Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo Baaq ka soo saaray Xaaladda Kismaayo
By Somalimirror on 25 Aug, 2008 11:06 AM in Main, Maqaallo, Wararka
Taariikh: 25/08/2008
Baaqa culimaduna wuxuu u dhiganyahay sidaan:-
BAAQ NASEEXO AH
Muqaawamada gacanta ku haysa Kismaayo waxa la gudboon inay ogaadaan:
1. Inay xambaareen xil culus oo ah ilaalinta masaalixda ummadda oo ay ugu horrayso diintooda, naftooda iyo maalkooda, Ilaahay hortiisna la weydiin doono.
2. In ay dusha u riteen xilka magaalada Kismaayo oo ku caanbaxday fitno iyo dagaallo sokeeye oo is dabajoog ah oo u baahan in si taxaddar leh loo cillad bixiyo.
3. In ay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaan ku dhaqanka shareecada, taas oo ay ugu horrayso in ummadda lagu mideeyo xaqqa, lana joojiyo tafaraaruqa iyo in la ilaaliyo dhiigga muslimka. Waxaa kale oo loo baahan yahay inay naftooda ka billaabaan ku dhaqanka waxa ay dadka kale ugu yeerayaan.
4. In cadaw noocyo badani uu isha ku hayo magaalada istiraatiijiga ah ee ay la wareegeen, ayna dhici karto (xilli kasta) inay iman karaan wax aan lagu talagelin, sidaa darteedna loo baahan yahay in aan cadawgu u adeegsan dadkooda oo iyaga iyo bulshadoodu noqdaan ul iyo diirkeed.
5. In xukunka iyo xooluhu ay yihiin waxa Soomaalidu isku laysay, loona baahan yahay in aysan dadka ahlu-diinka ah marin waddadii qabqablayaasha iyo qabaa’ilka.
Haddaba annaga oo ka duulayna xaqiiqda aan kor ku soo sheegnay waxaan ugu baaqaynaa xoogagga muqaawamada:
1. In ay iyagu xaqqa ku midoobaan, kana fogaadaan isku dhac dhexmara iyaga iyo shacabka ama iyaga dhexdooda, iyo u tartanka gacan ku haynta goobaha muhimka ah iwm oo soo dedejin karta shaki iyo ismaandhaaf dhexdooda ka dhasha.
2. In ay Ilaahay uga baqaan dhiigga shacabka muslimka ah ee waqtiga dheer ninkii soo gaaraba xasuuqayey, gaar ahaan dadka ahlu-diinka ah oo bulshada ugu fadhiya qiime weyn, waana in dhiigga muslimku noqdo mid dhowrsoon oo qofna u tillaabi karin.
3. In aysan marooqsan talada magaalada ee ay ka talogaliyaan ahalkeeda, ayna dhisaan maamul iyo garsoor laga soo xulay deegaanka oo leh amaano iyo karti ku filan, ayna u sameeyaan ciidan nabadgalyo oo ku filan, lehna Astaamo wanaagsan. Ka dibna ay ku kormeeraan qolo walba hawsha loo xilsaaray.
4. In ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo in qabaa’ilku isu adeegsadaan awoodda wadaadada.
5. In la joojiyo sii baahinta dagaalka, gacan adagna lagu qabto cid kasta oo aarsi iyo fadqalalo isku dayda, isla markaana dadweynuhu caddaaladda horteeda u sinnaado.
6. In aysan qabsashada Kismaayo noqon dabin lagu dabargooyo dadka ahlu-diinka iyo dadweynaha magaalada.
7. In la hagaajiyo wixii dagaalku bi’iyay intii la awoodo naf iyo maalba.
8. waxaan xusuusinaynaa muqaawamada in aan magaca wadaadnimo Ilaahay agtiisa wax uga tarayn haddii ay xaqa ka leexdaan, taas oo wadaadada iyo dacwadoodaba u keenaysa sumcad xumo aan ka harin. Waxaa iyana xusid mudan in cadawga islaamku ku farxi doono colaadda dhexmarta iyaga dhexdooda ama iyaga iyo shacabkooda; maxaa yeelay colaadda sokeeye waxay galaafanaysaa Umadda iyo awoodeeda.
9. Waxaan ugu baaqaynaa culimada, salaadiinta iyo waxgaradka reer Kismaayo in ay awooddooda isugu geeyaan badbaadinta shacabka iyo xallinta mashaakilka ragaadiyay magaalada iyo dadkeedaba.
10. Ugu dambayn waxaan dareensiinaynaa dadweynaha reer Kismaayo in khayraadka magaaladaan ka badan yahay dadka deggan iyo Soomaali oo dhan, mushkiladduna aysan ahayn ciriiri dhuleed iyo mid khayraad ee ay tahay kaliya dulmiga, jahliga iyo sed bursiga.
Haddaba waxaan ugu baaqaynaa dadku in aysan ku mashquulin yaa leh iyo yaa xukumaya ee ay xoogga saaraan see uga faa’iidaysanaa khayraadka Alle galiyay dhulka.
Culimada Bayaanka saxiixday:
1. Sh. C/laahi Cumar Nuur
2. Sh. C/qaadir Nnur Faarax
3. Sh. Maxamuud Macallin Nuur
4. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan
5. Sh. C/naasir Xaaji Axmad.
Daabaco
U dir saaxiib


Alle ka ka abaal mariyo culimada naseexadaas miisaanka culus ku qotonta, waa talo muujineysa inay ka soo burqatey caqliyo xambaarsan aqoon waayo aragnimo iyo odorosid mustaqbal.
Ilaahay waxaanu ka baryeynaa inuu ku anfaco umadda soomaaliyeed dhamaanteed, gaar ahaan cida ay ku socota waanadu oo ah shacabka iyo maamulka cusub ee magaalada kismaayo.
hargeisa
Sh. Abdulqani Albadr | Aug 25, 2008 | Reply
Bismillaahir-raxmaanir-raxiim
Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
salaanta Ilaah jecelyahay ka dib waxaan akhriyay qaraarka iyo qodobADA GO’AANKA IYO WAANADA ISUGU JIRA ayaan leeyahay waxaad ku qabateen halkii towstu ku taagneyd amaba towsaha amaba oodinihii ayaad midka dhakhaatiirtu ku baaraan yaad haleesheen oo Ilaah ayaa idin haleeshiiyay marka hore waxaan idin leeyahay Ilaah ha idin xifdiyo oo hanawada xifdiyo waan la dhacay waxaadna moodaa in go’aanadan iyo waanooyinkan dhaxal galkaa ey iga tireen murugooyin badan oo iga heystay waxa lagu tilmaamayo culimada iyo xaq u dirirada amaba lagula kacayo waa farxad guul iyo gar-gaar xag Alle ka yimid walaalaha wada waanada qodobada wanaagga waxaa tihiin dhammaantiin Ilaah ka sokow gaashaanka diinta iyo umadaba.
ruqiya | Aug 25, 2008 | Reply
Wassalaamu caleykum waraxmatullaahi wabaraakaatuhu. salaan kadib waxaaan u sheegayaa walaalaha sharafta leh eee soo qoray nseexada wanaagsan in ayna u jaheyn dhinac qura naseexadooda. waxaan waeydiin lahaa walaalahey in ka jawaabaan su’aasha ah somaaliya ma’Kismaayoo kaliya? maxatya tahay sababta aad haddeer ugu soo beegteen naseexada maanta? halkeed jirteen inat Somaaaliya masiibo ka dhacday ee ummaddda badhkeed badhka kale halaagay? ma garanin caddaaladda maanta kaliya aad ugu baaqeysan Muqaawamada Kismaayo qabsatay? mise Gobolana waa xor in lagu gumaado Shacabka kuwana maya? uma jeedo fidno iyo qabyaalad laakiinse waxaan u arkaa in aan gobolana loo tilmaamin caddaalada kuwa kalena dadka somaaliyeeed laga taxaabo sida ayada oo aan ahayn dhul Somaali leedahy?
wassalaamu calaa manitabcal huddaa.
Hafoow | Aug 25, 2008 | Reply
Ass/wr/wb
Maa shaa Allah, waa mawqifkii ay Culimadu lahayd, Waa meeshii ay ka bugtay, waxaase lagama maarmaan ah dhagaysigooda iyo raaciddooda, oo hadaan la yeelin aan faa’iido laga helayn.
Baarakal-laahu fiikum, wa adaala acmaarakum fil khayr.
Haafoow kan la baxayoow, maxaad kala socotaa culimadaan iyo kuway yihiin, waligood way u taagnaayeen jeedinta talooyinkaanoo kale, iyo toosinta dhalinyarada ay iyagu wax bareen, laakiin kuwa qabiilka iyo qudhunku ka buuxo, kuwa diinlaawayaasha dadka qalaadi ku shaqaystaan, iyo kuwa jirada qalbigu hayso ayaan marna dhag jalaq u siin.
Waxaad xustay dad la kaxaystay, la dhiibay maxaad ka ogtahay waxa ay ka qabteen, inaad ogaatay ahayd mar hadaadba maqashay in dad la dhiibay jireene, mise qalbigaa wax kaaga jiraan sida salaantaada ka muuqata?
Assalaamu calaa man tabacal hudaa yaa lagu salaamaa? mise waad maqashay oo waad isaga celcelisay uun? meel khatar ah ayaad ka daganaysaa markaad Culimada GAALO ku sheegto ee is daba qabo.
wc wr wb
farax | Aug 25, 2008 | Reply
asc wr wb
Nin kula teliyey waxba kuuma aanu dhimin bro.
waxaadna iloowsantahayin ninka guulaystay aan la xasdin ee loo duceeyo, lana yiraahdo halkaa iska jir.
wsc wr wb.
muxammad | Aug 25, 2008 | Reply
asalaamucaleykum warxmatulaahi wabarakaatahu
waxaan jecel laan lahaa in aan wax yar aan kula taliyo mujaahidiinta islaamka lawareergay gacan ku haynata magaalada kismaayo horta alaha idinguuleeyo fii kulimakaan
walaalyaal magalada kismayo waxaa aafeeyay dagaalo sokeeye waxaa kadhacay xadgubyo aan lasookoobi karin .waxaan umalaeynayaa ikaste oo soomaali ah in maanta kawara qabo hadii ilahay idin sooragaliyay in aad gacanta kudhigaatan
waxaan jecel lahay in aan hadalkayg kubilaabo
sidatan
1-waxaad kafogaatan wax walba oo keeni kara
khilaaf iyo guruubaysi iyo kala jabka mujaahidiinta is.soomaaliyeed
2 waa in lasameeyo maamul kusalaysan kitaabka alle oon loo fiirinin saaxiibnimo iyo ehelnimo
oo iskusi loo xukumo dadka
3 in dhanlayarada muqaawimoda ah loo sheego in aay dhowraan kadanbenta iyo ixtiraan masuuliyiinta xukuma ciidama is.s; ayna dhowraan xuquuqada dadweynaha oo aysan degdegin
4 in aay soo kasbadaan dhamaan shacabka somaliyed maxaa yaalay waxaad wax ku tahay taageera ilahay iyo tan shacabka somaliyed
5 in aysku tanaasou laan hadii ay wax isku qabataan in aysan waxyeelin hayadaha humanitrian aid ka shaqeeya
wabilaahi towfiq
maxamed macalin cali | Aug 25, 2008 | Reply
ASC WR WBR
Salaam kadib waxaan leeyahay dadka culimada ah ee soo saaray bayaankan waxay sameeyeen waxii qof damiir leh ee islaam ah uu sameyn laha, aad ayey ugu amaanan yihiin . waxa ay ka hadleen waa arin qof kasta uu qalbiga ku hayo.
walalayaan waxaan ognahay in Kismaanyo ay tahay magaalo dhiig badan ku daatay qoladii qabsataana kuma sii nagaato ee qola kalaa kala wareegta, waxaan filayaa marakan in dadaal loo galo sidii arintaas looga gudbi lahaa
waad mahadsantihiin
C/nasir ismail Elmi | Aug 25, 2008 | Reply
ASCWW
walaalaha naseexada soo jeediyey ee magaca culimo ku hadalay waxaan weydiin lahaa diintii iyo dalkii ma kismaayo kaliya ayey ku soo koobantay?
Beerdhigana maalinba mashruuc ha soo alifto.
waxaan kula talinayaa walaalaha hadda kismaayo maamulkeeda hayo in ay JABISO (Jabhada Ictisaamka) ku soo daraan talada si xaaladda ay beerdhiga abuureyso u yaraato.
wsc
Ali | Aug 25, 2008 | Reply
Asalaam aleykum,
Marka hore waxaan uga mahad celinayaa wadaadadan aqoonta leh ee isxilqaamay soona jeediyeey talooyinkan xikmada iyo garashadda fog ku dheehantayah.
Marka labaad, waxaa si cad halkaan iiga soobaxay tilmaantii uu Allah ku tilmaamay ummada Nebi Maxamed (PBUH - peace be upon him) ee ahayd ”umadda dhexdhexaad ah”. Sifaha kale ee halkan iiga soo baxay waa approachka ama tabaha ama qaabka xaniifka ah ay isticmaaleen nimanka wadaadada ah ee soo diray baaqani iyagoo isticmaalay qaabka ah ”wa khayral umuuri owsaduhaa”.
Allah ha idinka abaalmariyo.
That is what i call knowledge with wisdom, not seef labood.
Allah knows best.
Yusuf aldarwiishi | Aug 25, 2008 | Reply
asalama calykum
yaan la taraarixin
hadda lama joogo xilligii eedo iyo marmarsiinyo laa raadraadiyo,ciddii xaq waddaa iyadaa iska soo baxaysa dadkana waa lakala soocayaa layskuna qasnaan maayo allaa ballan qaaday taas.
wa billai tawfiiq
abdullahi mohamed hassan | Aug 25, 2008 | Reply
asalama calaykum
culimada nasteexada soo jeediyey waa maad san yihiin,waxaa ka wanaagsan inay cagahooda ku yimaadan kismaayo oo ogaadaan waxa ka jira,dadkana kala shaqeeyaan maslaxadda ummadda soomaaliyeed,xal u helidda arrima cakiran ee qaran islaannimo lagu dhaqo la raadinayo.
wa billaahi tawfiiq
abdullahi mohamed hassan | Aug 25, 2008 | Reply
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarkaatahuu.
Salaan kabaci Alle haxafido culumada halkaan kasoo jeedisay nasteexada run ahaantii waxba kamayna tagin baan isleeyahay waxaa haraywaa ayadii oo laqaato iyo jazaakumulaahu khayran oo ladhaho.
walaalaha waxaan ugu dari lahaa arimahaan soo socda.
1-inan horta maqaalkooda saan u araganay inaan uragano waa kan culumadee inaan aragno aqbalaada walaalaha isla bogogaan SomaliMrror.
2-Inay walaaluhu kafaaïidaystaan fadliga ramadhaan ee horteeda nasriga lahelay.
3-Inayqaataan walaaluhu wixii fikrad ah ee wanaagsan aana kahor imaanayn Kitaabka yo Sunada.
4-Inayfiiriyaan taariihkdii kismaanyo soo maratay dhagartii qabqablayaashii markaas isku haystay 1991.
5-Shacabkoo lakasbado reermiyi iyo reermagaalba.
6-Danihiina oo aad kahormarisaan dantaguud.
7-Cabsida Alle oo aadbdsisaan.
8-Tasbiixdoo badata hadalkoo yaraad.
9-Ismaqalkoo shaqeeya.
10-Isxurmayn ninba nikuu kawaynyahay kacilmi badanyahay.
Igaraali Ahaada Hadaan waxgaf ah aan cid ugaysatay isma oran cid wax ugayso lakiin aqoon yari baa halkaas idhigatay.
Maskiin Alle | Aug 25, 2008 | Reply
AWW, Salaan ka dib, waxan la yaabay oo aan liqi kari waayay sida dadka qaarkii u hadlayo iyo halka ay wax ka eegayaan.
Haddii ay culimadu soo jeedisay naseexo qiima leh maxay tahay sababta ay dadka qaarkiis ugu dhalliilayaan, waa yaabe dadka noocaas u fekeraya maxay culimada ka doonayeen inay ka yiraahdaan xaaladda Kismayo?.
Waxa iigu daran ninka la baxay Hafoow, wax aan ku sheego garan maayo aragtida uu ka duulayo maxaa yeelay waxa qalbiga uga jira waxa maanta ku khasbay inuu gaalnimo ku xukumo ragga la ogyahay raadka ay ku leeyihiin dacwada Soomaaliya billow ilaa maantada la joogo.
Dadka kale ee ku doodaya maxaa xaalada Kismayo keliya looga hadlay taas waxaan u arkaa dulmi loo gaysanayo culimada waayo ragga baaqan soo saaray iyo kuwa kaleba waxay mar walba ka hadlayeen xaaladaha dalka oo dhan Muqdisho gaar ahaan oo dhibta ugu badani ay ka taagan tahay.
Waxay kaloo kaalin wayn ka ciyaareen joojintii falalkii ay ku dhaqaaqeen rag ka tirsan maamulka Puntland ee Itoobiya loogu dhiibay rag ka soo jeeda ONLF.
Waxa habboon in meel la iska dhigo caadifada iyo aqoondarida dadka qaarkiis oo qofkaan wax qabanayn uusan dadka kale jaraaxayn.
Hani Max’ed
Hani | Aug 25, 2008 | Reply
waa aqoon iyo waaya argtinimo laga soo shaqeeyey waxaa illahay guul idinkusiinayaa sida daacada ah ee aad shacabka wax ugu qaban lahaydeen waa aan lasocdaa in ay idinku cuslaatay illahay hadiin fududeeyo qeyrka ayaa xagiina ah .
cajami | Aug 25, 2008 | Reply
Asalamu Calaykum
Waxaanu ugu bogaadinaynaa Maqaalkan qiimaha badan ee culimadu ugu dardaarmayaan cidii qaaday xilka dadka iyo diinta umada muslinka ah ee ku dhaqan magaalada kismaanyo, kuwa loo dardaarmayna Alla ha waafajiyo SW
Ibrahim Xirsi Galow | Aug 25, 2008 | Reply
??? ???? ?????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ???? ???? ??? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ???
———————————————–
[ NASEEXO GUHAAD WADATA IYO SARAADO AAN FIICNAYN, YAASE KU HABBOON IN AY DHAQAN GALIYAAN TAAS ? MA KUWA GAALKA IYO GAALA RAACA LA DAGAALAYA MASE KUWA WALI CADDA MUUSE WALIYUL AMRI U HAYSTA.]
———————————————–
CULUMOY ADINKAA NASEEXO U BAAHAN EE UMMADDA HA JAAH WAREERININA , MUJAAHIDIINTU MIYAY KA INDHA LA’YIHIIN SHAREECADA ISLAAMKA MASE ADINKAA AH KUWA MAGACA RABBI IYO DIINTIISA KU HADLA HAD IYO GOOR OO UMMADDA LOOGU XIL SAARAY IN AY MARKAY GUUL GAARAAN TASHWIISH KU FURAAN MUJAAHIDIINTA IYO XAQQA ,NASEEXADIINU WAXAY DHAAFI WAYDAY IN AAD KA HADASHAAN GACANKUDHIGIDA KISMAANYO IYO AAD WADA SINTAAN MUJAAHIDIINTA IYO SALAADIINTA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED EE KISMAANYO KU NOOL ,WAXAANA KU BOORINAYSAAN IN LA QAYBSADO XUKUNKA IYO XOOLAHA , REERKISMAANYANA IN LA BADBAADIYO KHAAS AHAAN KUWOODA AHLU DIINKA AH !!!!! LA YAABAY NASEEXADAAS XAGGEE KU SOCOTAA!? HADDABA CULUMADA SHANTAAS AH :OO AAN FILIYO IN AAD MAAMULKA CADDE MUUSE KU HOOS JIRTAAN ,
1. Sh. C/laahi Cumar Nuur
2. Sh. C/qaadir Nnur Faarax
3. Sh. Maxamuud Macallin Nuur
4. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan
5. Sh. C/naasir Xaaji Axmad.
WAA TAAD QAAR IDINKA MIDA LAGU SHEEGO IN UU KU NASEEXEEYAY IN CABDULLAAHI YUUSUF MARKII WADAADU GACANTA KU DHIGEEN IN LA SII DAAYO ASAGA IYO INTII MUJRIMIIN AHAA EE WAAGAAS LA SOCDAY WAXII DHACAYNA WAA LA OGAA , WAXAAN KALOO DHAGAYSANAYAY MARKII SH.C/QAADIR NUUR FAARAX LAGA WAYDIIAYAY [BBC]da markii maxaakimtu guulaysatay in uu ku jawaabay waa arin u gaara reer banaadir , waraysigiina waa duuban yahay ee dib u baara , marka waa adinka kismaanyo sheegayee aaway xamr aaway soomaali inteedii kale wadaadadu meelo badan bay gacanta ku qabteen ma kismaanyo baa idinla darnaatay ? mase dana gaara baad ka leedihiin ? waxaadna ogaataan maamulka cadde iyo waxa ka jira gobolkaas baa naseexo idinkaga baahan iyo in aad shareecada ku xukuntaan gobolkaas , maxaase idinka hortaagan adinka in aad shareecada ku dhaqantaan oo ku maamushaan gobolkaas aad joogtaan oo u baahan in seef diinta lagu ilaasho ee af kaliya uu wax ka qaban waayay , haddaba naseexada aad soo qorteen ma lillaahi bay idinka tahay mase dan gaara baad ka leedihiin ? haddii ay lillaahi tahay ka hadla jihaadka iyo mujaahidiinta iyo in kalimadda rabbi kor laga dhigo khaas ahaan meeshaad joogtaan , haddii kale ku hoos jira daladda cadde iyo maamulkiisa iyo mooryaanta tigreega , hana illaawinina in shabaabka jihaadaya ay ku jiraan kuwo ka dhagaysan jiray siirada raxiiqulmakhtuumka uu sh.c/qaadir nuur faarax uu ku akhrin jiray halkaas ayadoo shiikhu si xamaasad ku jirto ugu guubaabin jiray shabaabka xaqqa iyo jihaadka asagoo shiikhu ku hoos noolaa maamulkii siyaad barre ee la ogaa , maantana shiikhu waxuu u dhow yahay sidii muxammad guuleed oo kale , war rabbi ka yaaba oo dib u noqda oo mujaahidiinta ka hara , haddaydaan wax kala jihaadayn ha ugu soo gabanina diinta oo tashwiishka ka daaya , mujaahidiintuna inshaa allaah way garanayaan xaqqa oo ma ahan kuwo horor ah , mana ahan kuwo beel badbaadinaya ama beel xasuuqaya ee waa kuwo rabbi ka baqaya oo gacantii gardaran shareecada hor dhigaysa , haddaba wadaada ha ku furunina dariishad dagaal oo kale , hadda waxaa la diriraya waa badan yihiin sida gaalada , gaala raaca , soomli xume , soomali mooryaan , soomaali qabyaalayste , adinku ha ku noqonina kuwa ugu danbeeya ee xabbada gadaal uga dhifta wadaadada adinkoo iska dhigaya in aad wadaad wax taraysaan , culumoy ummadda u sheega runta iyo in aad adinku tihiin kuwii shabaabkii mujaahidiinta yiraahdeen hubka dhiga !! see u kala doorteen mujaahidiinta iyo maamulada gaalada taageersan ee shareecada islaamka hortaagan in lagu maamulo ummadda oo dhan , haddaba rabbi ha daayo mujaahidiinta dhammaan , niyaddiina inshaa ALLAAH waa sax oo in aad u gargaartaan diinta rabbi subxaanah , [ saca geesaha wayn geedka ma harsado lagamana harsado ] culumo ama jihaad iclaamiya si diinta rabbi kor looga dhigo oo ummaduna ha idin raacdo , ama raaca mujaahidiinta hor taagan gaalada iyo gaala raaca , xaqquna waa hal ee laba ma ahan , waxaadna u ogolaataan mujaahidiinta in ay ka nastaan afkaartiina ku xiran salaadiinta iyo cuqaasha aan waligood dhaafin qabiil, intaas ka dib ka bari noqda maamulka aad ku hoos jirtaan iyo waxa la halmaala oo gooni uga baxa oo raaca mujaahidiinta , aysan ka ahayn aamusa oo joojiya naseexo canaaneedka aan ku salaysnayn waaqica mujaahidiinta rasmiga ah ee soomaaliya , waxaana la yaableh in nasiixadiina aydan ku soo qaadan kalimada [ mujaahid ] oo aad adeegsateen [ muqaawamo ]taas macnaheedu waa in aydan u ictiraafin in ay yihiin mujaahidiin ee soo kala caddeeya in aad illowdeen iyo in aad kas u yeesheen , anna waxaa iga tala ah mujaahidiinta iyo inta taageersanba in ay u sabraan culamada naseexaysay oo ay rabbi uga soo baryaan in uu ka soo xoreeyo maamulka ay ku hoos jiraan , kaliya culumadu waa in ay soo kala caddeeyaaan in ay u baahan yihiin in laga soo xoreeyo meeshaas iyo in kale , mase loo soo diraa gurmad mujaahidiin ah oo gobolkaas wax ka qabta , mase rabbi baad ugu dhawaan lahaydeen in aad mujaahidiinta hubka ka dhigtaan , waqtigii waa isbadalay ee warkiina caddeeya haddii kale rag baqay u ekaadoo mukrahiin noqda , ama geesiyaal noqdoo fatwaha caddeeay kana daaya beelnimida iyo shacabnimada soomaaliyeed , khudbadihii siyaad barre baa u badnaa kalimada [ shacabka soomaali ], haddaba ummada muslimka ah ee meelkasta joogta maanta waa la isugu yeertay , aduunkuna waa labo maanta , muslim iyo kaafir , waxa la cayrsanayaa oo meel uu galo la waa Qof AL-ISLAAM baa ii ah diin yiri , haddaba kala daaya ku midooba xaqqa iyo ha isku dagaalina xukunka iyo xoolaha iyo qabiilka , haddii aysan taa hore u soo baran maxay dagaalka u galeen ma haddaa la barayaa , mase laga yaabaa culumoy adinkaas shanta ah in aad xukun isku hardisaan ama xoolo iyo aduun , xaqiiqda rabbi baa og , ummaddii waa baraarugtay ee dib ha u celinina inshaa allaah waan la soconaa waxa jira waxaana rabbi ka barinay in mujaahidiintu ay ku guulaystaaan dagaalkoodaas xaq u dirirka ah , WALLAAHU ACLAM.
QORE;
?????? ??? ???? ????
??? ??? ??????
habayn talaado
1429/08/25 hijri
binfaqiih@hotmail.com
binfaqiih | Aug 26, 2008 | Reply
Binfaqiih, Waxaad ka hadlaysaa waa habeen xaaba gurasho aad u bareertay! Hadii Faqiih ku dhalayna waa ay ku dhinac martay adiga sida hadalkaaga ka muuqata!
Fiq-hul waaqica inaad diraasayso intaadan Culimada xagxagan ayaa kuu fiican. Qof Macsuumihi ma jiro laakiin hadaad intaad magacyadooda xustay ka cararto yaad wax ka qaadan?
Diintu waa ittibaac, ibtidaacuna wajiyo badan buu galaa, Culimaduna waa kuwii Nabiga (SCW) dhaxlay. Ciddii ka carartaana khayr ka carare, sharna uga dhawaan badan markay iyaga ka ag dhawaayeen.
Waxyaalaha aad ku nabayso Culimadu waa BEEN aan geed loogu soo gaban, Fiqhiga diinta ayayna dabaqayaane sidaadoo kale alfaad ku dagaalami maayaan. Bal dib u eeg ereyadaadan “WALI CADDA MUUSE WALIYUL AMRI U HAYSTA”, “CULUMOY ADINKAA NASEEXO U BAAHAN EE UMMADDA HA JAAH WAREERININA”, UMMADDA LOOGU XIL SAARAY IN AY MARKAY GUUL GAARAAN TASHWIISH KU FURAAN MUJAAHIDIINTA IYO XAQQA” wax la sii wadi karo maaha, waxaase ka muuqda xiqdi aad u xeel dheer, waxaadse dhaantaa kii saaka lahaa Assalaamu calaa manit-tabacal hudaa!
Haa Culimadu iyagaa uga wakiila diinta dadka lagana rabaa toosinteeda, mise mid iskala bururaya wixii yar oo uu arkaba oo aan ka fakarin waxa ka imaan kara ayay sidaad rabto daba ordaan?.
Alloow inta jirran daawee oo xaqqa nagu wada sug.
Wc/wr/wb
farax | Aug 26, 2008 | Reply
Asalaamu Calaykum,
Walaalayaal waxaan idin xusuusinaya in culimada reer Puntland inta aan ogahay intii Xabashidu dalka soo weerartay ay laba baaq oo hore soo saareen. Waxa nasiib daro in ay si wayn uga gaabsadeen oo ugu fashilmeen xilkii diiniga aha ee ka saarna dagaalka gumaysigu ka wado dalka. Waxa nasiib daro ah in ay ku fashilmeen xilkii Soomalinimo iyo xitaa kii Bani Aadamnimo ee ka saarna arrintaas.
Maanta markii ay Kismayo qabsadeen kooxo ay ka mid tahay koox wadaado ah oo shati dimeed gashan,qabiilna ku socda, kana soo jeeda gobolka Puntland, culimada reer Puntland wa ay ka xidhoon waayeen inay qarsadaan dhiiga dhaqaaqay iyo hiilka cad ee qabiilnimo.
Waxaan su’aalaya culimada Puntland wadanku ma Kismaaya? Miyaad hurudeen intii hore? Maxaad ka tidhaahdeen tobnaanka kun ee Xamar, beledweyne iyo Guri ceel lagu xasuuqay? Ma ka damqan weydeen dadkii shalay tukanayey ee masaajidka lagu xasuuqay? Maxaad Ilaahay la hortegaysaan berito?
Mohamed | Aug 26, 2008 | Reply
Waa ixtiraamayaa culimmada miisaanka culus ee meeshaan soo saxiixay, waana ay fiican tahay talooyinka ay soo jeediyeen. Hase yeeshee waxaa wax laga xumaado ah sida dhiigga qofka Islaamka ah uu Soomaaliya dhexdeeda ka yahay. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in wadaadadu ay qayb weyn ka yihiin qubidda dhiigga.
Sidaa awgeed, culimada warqaddaan qortay waxaa aysan xusin, sidii horeba u dhici jirtay cidda masuulka ka ah dhiiggan la qubay, taasoo hadii aanay culimada miisaanka oo kale leh ka jawaabin caammadu jawaabteeda turjumi doonto.
Su’aashaydu waxay tahay “ma hadurbaa dhiigga qubtay? Hadduusan ahaynse yaa ka masuul ah?
Mariam | Aug 26, 2008 | Reply
Ixtiraam wayn ayaan u hayaa culimmada miisaanka culus ee meeshaan soo saxiixay, waana ay fiican tahay talooyinka ay soo jeediyeen. Hase yeeshee waxaa wax laga xumaado ah sida dhiigga qofka Islaamka ah uu Soomaaliya dhexdeeda ka yahay. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in wadaadadu ay qayb weyn ka yihiin qubidda dhiigga.
Sidaa awgeed, culimada warqaddaan qortay waxaa aysan xusin, sidii horeba u dhici jirtay cidda masuulka ka ah dhiiggan la qubay, taasoo hadii aanay culimada miisaanka oo kale leh ka jawaabin caammadu jawaabteeda turjumi doonto.
Su’aashaydu waxay tahay “ma hadurbaa dhiigga qubtay? Hadduusan ahaynse yaa ka masuul ah?
Mariam | Aug 26, 2008 | Reply
Assalamu calykim;
Marka ugu horraysa waa in dulqaad loo yeesho fikradaha aan kuwaaga ahayn. Intaa kadib haddii qof soo dharxiyo in culimadu gafaan amaba gafeen, yaan loo qaadan in diinta la caayay. Sidoo kale halla ogaado guudahaan adkoo dhan waa u siman yihiin inay saxda asiibaan ama gafaan, gaar ahaan culimada aqoontoodu waxay keeni kartaa inay asiibidda uga fiicnaadaan kuwa kale.
Haddaan inta ku koobo inaan culimadu macsuum ahayn; waxaan rabaa inaan la wadaago hal arrin nimanka qaba in culimadu naseexo mudan tahay;
1. Doorka siyaasiyiinta ARS garabka Djibouti, ee ku dhisan qabyaaladda ay qaateen waxaa loo anayn karaa inuu jawaab u yahay fadwooyinkii qaar culimadaan ka mid ah ka soo saareen muqaddasnnimada xukuumadda CADDE MUUSE iyo fikirkooda ku aaddanaa xilligii maxaakiimta.
2. Mawqifkooda KISMAAYO ku gaarka ah, oo aan xusayn xasuuqa ka jira dalka, gaar ahaan MUQDISHU.
Labaadaas arrimood waxaa laga dareemi karaa;
in waxa wadaa uusan ahayn dareen diineed ama dad ee uu yahay QABYAALAD, sidaas culimadu waa inay ka fiirsadaan FADWADOODA, kuna talo galaan hadday doortaan bogcad dhulka ka mid ah inaysan xaq u lahayn inay ka hadlaan bogcad kale
Mariam | Aug 26, 2008 | Reply
asalamua alaikum
Alaah akbar
caliyare | Aug 26, 2008 | Reply
ASwrwbw
awalba waxaan ka sugaynay ragaan ayaaba iska yaraa….waxaan layaabay walaalkeen abu-cabdirahman sida uu runta uga sheegay ragaan..meesha wax kusoo qoray oo nasexo ugu magacsdaray!!
waxaan anseexo mala dhaho ee waxay ahayd inay iska aamusaan..waa rag ihaadkii ka gaabiyay oo ka fariistay hadana aan hadal iyo durid daynayn…Alaahu mustcaan waxaa waayahaan iska badatay in lagu shaqaysto shaatiga wadaadnimo!!!
Maxay tahay naseexada wakhtigaan lagu soo aadiyay?
mise in mujaahidiinta naseexo loogu soo qoro netka ayaa wax fiican ah oo diinta raacsan?
aaway sidii nala amray ee ahayd in muslimiinta loogu naseexeeyo si sir ah?
mise waxa loogu yeero WULAAT AL_UMUUR ayaa si sir ah oo hoos hoos ah loogu naseexaeeyaa, mujahdiintana waxaa laga sheegee ceebahooda meel walba?
Maad la xiriirtaan raga qabsaday kismaayo oo ah mujaahdiinta al-shabaab iyo amiirkooda iyo afhayeenkooda ABU-MANSUR alaah hawada dhowro muajahdiinta oo dhan, ayadoo la haayo taleefanadooda?
waxaan waa fadexo naseexona ma aha..laakiin waxaa wax lagu farxo ah inay kujaahidinta ay waa hore idinka tashadeen oo ay qaateen qaacidada ah: AL-QAAFILATU TASIIR
mascuud | Aug 26, 2008 | Reply
Scww
Allaah ha barakeeyo Culimada waajib ayay gudanayaan, waana dhab in ay soo socdaan waxa ay ka hadlayaan sidaa darteed waxaa dhibsanaya kuwa mugdiga ka qaraabanaya ee aan waxba u aabba yeelayn.
Qofkii Aakhiro & Adduun raba waa garanayaa Culimadu waxay ka hadlayso waxaanse leeyahay badhi cune soo bixi doonee.
Ragga kismaayo qabsaday may midoobaan oo maamul dhisaan maxaa min xamar ilaa Bakool ilaa Af-madow ilaa dhoobleey looga soo yaacay oo qolaba meel u dagaysaa? maxaa indhaha laysu tirayaa.
Tan kale ma khasab baa in haddii kismaayo laga hadlo meel kalena laga hadlo awalna culimadu waa hadli jireen waana joogeen haddana waa hadlayaan kumana hadlayaa garaadka dhallaanka ee garaad culimo ayay ku hadlayaan.
Alloow culimada barakee kuwa diidanna markay birta iska aslaan bay arki doonaan illaa waa dad qamaamayee.
Scww
batuulo | Aug 26, 2008 | Reply
culimada wexey soo jediyiin baaq qiima badan waxaase is weeydiin mudan kismaayo kaliye iney baaq kasoo saaraan eyna ka hadlin dhibaatata kataagan muqdisho oo joogtada ah iyo xadgudubyada aanan lasoo koobi karin sidookale khilaafki ka dhex dhacay hoggaanka sare ee muqaawamada soomaaliyeed mexey uga hadli waayeen culimadan meesha ku saxiixan oo aan naqaan?.
maxamed cali guure | Aug 27, 2008 | Reply
ASCWRWB WALAALAYAAL ISKA DAAYA MURANKA XAQA KA HADLA ILAAH BAA IDIIN JEEDEE HADALKIINANA BADANKIIN WAXAA KU JIRO QABIIL INTAAN KA AHAY CAAQILKA WATA MAGACA IBRAAHIM XIRSI GALOW RUNTII WAA CAAQIL AAN AQOON SIDAAN ARKO QABIIL AQOON NA U LEH CULIMADA ILAAH KACABSADA OO DIINTA ILAAH BARTA ADINGOO FAARUQ AH QABIILNA MEEL ISKA DHIGA ASCWRWB
yusraAAAA | Aug 27, 2008 | Reply
asalaamu calaykum walaallaayaal waxaan tahniyadaynayaa dhambaalka qoraalka ah ee ka soo baxay culumaa u diinka pountland waa se goorma waa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen si kastaba ha ahaatee waxaan leeyahay jasaakalaahu khayran waxaanan ka codsanayaa in aad sidaas ku sii wadaan waxaan kaloo idinka codsanayaa waxaa lagu jiraa xaalad aad u adag mark ala fiiriyo dhamaan soomaalia culumaduna waxay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda miisaan marka ku dadaala wacyi galinta bulashada dhibaataysan wabilaahi toowfiiq
c/laahi yuusuf | Aug 27, 2008 | Reply
Bismillaahi raxmaani raxiim
waxan awalan u mahad celinayaa walaalaha culimada soomaaliyeed waxanan hadal ku gaabsanayaa sidaas iyo si ka fiican ayaa goor waliba iyo xilli kasta oo muqaawamadu dhul qabsadaan la idiinka rabaa ee sii wada hana ka daalina
booramaawi | Aug 27, 2008 | Reply
Asalaamu caleykum
Culumadan halaweeydiyo Cadde Muse iyo Cabdullahi islaamka waxa uu ka qabo?
Wey kumahadsan yihiin sidii aay cade muse ooga fakiyeen dad ONLF ah lakiin maarkaan miyaa waxaa cabdullahi uu kuhayo reer xamar? Miyeey arkaan waxa mamulka aay hoos yimaadaan waxa dulmi ah uu ku hayo xeebaha dalkeena (kumanaan kudhimanaya, maraakibna badan lagu qafaasho). Beerdhiga miyeey qarineeysaa waanadii culumadan?
somali | Aug 27, 2008 | Reply
Kismaayo waa caasimadii jubada Hoose ee maahan caasimadii puntland ama Gedo.
Culumadii duligii Barre Hiiraale ka kor qaaday kadambeey oo qabiil halaiska dhaafo khaasatan wadaadada.
somali | Aug 27, 2008 | Reply
Ku: Farax.
sc wr wb all muslimiinta sharafta leh.
akhii faarax waxaad moodaa inaad ku xadgudubtay labo nin oo muslimiin ah oo fikradooda dhiibtay aadna u moodo inaad taada ku qasbeeso daliil la aan.
culumada waa labo qeybood caalim rabbaani ah iyo caalimu suu u.
kan rabbaaniga ah sida shariif cabdi nuur waxuu mudanyahay ixtiraam jaceyl iyo sara qaadis.
kan caalimi suuga ah sida kuwa ku tilmaamay jihaadka mogadisho fitna aydoo laascaanood isku oo deriskooda ah isku dagaalayaan dad muslimiin ah bey ka hadli waayeen oo xaqa muujin waayeen sababtoo ah cade muuse ma ogolo in layiraahdo waa fitno dagaalkaas.
ninka nuucaa ah maxuu mudanyahay?.
ninka dalkoo idil oo gubanaayo isagoo ujeedo oo mujaahidiintu meelo badan qabsadayn aanan wax naseexo ah ujeedin horeyna u aflagaadeeyay oo yiri waa dhalinyaro fudfudud iwm maanta markii la qabsaday kismaayo maxay tahay naseexada looga baahanyahay ilayn fitno beenu wadnaaye.
nin go aan mujaahidiinta ka gaaray warkiisa kuma jirno ninkii rabo inuu naseexeeyo horta jihaadka ha taageero.
wax naseexa ahna laguma fasiri karo anaku waa isnaqaan soomaali madaw joojiya beenta culumadaa reer boosaaso qabyaalad baa ka hadashiisiisay uun.
kismaayo iyo boosaasana xiriir wayn baa ka dhexeeya balse ilaah mahadii xamar iyo hargeesa kismaayo beydhaba iyo garowe iyo boosaaso meel walbo oo mujaahidiintu qabsadaanba shareecada uun baa lagu xukumi waa intaa qabiilna la dulmin maayo.
ee culumadaa ilaah ha u toobad keenaan oo jihaadka ha taageeraan oo cade muuse hala jihaadaan hana ka qaadaan maamulka kitaab alllena haku xakumaan hadii kale warkooda cid ku jirta majirto.
faarax culumadu ma aha shan sheedaan hoos joogta ee kumanaan baa ah culumo shariif cabdi nuur sh umal shibile sh xassaan sh cumar iimaan intaas iyo ka badanba wee joogaan.
ragga kismaayo qabsadayna waa muslimiin waxayna ka qabsadayn barre hiiraale oo murtad ah ee qabiil qabsaday majiro ee wadaadadaa u sheega.
teeda kale anaka iyo ninkii maanta cadawga nagu eegta kala dhimanay oo naseexo iyo waano iyo wax aan karabno majirto ee taa hala ogaado.
teeda kale culumadu macsuum haka dhigin.
hana ka dhigin diinta kaligood inay yaqaanaan.
haday magaalo walbo oo la qabto naseexooyin soo gudbin lahaayeen haa balse maanta uun kismaayo kaligeed!!!! timir lafaa kujirta horeyna qabyaalad baa laga arkay hadana wee sii tiinbadayn ee ilaah ha u tawbad keenaan.
naseexo ma ahayn ee xad gudub bee eheed.
waxay yiraahdayn maamulka ha marooqsanina!!! mee tigreega iyo ina yeey saas ugu naseexeeyaan ilayn waa qaraabee!!! cajiib.
ilaahaw fitnadaan nagu amaanso mujaahidiintana u gargaar.
walaal binu faqiih sabar akhii adi iyo walaalkii kaleba hadaafow rag jadbeesan baa idin helaye.
faarax ragga ha qasbin figradaada dhiibo uun adoo mahadsan!!!!.
sc wr wb intii muslim ah.
Muslim Dhab Ah Insha Allah | Aug 28, 2008 | Reply
Ku : Marium.
sc wr wb.
ukhtii maryama ilaah haku cizeeyo kuna sharfo.
waxaad u hadashay si dagan oo ku dheehantahay garasho iyo xilkasnimo.
intaa kadib.
anaku waxaa nahay dad soomaali ah waxaan leenahay dhul balaaran oo ka bilowda djibuuti kuna dhamaada kenya kasoo bilawda xuduuda adis kuna dhamaada badda.
hadaba maadaama eenu nahay dad muslim ah oo dhulkaa uu eebe siiyay waxaa noo haboon intaa ineenu cadawga ka kicino kuna xakuno sharciga islaamka si eenu ugu diyaar garowno inaan maamulno africaataan cawaanta ah una naxariisano oo kasaarno jahliga iyo gaalnimada intaan taas la gaarin waa ineenu horta helnaa dhulkeenii inaka nalaka dhacay oo idil oo taako maqnayn.
iyakuna waxay doonayaan inay nasii kala jar jaraan.
hadaba waxaa hoos inoo dhigay hogaan xumo iyo kuwo nagu luqad ah oo murtadiin ah.
culumadii la rabayna inay na hor kacaan waa kuwaas kuleh kismaayo haloo naxariisto xamrna jihaad kama socdo waa fitno!!!!.
hadaba fitno aabaheed waa qabyaalad dilootay culumadii iyo gaalnimo dilootay saraakiishii iyo generaaladii dalka!!!!.
allahu mustacaan.
hadaba mujaahidiinta soomaliyeed waxay go aansadayn inay dulliga ka qaadaan umada muslimka ah ee soomaaliyeed waana saas sababta ee dagaalka ugu jiraan eesan ahayn mid walbo wuu yaqaan siduu u xamaasho oo uu caruurtiisa u korsado gaalona u baryo ama carab iqaamo ka raadsado.
ninka fronta hore kujiro oo xabada ridaya oo dhaxanta iyo kuleelkaba taagan iyo kan boosaaso malaayga ku cunaya oo 4 xaas midba habeen u hoyanaya walee in gar loo simo ma aha.
wadaadaa boosaaso haday uun caruurta garowe iyo boosaso laga keeno dhihi lahaayeen waalidkood ceshta waxbay ahaan laheed.
ee mujaahid gaad aan u aqaan ee wanaag uma jeedo.
ukhtii dhibka dalka yaalo waa intaas.
waxaan ku talin lahaa in diinta la barto walaaltinimada guudna la dhowro sidoo kalena umada looga digo gaalnimada iyo waxyaabaha ridada keena.
mahadsanid ukhtii.
sc wr wb
Muslim Dhab Ah Insha Allah | Aug 28, 2008 | Reply
S/c dhaman walaalaha meesha fikirka ka dhiibtay kii Qaldayne Alle ha danbi dhaafo kii saxayne Alle ajar aan la soo koobi karin ha ka siiyo Amin, intasi kadib somali waxay ku maahmaahdaa GEEL DUDAY WAXARO LAMA DHEX QABTO markii aan hadaba fiiriyay 2dhinac waxaan ku talin lahaa in ninkasto uu daliil la soo shirtago waxaa kale oo aad u takiidin lahaa Qofkastoo muslim ah in aan kheyr u rajeyno aanan joojino in aan is gaaleyno s/c
Mohamedirshad | Aug 28, 2008 | Reply
Ragga Kismaayo dhibka ka dul qaadey amaan iyo duco ayay mudan yihiin mana ah in loo fiirsado oo la daba dhigto. Culimada waa mahadsan yihiin, waxaana wanaagsaneyd markii dhibku umada ku haystay Kismaayo inay sidan oo kale baaq usoo jeediyaan. Laakiin anigu baaqan ay soo gudbeiyeen khayr baan u qaadanyaa.
Waa in la fahmo dhalinyarada (shabaabka) iyo culimada diinta ku dhegan ee Soomaaliyeed in loo gol leeyahay. Kuwa badan oo inaga mid ah ayaana doonaya inay cadow shisheeye u adeegsadaan. Taa laftiggeda qalbiga ha lagu hayo.
Ducada hala badiyo si Illaahay dhibka inooga qaado.
Qowdhan | Aug 28, 2008 | Reply
ASALAAMA CALAYKUM WRAXMATULAAHI WABARAKATUHUU.
waxay aniga ilatahay in naseexadaan ay kusocoto oo kaliya wadaadada magaca hartiyeed wata oo kaqaybgalay dagaalkii kismaayo ee ayna kusocon walaalaha al-shabaab oo ay uyaqaanaan culimidani dhalinyaro fudud oo dagaalo fitna wada…waxaad kadareemi kartaa naseexadan inay ragaas lahadlayaan inay leeyihiin aarsi qabiil kahortaga, maamul dadka deegaan udhashay udhiiba..inaysan talada magaalada….
1-waxaase waydiineen culumadan..koonfurta soomaliyoo dhan dagaalbaa kasocda lagula jiro gaalo iyo murtadiin ku xadgudbaya diinta islaamka iyo dadkeedaba waxaan mujaahidiintu maalinkasta tagaan magaaalo cusub maxaa idiin diiday inaad kahadashaan..ama aad naseexo udirtaan?.
2-maamulka kismaayo laga qabsaday oo ah maamul qabiil kusalaysan iyo kan puntland kadhisan oo qabiilka kusalaysan maxay kukala duwanyihiin…mase u ogalaanaysaan in mujaahidiin yimaadaan boosaaso oo ay shareeca islaaama kadhisaan meeshaas uu dulmiga hareereeyay dhiiga muslimiintana lagu kala gato.
3-maamulka laga qabsaday kismaayo iyo kan puntland kajira keebaa mutnaa in lagu jihaada..waayo kismaayo xabashi majoogin lagamana taageersaneen laakiin puntland way joogtaa waana laga taageersanyahay marka kee awlaysan in lagu jihaado?.
4-maku raacsantihiin in rag wadaada ah oo magaca qabiilka harti wata in dagaalkii saliibiyiinta lagula jiray kasoo jeestaan inay kismaayo oo ay u arkaan in dadkood lagu dulmiyo ay dagaal kuqaadaan?..
5-ugu danbayn mawqifkiina dagaalada soomaliya kasocda oo lagula jihaadayo saliibiyiinta iyo xukuumada ridada maka tanaasusheen?
wasalaama calaykum,waraxmatulaahi wabarakatuhuu.
abuyahye | Aug 28, 2008 | Reply
ASC WR WB
Salaanta kadib waxaad moodaa dadbadan in ay darsadeen gaalmo badan oo dan biyaal ah isuna arka in uu sax san yahay ,faanka,isdahirida,xasadka,qabyaalada,xiqdiga ,qadafka intuba waa wax diinta kureeban ,waxaana aan leeyhay culimada aflagaadadeedu waa ceeb hilibkooduna waa sun waxaana aan dhamaanteenba wada ognahay waxa ay culimadan meesha ku jirta ay yihiin bale waxaan dhihi karnaa waaba ragii soo saaray qaarkood ragan iyo kuwii ka horeeyeyba ee walaalayaal culimada yaan loo gafin adiga oo qaradkale huwana culimada hilib keeda (iskajir hee) waxaana kamida ragaa soojihaaday fikirkaana qaba ee adigu naftaada bad baadi culimada somaliyeed midna ha amaanin midna hacaayin taasi waa cadaalad daro bal khayrka iyo dacwada ay qabteen dib ujaleec yaysan kaanoqon ceebsheegid un (qofna qofmuslim ah ceeb kuma sheego ilaa isagy ladegtaa.
waxaan kale oo wada ognahay culimada somaliyeed ee wadanka daafihiisa kukala nool ninba sibuu wadcigu usaameeyey ee yaan koox kaliya fukska lasaarin ee ha loo cadaalad falo.
waxaana aan leeyahay culimadu waa kii uu ninkii la baxay (faqiir ilaLaah) uu sheegay waxay soo qabteen hadana aflagaadada ugaystay culimada . waxaanse ku waydiinayaa miyaanu soosaarin shabaabka iyo inta kale ee aad sheegaysidba ee kals jooga daafaha dalka wanaagiisii ma kuu muuqanwayday( Allahu aclam bixaalika) ee nin yohow adiga iyo inta halkan wax ku soo qortayba ceebihiina dib aan u eegno maxaa yeelay qofku waa in ay u muuqdaan ceebihiisa inta aanu cidkla ceebayn,daliishana haw adeegsan meel aan ku habooneyn iyo waxa aad adigu jeceshahay Allena aan kabqno dhamaanteen nafwaleybana waa lagu waydiin waxaad gaysatay .
asc wr
Abu-Jacfar | Aug 30, 2008 | Reply
sc wr wb.
Abuu Yaxye xafidaka rabbii.
waad wanaajisay.
sc wr wb
Muslim dhab Ah Insha Allah | Aug 30, 2008 | Reply
???????? ??????? ?????? ??????
diinta waanaseexo cid naseexada ka dhanna
majirto,culimadana wey kumahadsan yihiin waanada wax ku oolka ah oo ey soojeediyeen,
marka waxaan odhan lahaa walaalaha kala taageeraya culimada iyo mujaahidiinta caddaaladda haka tagina oo midna yaanan latahmiishin qola waliba majaalkeedi wey kamuuqataaye, tanawucana islaamku wow anfacayaa aragtidana weykala duwanaan kartaa ee muhimadu waa in hadafku mideysanyahay wasaa isha loomaraya haba kala duwanaatee.
inaguure
c/ cali guure | Aug 31, 2008 | Reply
aad buu uwanaagsanyahay hadalka culimada iyo nasteexada illaahna haka abaalmariyo laakiin culimadu bulshada ay kadhasheen bay diintu u xanbaarsanyihiin ee gobolgooni ah inay tilmaamaa ma haboona layaabse malaha waayo hadal kahor bay culimadaan isku magacaabeen culimada puntland maantana gobol gooni ah inay timaamaan ma ahayn iyadoo waliba aanay kahadlin iyadoo ay gaalo sooduushay umad muslimiin ah ay gumaadayaan aayan gudanin culimadaan dowrkii ay kulahaayeen iskabadaa taase ay soo saareen nadwo ay kaga mamnuucayaan dhalinyaradii reer puntland ee dagaalka aadilahayd walaalahood gaalada uga gargaarilahaa iyadoo ALLAAH quraankiisa iboogusheegay, ???????????? ?? ????? ?????? ????? waxaan leyahay hadalka quruxda badan illaah haka abaalmaro ZALAADkoogana ALLAAH hadhaafo waxaan iyaga kula dar daarmayaa ahaada culimo umada udhaxeysa ee hanoqonina culimo qabiil iskala weynaada taasi ILLAAHAYNA utowbadkeena ogaadana hadalkiinu inaanu lamid ahayn hadal dadka kale ??????? ???????
girgire | Sep 1, 2008 | Reply