Kulan Hogaanka Sare ee MMIS ugu Soo Gabo Gaboobey Deg. Jalalaqsi.

maxkamad_logo.jpgKulan socdey muddo 5 maalmood ah oo dhex marey saraakiisha sar sare ee MMI Soomaaliyeed kuwooda gudaha dalka ku sugan ayaa Maanta ku soo gabo gaboobey Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Kulankan oo ahaa mid balaaran ayaa looga Hadley arimo badan oo ku saabsan xaalada hadda uu dalku marayo gaar ahaan khilaafaadka ka dhex aloosan Isbaheysiga dibu xoreynta ee labada qeybood u kala jabey iyo sidii loo dhameyn lahaa dhamaan khilaafaadka soo kala dhex galey , waxa sidoo kale kulanka looga Hadley sidii loo xoojin lahaa dagaalka jihaadka ee la gula jiro ciidmaada gumeysiga Itoobiya ee dalka ku sugan.

Ka dib kulankaas waxa saxaafada si wada jir ah khadka telephone-ka ugala Hadley gudoomiye ku xigeenka golaha MMI Soomaaliyeed Sh C/qaadir Cali Cumar iyo afhayeenka Ciidanka GMMI Soomaaliyeed C/raxiim Ciise Caddow.

Sh C/qaadir Cali Cumar oo markii hore saxaafada la Hadley ayaa u akhriyey bayaankii ka soo baxey shirkaas waxaana ka mid ah qodobaddi ku qornaa:

1.      in la ilaaliyo midnimadda MMIS ayna tahey lama taabtaan.

2.      in khilaafka soo kala dhex galey hogaanka sare ee MMIS aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin Xoogaga Maaxaakiimta Islaamiga.

3.      in la adkeeyo heshiiskii golaha Maxaakiimtu ku gaareen Dalka Sacna iyada oo lagu xalinayo khilaafaadkii dhacey.

4.      in la aruuriyo Culimada Soomaaliyeed ee meel walba joogta si loo xaliyo khilaafka jira.

5.      in muddo 3 Bilood gudahood la qabto shir weyne ay ka wada qeyb gelayaan dhamaan madaxdii GMMI Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa saaafada la Hadley afhayeenka Ciidanka MMI Soomaaliyeed C/raxiim Ciise Caddow oo akhriyey Baaq laga soo saarey kulankii ka dhacey Degmada Jalalaqsi waxaana ka mid ah qodobadii baaqa ku Qornaa:

 1.      In Midnimadda MMI Soomaaliyeed yahey mid lama taabtan ah oo saldhigna looga dhigayo heshiiskii Sacna lagu wada gaarey khilaafyaaddii soo gala dhex galey Isbaheysiguna aanu saameyn ku yeelan doonin Xoogaga Maxaakiimta ee gudaha ku sugan, sidoo kale dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee ka socda Jabuti iyo Asmara wixii khilaafsan heshiiskii Sacna ciddi ku dhaqaaqda uu keli ku yahey.

2.      in Umadda Soomalaiyeed u midoobaan cadowgooda kana xareeyaan dalkooda.

3.      in walaalaha Jihaadka kula jira caddowga ay sufuftooda mideeyaan.

4.      in ay cambaareynayaan dhamaan xasuuqa Ciidamada cadowgu geysanayaan gaar ahaa kuwii ka dhaxey Gobolada Shaleeha Hoose iyo Hiiraan.

5.      in ay tacsi u dirayaan dhamaan dadkii eheladooda cadowgu xasuuqey allena uga rajeyeen in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo iyaga samir iyo imaan ka siiyo.

Ugu danbeyn waxa ay baaq u direen hogaanka sare ee MMI Soomaaliyeed oo ay ugu baaqeen in ay alle u soo noqdaan una hogaansamaan heshiikii lagu wada gaarey Sacna, ilaaliyaanna masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Ergada ka qeyb gashey kulankan ayaa ka kala yimid inta badan Gobolada dalka ee koonfureed, sida Jubooyinka, 2 da Shabeele, Gedo, Mudug, Hiiraan, G/gaduud, Bay iyo Bakool. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaa saraakiisha ugu sar sareysa GMMIS ee ku sugan gudaha dalka.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

12 Comment(s)

  1. waa soo dhawenaynaa heshiis islaamku ogol yahay laakin qolada asmara halala hadlo

    SIMOOOOOOOO | Aug 18, 2008 | Reply

  2. A.calaykum,Go,aanadaas waa kuwo loo baahnaay in la qaato xiligaan ; waase hadii loo fuliyo sida loo qoray.
    waxaanse u gudbinlahaa Mas,uuliyiinta lagu yaqaano daacadnimada ee Golaga Maxaakiimta in ay iska saxaan gudohooda oo ay xilalka siyaasadeed ka fogeeyaan dadka wata kaararka qarsoon,kuwaasoo lagu bartay 6di bilood, waxaanna ku naqaan shaqsiyaadkaas in ay ka shaqeeyaan dano shaqsi,kooxeed iyo qabiil umaduna way taqaan oo kama gedmayaan.

    cabdulaahi dheere | Aug 18, 2008 | Reply

  3. a/c

    Ragan shirey ilaa hadda hadafkoodu macada, waxa ay ka yiraahdeen qilaafka ka jira isbahaysiga ay ka tirsan yihiin ee kala jabey,

    hadalkoodu wuxuu ku meereysanayaa cali gar leh, caydiidna gar leh.
    waxaana ii muuqaneysa in ayagana kala tegi doonaan haddii aysan moqifkooda cadeyn, baciid maaha in mar haddii madax doodii kala tageen in ayagana kala tegayaan,welibana waxaan ogahay in ay la kala safan yihiin.

    talo.

    waxaan kula talin walaalaha in ay mowqif cad qaataan oo aysan is lu gooyn dhex dooda
    kii asmara raacsan haraaco kii jabuuti ahna ha raaco, haddii kale maamul ay ku mideysan yihiin hasameystaan, oo ha iska daayaan shaqsiyaadka ay u tacasubayaan, markaas ayaa baaqooda midnimo guud ah la raadin karaa.

    wsc

    Ali | Aug 18, 2008 | Reply

  4. bismilah a/c allahu akbar waxa mahad iska leh allah subxanah waxaan oran lahaa walalaha hogaminaya jihadka iyo mujahidiintaba walalayaal acmashan ma aha midii laga gor gortamilahaa maxaayeelay waa amar kayimid allaah xagiisa cid aan isaga ahayna waxkama badali karto marka waxaan dhihi lahaa ha kala gorgortamina cadawga alle iyo raga uu soo dirsay midna.

    abu sumaya | Aug 18, 2008 | Reply

  5. allahu akbar walaalaha mujaahidiinta ee ku kulmay magaalada jalalaqsi aad ayaanu oogu faraxnay sidaad xaqa ugu cadayseen umada soomaaliyeed ee idinka war sugaysay,waan ku faraxnay siduusan idiin saamaynin xarig jiidka ka dhexeeya qolyahan dibad wareegyada ah,walaalayaal umadan lagu soo duulay adinka ayaa hogaankoodii ah talana ay idinka sugayaan alle ka sokow,waana soo dhaweyneynaa shirweynaha aad ku dhawaaqdeen ee gudaha dalka lagu qabanayo waxaan rajeynaynaa in natiijada shirwaynahaasi ka soo baxda in ay noqoto mid lagu doorto talis guud iyo talis dhexe oo taqwa iyo cilmi lagu doortay oo hogaamiya jihaadka,qofkii ka soo qayb gali waayo shirwaynahaas ee ka doorta inuu jabuuti iyo casmara ka soo tanaagooda waxaa loo aqoonsanayaa cadowga umada inuu yahay waana la takoorayaa ee ha ogaado

    Deeq | Aug 18, 2008 | Reply

  6. Maashaa Allaah, aad ayaa loo sugayey go,aankaas dhaxal galkaa. Labada garaba in dhinac leyskaga riixo waxey ku dhaanto ma leh.

    Shirweyne dalka gudihiisa lagu qabto waa in hogaan la qaba shacabka dhibka lagu doortaa. Kaasoo aan filayo inuusan ogolaadeen inuu hor fariisto Darwiish iyo Cabdi Qaybdiid.

    Bayaankaan iyo kan kale ee Jebiso soo saartey wuxuu si cad banaanka u soo dhigey in muqaawamadii sideedi tahay raga jabuutina waxa ay wadaan aysan cidna ku matalin aan naftooda aheyn.

    Hadey shaah la cabida mujrimiinta iyo wada qosolka gacan ku dhiiglayaasha dal ku xoreynayaan maanta ayaa loo madax baneeyey oo muqaawamadii guduhu cadeysey ineysan iyaga ku xirneyne bal hala arko burhaantooda qarsoon, wax danbe oo ku daba dhegan ma jiraane. Qolo kastaa ha ku camal fasho wixii ay ku qanacsantahay natiijada camalka ayaana dadka kala saari doonta.

    wadaad yare | Aug 18, 2008 | Reply

  7. Asalaamu calaykum
    awalan waxaan ilaahay uga baryayaa Mujaahidiinta inuu ilaahay gargaarkiisa ku taageero kuwooda shuhadadda ahna uu shahaadadooda ka aqbalo kuwa dhaawaca ahna uu ilaahay uga dhigo denbi dhaaf caafimaad sariicana allah siiyo alaahuma aamin aamiin.

    intaa kadib waan ku farxay warkan Qiyaaddada mujaahidiinta maxaakimta ka soo yeeray waxaan leenahay ku socda dariiqaas (wanaxnu macakum isha alaah) ,waxaan kaloo ugu bishaaraynayaa walaalaha inaan maalmo dhaw guulo waawayn hanan doono waayo waxaa inasoo qaabishay (Bishii Guusha)warka ka soo baxay qaadadda mujaahidiinta waa ku farxay nin ka mida ahaa hogaankii shirkii jabouti wax ka saxiixay ayaan uqasdiyay inaan warkiisa soo dhegaysto maruu shir qabanayay.
    waxaana uu aad ugu niyad samaa inuu guul u soo hooyay wadanka maadaama ethiopia waqti loo qabtay ay ku baxdo Mujtamaca dawliga ahina uu taageersan yahay!!!!!!!!!.

    warkiisii uu aadka u jeclaa inaan ku raacno waxaa walaalihii dhegaystayaasha ahaa nin walbaa weydiiyay su’aal ragga qaarkiina Commonts ayay raacsiiyeen,walawba Ragga meesha isugu yimi ay isku aragti dhowaayeen oo ay jirtay xulusho shirka laysugu yeertay fikirka manhajka ,aniguse aan yare ka duwanaa hadana maadaama maxaakimtu badnaayeen ikhwadii shirka qaban qaabinaysay ayaa igu casumay,siday doontaba doodu ha udhacdee doorkaygii ayaan weydiiyay walaalkaa suaal commints-na waan raacshay waxaa ku idhi walaal hadaad hashii Maandeeq oo aan cudhan aad iskhilaafteen qolyihiina siyaasaddu djabouti iyo Casmara makuu muuqataa inlaydinka guuri doono oo hogaanka jihaadku idin tuuri doono hadaad soo noqon waydaan?

    tankale miyaanad ogayn in tasriixaad cad ay kasoo saareen waxaad ku dhoodhoobteen Djabouti afhayeenadda Ururadda Jihaadku?!!!

    wuxuu ku jawaabay walaalkii kuwee ayaad ujeedaa magcaw iyadoo aad moodo inuu jecel yahay inuu garabyadda qaarkood uusan aqoonsanayn waayaabe kama jawaabin su,aashaas waxaanse idhi maxkamadaha islaamiga ah oo dhan waa idinku diideen warkiina suaal kale ayaan weydiiyay oo ahayd Maadaa bacdi jabouti? laakiin waa siyaasadeeyay warkii hadaba maanta tolow ninkii odayga ahaa muxuu oran doonaa markuu arko qiyaadadii maxaakimta oo warkan fiican soo saaray ilaahayaw hanuuni walaalahayaga dhalanteedka aan gadmayn run mooday mujtamaca dawliga ahna u qaatay inay dan muslim wadaan,waxaan kaloo rabaa inaan u sheego walaalaha jihaadka waddda fikirka ku saleeya kitaabalaahi wasunatihi waan guulaysanaynaaye wailaa mafilaayo inaan kobcawsle kadurdurin doono.
    wabilaahi tawfiiq.

    Geelwade | Aug 18, 2008 | Reply

  8. yaaa rabi yaa ilaah waman yataqilaah jagcal lahu maqrajaa ilahow qabigeena isku dun

    shiekh fuad | Aug 18, 2008 | Reply

  9. Shirkan majooratigiisa waa raacsanahay laakiin hal qodob baan saluugsanahay. Qodobka ay leeyihiin ha la mideeyo mujaahiddinta.

    Labada urur ee Alshabaab iyo JABISO wax mugdi ahi kuma jiraan. Waxaa kala qaybsanaantu haysataa waa MMIS. Inta MMIS ay isa saxayaan ma qabo in Alshabaab iyo JABISO ay la midoobaan. Waxaana usoo jeedinayaa MMIS inay iyagu marka hore qaataan goaan ay ka waantoobayaan ragga u shaqaynaya shisheeyaha.

    Illaah baan ka baryey in guushu raacdo mujaahidiinta.

    Xasan | Aug 18, 2008 | Reply

  10. Waxaan dareemayaa in raga Jabuuti uu ku dhacey waxa la yiraahdo ghuruur oo ah ineysan jirin cid ka wax garadsan oo qawlkooda jebin karta. Run ahaantii si kastoo ay u badanyihiin hadana umada kalaa ka badan. Waxa ay wadaana dadkii jihaadka taageersanaa kuma faraxsana.

    wadaad yare | Aug 18, 2008 | Reply

  11. Waxaa wax lagu farxo ah inay go aan cad qaateen nimankii mudo lagu wareersanaa waxa iyo mabda a ay kudagaalamayaan waa haday karunsheegaan inay dagaalamayaan ilaa diinta islaamka la isaga xukumayo waana mowqifka mujaahidiinta al.shabaab laakin mujaahidinta al.shabaab waxaan ugu baaqayaa inaysan kumilmin aysana aaminin maadaama jawaasiista iyo munaafiqiintu ku badanyihiin maxkamadaha . waasax walaalkaa muslima inaad kagarab dagaalantid laakin waxaa kadhib badan murtadka kuugu ganbanaya maadaama aan ognahay ragaan kuwii madaxda u ahaa inay kowba lakulmeen murtadinta somalia iyo gaalada iritrea

    cazaam | Aug 18, 2008 | Reply

  12. assalaamu caleykum

    horta marka hore ninka la baxay cazaam asaa jaasuus ah waase sida aw u hadlaayo takfiir inow yahayne waa marag ma doonto. kooxaha qaloocan waxaa lagu yaqaan iney dadka ayaga kasoo heray u qeybiyaan khaa,in, jaasuus, munaafiq, murtad iyo waxyaabo badan oo kale. nimanka cali iyo wadaad yare isku magacaabayne waxaan hubaa iney ka mid yihiin dadka ey dhibeyso horuu marka GMI iyo isbaheysiga, magan karo ma qabyaalad darteedbaa mase waa jawaasiis shiseeyaha u shaqeeya. anigu wadaadada iyo waranlaha ku shiray jalalaqsi waa soo dhaweynayaa, in kastoo eysan cadeyn mowqifkooda ku aadan is magacawgi xasan daahir iyo cumar iimaan waxaa xadiis nabiga kiisaa ku soo arooray in hadii qof yimaado idinkoo hugaamiye leh ee aw is magacawyo midka dambeeya dila iska fiirsha .

    kheyre | Aug 18, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo