Afahayeenka MMIS oo aanu ka waraysanayo la wareegida Kismaayo

mmis.jpgAfahayeenka Howl-galada Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed C/raxiim Ciise Cadow ayay Shabakadda Somalimirror goordhaw ka waraysatay Magaalada kismaayo oo la xaqiijiyay in ay si buuxda ula wareegeen xoogaga Al-Shabaab iyo MMIS.

  

Waraysigiina sidan ayuu u dhacay:-

  

Somalimirror: - Kismaayo yaa la wareegay?

  

C/raxiim Ciise Cadow:- dagaalka bilowgiisii Shabaabkaa bilaabay waa la wada ogyahay,dhowr maalmood bay ka dagaalamayeen habeen hore wixii ka danbeeyayna Maxkamadaha ayaa ku soo biiray shabaabka iyo Maxkamadaha oo wada jira ayaana hadda Magaalada gacanta ku haya.

  

Somalimirror: - ilo xog ogaal ah waxa ay sheegayaa in ay sidoo kale dagaalkan ku jireen Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed, maxaa ka jira arintaas?

  

C/raxiim Ciise Cadow: - anigu ma ku jirto ma dhihi karo, warbixintaasna ma haayo.

  

Somalimirror: - Hadaad kismaayo la wareegteen Dagaalka ka dib maxaa idiin qorshaysan?

  

C/raxiim Ciise Cadow:- magaaladu waa magaalo Magaalooyinka Dalka ka mid ah, waa Magaalo muhiim ah, waa Magaalo istiraatiiji ah, dadka Magaalada iyo Gobolkaan degan ayaan anagu Insha Allaahu Tacaalaa kala heshiinaynaa in ay Ismaamulaan anaguna aan Amniga ka taageerno, meesha khatar baa ka jirtay waad ogtihiin sanadihii ugu danbeysay Dagaalo Qabiil baa ka jiray Isbaarooyin baa ka jiray, dhac baa ka jiray anaga inaan amaanka sugno dadka deegaankuna iyagu inay Maamulkooda iyo Nidaamkooda hagaagsadaan anagana aan ka caawino xaga nabad galyada ayay ujeedadeenu tahay.

  

Somalimirror: - khasaare intee baa idin kala gaaray idinka iyo Maleeshiyaadkii aad la dagaalameyseen?

  

C/raxiim Ciise Cadow:-  dagaalku Dagaal maalmo socday buu ahaa anaga waxaa naga shahiiday 2 wiil, iyagana Maleeshiyaadkii u dagaalameysay rag badan baa ka dhintay, Barre ninkii ahaa ee Qabiilka ku ganbanayay isagana sidoo kale meesha wuu ka cararay Doon ayuu ku cararay ama lug ayuu ku baxsaday, shacabkana waxbaa gaaray intii shihiiday alle ha ka aqbalo, maleeshiyaadkii intii u dagaalameysay ee la soo khaldayna waa ay dhinteen, shacabka dagaalkii baa wax ku gaareen, waxaana shacabka u dar-daarmeynaa Samir iyo Dul-qaad, hadda wixii ka danbeeyana magaaladooda Nabad ayay noqon doontaa, cidna aargoosi ma lagu sameyn doono, cidna lama Beegsan doono Insha Allaahu Tacaalaa.

  

Somalimirror: - Hadda Maleeshiyadii aad la dagaalameyseen meesha waad ka saarteen, magaaladiina sida aad sheegtay Shabaab & MMIS baa la wareegay, Malaga yaabaa in garabyada Soomaaliya ka dagaalamaya ay isku qabsadaan gacan ku haynta Magaalada kismaayo illaahay ma qadaree?

   C/raxiim Ciise Cadow:-  anigu ma rajaynayo, Mujaahidiintu waa isku soo gurmadeen, markaasna maleeshiyooyin Isbaaralooy ah iyo dabo dhilifyo cadow ka danbeeyo, ayaa isa soo abaabulay magaaladuna waa Magaalo Soomaaliyeed, wax gooni ah oo lagu dagaalamana meesha ma yaaliin Mujaahidiinta Ma jirto meel ay ku dagaalameen, haddana Insha Allaahu Tacaalaa waxaan rajeynayaa in Magaalada ay Mujaahidiintu ay amnigeeda sugaan oo ay Insha Allaahu Gacan ku hayn wanaagsan oo sidii lagu yiqiinay Maxkamadaha iyo Mujaahidiinta u maamulaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somalimirror: - Mahadsanid Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

  

C/raxiim Ciise Cadow:-  idinkaa Mudan, Wacalaykumu Salaam waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

7 Comment(s)

  1. tacliiq malaha mujaahidiinta allaha guuleeyo

    qaasim sh. | Aug 22, 2008 | Reply

  2. Waraysigu waa wanaagsan yahay balse shabaabka anigu waan ka shakiyay waayo websitekoodu waxay ku qorteen in iyaga kaliya oo taageero ka helaya shacabka kismaayo ay magaalada la wareegeen.
    xasan turki bey xoogaa wax u ogol yihiin asagana waxay dhahaan waa sheekhul shabaab warkooda anigu ma fahmin.

    Warfaa | Aug 22, 2008 | Reply

  3. dadka warxuma tashiilka ale haka baqeen sida ininkaan ookale uhadlo waayo mujaahidiintu waa hal far sidaa darteed wax shaki looga muujiyaa meesha mayaaliin hadii kale waxaa loo qaado karaa dad afka kala dagaalamaaya mujaahidiinta alaa hasoo hanuuniye aamiin yaan la niyad jabinin umadaa islaamka uooman in ay isku xukumaan oon shaki aan jirin lagu abuurin

    maxamad muxumad caraaye | Aug 22, 2008 | Reply

  4. Warfaa sxb sifiican u aqri webka mujaahidiinta al.shabaab qalad ayad kafahamtay mujaahidinta . Mujaahidinta al.shabaab waa nidaamka iyo geesiyaasha sida cad isku hortaagay qooqa saliibiyiinta iyo murtadiinta bariga africa waxaanan rajaynayaa in shacabka muslimiinta ah ee bariga africa kunool ay hugaanka al.shabaab kuqancidoonaan islamarkana aysan kusirmi doonin ina daahir aweys . shariif koofi dheere iwm

    cazaam | Aug 22, 2008 | Reply

  5. aasc wr wb
    walaalaha maamula webkan beerdhiga aad baad ugu mahadsan tihiin warkiina hufan iyo sida aad nooga baahi tirtaan wararka wax ku olka ah ee aad nooso gudbisan.
    Intaa ka dib alaah ha guuleyo dhamaan muslimiinta meel kasta ay joogan.
    walaalaha kor wax ku qoray gaar ahan Cazaam iyo Warfa waxaad mooda in ay caadifad ka muuqato mid kastana taagero u hayo mujaahidinta somaliyed balse waxaan leeyahay walaalayal garabyada jihaadka ku jira dhamaantod waa in aad khayr ku tuhuntan oo aad khayr u malaysan in aad u kala tacasumtan oo aad lakala safatan wax faaiido ku jirta ma jirto,waxaadna ogataan in ay idinka khayr badan yihiin dhamaantod hadii aydan idinku ku jirin ama joogin goobta hadaba iska ilaaliya in aad wax ka sheegtan walaalihin, u duceeya oo ugu duceeya in ay midooban oo qalbigoodu meel u wada jeesto hadaba way midaysan yihiin balse in alaah midnimaddooda sii wanaajiyo aan ugu ducayno,
    waxaadna iska ilaalisan in aad idinku fidno abuurtan waxaadna ogaatan in alaah ina weydiinayo waxaan qorayno oo ay Malaaiktu gudbinayso, qofkasta oo muslim ah waa in u sheego wanaga walaalka kale leeyahay meela usan kaga dhicin sharaftiisa, hadii aynu walaalehen wax ka qorayno aynu wanaag u kala tebino, inaguna yeynan noqon kuwo wax kasta iska qora.
    Walaalaha khayr baan idiin rajaynayaa intaasi waa iga waano iyo wax sheeg hadii aad dhibsatan raalli ka ahada
    isha alaah aan u soo ducayni Mujaahidiinta meel kasta ay joogan waad mahadsan tihiin

    dulmidiid | Aug 23, 2008 | Reply

  6. anigoo ka soo horjeedin culimada su’aal baa taagan ah MAXAA LOO CUSKUDAY DAGAALKA KISMAAYO ??

    SIMOOOOOOOO | Aug 23, 2008 | Reply

  7. simoo waxaa loo cuskdy dagaalka kismayo mooryantii daba dhilifka u ahayd injirayada iyagaa waadaaddii kfadhin waayeen sida la ogayahy wdaadadu dhib mawdeen dheef aya wan markasto marka kismaayoo intii hore dhib fara badan ayaa kajiraya hadase insha,allaahu waa lahagajinaa

    bishaar | Aug 23, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo