Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kuwa DKMG ah oo Dad Rayid ah Qafaashey
By Somalimirror on 27 Aug, 2008 3:31 PM in Main, Wararka
Ciidamada gumeysiga itoobiya oo kaashanaya kuwa la shaqeeya ee DKMG ah ayaa saaka baaritaano ka sameeyay agagaaraha wadada makka al-mukaram ee degmada hodan. Labada ciidan ee is kaashanaya oo ahaa kuwo ku hubeysan hubka fud fudud ayaa ku soo faafey qeybo ka mid ah xaafadaha ku teedsan wadada makka al-mukaram, halkaas oo ay qafaasheen tiro dad rayid ah. Inta laga warqabo ilaa 10 qof oo rayid ah ayay ciidamada gumeysiga itoobiya iyo kuwa la jira ee DKMG ah ka qafaasheen xaafadihii ay ku faafeen ka dib markii ay guryaha dadka rayidka ah ugu galeen. Dadkii rayidka ee ay qafaasheen ayay ula dhaqaaqeen dhanka xarumaha markii ay hore ay ka soo howl gal tageen, lamana oga ilaa iyo hadda halka xaalada dadkaasi rayidka ah ay ku daanbeysay. Howl galadan ayaa daba socdey qarax xoogan oo saaka halkaa ka dhacey kaas oo inta la ogsoon yahey uu ku dhintey askari ka tirsan kuwa DKMG ah. Sidoo kale ciidamada DKMG ah, ayaa baaritaano kale ka sameeyay saaka qeybo ka mid ah degmada wardhiigley ee gobolka banaadir. Inta u dhaxeysa isgoyska siinay iyo Florence ayay ciidamadani isku fidiyeen iyaga oo hakad geliyay dhaq dhaqaaqyadii kala duwan ee halkaa ka jiray in muddo ah.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo