Dalxa & Cusmaan Caato oo la weeraray

dalxa-iyo-caato.JPGIlo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Habeenimadii xalay weerar Bambaano lagu qaaday Hoyga ay ka deganyihiin magaalada Baydhabo xubnaha kala ah:- 

1-     Maxamed Cumar Dalxa, oo DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ugu qaabilsan Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

 

2-     Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo isaguna xubin ka ah Baarlamaanka DFKMG ah.

  

Qaraxyadaasi ayay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay sheegeen in aysan geysan wax khasaare ah, balse ay ilaalada ragaasi fureen rasaas xoogan oo aan loo meel dayin taas oo aan illaa iyo hadda la  xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen.

  

Gudoomiyaha DFKMG ah ugu qaabilsan Gobolka Baay C/fataax Max’ed Ibraahim Geeseey ayaa mar la weydiiyay waxa uu weerarkaasi salka ku hayo ayaa waxa uu sheegay in aysan lug ku lahayn siyaasadaha isdiidan ee ka aloosan Baydhabo ee la xiriira khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde.

  

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegtay Mas’uuliyada Weerarkaasi iyo waliba wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xubnaha la weeraray.

  

Ma aha markii ugu horeysay oo weerar noocan oo kale ah lagu qaado xubno ka mid ah Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo waxayna bilihii ugu danbeeyay noqotay Baydhabo meel ay amaankeeda fara ka baxday.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

2 Comment(s)

  1. Walaalayaal waxaan idin leeyahay waa la doogiye yaan la dacaroon, guushii way inoo dhawdahay, inta yar ee inooga hadhay ka sifaynta dalka cadowga iyo camiilkoodaba waa in aynu samir yeelanaa oo guntiga adkaysanaa, waxani waa taariikh waana lagu kala hadhayaa, nin dalka iyo dadkaba siista qadar lacag ah, iyo nin naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba dhibaatada guumaysiga iyo kuwa u adeegaa u gaysanayaan.

    abdirahim | Aug 26, 2008 | Reply

  2. acw salaan kadib waxaan dhihi waxaa lahdahaa qofwalba shilalkii uu sidhigaa lagu qalaa ha sxbkey cismaan ali cato waxaan dhihi karaa arinta kudhacdey waa saasoo kale maxaa yeeley asaga ayaa isdhigey meesh uu yaalo maanta ee waxaan dhihi lahaa meesha ha iska tago oo ragiisa duurka kujira haku biiro

    mohomad abdikarin hasan ade | Aug 26, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo