Faah faahin:- 7 Askari oo ka tirsan Copy-ga Itoobiya oo isa soo dhiibay

jabiso1.JPG7 Askari oo ka mid ah Ciidamadii dhawaan lagu soo tabo baray Gudaha Itoobiya ayaa maanta isku soo dhiibay iyaga oo wata hubkoodii iyo dirayskoodaba xoogaga Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed sida uu u xaqiijiyay Shabakadda Somalimirror Afahayeenka Jabhadaasi Farxaan Cabdi Cilmooge. 

Askartan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada ku xaraysan Warshadii hore ee Baastada isla markaana ay soo goosteen iyaga oo sheegay in ay la soo xiriireen dad ay ehel ahaayeen kuwaas oo ku wargaliyay Jabhadda isla markaana kaga soo qaaday goobtii ay u soo baxsadeen gaadiid.

  

Mar aanu weydiinay Afahayeenka Jabhadda sida ay ula dhaqmayaan ayaa waxa uu sheegay in ay hubka ay wataan ka iibinayaan si ay ugu safraan goboladii ay markii hore ka yimaadeen taas oo uu sheegay Afahayeenku in ay askartaasi si gaar ah u codsadeen in la gaarsiiyo magaalooyinkii ay ka soo jeedeen, isla markaana ay u fududeyn doonaan codsigoodaas.

  

Askartan oo goobtii lagu hayay ku waraysteen Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ay Tabobar ku soo qaateen xero ku taala Itoobiya oo lagu magacaabo Bilaadin.

  

Sidoo kale mid kamid ah Ciidamadaasi ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa markii Ciidamada Gumeysiga itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ay xasuuqayeen dadka rayidka ah ee saarnaa gawaarida BL-ka ayna ku xasuuqeen deegaanka Carbiska, taas oo uu sheegay in ay dareenkiisa wax wayn ka badashay isla markaana ay ku qasabtay in ay Maanta isaga soo goostaan ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

  

Mid ka mid ah askartani oo la hadlay Somalimirror ayaa isuguna yiri sida tan:- “aniga waxaan ka tirsanaa ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa itoobiyaanka ee is-garabsanaya, waxaana Tababar ku soo qaatay xerada Bilaadin, go’aankii aan markii hore watay inuu khaldanaa oo fikradii aan meesha ku tagay inuu khaldanaa ayaan ogaaday markii aan Dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay, waxaana hadda ka qaatay go’aan kale nimankii iyaga ahaa markaan ogaaday in ay khaldanaayeen, waxaana hadda ku soo biiray walaalahayga Soomaaliyeed, waxaana hadda si daacad ah rabaa inaan ugu shaqeeyo oo aan garab istaago nimanka Dalka iyo diinta raba in ay u dhintaan, Tababarkii aan meesha ka soo qaatay oo aad iyo aad u Qiimo badnaana inaan iyaga kala hortago ayaan rabaa”

  

Askarigaas ayaa sidoo kale Baaq u jeediyay ciidamada kale ee wali la shaqeynaya Gumeysiga Itoobiya ee ay uga soo tageen xeryaha ciidamada Gumeysiga Itoobiya isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan Baaq u soo jeedinayaa dhalinyarada soomaaliyeed ee gaalada la shaqeynaysa in ay meesha iskaga soo baxaan, oo ay dalkooda iyo diintooda u dhintaan oo qoryaha loo dhiibay oo la leeyahay hooyadiin iyo aabihiin ku dila in ay dalkooda ku difaacaan oo ay walaalahooda Muslimiinta ah ku soo biiraan, ha iskaga soo baxaan gaalada iyo gaalo la jireenka”.

  

Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay Bishan gudaheeda ka soo goosteen ciidamada Copy-ga Itoobiya askar gaaraysa 65 marka laga reebo 7 maanta kuwaas oo soo kala goostay 03/08/2008 iyo 04/08/2008 iskuna soo dhiibay garabyada Mujaahidiinta kala duwan ee soomaaliyeed.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

3 Comment(s)

  1. asc
    waa guul u soo hoyatay ummada soomaaliyeed gaar ahaana siyaasada xikmada ku dhisan ee jabhada islaamiga soomaaliyeed

    ilaahow ku sug walaalaas xaqa waqti adag baa lagu jiraaye

    walaalaha isa soo dhiibayna waxaanu leenahay cullimo baa gacanta idinku heyso dhaqankii culimo lagu yaqaanayna waa la idin kula dhaqmi
    ee go,aanka geesinimada ah ee aad qaadateen kii aad ku liibaantaan alaha idinkaga dhigo

    wsc

    XOG-OGAAL | Aug 27, 2008 | Reply

  2. ??? ???? ? ????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ???? ???? ????? ??? ???? ????? ? ??? ??? ????? ??? ???
    ———————————————–
    [ALBAABADA RABBI WAA WAASAC OO ADOOMADIISA KII TOOBAD KEENA HADDUU RABO WUU KA AQBALI EE TAWBADU SHURUUD BAY LEEDAHAY ,EE MARKII HORE IKHTIYAARKOODA BAY ULA SAFTEEN GAALADA IYO GAALA RAACA ,HADDABA IN AY ISDHIIBAAN MA XUMEE MA TOOBAD KEENEEN?? , MASE LOO CADDEEYAY IN AY DHARKA SOO DHAQDAAN OO AY ISLAANIMADOODA CADDEEYAAN RABBI HORTI IYO MUJAAHIDIINTA HORTOODA , ISLAMARKAANA AY LABADA ASHAHAADO AY SI CUSUB UGU DHAWAAQAAN ]
    ———————————————–
    NINKII GAAL WALI KA DHIGTA WAA GAAL ASAGOO KALE AH , WAXAANA MEESHAAS KA CADDANAYSA IN QOFKASTA OO RABBI KA JEESTA OO GAAL CAQIIDO KU RAACA , OO RABBI IYO RASUULKIISA KA HIILIYA OO GAAL IYO GAAL KALKAAL U HIILIYA IN UU ISLAAMNIMO SHAQO KUMA LEH OO XERADA BUU KA BAXAY , HADUU RABO IN UU XERADII KU SOO NOQDO WAA IN UU SOO ISLAAMAA MAR KALE HADDII KALE WAA CIYAAR .
    ———————————————–
    ISLAAMKU MA AHAN MEEL SIDII QOF WALBA UU RABO KA YEELI KARO , ISKA BAX OO HADDANA ISKA SOO GAL MA AHAN , RABBI SUBXAANAH WADDO BUU U JEEXAY DIINTIISA WAANA IN LA RAACAA , WAADNA OGTIHII NABI NUUX CALYHI ASSLAAM WIILKIISII WAXA KU DHACAY , WIILKAASNA NABI NUUX BAA DHALAY , NABIGU WUXUU RABBI WAYDIISTAY IN UU YAHAY WIIL KA MIDA EHELKA NABI NUUX CALYHI ASSALAATU WASSLAAM , WAXUUNA NABIGU RABBI WAYDIISTAY IN UU KA BADBAADIYO CIQAABTA DHACAYSA , ALLAAH WAA KA DIIDAY ARINKAAS , MAXAA YEELAY WIILKAAS GAALADII BUU RAACAY OO DOORTAY , NABI NUUXNA WAA LAGU CANAANTAY SU’AASHAAS , RABBINA NABI NUUX WUU CAFIYAY , WIILKIINA WAA HALAAGSAMAY , HADDABA DIINTU CIYAAR MA AHAN EE NIMANKA U SOO SHAQEEYAY GAALADA OO HADDANA TABABAR U SOO QAATAY IN AY ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA LA DAGAALAAN WAA IN LAGA FIIRSADAA ISDHIIBIDOODA , WAANA IN DADKA KHIBRADDA U LEH ARINKAAS LAGU WAREEJIYAA , XUKUN ISLAAMNA LA XUKUMAA , EE WARAYSI KALIYA MA NA ANFACDO EE KUWA RABBI DARTI U KACAYOW UMMADDA WAX CAD U SOO SHEEGA OO CUSKAN DIIN EE CAADIFIGA UMMADDA HA HORKEENINA , HADDII KALE BIRRI QOF WALBA INTUU RABBI IYO RASUULKIISA INTUU SUU RABO ULA DAGAALO BUU HADDANA SOO GOOSAN , EE UMMADDA HA OGAATO IN QOFKII RABBI IYO RASUULKIISA KA DOORTA WAXA KA SOO HARAY IN UU ISLAAMKIISII KA BAURAY , EE INTAADAN FALIN KA FIIRSO QOF WALBOW , HA KA TALLAAABSAN DIINTA , HA RAACIN GAALADA , HA NICIN RABBIGAA , HA KARAAHSAN QURAANKA IYO XUKUMKIISA , HA NICIN MUJAAHIDIINTA , HA YEELAN LABA WAJI , XAQQA MEESHUU JIRO RAAC , NASEEXADA HA KA XISHOON , HA KA XISHOON SU’AASHA CILMIGA AH , HA KA XISHOON WAXAAD U ARAGTO XAQQA IN AAD SHEEGTO , QALBIGAAGA U WAASICI WALAALAHAAGA MUSLIMIINTA AH , GAALKANA U CAROOD IYO MUNAAFIQIINTA IYO CADAW RABBI OO DHAN , WASSLAAM.
    QORE ;
    ?????? ??? ???? ????
    ??? ??? ??????
    HABAYN KHAMIISA
    1429/08/27 HIJRI
    binfaqiih@hotmail.com

    binfaqiih | Aug 28, 2008 | Reply

  3. A/c salaan kabacdi waxaa mahad iska leh Allaah kadib walaalaha muslimiinta ah oo u istaagay sidii ay ku kor noqonlahayd kal mada ilaah

    C/hi maxamed maxamuud | Aug 28, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo