Gudoomiyaha JABISO ““uma aragno in Mujaahidiintu isu dili doonaan is maandhaafka ka dhashay heshiiska Jabuuti”
By Somalimirror on 14 Aug, 2008 6:03 PM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa waraysi ay la yeelatay guddomiyaha Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JABISO) Sheekh C/laahi Axmed Cumar, waraysiga inta aynu u galin Hordhac kooban oo ku saabsan Taariikh nololeedka Gudoomiyaha.
Guddoomiyaha Jabiso:- Sh. C/laahi Axmed Cumar wuxuu ku dhashay Gobolka Hiiraan Degmada Buq Aqable Sannadkii 1963,wuxuu ka baxay Dugsiga Sare 1988, wuxuu ka soo shaqeeyay:
B) Wasaaradii Gaashaandhigga Soomaaliyeed,
T) Shirkado ganacsi,
J) Ganacsi xor ah,
X) wuxuu kale oo ka soo shaqeeyay Dacwada iyo Hay’ado Samafal oo Islaami ah.
Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibbada u aasay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed ee uu hadda madaxda u yahay.
Waraysiga aanu la yeelanayo oo dhinacyo badan taabanaya, wuxuuna u dhacay sidaan:-
Somalimirror: - Wax ma nooga sheegi kartaa ujeedooyinka aad u aasaasteen Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JABISO)?
C/laahi Axmed Cumar:- Ujeedooyinka aan u aasaasnay Jabhadda waxaa ka mid ah:
· In dalka laga xoreeyo gumeysiga Itoobiya iyo dabadhilifyadiisa, lagana tirtiro raadadka xun ee uu ku reebay.
· In aan difaacno dadkayaga, diintooda iyo dalkoodaba.
· In la mideeyo dadaalka shacabkayagu ugu jiro iska xoreynta gumaysiga iyo iska caabbinta xadgudub kasta oo dibadda uga yimaada.
· In loo hawlgalo sidii nabadgalyo iyo deganaansho loogu soo celin lahaa shacabkayaga ay naafeeyeen dagaalada sokeeye iyo duulaamada shisheeye.
· In laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Dawlad Islaami ah oo shacabka u ilaalisa diintiisa, madaxbanaanidiisa iyo danihiisa kale ee adduunyo.
Somalimirror: - Maxay jabhaddu ku soo kordhisay Jihaadka iyo Siyaasadda Soomaaliya?
C/laahi Axmed Cumar: - Jabhaddu waxay ku soo kordhisayjihaadka ka socda Dalka.
B) Halgan hubaysan oo ku dhisan Manhaj saxiix ah, halgankaas oo ka turjamaya hamuumta shacbigayagu xambaarsan yahay iyo himilada uu hiigsanayo ee dhinac walba ah.
T) Waxay jabhaddu cilmiyeysay sarena u qaadday tayada howlgallada millatari ee lagu naafeynayo cadowga.
J) Waxay si gaar ah jabhaddu xoogga u saartay sidii looga ilaalin lahaa dadweynaha iney ku waxyeelloobaan dharbaaxooyinka cadowga loo wado.
X) Jabhaddu waxay soo bandhigtay barnaamij siyaasi ah oo dhammaystiran, waxayna ku caddaysay bayaankeedii koowaad. Tan kale waxaan u aragnaa in ay ku habbontahay in salaad walba wakhtigeeda la tukado, qofkii waxaan wakhtigiisii la gaarin soo degdegsadana miro
Somalimirror: - Ma noo sheegi kartaa Gobollada ay ka howl-gasho Jabhaddu?
C/laahi Axmed Cumar: - Jabhaddu waxay ka howlgashaa dhammaan gobollada koonfureed ee uu ku habsaday Cadawga Saliibiga ah (Macatab u dirir) iyada oo mar waliba xoogga saarayso meelaha uu ku xooggan yahay ee halbowlayaasha u ah.
Somalimirror: - Intee la’eg yahay xiriirka aad la leedihiin ururrada kale ee Mujaahidiinta Soomaaliyeed?
C/laahi Axmed Cumar: - Mujaahidiinta oo dhan waxaan la leenahay xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhinacyo badan leh, sida: xog is dhaafsiga, isu gurmashada, fulinta hawlgallo mideysan iyo wadatashiyo joogto ah.
Somalimirror: - Maxaa hortaagan in la mideeyo ururrada mujaahidiinta?, mase jiraan wax isku dayo ah oo aad ka samayseen arrintaas ama wax qorshe ah oo idiinkaga diyaarsan xilligaan?, maxaadse u aragtaan in lagu midayn karo?
C/laahi Axmed Cumar: - Waxyaabaha midnimada hortaagan waxay isugu jiraan arrimo fikri ah, fahamka waaqica iyo habka ugu habboon ee loola falgalayo. Xagga isku daygana muddadii jabhaddu dhisnayd ma kala joogsan dhaqdhaqaaqyada midnimo doonka ah ee aan ku samaynay. Tan dadaalka mustaqbalkana waxbaa nooga qorshaysan. Waxyaabaha walaalaha la isugu keeni karana waxaa ka mid ah:
· In dhammaan lala yimaado daacadnimo iyo Alle ka cabsi.
· In la wada dareemo baahida weyn ee loo qabo midnimada, lana wada garto in midnimadu tahay waajib diini ah oo lama huraan u ah guusha.
· In la helo isku kalsooni buuxda, isqadarin iyo isu tanaasulid.
· In qolo waliba soo bandhigto madmadowga iyo doldaloolooyinka uga muuqda walaalihiis ee ka hortaagan midnimadooda; si loo kala hufo, ka dibna wixii caqabad ah la isula baaro.
· In midaynta iyo arrin kasta oo ku lug leh jihaadka loola noqdo Kitaabka Alle iyo Sunnaha Rasuulka (scw), isla markaana loo arko in qaddiyadan ay ummaddu wada leedahay, lagana talogaliyo cid walba oo mudan ayna ugu horreeyaan culimada diinta xambaarsan.
· In danta guud laga hormariyo midda khaaska ah oo macneheedu yahay in laga tanaasulo danaha qofeed iyo kuwa kooxeedba si loo hirgaliyo maslaxadda diinta iyo ummadda.