Dilal ka kala dhacay Balcad & Baladweyne
By Somalimirror on 22 Aug, 2008 11:11 PM in Main, Wararka
Taliyihii hore ee Booliska magaalada Balcad u qabilsanaa DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya Cumar Axmed cosoble ayaa maanta waxaa dil toogasho loogu gaystay gudaha magaalada balcad ee Gobolka Sh.dhexe.
Cumar Axmed Cosoble ayaa la sheegay in ay dilka u gaysteen niman bastoolado ku hubaysan kuwaas oo tiro rasaas ah la beegsaday taas oo sababtay in uu geeriyoodo.
Cumar ayaa horay u ahaa taliyaha booliska degmada Balcad balse waxaa uu sheegay in uu xilkaas iska casilay isla markaana uu ka mid noqonayo muwaadiniinta ku dhaqan Magaalada Balcad.
Mas’uulkan ayaa la sheegay maydkiisa galabta lagu aasay magaalada balcad waxaana aaskiisa ka soo qayb galay dad farabadan oo ka mid ah deegaanka Balcad.
Sidoo kale dil noocan oo kale ah ayaa maanta ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaas oo loo gaystay nin horay uga tirsanaan jiray ciidamadii daacadda u ahaa Yuusuf Badageed.
Ninkan ayaa la sheegay in ay dileen 3 nin oo bastoolado ku hubaysnaa kuwaas oo goobta ka baxsaday kadib markii ay toogteen askarigan.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo