Warbixin:- Xaalada Dhaqaale ee Magaalada Kismaayo.

kismaayo.jpgMagaalada Kismaayo, waa magaalo xeebeed dhacda dhanka koonfureed ee caasimada Soomaaliya (Muqdisho) una jirta 500km, waxayna leedahey Deked weyn oo ay ku soo xiran karaan noocyada gaadiidka badda oo dhan, sidoo kale magaalada waxaa ku Xeeran Dhul Beereed aad u baaxad weyn oo qeybaha kala duwan ee dalaga lagu beeri karo, xilligii xukuumadii hore ee Soomaaliya waxaa ka howl gali jirey magaalada Kismaayo dhowr warshadood oo waa weyn.

Ilaha Dhaqaale ee Kismaayo.

  

Dekeda Kismaayo.

 

Dekeda Kismaayo waxa ay ka mid tahey Dekedaha ugu waaweyn dalka ee lagu xisaabtamo. Waxa ayna laf dhabar u tahey dhaqaalaha guud ee soo gala magaalada Kismaayo iyo gobolada kale ee ku xeeran. Waxaana Dekeda ka soo dega agab kala duwan sida: Raashinka Daruuriga ah, Qalabka Dhismaha, Shidaalka, Gaadiidka iyo Bagaashka qeybihiisa kala duwan.

  

v Gaadiidka Dekeda ka howl gala:

 

Gaadiidka Dekedu waa labo qeybood, kuwo ku soo xirta oo shixnado kala duwan keena iyo kuwo ka daabula agabkii kala duwanaa ee Dekeda lagu dejiyey.

 

A. Maraakiibta.

 

Cel celis ahaan Dekeda Kismaayo waxa bishii ku soo xirta ilaa 4 Markab kuwaas oo qeybaha kala duwan ee badeecooyinka Dekeda keena sida aanu ka soo xiganey ilo xog ogaal u ah howlaha Dekeda Kismaayo.

Maraakiibta Dekeda ku soo xirta canshuur ahaan waxaa midkiiba laga qaadaa lacag dhan $80,000 taas oo ka dhigeysa dhaqaalaha guud ee bishiiba ka soo xarooda cannshuuraadka maraakiibta laga qaado lacag dhan $320,000.

  

B. Doomaha.

 

Sidoo kale Doomaha shixnadaha kala duwan keena ee ku soo xirta Dekeda Kismaayo ayaa lagu qiyaasaa bishiiba 16 Doomood, kuwaas oo middiiba laga qaado lacag canshuur ahaan dhan $40,000. taas oo sidoo kale ka dhigeysa dhaqaalaha canshuur ahaan uga soo xarooda bishiiba Doomaha Dekeda Kismaayo ku xoo xirta lacag dhan $640,000.

Dhaqaalaha kala duwan ee ka soo xarooda Dekeda Kismaayo ayaa ah mid lagu maareeyo howlaha Dekeda, sida Mushaharaadka Shaqaalaha iyo wax yaabaha kale ee daruuriga u ah howlaha Dekeda.

 

Waxaa xusid mudan in Maraakiibta iyo Doomaha shixnadaha keena Dekeda Kismaayo markey sii shiraacanayaan dib loogu raro Dhuxusha, Sisinta, Kaluunka iyo Biraha baaliyoobey, agabkaas oo ay u dhoofiyaan wadama khaliijka oo inta badan ay ka yimaadaan markooda hore.

  

C. Gaadiidka Dekeda Shixnadaha ka Daabula.

  

Gaadiidka kala duwan ee Dekeda weyn ee magaalada Kismaayo ka soo daabula shixnadahii lagu dejiyey ayaa tiro ahaan u dhexeeya 500-600 gaadhi, kuwaas oo shixnadaha ay ka soo qaadaan Dekeda u qaada gobolada ku xeeran magaala Kismaayo iyo dhanka Dalka keyna.

  

Shaqaalaha Dekeda.

 

Shaqaalaha guud ee ka shaqeeya Dekeda Kismaayo ayaa lagu qiyaasaa 2500, kuwaas oo isugu jira maamulka Dekeda, kuwa nadaafada qaabilsan, muruq maalka ka shaqeeya Dekeda oo ah shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya Dekeda iyo ciidamo qaabilsan sugida amaanka guud ee Dekeda.

  

Beeraha.

 

Dhaqaalaha Kismaayo ayaa sidoo kale waxa uu ku tiirsan yahey dalaga ka soo go’a Beeraha ku xeeran magaalada.
Waxyaabaha ugu badan ee ka soo go’a Beeraha xilligan ayaa waxa ka mid ah Qudaarta iyo Galeyda oo ka mid ah raashinka daruuriga ah ee reer Kismaayo sida aadka ah ay u quutaan.

Qiimaha Raashinka Daruuriga ah uu ka Joogo Suuqyada Magaalada Kismaayo.

No Nooca Raashinka Qiimaha

 Qiimaha Xoolaha Nool.

No Nooca Xoolaha H.1aad H.2aad H.3aad
1 Geela $718 $414 $276
2 Lo’da $276 $193 $110
3 Adhiga $60 $46 $35

           

Caqabadaha Dhaqaalaha la soo Gudboonaada.

Meel walba oo ka mid ah geyiga Soomaaliya, ilaha dhaqaale ee ka jira waxa la soo gudboonaada caqabado badan kuwaas oo isugu jira kuwo dabiici ah iyo kuwa dadka deegaanku sababaan.

  

Amaan Daro.

Xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada Kismaayo iyo qeybo ka mid ah gobolada kale ee ku xeeran oo ay sababaan maleeshiyaad hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan ayaa caqabad weyn ku ah koror uu dhaqaaluhu yeelan lahaa, waxaana ka mid ah arimaha amni daradu sababto:-

 

- Qiimaha wax yaabaha daruuriga u ah nolosha oo sare kac xoogan ku yimaado sida haddaba jirta.

- Dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee ilaha ganacsiga oo uu hakad ku yimaado amaba xanibma.

- Mashaariic badan oo la fulin lahaa oo baaqata.

- Maalgelino kala duwan oo la fulin lahaa oo aan hir gelinba.

  

Hay’ada WFP.

Hey’ada Qaramada Midobey dhanka cunadda ugu qaabilsan WFP oo dalalka ay ka howl gasho Soomaaliya ka mid tahey, ayaa waxa ay caqab weyn ku tahey beerashada dalagyada kala duwan ee dalkeenu hodanka ku yahey iyada oo cunno qeybinta ku soo beegta xilliga dalagu soo go’i lahaa arintaas oo keenta:-

 

Curyaaminta wax soo saarka beeraleyda Soomaaliyeed; maxaa yeelay waxaa qiima dhacaya raashinkii u soo go’ay, taas oo keenata in aysan dadku helin lacag ay mar kale wax ku beertaan.

Dadka heli kara wax ay dib wax ugu beertaan laftoodu kuma dhiirran karaan in ya mar kale wax beeraan;waayo waxay cabsi ka qabaan in sidii hore oo kale raashin mucaawano ah looga dul keeno markii dalagu soo go’o.

 

Shaqo la’aan ay bartay bulshada oo keentay in nin walba mucaawano uun sugo, haddii la keeni waayana qaylodhaan afka lagu shubto.

 

Bulshada oo aamintay in ay yihiin sabool aan waxba heli Karin, waxna qabsan Karin, taas oo mustaqbalka dhib weyn oo dhaqaale iyo moral u gaysanaysa dadkeena.

 

Maandooriyayaasha:

Waxaa ka mid waxyaabaha sida weyn u dhaawaca guud ahaan dhaqaalaha dalka gaar ahaan kan magaalada Kismaayo waxa loo yaqaan Maandooriyayaasha oo uu ugu daran yahay QAADku, kaas oo ay ku baxdo lacag aad u farabadan iyada oo dadweynihii in badani gaajo kula ildaran yihiin magaalada iyo agagaarkeeda.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. Bismillah. assalamu calaykum.
    waa maqaal aad u fiican oo wali la soodiyaariyey,laakiin hadii amni ama maamul dhab ah la helo dhaqaalaha wuu ka fiicnaan lahaa midka hada lasoo qorey , sideedababa dhaqaalaha ,amniga iyo maamulka waa isku xiran yahay.
    waxaan mustaqbalka rajeynaynaa inuu intaan kabato.
    wassalam.

    suleyman | Aug 18, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo