Madaxda Sare ee DKMG ah oo Baydhabo soo Gaarey

baydhabo2.jpgMadaxda ugu sar sareysa DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya waa C/Laahi Yuusuf, Nuur Cadde iyo Aadan Madoobe  ayaa maanta ka soo degay garoonka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ka dib in muddo ah oo arimo dhex dhexaadin dhexdooda ah ugu maqnaayeen dhanka Dalka Itoobiya. 3da Mas’uul ee ugu sar sareeya DKMG ah ee ka soo degay Baydhabo, ayaa halkaa ku qabtey shir jaraa’id oo ay uga hadleen arimo ay ka mid tahey ujeedka markii hore ay Itoobiya u tageen. C/laahi Yuusuf oo shirka jaraa’id ka Hadley ayaa sheegay in xilligan aanu jirin wax khilaaf oo dhex yaala isaga iyo Nuur Cadde wax walba oo jireyna ay dhanka Itoobiya ku soo dhameysteen. Khilaafooda ayuu C/laahi Yuusuf saldhig uga dhigey, arimaha dastuurka oo ay isku hayeen, iyadiina in la soo xaliyay ayuu sidoo kale sheegay. Shir kan la mid ah ayay shalay sidoo kale ku qabteen xarunta midowga afrika ku leeyahay Magaalada Addis Ababa, kaas oo ay uga hadleen wixii ay ku heshiiyeen, sidoo kalna looga saxiixay qodobadii ay ku wada heshiiyeen. Qodobadii ay ku soo heshiiyeen in ay Baarlamaanka hortiisa ka akhrin doonaan ayay si wada jir ah uga sheegeen shirkii jaraa’id ee sida wada jirka ah maanta xubnaha ugu sar sareysa DKMG ah ugu qabteen xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo. Dhanka kale in ka badan 90 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ayaa Baarlamaanka horey u hor dhigey mooshin ka dhan ah xukuumada Nuur Cadde, balse shirarka iyo heshiisyada midna arintaa loogama hadlin lamana oga halka uu mooshinkani ku danbeyn doono. Xubnaha Barlamaanka KMG ah ee fadhigoodu yahey magaalada Baydhabo ayaa ka faa’iideysta khilaafaadka madaxda sare ee DKMG ah, halkaas oo ay ka abuuraan mooshino si cododka loo kala jiito ka dibna kharashaad badani halkaas uga soo galaan.  

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

5 Comment(s)

  1. salaama caleykum heshiis aa heshiisiin soomali lugu xaliyo hadoo ama heshiiya ama dagaala ama baryootama xabad ayaa feeraha leydinka galinaa labada oday waa howlgab lacagta howglgabta la siiyo sidii eey u kala qeybsan lahaayeen ayeey kusoo heshiiyeen..viva inta diinta islaamka jecel s.c wr wb

    c.qaadir | Aug 27, 2008 | Reply

  2. ASC

    Shayaadiinta waddankoodi gatay yaan la weyneynin, oo sheegsheegidoodi yaan lagu dheeraanin. Maxaa yeelay, qadiyada na haysato waa dhulkeeni oo la gumeysanayo, ayna gumeysanayaan Ugaandhes, Burundi, Ethiopia, Israaiil, Mareykan. Marka kuwa sheegsheegidodi waqti badan yaay naga qaadan.WSC

    Abu Munsif | Aug 27, 2008 | Reply

  3. assalaamu calaykum
    isu geyntan lagu heshiisiinayay labada nin waxay tilmaan cad u tahay in aan waxba ka jirin dawlada ku sheega imbagati iyo dastuurka ay sheeganayaanba, waayo c/laahi wuxu leeyahay waxan is ku haynay arrimo dastuuri ah, waxa is waydiin leh arrimaha dastuurka ma addis ababa ayaa laga saxaa?. waxa muuqata inay caruur la isku diro marna la kala qabto yihiin. midda kale shimbirahan baydhabo ka heesaya ayay u shaqeeyaan? waxay yidhaahdeen waan is casillay immikana nin walba wuxu is leeyahay xageed tagi?. bal u fiirso naagahan iyo namankan bakhaaraddii hadhuudhka lagu kaydin jiray la dhex fadhiisiyey ee aroor kasta iyaga oo aan wajiba fooldhaqin suuqa u shaxaad yimaada ee leh dana somaliyeed ayaan u fadhinaa. waa ila qosol.

    cabdiqani | Aug 27, 2008 | Reply

  4. ASCWW yaanaan wax ka sugin odayaasha iyo dadka somaliya joogo way daaleen waa in la jiheeyaa masxkax dagaal qabiil iyo qiyaano loo badalaa rabitaan nabad ku noolaansho jeclaanta somalinimada madaamaa aad cadaw leedahay iyo isku duubni siiba dhalinyarada waa in aan waddankeena dhisnaa ruux walba fakar jiil hadduu wax bur-buriyo waa in la helaa jiiln dhisaa maalin walba odday hana hor ordo dadnimo ma ah aniga iyo caruurtayda mustaqbalka ka baaba’aay iyagoo wadankooda ciidooda ku dhalan lahaa ku dhashay wadan kale waxa la sugaba waa in la tashadaa dhalinta somaliyeed tashiga ayey ku fiican yihiin waa in aan gurmanaa dadka miyi - magaallo waa in aan la xiriirnaa intaa waa iga wwar gelin

    Talmma | Aug 27, 2008 | Reply

  5. waxaa maanta ceeb ugu filan dadka islaamka ah ee soomaaliyeed in ay Eeyda ugu saraysa maamulka cop-ga ah ay hoos jiifaan tigreega tamarta daran, iyadoo la ogyahay in dawladii lagu ciyaaray ee hore ay ka faani jirtay ethopia maanta in looga arimaha soomaaliya lagana maamulo ethopia,waa ceeb c/laahi keenay
    waxaase la yaab leh beesha hawiye miyaysan ahayn beel isku qbiil ah oo meel ka soo wada jeeda maxaa ku kaliifay in ay marwalba c/laahi yEEy ugu kala tartamaan oo uu iyaga dhexdooda ka faaidaysto xaalku ma kana saar kana siibaa damiirkii aaway wax garadka hawiye maxay arintaas wax uga qaban la’yihiin maxay u samaysan waayeen nin adag oo c/laahi iska celiya sida nuur cade oo kale miyaydaan arkayn soomalida kale sida ay ufaaiiday, una kortay noloshooda waxbarashadooda iwm ,maxaad u arki waydeen xamar iyo agagaarkeedu sida uu yahay waa ayo dadka baabaaya,waa ayo dadkan afgooye iyo xamar dhexdooda ku tabaalaysan ee u dhimanaya cudurada,gaajada,dhaxanta,qoraxda ee baabaay,miyaysan hawiye anayn maxaad uga nici la’dihiin waxaan talo idinku siin lahaa midooba oo islaamiyiinta ku biira oo ka takhalusa c/laahi yeey iyo coopi-goodaba

    wa bilaahi tawfiiq

    jibriil | Aug 28, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo