Warbixin:- kala Jabka Isbahaysiga Dib u Xoraynta, Sababaha ka danbeeya iyo khataraha ka dhalan kara
By Somalimirror on 4 Aug, 2008 2:50 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Shabakadda SomaliMirror waxay idiin soo gudbinaysaa warbixin ku saabsan kala jabka Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, waxyaabaha uu salka ku hayo iyo cawaaqibta uu ku keeni karo halganka Islaamiga ah ee ka socda dalka, waxaana warbixintan oo ku qornayd Luqadda carabiga lagu faafiyay shabakad Warbaahineed oo ku baxda afka carabiga laguna magacaabo elaph.com taas oo aan idiinku tarjumnay luqadda Soomaaliga. Warbixintiina waatan:-
Muqawamada Soomaaliya markii ay ku guulaysatay Daalinta, Go’doominta iyo Jabinta Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayna qarka u fuushay in ay ku dhawaaqdo guul kama danbays ah, ayaa waxaa hoosteeda ka curtay khilaaf lagu dhicisaynayo guulihii ay horay u gaartay, waxaana soo baxay codad ku baaqaya in laga tanaasulo waxyaabihii sababta u ahaa guusha iyo horumarka, waxaana muuqata in Muqaawamada Soomaaliya ay ka markhaati kacayso in aysan waxba ka duwanayn, dhaqdhaqaaqyadii Xornimo u dirirka u ahaa shucuubta iyo Ururrada, kuwaas oo awood u leh in ay ka hortagaan cadawga ayna ku jabiyaan goobaha dagaalka, balse marka ay soo horjoogsadaan albaabka guusha waxaa si lama filaan ah dhexdooda uga soo ifbaxa khilaafaad iyo iska horimaad khatar geliya guushii muddada dheer la sugayay mirihii loo fadhiyayna gacanta u saara cadawgii loollanka lagula jiray.
Muqaawamada Soomaaliya waxay dib u soo celinaysaa khaladaadkii ay horay ugu dhaceen in badan oo kamid ah dhaq dhaqaaqyadii Xornima doonka ama Islaamiga ahaa, kuwaas oo uu halakeeyay kala qaybsan ka dhashay in aysan marka hore meel isla dhigin qorshe dhaw oo hagaya dagaalka iyo mid fog oo qeexaya marxaladda ka danbaysa xoraynta kaas oo xanbaarsan dib u dhiska dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada.
Xoogagga Muqaawamada waxay marka hore ku gaabsadaan in lala diriro gumaysiga lagana saaro dalka taas oo ah wajiga koowaad ee istraatiijiyada, waxaana soo ifbaxda marka ay meel fog ka soo bidhaanto guushu khilaafaad bilaw u noqda dhib u dhac iyo gacan ka hadal dhex mara garabyadii halka saf ka soo wada jeeday.
Waxaa arrintaas tusaale cad u noqon kara dalka Afqaanistaan iyo xoogaggii Mujaahidiinta oo birta isu qaatay kadib markii ay Jabiyeen ciidamadii Midawga Sofiyeeti, waxayna Mujaahidiintii dhiigooda u soo huray badbaadinta dadka iyo dalku noqdeen baansiin lagu huriyay dhamaan gayiga Afgaanistaan, arrintan oo ahayd qorshe u degsanaa reer galbeedka oo taageero siinayay markii hore Mujaahidiinta si ay ugu jabiyaan cadawgooda awoodda badan ee Midawga Sofiyeeti, ka dibna ay si fudud uga Takhallusaan Jihaadka iyo Mujaahidiinta ayaga oo isu adeegsanayo gudahooda, Waxayna reer galbeedku noqdeen kuwo “Hal dhagax 2 shimbirood ku dilay” oo gurta mirihii ugu danbeeyay ee Jihaadkii Afqaanistaan maadaama ay meesha ka baxday quwaddii caalamiga ahayd ee tartanka kula jirtay “Midawga Sofiyeeti” Mujaahidiintii Reer Afgaanistanna ay laftooda is cunsiiyeen isla markaana ay ka hor joogsadeen in ay gaaraan himiladoodii ahayd dhisitaanka dawlad Islaami ah oo dalka Afqaanistaan ka hirgelisa shareecada Islaamka.
Qaybsanka Isbahaysiga
Qaybsanka Isbahaysiga dib u xoreynta ee ka dhashay heshiiskii Jabuuti ee isbahaysigu ugu kala jabay 2-da garab ee ay kala hoggaaminayaan Sh.Shariif Sh.Axmed, iyo Sh. Xassan Daahir Aweys ma uusan dhicin guusha iyo xoraynta dalka ka dib, balse wuxuu dhacay markii ay Muqaawamada Soomaaliya u dhawaatay in ay hanato guusha iyo xornimada.
Sh. Sahriif:- Sida laga fahmayo wararka uu siiyo warbaahinta wuxuu heshiiska Jabuuti u arkaa: mid Isfahan lala gaarayo beesha caalamka oo taageero siisa gumaysiga Itoobiya, tillaabo horay loo qaaday oo ku aaddan bixinta ciidamada gumaysiga Itoobiya, taasoo ah daruuro ka mid ah aasaasiyaadka dib u dhiska dalka kadib marka ay ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan, ahna cunsur keeni kara in la duugo dagaallada sokeeye ayada oo isfahan lala gaarayo xukuumadda KMG ah.
Sh. Xassan Daahir:- Wuxuu u arkaa heshiis noocan oo kale ah in uusan sabab u noqonayn bixitaanka ciidamada gumaysiga Itoobiya balse uu siinayo furaha guusha,wuxuu ula muuqdaa mid gumaysiga u noqon kara dabool ay ku sii joogaan dalka. Wuxuuna ku dhaliilayaa heshiiskan in uu xanbaarsan yahay suura xumaynta Muqaawamada ka socota dalka, wuxuuna asal ahaan qabaa heshiis lala galo xukuumadda dalka u gacan gelisay cadow shisheeye in uu yahay mid aan bannaanayn sharci ahaan, siyaasad ahaan, iyo wadaniyad ahaanba, xoraynta Soomaaliyana ay lagama maarmaan tahay in ay ku dhalato waddada dagaalka iyo Muqaawamada ilaa uu gumaysigu jabkiisa caddaysto.
Dad fara badan ayaa waxay u arkaan in khilaafku uu salka ku hayo xiriirrada ay garabyada Isbahaysigu la leeyihiin dawladaha gobolka iyo caalamka, sidaa daraadeed ayey warbaahintu ugu kala magacawday garabka Asmara iyo garabka Jabuuti, taasi oo tafsiir u ah xiriirka goboleed ee ay ku kala xiran yihiin labada dhinac mana tilmaamayso goobaha ay kala deggan yihiin oo kaliya, taasina waxay shabahdaa wixii sababay dagaalkii ka dhex dhacay Mujaahidiintii Afganistaan kuwaas oo ku kala xirnaa dawlado gobolka ah iyo kuwo caalami ahba.
Khilaafka ka soo dhex booday Sh.Shariif Sh. Axmed iyo Sh. Xassan Daahir Aweys iyo garabyada ay kala hogaaminayaan wuxuu ku qotomaa kala duwanaansho xagga aragtida ah oo ku aaddan Soomaaliya loolankeeda iyo dawrkeeda, marka laga fiirsho dhinaca Sh.Aweys waxa Soomaaliya ka socda waa masrax lagula loolamayo gumaysiga Itoobiya iyo Maraykanka, wuxuu aaminsanyahay in Soomaaliyada mustaqbalka ay harsato xukun Islaami ah. Sh.Xasan wuxuu dagaalka u arkaa in uusan joogsi lahayn ilaa dhidibada loo taago saldano Islaami ah oo u madax banaan aragtideeda iyo maraajicdeeda iyo in lasoo celiyo gobolka Soomaali galbeed iyo walibana Soomaaliweyn.
Laakiin sida ka muuqata Sh.Shariif wuxuu xoogga saarayaa istiraatiijiyad kula haboon marxaladdan, taas oo ku taagan dhismaha aragti waddaniyadeed oo ballaaran si dariiqa ugu sahlan loogu xoreeyo dalka, ayada oo laga fogaanayo loollan baaxad weyn oo sii dheerayn kara cimriga dagaalka, wuxuu sidoo kale quud-darraynayaa dib u dhiska dalka, ayada oo dhinac la’isaga riixayo loollanka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, waxaa kale oo u muuqata Sh.Shariif in cadowtooyo laga samaysto Maraykanka uusan saacidayn maslaxadda Soomaaliya.
Kadib markii ay heshiiska kala saxiixdeen DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya iyo garabka Isbahaysiga ee uu horkacayo Sh. Shariif Sh. Axamed waxaa isla markiiba gaashaanka u daruuray wixii lagu heshiiyay Sh.Xassan Daahir iyo ragga la fikirka ah, waxayna arrintu isu badashay loollan iyo go’aamo casilaad ah, waxayna arrimahaas dhamaan muujinayaan xididdada khilaafka ee labada aragtiyood ee kala taagan.
Khatarta:-
Khilaafka madaxda Maxkamadaha iyo Isbahaysiga ayaa ah halka khatartu uga soo fool leedahay dhaq dhaqaaqa Islaamiga ah ee Soomaaliya, maadaama kala jab noocan oo kale ah uu albaabka u furayo dagaal sokeeye oo ay ku caana maasho Itoobiya iyo Eritrea ayaga oo isku jabinaya kooxaha iyo qabaa’ilka, ama waxay dalka ku celinaysaa sidii xaalku ahaa ka hor intaysan soo bixin Maxkamadaha Islaamiga ah taas oo u ekaanaysa “Kud ka guur oo qanjo u guur”.
Kala qaybsankan wuxuu ka dhex dhacayaa rag ka koobnaa hal urur oo hal dallad ku midaysnaa sanooyinkii la soo dhaafay, rag isku hal saf ahaa xilligii uu dhacayay dagaalkii kharaaraa ee dagaal oogayaashii la magac baxay Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada, markaas oo ay u muuqdeen kuwo horseed u ah midnimadii Soomaaliya iyo dhismaha mashruuc dib u dhis oo u adeega ummadda iyo dawlad oogta sharciga iyo kala danbaynta. Sifada ay shacabka Soomaaliyeed ku barbar istaageen Maxkamadaha Islaamiga ah waxay ahayd in ay u arkeen kuwo xaqiijin kara yididiilada shacabka ee ah Midaynta dalka Soomaaliya iyo soo celinta haybaddii dalka.
Kala jabkan waxaan shaki ku jirin in uu gogol dhig u yahay soo noolaynta dagaal oogayaashii oo fursad ka heli kara jawiga haatan muuqda waxayna isku dayayaan in ay dib isu abaabulaan ayna qabsadaan goobo ay ka fuliyaan falalkoodii waxshinimada ku dhisnaa. Waxaa kale oo laga dheehan karaa kala qaybsankan ku yimid Isbahaysiga dib u xoraynta in labada garab midkoodna uusan muquunin karin kan kale waxayna noqonaysaa in ay u xuubsiibtaan labo garab oo col isu ah, xilligaas oo Itoobiya ay noqonayso libin ku geeraar, waxaana xilligaas suurta gal ah ineysan daruuri u arkin joogitaanka ciidamadeeda ee dalka Soomaaliya maadaama ay Soomaalidu ku taagan yihiin jidkii ay la rabtay, badalkeedana ay garoonka ugu jiraan raggii ayada gudcurka ku baadigoobi jiray kuwaas oo ayaga oo aan ka warhayn markan fulinaya ujeedooyinkii ay ka lahayd Soomaaliya oo ah in aysan Soomaaliya waligeed degin aysanna ka hirgalin dawlad awood leh.
Khatarta intaa ka daran waxay tahay in kala jabka Isbahaysigu uusan wax sidaas ah ka fogayn loolanka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea oo murankoodu uusan daawo lahayn ilaa meesha uu ka baxo mid ka mid ah labada nidaam ee dalalkaas, taas oo ka dhigan in doorsoomayaasha nuujinaya khilaaf calooleedka ka jira Soomaaliya iyo go’aamada laga gaarayo aysan ku jirayn gacmaha labada dhinac oo kaliya laakiin waxay noqonaysaa cidda haysa daabka Masaarta quwado kale oo si gaar ah u eeganaya maslaxadooda, gaar ahaan garabka Sh.Xasan Daahir waxaa fariisin uu ka soo abaabulo hawlaha Muqaawamada u sii ahaan doona Asmara taas oo ku dirqinaysa in uu u baahdo garabka Eritrea halka dhinaca kale Sh. Shariif ugu danbayntii ay doonta khilaafku la galayso isbahaysiga Itoobiya, taasina waxay sii fogaynaysaa ragaadka, wuxuuna kala jabku labada garab gaarsiinayaa gacan ka hadal ama ha dooneen ama yaysan doonine waxayna arrintu ku soo idlaanaysaa Minjaxaabinta Tijaabadii qurxoonayd ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.
Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed waxay ahaayeen muuqaalkii ugu horreeyay ee dib u soo nooleeya rajo laga qabo midnimada Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaliya sanadkii 1991 ee uu madaxda ka ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre, waxaa xilligii ay maxkamaduhu ka talinayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya soo noolaaday dambaaburadii waddaniyadda waxaana curatay bishii Midnimada, waxay soo celiyeen Nabaddii iyo Xasilloonidii waxayna fureen kaabayaashii dhaqaalaha waxayna shacabka Soomaaliyeed ka caymiyeen ceegadii ay ku hayeen dagaal oogeyaashu, waxayna sidoo kale ka koobnaayeen jiil uu sarreeyo wacyigooda Dawladnimo.
Laakiin xaaladdu waxay faraha ka sii baxaysaa haddii khilaafku uu saamayn ku yeesho hoggaanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gudaha gaar ahaan haddii ay la kala saftaan garabyada kala tagay ee ku kala sugan Jabuuti iyo Asmara, waxayna arrintaasi horseedi kartaa tasarruf aan habboonayn oo ay ku dhaqaaqaan hoggaanka Maxkamadaha Islaamka, taas oo dib inoo xasuusinaysa kala qaybsankii horay looga bartay hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, waxaana Muqaawamada Soomaaliya laga qaniinayaa isla godkii laga qaniinay Mujaahidiintii Afqaanistaan, taas oo dalka qoorta u galinaysaa loolan dhiig badan ku daato oo ay gadaal ka hagayaan quwado shisheeye.
Muqaawamada Soomaaliya:- Marxalad Cusub
Waxyaalaha ka dhalan kara khala jabkan ku yimid hoggaanka Maxkamadaha Islaamka iyo Isbahaysiga Dub u xoraynta waxaa ka mid ah in dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ay la soo gudboonaato khatar ballaaran, taas oo aysan shaki ku jirin in ay saamayn ku yeelanayso awooddeeda iyo kalsoonidii ay ka haysatay bulsha weynta Soomaliyeed iyo walibana ra’yulcaamka carbeed iyo kan Islaamkaba.
Muqaawamada Islamiga ah ee soomaaliyeed waxay gaartay guulo ballaaran oo ah dhinacyada siyaasadda iyo milatariga. Dhinaca siyaasadda guulaha ay ka gaartay waxaa ka mid ah in ay ka horjoogsatay gumaysiga Itoobiya taabagelinta kooxda u shaqaysa si ay u dagto shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku guulaysatay dhicisaynta sharciyadda hay’adaha dawladda KMG ah iyo kala furfurka Isbahaysigii ay abaabushay Itoobiya kadib markii ay qabsatay caasimadda Soomaaliya, waxayna guul ka gaartay in ay xididdada u siibto canaasirtii Itoobiya ka unugtay dalka gudihiisa, taas oo keentay in si dhamaystiran loo go’doomiyo ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo inta la shaqaysa.
Dhinaca milatariga waxay Muqaawamadu ku guulaysatay in ciidamada gumaysigu aysan ku ladin dalka Soomaaliya waxayna ragaadisay awooddii milatari ee gumaysiga, ragaadin Dhaqaale iyo mid nafsi ah ilaa ay dhaafi wayeen ilaalinta xeryaha ay ka deggan yihiin Soomaaliya oo ay har iyo habeenba keeb la yuurur ku yihiin xilli ay gacantooda ka baxday koontaroolka dagaallada oo dawrkoodu ku soo koobmay isdifaac oo qura, waxaana Muqaawamada u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Ayada oo ay hawshu taagan tahay in lagu dhawaaqo guushii kama danbaysta ahayd ee Mujahidiinta waxaa soo kuday kala qaybsanka hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamiga ah halkii laga filayay in lasii hormariyo guulaha la gaaray iyo isu diyaarinta marxaladda ka danbaysa burburka xukuumadda u adeegta gumaysiga.
Waxaa muuqata in madaxda Isbahaysiga iyo maxkamadaha Islaamiga ah ay marin habaabiyeen mashruucii Muqaawamada taas oo dhaawac u gaysanaysa kalsoonidii ay ka haysteen Shacabka Soomaaliyeed iyo ra’yulcaamka dalalka carbeed iyo caalamkaba.
Hadaba waxaa la gudboon Muqaawamada meel kasta oo ay ka jirto caalamka in ay marka hore unkaan qorshe dhamaystiran kaas oo koobaya sidii dalka looga xorayn lahaa gumaysiga, iyo qeexidda xukuumadda lagu talo jiro in ay ka taliso dalka mustaqbalka iyo taabagelinta mashruucyo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo la hirgeliyo marka dalka laga eryo gumaysiga.
Ugu danbayntii Waxaa iswaydiin mudan ma idlaaday wakhtigii lagu badbaadin lahaa guusha, mise waxaa jira wali fursado saamaxaya in laga hortago dhicisaynta tajrubada qurxoon ee ay gartay Muqaawamada Soomaaliya?
Su’aashas waxay si gaar ah u qusaysaa Labada Shiikh. Sh.Shariif sh. Axmed iyo Sh.Xasan Daahir.
Daabaco
U dir saaxiib



waxaan u arkaa warbixin xaqiiqa ah oo aad iyo aad runta ugu dhaw waxaana u arkaa inaan aad ugu baahanahay war bixinan oo kale si dadka wadada loogu cadeeyo si ay wax u fahmaan in badan oo xaqiiqadu ka qorsoon tahay.
ilaahay haka abaal mariyo dadkii soo dhirin dhiriyey iyo kuwii soo turjumayba.
aad ayey ugu mahad san yihiin bahda beerdhiga dagaalka ay ku jiraan. ilaahayna ha ka abaalmariyo.
ismacil | Aug 4, 2008 | Reply
Somalimirror aad iyo aad ayeey ugu mahadsantahay inay inoo soo gudbiso qoraalkan oo runtii xambaarsan detailed analysis.
Aniga waxaa halkan iiga soo baxay in qolodan ARS-D (dibuxoreyta garabka Djabouti) aysan gaarin bisayl siyaadadeed oo wadata hogaamin taabagal ah taasoo ruuntii aan wada dheehan karno miraheedda. Soomalidu waxay ku mahmaahdaa ”taladdan larugin waa lagu rafaadaa”ama siduu Allah Quraanka kusheegay ” Fas aluladiin yaclamuuna inkuntum laa taclamuun”. Tusaale, waxaa ka dhacday magallada london shir ay qabteen qaar kamid ah xubnaha ARS-D oo ay dadka kusiinaayeen warbixin ku saabsan shirka Djabouti. Waxaa lawaydiiyey ”Maxaa damaanad idin ah in Xabashidda ay dalka kabaxayso” Mid ka mid ah oo sudh (3-piece suit) sitay ayaa ku jaawaabay ”Waxaa damaanad nasiisay haweenay ah dibloomaasiyad mareykan ah”!!!!!!!.
Ikhwani Fillah, Fartan halkee laga qoraa? Waxaa halkan sicad uga soobaxay ”lack of political maturity” ama in ay qoloddan ARS-D ka maqan tahay ”qaangaar siyaasadeed”. Aniga aragti ahaan waxaan u arkaa degdegan in ay at the same time keentay in hawada siyaasadeed ee groupka ARS-D uu ka horumaro mabaadi’di ururka. Waana exactly sidaa uu Sheikh Hassan Daahir (xafidahullah)udhigay markaa uu ku doodaayo in ”mab’da iyo hawo ay isqaadi karin”. A good point.
Sida muuqato dabino iyo shabakado fog fog ayaa loodhigay nimankan ARS-D iyadoo laga faaiidaysanaayo waayoaragnimo la’aantooda iyo hankooda dhow ee mansab adduun.
Alahayoow u hili kuwa xaq u taagan oo doortay aakhiro si ay ifka ugu liibaanaan.
Yusuf aldarwiishi | Aug 4, 2008 | Reply
acww
mahad oo dhan alle baa leh nabadgelyo iyo naxriisna allaha yeelo nebi mohamed scw intaas kadib aniga waxaan qabaa dhibka oo dhan in uu ka jiro culumada islaamka ma jiro dhib maanta caalamka islaamka ka jira ilaa waxaan leeyahay waxaa ka masuul ah culumada islaamka inyar oo alle dhowray ma’ahane sababtana waa tan.
1- haddii culimada islaamka ay xaqa sidii uu yahay ay u sheegi lahaayeen dhibka maanta caalamka islaamka haysto kuma dhaceen culumadii inyar oo alle ka badbaadi mooyee waxay noqdeen kuwo aduuno jaceyl la tegay iyo kuwo dhimashada ka baqayo haddii culumada islaamku meelkasta ay joogaa ay dhihi lahaayeen dowladaha islaamku waxa ay sameynayaa waa khalad shacabkow alle ka baqa qaladkaas yaan madaxda lagu raacin shabku wey kici lahayeen xumaanta iyo dhibkana waa laga bixi lahaa culumadii waxay noqotay kuwo madadxda hoos fadhiya oo qaladkooda qiil mar walba ugu raadinayo iyo kuwo cabsi darteed u aamusan in ama la dilo ama la xiro ayey ka baqayaan( inyar oo alle dhowray mooyee) marka culumadu alle ha ka baqeen xaqana shacabka ha u sheegeen nebiga wuxuu yiri naarta waxa ugu horeeyo ee lagu furayo waxaa ka mid ah culumada cilmigooda aduunyo bes u adeegsado ee aan xaqa sidda uu yahay aan u sheegin marka culumooy alle ka baqa sartu meesha ay ka quruntay waa idinka bal ka waran hadii nin wadaad ah oo caalim ah oo shahaadada PHD ku gaaray barashda islaamka oo 30 sano ka badn xaramka makkah degan oo somali ah uu la soo taaganyahay wax jihaad ah aduunka meel uu ka jiro ma garanayo walaahi bilaahi talaahi waan soomanahay waa maalin isniin ahe anaga ayuu nagu yiri markaas baan waxaan ku niri xitaa falastiin markaas buu yiri walaahi meel uu jihaad ka jiro anigu ma garanayo
2- Anaga hadaan somali nahay culumadeenii waxaa u sii dheer aduunyo jaceyl iyo naceybka dhimashada ( In yar oo alle ka badbaadi wey jirtaa )
waxaa noo dheer cudurka qabiilka ah oo aad u saameeyay culumadii somalia ( in yar oo alle ka badbaadi wey jirtaa) war culumooy xaga sheega oo ka hadla ninka gaalka amxaaro somaliya keenay iyo ninka gaalka la socda ee ka garab dagaalamayo ee umadii ku xasuuqayo waxa ay shareecda islaamku ka qabto inta aad ka hadleysaan doodo dhaqaale iyo cilmi barasho iyo nadawaad aan la aqoonin meel ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan culumada waxaa lagu yaqiinay dhibka markaas umada hayo in ay ka hadlaan ee falsafad kale iyo howlo aan loo joojin laguma aqoonin hadii culumada somali ee jooga puntiland oo dhan ay ka hadli lahaayeen dadka gaalada keenay iyo kuwa gaalada ka garab dagaalamayo xukunka ay shareecadu ka qabto maanta xamar lama haysteen mise qabiil baa naga soo uraya ( in yar oo alle dhowray maahane) mise iyagu nabad bay haystaan kuwa la xasuuqayo walaalahood maahan miyaa ???
walee illaah hortiisa wax badan waa laysku weydiin doonaa haddii culumada somaliyeed ee somali land ay ka hadli lahaayeen kuwa gaalada keenay iyo kuwa la socda xukunka saxda ah ee uu alle ka qabo maanta amxaaro somali ma joogteen mise iyagu nabad bay ku jiraan oo kuwa la gumaadayo walaalahood maahan miyaa?? mise qabiil baa naga soo urayao?? ( in yar oo alle dhowray wey jiraan)
maanta somali waxa ka dhacyo waxaa ka masuul ah culumada iyagaan qiyaamaha la weydiini wey jiraan culumo u socota in ay xukun ku gaaraan magac islaam lakiin xukun doon ah oo aan islaam in wax lagu xukumo u jeedin waana ka hadli doonaa ishaa allah
culumooy xaqa sida uu yahay u sheega intaan afka la idiin gelin dacay naareed wey jiraan culumo alle ha ka abaalmariyo xaqa sidda uu yahay u sheegtay oo aduunyana aan rabin xukuna aan dooneyn cidna aan uga heybeysaneyn sheegista xaqa sidda sheekh shariif cabdinuur allaha dhowree , shiikh xasaan ( canada) allah dhowree iyo kuwa kale oo fara ku tiris ah ilaahow culumada xaqa tusi ilaahow culumadeena xaqa tusi
Abdullahi Abdirahmaan | Aug 4, 2008 | Reply
ASC
waxaa mahad ay u sugnaatay caziizka nabad galyo iyo naxariisna nabigeen maxamad ah dushiisa alaha yeelo
waxaa ka muuqato warbixintaan ay soo diyaarisay bahda SOMALIMIRROR saxaafad hufan ,war bixin cilmiyaysan,saxaafad ula jeedo leh ee aanan u shaqeyn hab habqan ah, iyo aqristaha oo loo soo gudbiyay war bixin dhameystiran.
runtii warkii waa ay dhameeyeen anaga oo rajeynayno in ay soo gudbiyaan aragtidooda ku aadan sida bur burkaas looga badbaadin karo in uu ku yeeshoraad mujaahidiinta hubaysan anaga oo og in walaaha ka dagaalama soomaaliya uu warkooda cad yahay kuwaas oo kale ah
1-JABHADA ISLAAMIGA SOOMAALIYEED (JABISO)
2-DHAQDHAQAAQA DHALINTA MUJAAHIDIINTA(ALSHABAAB)
waxaa warkooda uu san cadeyn waa walaalaha
3-MIDOWGA MAXKAMADAHA ISLAAMKA SOOMAALIYEED(MMIS)
waxaan filayaa in walaalaha MMIS ee gudaha ka dagaalamaya aysan ra,yi ahaan ka fogeyn walaalaha dagaalamaya waxaana daliil u ah in ay hadeysan ka dagaal badnayn walaalaha aan kor ku soo sheegay aysan ka dagaal yareyn
waxaan anagu u aragna ka shacab ahaan iyo tageerayaal mujaahidiinta taageerta in ay muhiim tahay in la midoobo sabatoo ah midowga ayaa awoodu ku jirtaa
waxaan kale oo aan aad u jeclaan laheyn in aan culumada ku aragno gudaha dalka gaar ahaan sh,xasan daahir aweys oo aan filayo howsha midowga in uu ka ciyaari karo dowr weyn maadaama aynu ognahay in ruug cadaa ka mid ahaa dhaqdhaqaaqyadii islaamiga ahaa ka hana qaaday soomaaliya kheyr badana aanu u rajaynaynayno.
sh,shariif waanin wanaagsan laakiin waxaad moodaa baryahan in uu siyaasadiisa ka weecday hadalo badan oo niyad jab ku ah ummadana la yimid asaga oo daliil sanayo SULXUL XUDAYBIYAH
iyo IN LA DHIB MIDA FUDUD LA QAATO anoo aad u jeclaan lahaa in uu sheeqa dib u milicsado oo uu aqriyo SULXUL XUDAYBIYA uuna fiiriyo wadcigii nabiga iyo asxaabtiisa dhulka ay haysteen iyo marxalada aan ku jirno adoo xasuusan in ciidamada itoobiya ay degan yihiin masaajid xamar ku taal calankoodan uu ka taagan yahay meelihii astaanta u ahaa madaxbanaanida soomaaliya
tan kale waa su,aal aan is waydiinayo hadii garabka reer jabuuti mareykanka iyo qolyaha loogu yeeray beesha caaalamka ay wax la wadaan waa maxay hadalada ka soo yeerayo mareyknaka ee ah in ay rag ka ugaarsanayaan soomaaliya ?
dib u abaabulka ashahaado la dirirka iyo dhagaro badan oo gumeysiga wado sidii loo fur furi lahaa mujaahidiinta
wax yaabahaas iyo kuwa kale oo tuhun ah oo jira baa waxaa macquul ah in garabkaas la soo marsiiyo iyaga oo og iyo iyaga oon ogeyn
si kastaba ha ahaatee waxaan jeclaan laheyn in aan laga leexan wadadii toosnayd ee ahayd in wadanka laga saarayo cadowga lgana hormariyo difaaca diinta, dalka,iyo dadkaba danaha gaarka ah
wsc
XOG-OGAAL | Aug 4, 2008 | Reply
Warbixinta wax badan baa ka sax ah laakiin hal wax bay ka leexleexaynaysaa. Faragelinta dowlado kale oo aan Ethiopia iyo Eretrea ahayn. Waxaa laga leexleexanayaa sida Shariif Axmed iyo ragiisu ugu dhega nugul yihiin dowladahan tunka waaweyn oo iyaga qorshahoodu yahay fashalinta halganka islaamiga ah ee Soomaaliya. Ethiopia iyo Eritrea waa halkan dhow. Inta Soomaali iyo jaraa’id carab ah oo aan la garanayn meel ay joogaan ay ka leex leexanayaan faragelinta dowladahan dhaqaalaha faraha badan la daba taagan Ethiopia iyo duqaynta cirka ka socota, iyo kala qeybinta dagaal yahamiinta Soomaaliya, wax run ah oo laga hadlayaa ma jirto.
Ku dhowaada runta. Ethiopia iyo Eritrea waxba inaga qaadeen haddii aan gardarada lagu garab taagneyn. Ethiopia iyo Eritreana labaduba dowladahan tunka waaweyn bay u shaqeeyaan si aan Soomaaliya u degin.
xasan | Aug 4, 2008 | Reply
waxaad qorteen war dhirir badan waxaadna sheegteen in aad kasoo turjunten bog elaph.com markii aan kafiirinay bogaasna waa laga waayay marka maad iska dhahdaan waa maqaal aan kadiyaarinay kala jabka maxkamadaha!!!!!! maxaad wibsite kale ugu nisbeeyneeysaan wax eeysan qorin dadku carabi waa wada yaqaani
c/xaafid | Aug 4, 2008 | Reply
waxaan salaamayaa mujaahidiinta gaalada u diiday joog iyo jiif marka xiga waxaan salaamayaa qorayaasha somalimirror intaa kadib war bixinta waxaan u arka mid xaqiiqo ah waayo khilaafka ma wanaagsana illahayna wuxuu quraankiisa ku yiri ( hays khilaafina markaad is khilaaftaan waad fashilmaysaan markaa kadib awoodiina ayaa diciifaysa ) marka walaalayaal gaalo ilaah ayaa inooga digay khiyaamadooda
dhuubane | Aug 4, 2008 | Reply
Aad ayaan ula dhacay warbixinta kor lagu soo qoray, waana wax aan ka qaadannay casharro horey aan u soo marnay oo soo noq noqday ee ma aha wax nagu cusub, waxaana anigu shaqsi ahaan qabaa mar haddii aan arkeyno Mujaahidiinti gudaha ka dagaallamaaye oo sii kala qeybsamaaya oo magcyo ilaa seddax ah hadda sii maraaya ee isku ficil kala ujeeddo, sidoo kale madax aan isku xirneyn oo kala ujeedo ah aan laheyn hal Amiir ay ka amar qaataan,Madaxdi horey isula jirtana aysan ka shuureyn wixi talo ah, wax aan Allah aheyn ee ka hor istaagi kara malahan in ay dusheenna isku dilaan, tii mareykanka & amxaardu nagu dhigtay ka daranna nagu dhigaan ayaga oo fulinaayo danaha cadowga una maleynaaya in ay dan Somaliyeed fulinaayaan. Wallahul mustacaan.
BG | Aug 4, 2008 | Reply
W.W.W WARBIXINTAAN WAA HADAL AY KU JIRAAN HADALA LA QAADA KARO LAAKIN WAXAA KA SI WANAAGSAMEED IN AAD KU SOO GUDBISAAN AFKI CARABIGA OO AY KU SOO BAXDAY MARKI HORE SI LOO OGAADO NUXURKEEDA DAMBE IYO HALKA AY KA SO BAXDAY HADDII AAD SOO QORTEENNA AAD SHEEGTIIN IN AAD IDINKU KA WAR BIXISEEN KALA JABKA ISBAHEYSIGA IYO DHIBAATADA OW KEENI KARO WAANA WAX LA GARANKARO IN KALA JABKU DHIBAATO YAHAY LAAKIN MAQAALKA AYAAD GELISEEN MAD MADOW WABILAAHI TOWFIIQ
haibe | Aug 4, 2008 | Reply
warbixintu waxay muujisay tajaaribtii horey loo arkay iyo khatarta soo waajahday muqaawamada lakiin muqaawamada gudaha oo badankoodu ka taxafuday qolyahaas is haya sheegayna inaanay garabna taageerayn iyo dagaaladii jihaadka oo sii socda waxaa muuqata guushu inaanay dabcin waxaannan kula talinayaa walaalaha jooga gudaha inaanay midna raacin ee ay iyagu samaystaan hogaan ka dhexeeya oo maamulaha hawlgaladood iyo inay dejistaan istiraajiyada ay ku shaqayn doonaan wakhtiga fog iyo k dhowba
bilaal | Aug 5, 2008 | Reply
Asc,warbixintu waxay noosoo gudbisay dharagta gaaladu ay ku kala qaybisay mujaahidiintii afganistaan iyo dhagarta ay hada lamaagan tahay mujaahidiinta somaliyeed ayagoo adeegsanayo rag jihaadkii kasoo cararay oo dibad wareegyo ah ,waxaa aad oola yaabay hadalka uu noo sheegay walaalka yuusuf aldarwiish ee ay ku hadaaqeen qolyahan reer jabuuti in haweenay dublamaasiyad maraykan ah ay damaanad qaaday in xabashi ay dalka ka saarayso ,miyeeysan ogayn maraykanka ay xalka ka sugayaan inuuba lahaa talada dalkanaga lagu qabsaday? Miyey akhrisan xadiiska nebiga s.c.w (laa yuflaxu qowmun wallaa imra,tan) raga naag gaal ah masiirka u dhiibtay cajiib
Deeq | Aug 5, 2008 | Reply