C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo la heshiisiiyay.

khilaafka-labada-nin.jpg Heshiis rasmi ah ayaa lagu waramayaa in uu xaley ku dhex marey Nuur Cadde Iyo C/Laahiyi Yuusuf Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya oo halkaa ay u tageen markii hore khilaafaad soo kala dhex galey. 

Heshiiska ay wada gaaraan 2 nin maaha mid si iskood ah ay u wada gaareen, balse waxa uu ku yimid sida wararka lagu helayo cadaadis ay kala kulmeen dhanka madaxda dowlada Itoobiya oo ay si rasmi ah uga amar qaataan.

  

Heshiiskan ayaana imaanaya ka dib 2 isbuuc oo ay ku sugnaayeen Magaalada Addis Ababa, oo ay u tageen si khilaafaadkii soo kala dhex galey halkaa loogu xaliyo.

  

Arimaha khilaafaadka keenay ee C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde isku hayeen ayaa waxaa ka mid ah, arimo dhanka awood DKMG G ah ku aadan iyo arimaha dib u heshiisiinta.

  

Qodobada ay ka heshiiyeen waxa ka mid ah in xil ka qaadistii Maxamed Dheere lagu sameeyay dhaqan  gasho isla markaana uu xilka wareejiyo, sido kale in wasiiradii is casiley xilalkoodii dib loogu soo celiyo.

  

Waxa sidoo kale ka mid ah qodobada ay ku heshiiyeen qodob ka hadlayey arimaha Amaanka oo ay soo diyaariyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, kaas oo aan faah faahin dheeraad ah laga heyn.

  

Waxaa lagu wada in la qabto xaflado ka kala dhici doona Muqdisho iyo Addis Ababa. Xaflada Addis Ababa ka dhici doonta ayaa lagu waramayaa in 2 nin looga saxiixayo heshiiska ay wada gaareen, halka xaflada ka dhici doonta Muqdishana lagu soo dhaweynayo heshiiska ay wada gaareen, sidoo kalena uu ka soo qeyb gali doono Maxamed Dheere oo halka xilka ku wareejin doona.

  

Xalinta khilaafaadka soo kala dhex gala madaxda DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya iyo awaamir siintooda, intuba waa arimo awoodooda ay leedahey dowlada Itoobiya marka loo eego sida ay ula dhaqanto.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

7 Comment(s)

  1. yahuuu naagihii zanaawi iga dheh hane bariyaya is dalayaan ufeeeey

    bishaar | Aug 24, 2008 | Reply

  2. lama yaabayo in ninkii markii hore shaqaalaysistay uu ugu hanjabay in uu ama xiri doono ama shaqada ka raacdayn doono.
    laakiin waxaan la yaabanahay markii ay yimaadaan wixii ay sheegi doonaan,
    ma waxay dhihi doonaan waa nala qasbay?
    ma waxay dhihi doonaan inagaa isu tanaasulnay?
    mise intay is ceebsadaan ayeey aamusi doonaan???
    waxaase intaas iigala yaab badan kuwa dhihi doona madax ayaa imaanaysee haloo sabciyo jidadkana haloo xiro.

    sh jaamc | Aug 24, 2008 | Reply

  3. ASC

    Xafladlee qabateenaa iyo heesteenaabe, Zenaawi amarkisa ayaa dfulinaysaan. Inshaa Allaah goor ay noaqotaba waa gacan geli doontaan. Mashruuca Mareykanka uu ka qaatay Zenaawi November ayuu ku eg yahay ee su’aasha taagan waxay tahay xagee u carrareysiin murtadiineey??WSC

    Abu Munsif | Aug 24, 2008 | Reply

  4. ??? ???? ????? ??? ??? ????? ??? ??? ???????? ??????? ??????? ??? ????? ???????? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ???
    [duulkii ka jeesta hanuunka ALLAAH SUBXAANAH WATACAALAA waxaa u danbayn doona inshaa ALLAAH dulligaas ka muuqda kuwaas seddexda ah ee lagu hayay xereda gaalka geeska afrika u qaabilsan la dagaalanka ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA Gobolka , seddexdaas oo madax u ah dowlad ku sheega daba dhilifka u ah xabashida ayaguna madax u ah maamulka mayd ku gaarka soomaaliya iyo maata layska iyo xaalufinta khayraatka soomaaliya “aadan madoobe , cabduLLAAH yuusuf , nuur cadde “ . haddaba miyaad marag u raadinaysaan in laga maamulo guriga ina abraha [ abraha waa kii asxaabul fiilka madaxa u ahaa ee rabbi halaagay .] meliz waa mid ka mida tafiirta abraha ee dadyahow saas ula socda taariikhda lagana yaabee in uu hordhac u yahay kuwa dacbada aakhiru zamanka wax ka dumin doona wallahu aclam, haddaba maxaa nala gudboon dad yahow waad aragtaan xaqiiqdee , waxaa khasab nagu ah in aynu ka leexano kuwaas oo aynu taageerno mujaahidiinta ilaa iyo intii xabashi iyo dabadhilifkoodu soo duuleen la hortaagan xabbad iyo waran iyo dagaal oo naftooda iyo maalkoodaba u huray diinta islaamka daafaceeda iyo kalimadda rabbi kor ka dhigideeda kuwaas ha la raaco oo ha la iska daayo qabyaaladda iyo jaahiliyadda casabiyadda xun oo gacmaha is qabsada ooh al saf uga soo wada jeesta seddexdaad dhurwaa iyo inta raacsan rabbi baana ka adkaan iyo xizbigiisa , warkooda ha dhagaysanina iyo falsafadooda , waana caddahay in rabbi guulaysan wallaahu aclam.
    QORE:
    ?????? ??? ???? ????
    ??? ??? ??????
    1429/08/23 HIJRI
    HABAYN ISNIINA.

    abucabdurraxman | Aug 24, 2008 | Reply

  5. ??? ???? ????? ??? ??? ????? ??? ??? ???????? ??????? ??????? ??? ????? ???????? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ???
    [duulkii ka jeesta hanuunka ALLAAH SUBXAANAH WATACAALAA waxaa u danbayn doona inshaa ALLAAH dulligaas ka muuqda kuwaas seddexda ah ee lagu hayay xereda gaalka geeska afrika u qaabilsan la dagaalanka ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA Gobolka , seddexdaas oo madax u ah dowlad ku sheega daba dhilifka u ah xabashida ayaguna madax u ah maamulka mayd ku gaarka soomaaliya iyo maata layska iyo xaalufinta khayraatka soomaaliya “aadan madoobe , cabduLLAAH yuusuf , nuur cadde “ . haddaba miyaad marag u raadinaysaan in laga maamulo guriga ina abraha [ abraha waa kii asxaabul fiilka madaxa u ahaa ee rabbi halaagay .] meliz waa mid ka mida tafiirta abraha ee dadyahow saas ula socda taariikhda lagana yaabee in uu hordhac u yahay kuwa Kacbada aakhiru zamanka wax ka dumin doona wallahu aclam, haddaba maxaa nala gudboon dad yahow waad aragtaan xaqiiqdee , waxaa khasab nagu ah in aynu ka leexano kuwaas oo aynu taageerno mujaahidiinta ilaa iyo intii xabashi iyo dabadhilifkoodu soo duuleen la hortaagan xabbad iyo waran iyo dagaal oo naftooda iyo maalkoodaba u huray diinta islaamka daafaceeda iyo kalimadda rabbi kor ka dhigideeda kuwaas ha la raaco oo ha la iska daayo qabyaaladda iyo jaahiliyadda casabiyadda xun oo gacmaha is qabsada ooh al saf uga soo wada jeesta seddexdaad dhurwaa iyo inta raacsan rabbi baana ka adkaan iyo xizbigiisa , warkooda ha dhagaysanina iyo falsafadooda , waana caddahay in rabbi guulaysan wallaahu aclam.
    QORE:
    ?????? ??? ???? ????
    ??? ??? ??????
    1429/08/23 HIJRI
    HABAYN ISNIINA.

    abucabdurraxman | Aug 24, 2008 | Reply

  6. itoobiyaan qurmuun dabadhilif u noqo wax ka xun ma jiraa alle ma sidaas ayaa u dambeysay madax ku sheegeynii ridoobay?!!

    asc | Aug 24, 2008 | Reply

  7. ASC

    Nin gaal hoostagay guul iyo talo haka suginina ee Soomaliyey tashada oo Mujaadhiinta iyo Diinta Allah garab siiya, hadii kale waxaan noqon doonaa caruurtii Zanawi iyo Bush oo Allah ucarooday.

    A/lahi Yousuf iyo Nuur Cadde Allah ummada ha qabto si dag dag ah, darwiish iyo qaybdiid na dulli Allah ha saaro.

    Asad | Aug 25, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo