Weerarkii 4 aad oo Ciidanka gumeysiga Itoobiya la kulmaan muddo 48 saac ah
By Somalimirror on 12 Aug, 2008 4:05 PM in Main, Wararka
Saaka abaaro 09:00-10:00, Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyee Sadex dooda garab(Al-shabaab, JABISO, MMIS,) oo iskaashanaya waxa ay dagaal xoogan ciidanka gumeysiga Itoobiya kula galeen inta u dhaxeysa Yaaqbariweyn iyo Garoonka Balidoogle. Dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socdey muddo hal saac ah, kaas oo la sheegay in u khasaare xoogan ka soo gaarey Ciidanka gumeysiga Itoobiya ka dib markii qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidanka gumeysiga Itoobiya ay haleeleen qaraxyo miino oo lala beegsadey. Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee xoogan xoogaga mujaahidiinta Soomaaliyeed ee (MMIS, al-shabaab, JABISO), Dagaalka dhabo galka ah ugu galeen inta u dhaxeysa Bali Dogle iyo Yaabariweyn ayaa labo habeen ka hor waxa ay ka baxeen Magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa noqonaya kii 4aad ee ay Ciidanka gumeysiga Itoobiya la kulmaan, muddo 48 saac ah, dagaaladaas oo ay ka soo gaareen khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh. Dhanka kale wararka laga helayo Magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in ciidamo kale oo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya ka soo baxeen Magaalada Baydhabo, kuwaas oo gur mad ahaan u soo baxey. Ciidanka Baydhabo ka soo baxey ayaa lagu waramayaa in ay soo gaareen halka lagu magacaabo Qardho oo ah halka Gobolka Bay iyo Shabeelada Hoose ku kala qeyb samaan. Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee dagaalku qabsadey Maanta ayaa la sheegayaa in ay gaareen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo