Ibraahim Shurgri oo aanu ka wareysanay Isbadalka Magaalada Kismaayo

ibraahim-shugri-abuu-zubeyr.jpgWaxa aan idiin soo gudbinaynaa waraysi ay Shabakadda Warbaahinta Somalimirror la yeelatay Sheekh Ibraahim Shugri(Abu-Zeynab)oo ah xoghayaha Siyaasada iyo Arimaha Bulshada ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed u qaabilsan Gobolada Jubooyinka 

Waraysigana waxa uu u dhacay sida tan:-

  

Somalimirror: - Yaa kismaayo qabsaday?

  

Ibraahim:- Waxaa qabsaday Midowga Maxaakiimta

  

Somalimirror: - Miyaysan jirin cid kale oo idinkala qayb qaadatay dagaalka?

  

Ibraahim: - way jiraan, laakiin Dagaalka Miisaankiisa iyo Xoogiisa iyo Magaalada inta badan inagaa gacanta ku hayna

  

Somalimirror: - Yaa ka mid ah garabyada ka qeyb galay dagaalka?

 

Ibraahim:- Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab

  

Somalimirror: - Yuu u dhaxeeyay dagaalka?

  

Ibraahim: - wuxuu u dhaxeeyay Maleeshiyaadka meesha Haystay iyo Mujaahidiinta

  

Somalimirror: - Maxay tahay Ujeedada aad u tagteen Magaalada Kismaayo?

  

Ibraahim: - Ujeedada aan u tagnay waxay ahayd in la suuliyo Dulmigii iyo isbaaradii ka jirtay ee umaddu ka shaqeysan wayday

  

Somalimirror:- Hadda waa sidee xaalada magaalada?

 

Ibraahim:-  xaalada magaalada aad iyo aad bay hadda u dagantahay

   

Somalimirror:- Muxuu yahay qorshihiina ku aadan magaalada kismaayo qabsashada kadib?

  

Ibraahim:-  qorshahaanaga ku aadan waxa weeye in ay dalka la mid noqoto barnaamij isbaaro oo dadka lagu dhaco iyo wax lagu dhibo in aysan ka jirin, wixii dulmi ahna laga suuliyo intaas weeye.

  

Somalimirror:- Yaa maamulaya Magaalada kismaayo haddii mar la qabsaday?

  

Ibraahim:- waxaa maamulaya dadkii ehelka u ahaa ee awalba maamuli jiray goboladaas ee mas’uuliyiinta ka ahaa Midowga Maxaakiimta Khaasatan, Maamulka Saddexda Gobolka ee Sheekh Xasan Turki madaxda u ahaa

  

Somalimirror:- Hadaba Malaga yaabaa in garabyada ka dagaalama Soomaaliya ay ku heshiin waayaan maamulka magaalada kismaayo?

  

Ibraahim:- maya la heshiinwaayi mahayo

  

Somalimirror:- Maxay kula tahay in ay ku danbayn doonto Kismaayo?

  

Ibraahim:- waxay ku danbeyn doontaa kheyr iyo wanaag iyo wax wanaagsan insha allaah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

13 Comment(s)

  1. Allahu_Akbar

    Waa waraysi aad uqiima badan,oo xogta meesha kajirta ka tarjumaysa.

    Waxaan walaalaha mujaahidinta ka codsanaynaa inay ilaa ilayaan xidhiidhka dhexdiina ah,insha-allah

    GUUL,MUJAAHIDINTA SOOMALIYEED,MEEL WALBOY JOOGAAN.

    Abu-jacfar | Aug 23, 2008 | Reply

  2. Waa arrin fiican in la suuliyo Isbaarooyinka, hase yeeshee dagaalka Kismaayo wuxuu keenayaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin;

    1. Hoos u dhac ku yimaada kalsoonidii shacabku ku qabay xoogagga dhaq-dhaqaaqa, iyo iyaga oo abuurtay cadow aan hore cadow u ahayn;

    2. In ay sii wiiqanto rajadii laga qabay Soomaalinnimada oo sii badato in dad hor leh u ololeeyaan kaalmaysiga GAALADA

    3. In ay cadowga Soomaalida, sida Ethiopia awood dheeraad ah mar kale helo shacabka hore u dulloobay.

    4. In la sahamiyo karti xumada siyaasadeeed ee xoogagga muqaawamada, markii ay cadaato inaysan kala hormarin karin karin mudnaanaha.

    Arrimahaan oo ku dhisan taxliilkayga, ayna suuragal tahay in aysan u dhicin sida aan u oddorosay, haddana waxaa hubantida u sii dhaw inay ku xirnaan doonto hadba sida sida ay u dhaqmaan kuwa hadda magaalada gacan ku haynteeda la wareegay.

    Mariam | Aug 23, 2008 | Reply

  3. excelent Interview

    Sheekh Ibraahin Shugri aad ayaad u mahadsanyahay illaahey ha ku xafido. mooryaanta aad ka suuliseen wadankana waa arin runtii in badan aanu raadinaynay inaad kaalintiina la iddinka bartey aad ka soo baxi doontaan.
    magaalada waa magaalada ugu dhaca kufsiga iyo isbaarada badneyd dhamaan wadanka soomaaliya.

    Barre HUURAALE waa mooryaan mana quusanayo ee waa in aan laga hadhin illaaa qoorta laga soo xidhayo.

    Ragga mujaahidiinta ku caasiyey ee maalinkasta canbaareynta muqaawamada shaqada ka dhigtey ee uu madaxda u yahay SHEEKH SHARIIF dhag yaan jalaq loo siinin.
    GUUUL IYO ALAKACABSI AYAAN IDIIN DARDAARMAYAA
    ALLAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR

    TODHIYE | Aug 23, 2008 | Reply

  4. Walaalayaal, xamaasadda aan qabno iyo jacaykla aan u qabno mujaahidiinta waa meesheeda laakiin wareysiga sh. Ibraahim, iyo tadawurka arrinta kismaayo waxbaa ka dhex muuqda. rabbiyow warmaheenna haku soo jeedin rubadaheennaa.

    cirsnkayeer | Aug 23, 2008 | Reply

  5. dhamaan mujahidiinta somalia waan i tacsiyadaynaa iyo shacabkaba ilaahay ha u naxiirso intii dhimatay
    waxaan kula talin lahaa maamulaka qabsaday kismayo in ay u magacabaan maa mul cusub ciidan u diyaariyaan ayagana isga baxaan maadama meeshaas ay tahay meel qatar ku ah amaankooda oo ay adan saldhigyadoodi hore
    wabilaahi towfiiq

    ahmed | Aug 23, 2008 | Reply

  6. Allahu akbar,Ilaahayow aday mahad o dhammi kuu sugnaatay,waa wax lagu farxo iyo nasri allah uu siiyey mujaahidiinta iyo ummadda muslimka ah
    waxase loo baahanyahay in sufuufta iyo midnimada dadka muminiinta ah lagu dadaalo,yaanay cid gaar ahi isku koobin ama sheeganin in iyagu maamuli doonaan sida walaalkeen uu darbadiiba lasoo booday,dhib malaha hadii sheekh xasan turki maamulo laakiin wada tashi iyo Shuuraa ayaa loo baahanyahay,Insha allah dadkeena maatada ah way raysan doonaan,khayrkana Allah ha ina waafajiyo.Allah xaqa ha inagu sugo.Allah keligii aan ka baqno.Gaal awoodiisu waa yartahay kuwa badda kismaayo jooga iyo kuwa hawada meeraysanayaba Allah ayaa ka wayn.waana dullaysanyihiin siday doonaanba ha u faanaan.Allahu Akbar wabillahi tawfiiq

    abdihamid ahmed | Aug 23, 2008 | Reply

  7. Asc,walaalaha muslimiinta waa guul mujaahidiinta u soo hoyatay qabsashada kismaayo ayadoon mujaahidiinta kala sooc lahayn,hase yeesheen afhayeenka maxkamadaha u hadlay warkiisu ma qurux badnayn waxaana ka muuqata hadalkiisa anaga.anaga ayaa qabsanay magaalada dadka ehelka u ah ayaa maamulayno,inkastoo sh.xasan turki yahay mujaahid dhab ah hadana ujeeda kismaayo loo weeraray waxay ahayd in dulmiga mooryaanta dadka laga dulqaado in waxbaan xukumaynaa lala soo boodo waa arin lagu dagdegay waxkasto oo aduunka fashilmana degdeg ayaa u sababa,gudoomiyihii jibiso si asluub leh ayuu u hadlay alshabaabna waa rag karfantooda madaxa ku wato inay wax xukumaan ka jecel inay shahiidaan marka dadka waraysiyada mujaahidiinta ku kala saaraya haka fiirsadaan hadaladooda sh.shariif siduu u simbiriraxdayba xaaladu caadi ma ahan waa in feejignaanta la badiyaa

    Deeq | Aug 23, 2008 | Reply

  8. ASC
    ilaahey bay mahadi dhamaan teed u sugnaatay naxariis iyo nabad galyana suubanaheenii dushiisa bay ahaatay

    walaalayaal bare waa maquuste ilaa la dilo waa adag tahay in uu joojiyo isku daygiisa waxaana dhici karta in uu ku guulaysto oo uu dib u qabsado magaalada waa hadii dhaqanka maxkamdaha iyo alshabaab uu saacido???

    sida aynu ognahay waxaa bare la dagaalamayay 2maalin ee dagaalku socday alshabaab u badan beesha mareexaan gurmadkuna waxaa uu dagaalka ka qayb qaatay shalay oo ay israacin un harsaneyd

    hadaba waa su,aale see ayuu dhaqanka wadaaduhu ku saacidi karaa in bare uu soo laabto waa hadii uu badbaado?

    waxaanu la socanaa intii aynan bur burin MMIS in beesha sade ay ka tabenaysay dhibaatooyin isugu jira in si xun loola dhaqmay waxaa arinta sii huriyay oo ay beesha nacaybkeeda uu kor ugu sii kacay markii rag dhaawac oo dagaalkii bu,aale lagu qabtay lagu laayay inta isbitaalka lagala baxay oo runtii aheyd arin aad u fool xumayd gaar ahaan dad diin u nisbo sheeganayo dhaqankooda aan aheyn.

    hadaba waxaa la gudboon walaalaha meesha qabsaday

    1- in la dhiso maamul madani ah ayna xuquuqda beel walba ama dadka deeganka si cadaalad ah loogu qaybiyo laguna baraarujiyo diinta islaamka iyo qiimaaha walaaltinimada qabiilkuna uu yahay mid alle ugu talo galay in la isku garto ee aanan la isku dulmin oo aanan la isaga sadbursan hadii kale col dhurashadu waa ay socaneysaa waxaana dhici karta in halganka ay dhabarjab ku noqoto.

    2-in ciidamada ALSHABAAB iyo MMIS in ka dib marka ay dhisaan maamul madani iyo ciidan madani ah in ay ka baxaan magaalada ayna u faaruqaan jihaadkii wadanka looga xoreynayay gaalada tigreega injirta leh.

    3-in kor lagala socdo xaalada magaalada kismaanyo xaga maamulka iyo cadaaldiisa in loo dhisho MARJAC OO KA KOOBAN YIHIIN DAD WAX GARAD AH IYO DAD DIIN YAQAAN AH(EHLUL XALLI WAL CAQD)oo talo ka go,do marka la is qabto ama muran yimaado

    4-in la beeniyo dacaayadaha ay fidinayaan fidna wadayaasha oo ay bilaabeen hadaba oo aka mid yihiin in dad rayid ah la gowracay, iyo beelo shaar diimeed soo gashtay ay qabsadeen,taas oo dadka lagu marin habaabinayo
    in dadka la tuso in diintaan ay tahay NUUR dadka ka saara dulmiga iyo xumaanta una saara cadaalada iyo samaanta.

    5- in la mideeyo aragtiyada walaalaha qabsaday magaalada oo aynan walaalow xabada ila rid oo kaliya noqon ee xaga qorshayaasha in lagu midoobo hadii kale waxaa imaan karto in la is khilaafo waana howsha uu oday BARE IYO BEERGAAL IYO TIGREE IYO MAREYKANBA AY RABAAN.

    walaalayaalow waa arrimo aan is tusay in wax ku hagaagi karaan ilaaheybaase og waxa wanaagsan
    walaalayaal wixii aan qalday waa aniga oo rabin in aan qalad galo iyo shaydaan waxaana saxeyna ilaahey xagiisa ayay ka ahaadeen.

    walaahu aclam wabilaahi altowfiiq

    wsc

    XOG-OGAAL | Aug 23, 2008 | Reply

  9. alaahu akbar
    a/c all , walaalayaal waa wax wanaagsan inay mujaahidiintu guul gaaraan , waa wax aanu ku farxeeno inta iimanka wanaagsan oo dhan , laakiin qabsashada kismayo wax micnaha ah oo ay soo kordhinayso ma lahan , mujaahidiintu waxaa wanaagsaneed inay ka leexdaan , waxayna igula muuqataa inaysan si rasmi ah aysan ula wareegi doonin sidii kuwii ka horeeyayba ay u baneenayeen si ay gaaladu u jahwareeraan ayay tana u baneen doonaan oo waxaa la dhihi karaa wax xaylad milatari inshalah waanu arki doonaaa

    ahmad | Aug 23, 2008 | Reply

  10. asalamu aalkum
    Alaah xaqa hanagu sugo aamiin

    caliyare | Aug 23, 2008 | Reply

  11. XOG-OGAAL ALLAH KHEYR BADAN HA KUUGU BEDELO SIDAAD HADALKA WANAAGSAN EE KU DHISAN XIKAMD WAX UGU SHEEGATAY WALAALAH MUJAAHIDIINTA,IYO ANGOO DHAN SHUKRAN WA JZKHJ

    SIYA | Aug 23, 2008 | Reply

  12. Al-Shaab ayaa Kismaanyo ka eriday Barre Hiiraale iyo taageerayaashiisa. Maxay rag kale guul aysan usoo halgamin loogu buunbuuninayaa. Haddii MMIS ay wax qabanayaan marka hore meel ha isugu luga duwadeen. Waxaan la yaabanahay Idha-Cade ayaa ku doodaya anagaa qayb ka ahayn. Ninkan Asmara joogaa xagu wax ku qabtay.

    Qowdhan | Aug 24, 2008 | Reply

  13. WAA IN LOO DIYAAR GAROOBAA SIDII LOOLA DAGAALAMI LAHAAY MUJRIMKA UGUWEYN SOOMAALIYA OO GAALO RAACA AH OO MADAXWEYNE SHEEGTEY IYO CIIDANKIISA RIDADAA INTA AY JOOGAAN RIDADA IYO AABAHOOD IYO GALADA ITOOBIYA JIF UMA HABOONA MUSLIMINTA SOOMAALIYEED EE WAA INAD QAADATAAN DIGTOONI MIDA KALE SHACBIGA RER KISMAAYO DAD BADAN BAA JECLAA HIIRAALE OO QABIL AHAAN URACSANAA IYAGANA WAA IN LAWAANIYAA OO LOO SHEEGAA INEY SI FIICAN UQAATAAN DIINTA OO JECLAADAAN MUJAAHIDIINTA AAN QABIIL LAHEYN EE DANTOODA KATALINAAYA IYO NABADA KISMAYO WAIN LAHELAA AS KAR DAACAD U AH DINTA ISLAAMKA OO IIMAANKU RUN KAYAHEY EE MARKII LEYTS GALO AAN QABIILKODA LASAFAN OO AAN MUNAAFAQ NOQAN EE JECEL ALAH IYO DIINTIISA IYO WALAALAHA MUJAAHIDINTAA

    AHLUFADLI | Sep 3, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo