Ciidamada G.Itoobiya oo dil iyo dhaawac ka gaystay Xamar-jadiid

itoobiya.jpgCiidamada gumaysiga Itoobiya oo fariisinka ku leh Gagida ciyaaraha ee Muqdisho ayaa galabta waxay isku soo fidiyeen Xaafadda Xamar Jadiid waxayna halkaa ka gaysteen dilka 2 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 3 kale.

  

Ciidamada gumaysiga oo si lama filaan ah ku soo galay Xaafadda Xamar jadiid ayaa abaare 04:00 galabnimi xilliga Muqdisho waxay si bareer ah u toogteen dad shacab ah oo mid kamid ah lagu sheegay in uu marayay gudaha Suuqa X/jadiid kuna sii jeeday Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile.

  

Dadka shacabka ah ee ay ciidamada gumaysigu dilka iyo dhaawaca u gaysteen ayaa waxay badankoodu ka mid ahaayeen dadka aadka u tirade yar ee ku haray Xaafadda Xamar-jadiid waxayna Itoobiyaanku falkan gaysteen xilli aysan goobta ka jirin wax iska horimaad ah.

  Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ayaa si arxan daran u gumaada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan waxaana hawlmaalmeedkooda ka mid ah waxyeelaynta Dadka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan Magaalada Muqdisho iyo Daafaheeda.   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo