Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Boondheere

muqdisho1.jpgMaydka wiil dhalinyaro ah oo loo adeegsaday dilkii Tooreey ayaa xalay abaare 07:00 fiidnimo laga helo Degmada Boondheere gaar ahaan Xaafada Nasiib Buundo ee Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen 4 dhalinyaro ah oo qaarkood ku hubaysnaa Tooreeyo. Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Ninka la dilay uu sababsaday dilkiisa Mobil uu ka soo qaaday dad aan iyagu la sheegin nooca ay ahaayeen. Maydka wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegayaa in ay xalay hayeen Ciidanka Booliiska Degmada Boondheere balse markii danbe la aqoonsaday oo ay qaateen dad la ehel ah qofka la dilay. Ma aha markii ugu horeysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho waxaana caado ka noqotay degmooyinka Muqdisho dilalka ujeedo badanka ah ee loo geysanayo dadka ku dhaqan, mana cadda illaa iyo hadda cida dilalkaasi ka danbeysa iyo waliba sababta rasmiga ah intaba. 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo