Ciidanka DKMG ah oo Qafaashey Dad Rayid ah oo Dhaawacyo Qaba
By Somalimirror on 5 Aug, 2008 3:56 PM in Main, Wararka
3 qof oo rayid ah oo dhaawacadooda laga soo saarey isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayey ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya waxa ay shaley galab ka qafaasheen isgoyska Frolance ee degmada Xareryaale xilli halka uu marayey gaarigii lagu soo qaadey. Dadka rayidka ah ee dhaawac ah oo ciidanka DKMG ah qafaasheen ayaa ahaa kuwo ku dhaawacmey madaafiicda iyo rasaasta sida indho la’aanta ah ciidanka gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah ula beegsadaan deegaanada dadka Rayidka ah ku dhaqan yihiin. Ciidanka DKMG ah ee qafaashey dadkan Rayidka ah ayaa ula dhaqaaqey dhanka xarunat Villa Soomaaliya, oo halkaa ay wali ku heystaan iyaga iyo dadkii eheladooda ahaa ee la socdey. Dhaawacyada dadkan Rayidka ah qabeen oo ahaa kuwo culus qaarkood sida ay ku warameen qaar ka mid ah eladooda oo saxaafada la soo xariirey ayaan la ogsooneyn sida xaalkoodu yahey, maadaama meesha la geeyay ayna laheyn xarun caafimaad. Qafaalashada ka dhanka ah dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha aan caadiga aheyn ee ay geysanaan ciidanka gumeysiga itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah, ayaa ka mid ah dhibaatooyinka xoogan ee dadka rayidka ah la gula kacayo.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo