C/Laahi Yuusuf oo Shir Jaraa’id Qabtey Iyo Cambaareyn Loo Jeediyey
By Somalimirror on 12 Aug, 2008 4:05 PM in Main, Wararka
C/laahi Yuusuf Axmed oo ah madaxada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtey xafiiska uu ka degan yahey Villa Soomaaliya ayaa ka Hadley khilaafaadka ka dhex aloosan isaga iyo Nuur Cadde. C/laahi Yuusuf ayaa gaashanka u daruurey xil ka qaadis kasta oo aanu isagu ka soo saarin wareegto, waxa uuna ku tilmaamey xil ka qaadista la sameeyay ee aanu isagu soo saxiixin mid sharci daro ah oo aanu ogalaan Karin. Waxa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo Maxamed Dheereba xilalka laga qaadi karo balse ay tahey in sida uu sharcigu dhigayo loo maro. Qeybaha kala duwan ee DKMG ah ka kooban tahey ayuu ku sheegay C/Laahi Yuusuf in mid waliba uu leeyahey sharcigi, ayna tahey in qeyba waliba sida uu sharcigu sheegayo ay raacdo. Hadalka C/laahi Yuusuf ayaa u muuqdey mid si weyn uga soo horjeedo xil ka qaadisti dhawaan Maxamed Dheere uu ku sameeyay Nuur Cadde, in kastoo aanu shirkiisa jaraa’id uga hadlin arintaas. Hadalka C/laahi Yusuuf ayaa sii xoojinaya inta uu qaro leeg yahey khilaafka weyn ee ka dhex aloosan isaga iyo Nuur Cadde oo ay isku hayaan arimo badan oo ay ka mid yihiin arimo dhaqaale iyo dastuurka(sharciga). Dhanka kale wax odayaasha iyo wax garadka beesha mudulood oo shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa cambaareyn u jeediyay C/laahi Yuusuf oo ay sheegeen in uu garab marey dib u heshiisiinta. Sidoo kalena uu caqabad weyn ku yahey barnaamijka dib u heshisiinta ee uu wado nuur cadde. Sidoo kale waxa ay uga hadleen shirkooda jaraa’id arinta maamulka Gobolka banaadir ee khilaafka xoogan ka dhex abuurey madaxda sar sare ee DKMG ah. Waxa ay ugu baaqeen C/laahi yusuf in uu faraha kala baxo arinta maamulka banaadir ee dhawaan is bedelka uu ku sameeyay nuur cadde. Hadalkii u C/laahi yuusuf ka yiri xil ka qaadista iyo magacaabista ee maamulka Gobolka banaadir ayey sheegeen in ay ku noqotey layaab. Waxa ay dhanka kale Ciidamada gumeysiga Itoobiya u jeediyeen 3 arimood mid in ay yeelaan, in C/laahi yuusuf ka kaxeeyaan ileen markii horeba iyagaa keenayee, in ay uga dhex baxaan si ay isaga saran iyo in ay aacaan sharciga oo ayna ku xadgudbin sharciga, waa sida ay hadalka u dhigeen odayaasha iyo wax garadka beesha mudulood ee maanta shrike jaraa’id qabtey.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo