Barre Hiiraale oo lagu dabo jiro

barre-hiiraale.jpg

Ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga Dagaalka kala soo horjeeda Maleeshiyada uu Hogaaminayo Barre Hiiraale ayaa Somalimirror u xaqiijiyay in xoogaga ka mid ah MMIS ay ku dabo jiraan Barre Hiiraale oo la sheegay in uu marayo Halka lagu Magacaabo “Dhagax Jabis”. 

Isla ilahaas ayaa intaa ku daray in Barre Hiiraale uu wato qiyaastii 100 nin iyo labo gaadiidka dagaalka ah isla markaana ay wali ku sii dabo jiraan xoogag ka mid ah MMIS.

  

Mar aanu la xiriiray sarkaalka Hogaamina Ciidamada daba socda Barre Hiiraale ayaa ka gaabsaday in uu wax faah faahin ah ka bixiyo.

  

Dhinaca kale wariye madax banaan oo aanu la xiriiray ayaa sheegay in uu Barre Hiiraale ka baxay Magaalada Kismaayo lana loo malaynayo in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Gedo iyada oo la sheegayo in gurmad isaga  u soo gurmaday ay saaka ka soo baxeen Gobolka gedo kuwaas oo la sheegay in ay ku suganyihiin nawaaxiga Baardheere.

  

Ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Barre Hiiraale oo la xiriira arintan.

  

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintani dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

3 Comment(s)

  1. waan in laqabto ninkaan hadii kale isagoo yahuud wato ayuu soo laabanaaa

    abdikarim | Aug 22, 2008 | Reply

  2. waa in la toogtaa waa yahuud sheegasho.

    abshirow | Aug 22, 2008 | Reply

  3. shalay waxii aaan sheegaaayay ayaa dhacay ninkaaan hada wuu urday ciyaaalkii markuu layay beeshana sumcada wuu ka dhumiyay ilaaahiyooow naga qabo ninkaaan arintaaas xal way lahayd lakin ninkaan ayaaa hortaaagnaaay shacabka dhibkiisa way ka raysanayaaaan inshaa alaaaah lakin maquusta waaye intii uu nooolyahay wuu soo labanayaaa ogaaada

    JAMAL ALI | Aug 22, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo