C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada Jibouti ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday xili uu caawa u waramayay Warbaahinta Muqdisho in ay iyaga iyo Wafdigii DFKMG ah isla gaareen Heshiis Hor dhac u ah Midka Sacuudiga ay wada gaareen ka dib markii ay lahaayeen gudiyo ay labada dhinac iska soo dhex xuleen 3 maalin kulamo isdaba joog ah.
C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin:-
1) in ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya kaga baxaan xaafadaha iyo guryaha shacabka mudo 15 maalin gudahood isla markaana la dajiyo goobaha ay ka guuraan ciidamadaasi Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Isbahaysiga iyo DFKMG ah.
2) In si tartiib – tartiib ah ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya uga baxaan Dalka gudihiisa isla markaana lagu Badalo Ciidamo kala ah AMISOM, UN iyo qaar ka socda Dalalka Islaamka
3) In laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Qaran soomaaliyeed oo loo dhanyahay.
4) In Gar-gaar Bani aadamnimo lala gaaro dadka dhibaataysan iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan arintaasi ciidamada AMISOM.
5) In Bisha soo socota ee September la isku soo noqdo si loo diyaariyo Dastuurka iyo sidii loo shaqeyn lahaa xaalada kala guurka.
Mar la weydiiyay C/raxmaan C/shakuur goobaha ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka guurayaan cidda badalaysa ayaa waxa uu sheegay in ay Badalayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada DFKMG ah iyo Isbahaysigooda Garabka Jibouti, isaga oo carabka ku dhuftay in ay qolo waliba hadda meel dagantahay isla markaana qoladaasi ay la wareegayso meelaha ay ciidamadaasi ka guuraan.
C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay in Heshiiska caawa ay wada gaareen iyaga iyo DFKMG ah laga Tirinayo:-
1) Bixitaankii ciidamada Gumeysiga Itoobiya 120-kii
2) Imaanshiyaha ciidamo Caalami ah.
3) Fulinta Heshiiska Jibouti.
C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa sidoo kale ku fasiray Heshiiskani mid farsamo oo kaliya.
Sidoo kale C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Bil Bil kulamo gaar ahi kula yeelanayaan DFKMG ah magaalooyinka
Dhinaca kale Axmed C/salaam oo u waramayay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax qodob ah oo lagu heshiiyay oo la xiriira in ciidamada gumeyisga Itoobiya mudo 15 maalin ay uga guuraan xaafado iyo wax la mid ah.
Axmed C/salaam ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu muhiimsantahay waxyaabaha ay ku heshiiyeen in marka hore xabada la joojiyo ka dibna loo gudo galo fulinta qodobada kale ee heshiiskii Hore.
Sidoo kale nin u hadlay Ururada Bulshada Rayidka oo magaciisa lagu soo gaabiyay “C/naasir” ayaa isagana sheegay in ay dhinacooda aad ugu farceen sida Cad ee ay labada dhinac u wada qaateen Barnaamijka iyo Heshiiska intaba.
C/naasir ayaa sidoo kale Beeniyay in wax ka socda Ururada Bulshada Rayidka ah oo xubno laga siiyay Gudiga Siyaasada iyo Amaanka aysan jirin, isaga oo sheegay in iyagu lagu marti qaaday oo kaliya in ay goob joog ahaadaan isla markaana ay cadaadis saaraan ciddii ay wax ka socon waayaan oo kaliya.
Heshiiskan ayaa la sheegayaa in uusan wali saxiixay Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaana lagu tilmaamay in uusan rasmi ahayn illaa uu isagu saxiixo.
Ma Cadda illaa iyo hadda sida uu uga dhaqan gali karo heshiiskani Dalka Gudihiisa, wuxuuna ku soo beegmayaa iyada oo isla maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Jalalaqsi Heshiis ay wada gaareen Masuuliyiinta Maamulka Maxaakiimta ee gudaha kaas oo iskaga fogeeyeen Khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta Maxaakiimta ee ku kala sugan

No related posts.
No related posts.
nin aduunyo joogaw maxaa argti kuu laaaban!! ar ddka maxa beenta inttas laeg loo shegeshegaa wayaabe aniga inta le maba layaabani lakiinsh h,shariif ayaan ila hada laayaabnahay
asc wbr walaalayal wax jabuti ka socda waa wax loogu tala galay in lagu suuxiyo jahaadka socda wadanka waxa tageero iyo sharaf mudan ragga jooga wadankii ee ka soo saaray go’amada maanta
SCWW.
Googaa?
xagale. Heshiiskan hoos ku qoran macnahiisa ii sheega
Cabdishakuur ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya kaga baxaan xaafadaha iyo guryaha shacabka mudo 15 maalin gudahood ah.
Axmad Cabdisalaan ayaa kadaba hadlay oo sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo lagu heshiiyay oo la xiriira in ciidamada gumeyisga Itoobiya mudo 15 maalin ay uga guuraan xaafado iyo wax la mid ah.
la yaab ma leh walaal imtixaan inuu jiro adduunka allaa noo sheegay, ninba maalin ayuu ka harayaa tareenka, maantana waxaa ka haray sheekh shariif sheekh ahmed…cajabeey cajiibeey, maantana waa koobbi amxaaro iyo muqaawamada ayaa meel wada dagaya, waxay la mid tahay xaq iyo baadil ayaa meel wada dagaya, taasi waxay keenaysaa inaan ka shakino shiikha mar haddii asaga iyo xubin ka mid ah ururkii ashahaada la dirirka ay meel wada fariisteen, ayagoo ka wada hadlaya dawlad qaybsi….saw ma aragtaan hadalka abdirahman abdishakuur ee ah dhismaha qaran loo dhan yahay….cajiib.
jihaadka ayaa u muuqdo mid si manhaj sax u u bilaaban doono maadaama awal la isku dhex jiray oo waxaas shariifyada hoos tagaba ay lahaayeen jihaad baan ku jirnaa marka hada xaqii iyo baadilkii baa kala miirmay
scww salan kadib
waxay aniga ila tahay in heshiika jaanis la siiyo hadii 120ka waa hore bilowdeen iyo hadii hada la bilaabayo waa isku mid hadii shariifku ku fashilmo ama ay shaqayn waayaan waxa uu wado waxba nagama halaabayaan
ilaah halaga baqo oo dadka ha loo naxo
dhaqaalaha america iyo askarta ethopia oo aan macnaha lahayn ayay san na dhameeynin
aqli hala keeno maxkamadaha iyo alshabaab hadii ay xoog leeyihiin naga saari waaye
ethopian
gooleysta akhyaarta dadaalka wada
wabilaahi talwfiiq
A/S
INAALILAAHI WAINAA ILEEHI RAAJUCUUN
waxaa layaab ah maanta in ay iskumeel seexdaan ragii hogaamin jiray islaamka iyo ragii ka ganacsanjiray wadaadadii islaamka taasa waa mid aan ilaa hadda aan la yaabanahay
waxaa maanta iskumeel jooga shafiirkii iyo darwiish cabdi qeerdiid waa layaab mida kale waxaan aragnaa in maanta uu maraayo jihaadka meel aad uwanaagsan oo ay iswada reeceen mujaahidiinta oo dhan midaas ayaa maanta faraxad inoo ah waxaa ku jira qodob kuu sheega ay ku heshiiyeen in mudo 15maalin ay kaga baxaan tigreego xaafadaha taas oo ay ka soo horjeedaan murtadiinta mida kale waxaa la yaab ah in maanta uu saxiixo shariifku in hal meel ay wada joogaan dabadhilifkii tigreega iyo ciidamada islaamka xaashaalilaah marna ma suura galeyso midaas hadii uu allaah idmo waxaana alaah ka baryeenaa in uu naga qabto dhagarta jabuuti lagu maleegay waxaan weydiinayaa umada mawaxaa tanaasulay shariifka oo raacay Dastuurka mise waxaa hanuunay gabre iyo inta wadata midaas waa iga su’aal aan ubandhigaayo umada islaamka ah?
ACWW.
Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, Warbahashu hadday ka dartay oo waxaaba miiska la soo saaray nin qamriga, xashiishada iyo qaadka quudkiisa yihiin iyo nin muslim ah meel hala wadda dajiyo taas micnaheeda aniga waxay iila muuqataa, Kitaab iyo Xaar aan meel wada dhigno.
War niman yahow waxaad noo soo wadeenba haday sidaas tahay isaga taga meesha Soomaali yuusan qof ka harin, Ilaahaybaa taladeena haayee aan isaga oo kaliya u hogaansanaano inta soo hartayna aan isaga talada saarano.
Shariifow Nabad Alle haku yeelo. Warkaagu waa uu dhanaanaaday. Aloow hidaayo sii umadaada ku dhunsanaa iyo kuwa dhumaya hadeer iyo ku dhumi doonaba Aamiin Yaa alaah.
ACWW.
kan heshiis maaha , durbaba waxaa muuqda safiihnimada nimanka meesha isugu tegay , waxaad moodaa inaanay xitaa daawan meel lagu heshiisiinayo labo habrood , nasiib daro dunidu markay kuwaa aragto iyo waxyaalaha ay qorayaan ee ay leeyihiin waanu ku heshiinay , iyo sida ay xaalada soomaalidu tahay maanta waxay u qaadanayaan in aynu dhamaan sidaas oo kale anu nahay , waayo waxay arkaan kuwa noo shir tagay iyo wax ay ku hadlayaan;
ascw
waa layaab iyo anfariir ilaahayoow amuuraha sahal oo kaalay ma waxaw u maleeyaa c/shakuur in maxkamaduhu ahaayeen wax laga soo gudbay
waxaa ka daran c/laahi yuusuf iyo kooxdiisa nimanka hor fadhiya ee haddane sheeganaya dad ka mid ah maxaakiimta
ASC WR WB:
HISHIISKU WAA CIYAARAHA CUSUB EE HATA SOCDA.DHOOR RIWAAYADOOD OO HORE AYAA LA SOO JILEY TANA WAA MAWEELADA CUSUB.
WCS WR WB:
Sh.shariif maalintii uu xuduuda kenya ka talaabay ee uu jihaadka ka tagay ayey alshaab garteen inuu xujoobay ayna ka beri noqdeen xiligaa wixii ka danbeeyey reer jabuuti khayaanada uurkooda jiifto ayuu alle umada u muujinayey si ay ooga beri noqdaan,1.heshiis khayaana ah ayaa nayrobi lagu saxiixay ayaa hadana la dafiray ilaa warbaahinta gaaladu ay banaanka usoo saaraan.2.waxaa la saxiixay xabad joojin jihaad iyo in la cambaareeyo mujaahidkii xabad ku rida gaalada,3.reer asmra ayaa halka ooga haray iyo dad badan oo somali ah.4.heshiiskii sanca ayey buriyeen.5.qayb diid iyo darwiish ayey miis la fariisteen kana ogolaadeen inay ciidamo isku darsadaan halkaana waxaa ooga beri noqday maxaakiimta islaamka hogaankooda jihaadka ee gudaha ku sugan iyo intii oogu damiinsanayd somalida ama ugu dhagweyneed,
Meel ay Darwiish, Qaybdiid, iyo Ina Lax Seen Ka Taabte ee horboodayaan bal ka warrama!
Shariifoow ma saanaa kuu dambesay inaad ragaas qurunka ah hunguri ka raadiso!
Subxaanalaah!
Meeshan hal wax oo kaliya nayaa ku jira. In la abuuro ciidan Soomaali ah oo ka kooban DFKG iyo qoladan Jabuuti ciidamo ay ka qorayaan qabaailka Soomaalida, ciidankaas oo la doonayo inay nasiyaan ciidamada Ethiopia, xasuuqna cusubna ka geystaan dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo la doonayaa muslimiinta ku dhegan diinta Islaamka ah ee suuban in laga cidhib tiro dalkeena Soomaaliya, khaas ahaan ururka Al-Shabaab.
Waxaa loo baahan yahay in la fahmo gardarada Ethiopia gaalo tun waaweyn baa garab taagan, qorshihii Ethiopianku baa loo bedelay dad dusha Soomaali ka ah laakiin dantii Ethiopianka iyo gaalada tunka waaweyn fulinaya.
Tan ugu danbeysa waxaa weeye waxaa la sharciyeeyey joogitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa saxiixay ragii Ethiopia soo dhoodhoobatay iyo ragii mu’miniinta ku dhex jiray diyaaradahana kusoo hagayey Jubooyinka iyo Dhuusamareeb.