Baaq furan oo ku socda muqaawamada Kismaayo
By Somalimirror on 24 Aug, 2008 4:08 PM in Maqaallo
A/Calaykum
Salaanta Islaamka ka dib:
Isbeddelkii ugu dambeeyay ee Kismayo wuxuu ahaa mid lagu diirsaday marka laga eego aragtida iyo dareenka qofka muslimka ah ee ay damqayso xaaladda Kismayo iyo waayihii ay soo martay. Ulama jeedo sida dadka qaarkiis inaan ku faraxsanahay oo keliya ka saaristii Col.Barre iyo malleeshiyadiisii ee ujeedku waxa weeye in Kismayo ay u gacan gasho dad xambaarsan farriin ka duwan tii ay wadeen kooxihii horay gacanta ugu hayay oo dhan.
Waxan shaki ku jirin in dadka Jubbada Hoose ay xadgudub iyo dhibaato joogto ah kala kulmeen kooxihii isku haystay gacan ku haynta gobolka ha noqdeen kuwa haatan laga saaray ama kuwii horay uu loollanka ugula jiray ee beelaha kale ka soo jeeday, laakiin hadda waxaa muuqata isla markaasna raja wanaagsan laga qabaa in kooxda gacanta ku dhigtay gobolkaas ay aragti ahaan si wayn uga duwan yihiin kooxihii horay ugu loollamayay.
Muqaawamada Kismayo waxa laga sugayaa inay gobolka ka sifeeyaan aragtida ku dhisan qabiilka iyo jabhadaynta ee ay ku beereen muddadii dheereyd ee ay gacanta ugu jirtay kooxaha aragtidoodu ku dhisan tahay beeleysiga iyo sadbursiga anigoon kala soocin dhammaantood. Taas waxaa dheer in gobolka si buuxda looga hirgeliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo cadaalad ay dadkoo dhami u siman yihiin.
Gobolku wuxuu u baahan yahay midaynta dadwaynaha ka soo jeeda beelaha kala duwan ee muddada dheer la isku dilayay iyadoo magacyo beeleed iyo kuwo jabhadeed la adeegsanayo, taas waxay suuragal ku noqon kartaa oo keliya cadaalad muuqata iyo maamul ku dhisan islaamka oo gobolka lagu soo dabaalo.
Si loo gaaro ujeeddada laga lahaa isbeddelka socda waxaa lagama maarmaan ah in waxgaradka iyo dadka wax ku oolka ah ee gobolka ay qayb ku yeeshaan dhaqangelinta hadafka loo socdo oo ah in ALLAH la raalligeliyo ka dibna dadwaynaha gobolka loo oggolaado inay helaan fursad ay danahooda adduun iyo aakhiro ku hagaaji karayaan.
Arrinta Kismaayo iyo Soomaaliya oo dhami maaha mid ay koox iyo jabhad gaar ah ku talaxumaan karayaan ama ay ka gaari karaan xal guul haddii aan loo kaashan ALLAH ka dibna mujtamaca intiisa kale, sidaa awgeed midnimada qaybaha iyo aragtiyada muqaawamadu waxay ila tahay arrin aan marna laga maarmi karin.
Taas waxan ula jeedaa in Muqaawamadu ay ka fogaato khilaaf dhexdeeda ah iyo xukun maroorsi ama taakulayn aragti qabiil gaar ah ama in awoodda muqaawamadu ay noqoto mid u rahman ama ka shidaal qaadata aragtida beelaha gobolka horay ugu hardami jiray ee weli ay dhextaallo aanada iyo eelka ay dhigeen qabqablayaashii horay gobolka uga talin jiray.
Dhiigga muslimku waa mid dhowrsoon oo aan lagu bannaysan karin si fudud, qof kastana ha ogaado in isagoo keligiis ah laga xisaabi doono wixii uu galay oo aan laga aqbali doonin koox hebel ayaan ka tirsanaa iyo hebel ayaa ii diray inaan hebel dilo, waxaa lagu waydiin doonaa ”maxaad adigoo hebel ah u daadisay dhiigga hebel” .
Haddii laga fursan waayo waxay ila tahay in dhinacyada Muqaawamadu ay ku heshiin karayaan awood qaybsiga iyo gacan ku haynta goobaha muhiimka ah iyadoo wax walba laga hormarinayo danaha guud ee lagu midaysan yahay taas oo ah in gobolku noqdo meel tusaale u noqota gobollada dalka intooda kale.
Waxaa nasiibdarro iyo guuldarro noqon doonta muran iyo iska hor-imaad hubaysan oo dhexmara muqaawamada oo aanu u haysano inay hoggaanka u hayaan culimada Soomaaliyeed oo dantoodu tahay dhaqangelinta sharciga ALLAH, Soomaalidu waxay doonaysaa inay aragto maamul islaamka ku dhisan oo ay gacanta ku hayaan dad ay ku kalsoon yihiin.
Laakiin hadii taas la waayo oo ay arrintu noqoto khilaaf iyo gacan ka hadal waxaa la waayi doonaa kalsoonida shacabka iyo inta wanaagga la doonaysa Soomaaliya, arrintuna waxay ku dhammaan doontaa kud ka guur oo qanje u guur iyo in laga cararo meeshii laga maqlo Islaamiyiin ayaa la wareegay.
Ujeeddada muqaawamada iyo dhammaan islaamiyiintu maaha in Kismayo ama gobol kale la qabsado, ama xukun la qabto, waxana la ogyahay halka ay arrimuhu ku dhamaan doonaan marka laga tago ikhlaaska iyo ALLAH dartiis in loo halgamo, dhab ahaan risaalada qofka muslimka ah uu xambaarsan yahay waa mid intaas ka qoto dheer, sidaas awgeed xoogagga islaamiyiinta waxaa looga fadhiyaa inay noqdaan dallad ay harsadaan dhammaan shacabka burburka iyo colaadduhu ragaadiyeen.
Waxa lama huraan u ah in laga faa’idaysto cawaaqibkii laga dhaxlay khilaafkii dhexgalay Islaamiyiinta Afganistan iyo kuwa Ciraaq iyo sida cadowgu uga faa’iday khilaafkooda, taas oo quraankuna ka digay muranka iyo khilaafka oo marka dambe ku dhamada awooddii oo meesha ka baxda ka dibna lagu jabo.
Waa in muqaawamadu ogtahay inaan looga hari doonin tallaabooyinka ay qaadeen iyo gacan ku haynta Jubbada Hoose, waayo waxaa socda hawlo badan oo ay durba bilaabeen cadowga islaamka oo ku midaysan in islaamiyiinta laga saaro Kismayo ciddii kale ee doonta ha qabsatee, hadii cadowgu sidaa ku midoobo waa inay keentaa in dhinaca kale uu ku midoobo hanashada xilka culus ee uu dhabarka u ritay.
Qof kasta oo Soomaali ahi wuxuu ogyahay wixii Max’ed Dheere ka qabtay Jowhar iyo sida dadka gobolkaasi ugu naalloodeen tallaabooyinkii nabadgelyo ee uu qaaday intii uu gobolkaas gacanta ku hayay, waxanu ognahay mabda’ la’aanta Max’ed Dheere iyo inuu ka mid yahay dadkii masuulka ka ahaa gumaysiga uu dalku galay, laakiin hadana maaha inay taasi naga xijaabto waxa uu ka qabtay Jowhar.
Haddii Muqaawamadu tahay koox ka duulaysa aragti iyo mabda’ qiima leh waa suuragal inay ku soo dabaasho gobollada dalka ee ay hayaan nolol ka qiima badan halka ay wax gaarsiyeen Max’ed Dheere iyo ragga la jaalka ah ee aynu ognahay caqliga iyo a ragtida ay ku shaqeeyaan ee ku dhisan ALLE ka fogaanta iyo gumaysi daba-orodka.
Waxaa loo baahan yahay dhismaha maamul midaysan oo dadku u siman yahay kuna dhisan aqoon, karti, amaano iyo awood xilgudasho, waxaa kale oo muhiim ah sugidda ammaanka iyo hawlgelinta kaabayaasha nabadgelyada sida saldhigga booliska, koontoroolada magaalada laga galo, maxkamadaha sharciga, dhismaha bolilis hufan iyo dib uga shaqaysiinta ilaha dhaqaale sida dekedda, garoonka dayuuradaha iyo kastamada.
Arrintu maaha in lagu tiirsanaado oo keliya awoodda millateri ee hadda lagu saaray Barre, laakiin waa inay taliyaan aqoonta iyo fahamka diineed oo lagu dheehay bisayl iyo waaya-aragnimo, arrimaha waa in loo kala hormariyo siday u kala mudan yihiin marka laga hadlayo dhaqangelinta shareecada, iyo in loo tooghayo dhaqdhaqaaqyada caalamka iyo aragtida laga qaatay dal iyo dibadba siday wax u dhaceen.
Ugu dambaystii Muqaawamadu waxay ogtahay in gargaarka iyo hiilka ALLAH oo keliya ay yihiin kuwa lagu taagan yahay taasina ay ku xiran tahay hadba masaafada xaqa loo jirsado, haddii gargaarka ALLAH uu meesha ka baxana aanay caguhu dhulka ku taagnaan doonin.
Walaalkiin Sh. Axmed Cali
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo