Gudoomiyaha Deg. Xudur “weerar baan ku qaadayaa Al-Shabaab”
By Somalimirror on 12 Aug, 2008 8:21 AM in Main, Wararka
Gudoomiyaha Degmada Xudur ugu Qaabilsan DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya Max’ed Macalin Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu weerar ku qaadayo Mujaahidiinta Al-Shabaab oo maalintii 6-aad gacanta ku haya Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Max’ed Macalin Axmed oo hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa hadalkani u sheegay xili uu u waramayay suxufiyiinta ku sugan magaaladaasi.
Hadalkan ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyada oo shalay galinkii danbe ay inta badan is casileen xubnihii Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Ma jiraan dhinaca kale wax war ah oo ka soo baxay Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku Aadan Hanjabaada Gudoomiyaha Degmada Xudur ugu Qaabilsan DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya Max’ed Macalin Axmed.
08/08/2008 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay Dagaal la’aan kula wareegeen Degmada Xudur ka dib markii ay isaga carareen Maamulkii ka ariminayay, iyada 10/08/2008 Bartamaha Magaaladaasi lagu dilay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Gobolka Bakool C/laahi Wareer.
Daabaco
U dir saaxiib



as/war/wab
yaa,ayuhaadiina aamnuu in tansuru laaha yan surkum wayuthabit aqdaamakum
illaaheey ha sugo mujaahi diinta dhalinyarada cadawga illaahna allaaha isku jabiyo
anaga illaahbaa wali noo ah gaala raacana wali ma heesto
daalika bi,analaaha mawla ladiina aamanuu wa,nal kaafiriina laa moowlaa lahum
waxaa nasiib ah in allaah uu dhankeena yahay yaan la niyad jabin gaalo waa jabtaynasrigii alle waa yimid aloow nasriga noo soo dadaji
deeqa | Aug 12, 2008 | Reply