Warbixin:- Isbedelka Kismaayo Muxuu Xambaarsan Yahey?

kismaayo.jpg

Warbixinta ayaa ka kooban:-1)     Sidee ku bilawday dagaalka Magaalada Kismaayo?

2)     Muxuu salka ku hayaa Dagaalka Kismaayo?

 

3)     Yaa ku jira Dagaalka Kismaayo?

 

4)     Muxuu uga Duwan yahey Dagaaladii hore ee Kismaayo ka dhici jirey?

 

5)     Saameynta Dagaalka

 

6)     Aragtida Garabyadu ka qabaan Qabsashada Kismaayo

 

-         Shabaabka

 

-         MMIS

 

-         Jabiso

 

7)     Maxay ku Danbayn doontaa M.Kismaayo?

 

8)      Maxaa Xal ah? 

 

Sidee ku Bilawday Dagaalka Magaalada Kismaayo?

 

Dagaalkii kharaaraa ee mudadda 3-da maalmood ah ka soconayay magaalada Kismaayo ayaa waxaa markii hore uu bilawday kadib markii maleeshiyo daacad u ah Barre Hiiraale ay weerar ku qaadeen fariisin ay deganaayeen ciidamo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Alshabaab oo magaalada ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay.

 

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa maanta abaare 04:00 galabnimo soo gaba gaboobay kadib markii ay xoogagga Alshabaab iyo MMIS muquuniyeen maleeshiyaad kii uu horboodayay Barre Hiiraale kuwaas kadib markii laga itaal roonaaday isaga baxay magaalada ayada oo aan la garanayn halka ay hadda ku sugan yihiin.

 

 Muxuu Salka ku hayaa Dagaalka Kismaayo?

 

Dagaalka ka dhacay Magaala xeebeeda kismaayo ee xarunta u ah Gobolka J/hoose ayaa salka ku haya cidda gacanta ku haynaysa maamulka magaaladaas leh istiraatiijiyadda dhinacyada dhaqaalaha iyo milaterigaba oo ay hadda ka arrimiso maleeshiyo beeleed in muddo ah gacanta ku haysay kadib markii ay meesha ka soo saareen ciidamo ka amarqaata DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya kuwaas oo uu horkacayay Col. C/risaaq Afguduud.

 

Yaa ku jira Dagaalka Kismaayo?

 Dagaalka Kismaayo ayaa ahaa mid loo toog hayey in muddo ah, oo dadka reer Kismaayo dhegta kor ugu wadahayeen goorta uu bilaaban doono, sababo jira owgood.

Dagaalkan ayaa markii hore u dhexeeyay Ciidamada xoogaga Al-shababa iyo Maleeshiyo ka amar qaadata Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale), waxa uuna ku bilowdey ka dib markii maleeshiyada Barre Hiiraale ay weerar ku qaadeen fariisimo xoogaga Al-shabaab ka deganaayeen Gudaha iyo Daafaha Magaalada.

 

Maalinkii labaad ayaa waxaa dagaalka si xooggan u soo galay Xoogag ka tirsan MMI Soomaaliyeed oo kafaddii awal u janjeertay dhinaca Barre si buuxda dhinaca kale ugu riddey.

 

 Muxuu dagaalkani uga Duwan yahey Dagaaladii hore ee Kismaayo ka dhici jirey?

 

Dagaaladii ka dhici jirey Magaalada Kismaayo ayaa ahaa:-

 

1.   Dagaalo u dhaxeyn jirey labo Hogaamiye Kooxeed oo ku hardami jirey ganac ku heynta Magaalada Kismaayo sida Barre Hiiraale iyo Moorgan.

 

2.   Dagaalo u dhexeyn jirey Maleeshiyo Beeleedyo ka kala tirsan Qabaa’isha Degan Magaalada Kismaayo oo salka ku haya gacan ku heynta Magaalada.

 

3.   Dagaalo u dhexeeyay Isbaheysiyo kala ujeeddo ah sida Isbaheysiyadii SRRC iyo Dooxada Jubba.

 

4.  Dagaal dhexmaray isbahaysigii Dooxada Jubba oo uu hoggaaminayay Barre Hiiraale iyo GMI oo xilligaas si nabadgalyo ah kula wareegay magaalada.

 

5.   Dagaal dhexmarey Maleeshiyaadka Qabaa’isha degan Magaalada iyo ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya oo uu hogaaminayey C/risaaq Afgaduud.

 

Balse dagaalka hadda ka socda Magaalada Kismaayo ayaan laheyn tilmaam ka mid ah kuwo aanu kor ku soo xusney, waxaana lagu sifeyn karaa dagaal ujeeddo badan ah, marka loo eego Magaalada Kismaayo ee uu ka socdo oo ah magaalo Istaraatiiji ah. cid walba oo saameyn ku leh legdanka Siyaasadeed ee Soomaaliyana indhaha ku wada hayaan.

Dagaalkani wuxuu kaga duwan yahay dagaallada kale ee ka socda badanka Magaalooyinka Koonfureed in uu dhexmaray xoogag labaduba ka soo wada horjeeda DFKMG oo qolana ay wali dagaal kula jirto, kuwan ay yihiin kuwii horay magaalada uga eryay.

 

Saameynta Dagaalka

 

Dagaalka oo 3 maalin ka dib soo afjarmay ayaa saameyn iyo khasaarooyin kala duwan ku yeeshay shacabka iyo dhinacyada isku haya intaba:-

 

Dhinaca Khasaarooyinka

 

1)  Dhimasho iyo dhaawac aan kala joogsi lahay iyada oo wariyayaasha ku sugan Kismaayo ay sheegeen in ay dagaalkaasi ku Dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 100 qof, dhinacyada diriraya oo kaliya ayaa la sheegayaa in ay ka Dhaawacmeen 103 qof, Dhimashada ayaa iyana la sheegayaa in ay kor u dhaafayso 50 qof.

 

2)     Bur-Bur Hantiyeed

 

 Dagaalka oo ka Bilowday inta badan gudaha Magaalada kismaayo ayaa sababay in ay Bur-Buraan guryo badan oo ku yaala goobihii lagu dagaalamayay iyada oo qaar kalana gubteen qaar kale oo ay hantidii taalay la bililiqeystay.

 

Dhinaca Adeegyada Bulshada

 

1) Ganacsiga

 

Dhaqaalaha Magaalada kismaayo oo ku tiirsan inta badan Dekada wayn ee kismaayo ayaa dagaalka awgiis waxaa hakad galay dhaq-dhaqaaqii dekada iyada oo ay sidoo kale xirmeen Xawilaadihii, Suuqii ay dadku ka adeegan jireen ee ay ku tiirsanayd Noloshooda, iyo Matooradii korontada siin jiray Magaalada.

 

Sidoo kale waxaa Joogsaday gaadiidkii ku xirnaa dekada kismaayo ee waxyaabaha kala duwan u qaadi jiray gobolada ku xeeran kismaayo.

 

3)     Waxbarashada

 

Dagaalka awgiis ayaa waxaa iyana xirmay dhamaan goobihii waxbarashada sida dugsiyadii Qur’aanka, Iskuuladii iyo Jaamacadihii.

 

Aragtida Garabyadu ka qabaan Dagaalka Kismaayo

 

-         Shabaabka

 

      Afahayeenka Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in ay u tageen kismaayo la dagaalanka kooxo soo qaatay qandaraaska ashahaado la dirirka iyo kooxo kale oo isbaaraleey ah.

 

-         MMIS

 

      Mas’uulka Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ugu qaabilsan Dhanka Siyaasada iyo arimaha Bulshada ee Gobolada Jubooyinka oo aanu waydiinay ujeedada ay u Tageen Kismaayo ayaa waxa uu yiri “ujeedada aan u tagnay waxay ahayd in la suuliyo dulmigii iyo isbaaradii ka jirtay ee umaddu ka shaqeysan wayday”

 

-                   Jabiso

 

Gudoomiyaha Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(JABISO) oo aanu waydiinay aragtidooda ku aadan qabsashada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in aysan xiligan diyaar u ahayn ka hadalka xaalada kismaayo.

 

Maxay ku Danbayn doontaa M.Kismaayo?

 

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo aad istiraatiigi u ah isla markaana kulaalaysa Badweynta hindiya ahna Magaalada 2-aad ee ku soo xigta Caasimadda Muqdisho marka la barbardhigo magalooyinka kale ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaan si kama danbays ah loo jaangoyn Karin waxa ay ku danbayn doonto balse waxaa la saadaalinayaa in aysan ka marnaan qalaalaasooyin Siyaasadeed iyo damacyo kala duwan oo ku qotoma maamulidda magaalada Istiraatiijiga ah kuwaas oo laga yaabo in ay u xuubsiibtaan isqab-qabsi iyo gacan kahadal aan la odorosi karin ciribtooda danbe.

 

Magaalada Kismaayo oo hadda si buuxda gacanta ugu gashay Xoogagga MMIS iyo Alshabaab ayaa waxaa laga yaabaa in dhinaca kale ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo huwanteedu isku dayi doonaan sidii ay gacatooda ama cid ayaga gacansaar la leh u soo gali lahayd waxayna u gacan haatin doonaan maleeshiyo beeleedyo ay ka mid tahay midda hadda dagaalka la gashay xoogagga muqaawamada oo uu horkacayo Barre Hiiraale, waxaana sidoo kale suurtagal ah in ay ciidamada gumaysigu  si toos ah u aadaan magaalada Kismaayo hadii ay ku fashilmaan mashruuca maleeshiyo beeleedka, waxaanan sidoo kale meesha ka marnayn ajande weyn oo ay gadaal ka hagayso Dawladda Maraykanka kaas oo ay ku fushanayso danaheeda gurracan cid kastaba ha’u wakiilatee.