ay dibadda ugu soo baxaan tacadiyadan oo ah dagaal lagu hayo bulshadeena dhinacii u fiyoobaa.

    JAALIYADDA SOOMAALIDA KAMPALA: Waxaa laga rabaa inaysan kiiskan ka harin oo ay daba galaan ilaa heerka ugu danbeeya, gabadhaasi yarna waa inay u caqli celiyaan, kana wareystaan xaaladeeda si macluumaad dheeraad ah oo xaqiiqo ah looga helo.

    Walaalayaal dagaalku nagu socdaagi waa wejiyo badan yahay, midkanse waxba ma reebayo waa dagaal mujtamac ahaan nagu wajahan oo haweenkeena dhalan rogayo, sidaasi darteed waa inaynu u wada istaagnaa sidii looga hortegi lahaa, waa sax Soomaalidu ma jecla in arrimahan la faaqido laakiin suuragal maaha in xasuuqa qarsoon ee ku socda haweenkeena laga aamuso.

    Cid waliba oo wax uun ka tari karta arrintan waa inay haddaba hore u dhaqaaqdaa oo qeylo dhaantan tixgelisaa.

    Waxa Qoray:

    Shariif Moalim

    shariif55@hotmail.com

    Somaliweyn Media Center

    jamal | Aug 27, 2008 | Reply

  10. asc wr wbr
    maxamad dheere magabadha oo mujrima kula shaqaysanaysay ayaa kudamaqday? imisaa hablo muxsinaada oo dhawrsoon habeenkii dukada maalintiisa sooman ferjiga ay ciidamadaada iyo kuwa itooboya koronto kageliyeen?
    ilaahau waxaan kaagaa baryayaa adna in xiniinyaha xero amxaaro lagaaga bixiyo aamin

    waxgarad | Aug 27, 2008 | Reply

  11. ASC

    Mohamed Dheere(Balaq) Illaheyow gacanta mujaahidinta asigoo nool soo geli, Yaa rabbi. Ogaw Balaqow, Amxaarta, Ugaandheeska iyo Burundiyiinta iyagoo duleysan ayey waddanka ka bixi doonanee adiga insha allaah markaan Qurac Joome ma gaareysid. Gacanta mujaahidiinta ayaad ku dhaceysaa adigoo lagu soo saari doono maxkamad Islaami ah ka dibna lagu marin doono xukunka murtadka la mariyo. Sidaasna ay kaaga nastaan muslimiinta, xayawaanka iyo geedahaba.WSC

    Abu Munsif | Aug 27, 2008 | Reply

  12. Waxaa galabta isku soo dhiibay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo kamid ah Xoogaga ka dagaalama Gudaha Magaalada Muqdisho ee kasoo horjeeda siyaasadda dowladda federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka qaar kamid ah Ciidamadii dowladda Federaalka ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya.

    Ciidamadani ayaa tiradooda waxa ay gaarayeen illaa 9-askari kuwaasi oo katirsanaa Ciidamadii Dhowaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya.

    Ciidamadaasi oo qaarkood hadlay ayaa sheegay in ay kusugnaayeen Warshaddii hore ee Baastada, waxaana ay sheegeen in Ciidamada halkaasi kusugan ay rasaas isaga furayeen cid waliba oo soo marta wada kutaalla Warshadda taasi oo dad badan ay ku laayeen sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale mid kamid ah Ciidamadaasi ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ay rasaaseynayeen dadka rayidka ah ee saarnaa gawaarida BL-ka ayna ku rasaaseynayeen deegaanka carbiska.

    Mas’uul isna u hadlay Jabadda Islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamadani isku soo dhiibay ay qoryahooda ka iibin doonaan isla markaasina ay u ballan qaadayaan sidii ay doonaan in ay u sameyeen.

    garaad yassin dualeh | Aug 27, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo