Somalimirror oo heshay Qoraalkii Guddigii Dhexdhexaadinta & garsoorka ee Shirkii Sanca

Somalimirror oo heshay Qoraalkii Guddigii Dhexdhexaadinta & garsoorka ee Shirkii Sanca

qoraalka-gudiga-dhex-dhexaadinta.jpgShabakadda Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa qoraal ka soo gaaray Gudigii Dhexdhexaadinta & Taxkiimka ee Shirkii Sanca uga socday Golihii Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ku kala jabay shirkii Jabuuti.

Qoraalkan oo noo soo gaaray qaab sawir ahaan ayaa waxaan idiinkugu soo gudbinayanaa qaab qoraal, isaga oo sawirana dib ayaan ka soo galin doonaa insha allaah. Qoraalka ayaa u qornaa sida tan:-

بسم الله الرحمن الرحيم

July,17,2008

السلام عليكم زرحمة الله وبركاته

Shirka sanca ee midaynta aragtida Maxaakiimta

Gudiga dhex-dhexaadinta iyo shir gudoonka

14/07/1429H waafaqsan 16/07/08M.

Waxaa Magaalada sanca ku qabsoomay taariikhud marka ay ahayd 14/07/1429H waa faqsan 16/07/08M, fadhi ay yeesheen mas’uuliyiinta GMIS, kaas oo looga hadlayay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee GMIS waxaana la, isla go’aamiyay qodobadan hoos ku qoran.

1- xabad joojin mudo 30 maalmood ah ka dib marka la helo jadwal cad oo ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya.

2- Labada daraf waa in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay heshiiskan looga hirgalin lahaa Isbahaysiga dhexdiisa, ka hor inta aan si rasmi ah loo saxiixin heshiisyada kale ee siyaasadeed.

3- Waxaa la isla gartay in la xaqiijiyo Midnimada iyo wada shaqeynta lagana hor tago wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Saxiixa Darafka koowaad saxiixa darafka labaad

Sheekh Shariif sh.Axmed Dr. Cumar Iiman Abu-Bakar

Gudoomiyaha shir gudoonka

Prof. Ibraahim Xasan Cadow

 

بسم الله الرحمن الرحيم

July,17,2008

السلام عليكم زرحمة الله وبركاته

Shirka sanca ee midaynta aragtida Maxaakiimta

Gudiga dhex-dhexaadinta iyo shir gudoonka

14/07/1429H waa faqsan 16/07/08M.

Shirku wuxuu si rasmi ah u furmay 11 july, 2008 ajandihiisana wuxuu ahaa sida tan:-

  • Wixii la isku hayay shirkii jabuuti ka hor

  • Natiijadii shirkii jabuuti
  • Qorshaha mustaqbalka ee Maxaakiimta * Jabuuti ka hor:

Doodiyo falanqeyn dheer ka dib waxaa looga heshiiyay sida tan: Walaalaha labada dhinac ee jabuuti iyo asmara isaga garaabeen khaladaadkii maamul iyo warbaahineed ee dhacay jabuuti ka hor. * Natiijadii shirkii Jabuuti: waxaa la isla gartay in afar qodob oo heshiiskaas jabuuti lagu gaaray ka mid ah laga wada hadlo, saddex ka mid ahna waa la isku afgartay in dib loo saxo.gudiga shir gudoonkuna waxay isla garteen in sidaan loo dhigo qodobada ay isku waafaqeen labada dhinac ee walaalaha ah. 1) Qodobka lixaad ee heshiiska Jabuuti faqradiisa “ C “ in sidan loo dhigo “joojinta iska hor’imaadyada hubaysan waxa ay soconaysaa 30 maalmood oo la cusboonaysiin karo”

2) Waxaa gabi ahaanba meesha laga saaray Qodobka 7aad ee heshiiska Jabuuti Faqradiisa ( C ) ee u qoran sidan: “Isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya wuxuu Tasriix ku bixinayaa joojinta iyo canbaareynta dhamaan falalka colaadeed ee Soomaaliya ka dhaca isagoo ka fogaanaya kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka aan u hogaansamin qodobada heshiiskan”.

3) Walaalaha shirka Jabuuti ka qeyb galay waxay sheegeen in awood qeybsi ku jirin heshiiska ay saxiixeen, Gudiga dhex dhexaadinta wuxuu arkaa wada hadal kasta ee siyaasadeed ee la galayo in uu ku dhamaado shirweyne qaran, si loo helo Dowlada si dhab ah Somali u matali karta.

4) Qodobka afaraad oo ahaa in ciidanka Itoobiya lagu badlo Ciidan ka socda Q.M waa la isla meel dhigi waayay waxaana loo gudbiyay Gudiga Taxkiimka oo horey labada daraf iskugu waafaqeen.

Saxiixa Darafka koowaad saxiixa darafka labaad

Sheekh Shariif sh.Axmed Dr. Cumar Iiman Abu-Bakar

Gudoomiyaha shir gudoonka

Prof. Ibraahim Xasan Cadow

 


بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم ورحمة الله

Shirka Sanca ee Mideynta Aragtida Maxaakiimta

Go’aanadda gudiga taxkiimka.

14/07/1429H waafaqsan16/07/2008M

Ka dib markii ay walaaluhu is waafaqi waayeen waxaa loo soo gudbiyey gudiga taxkiimka markey aheyd 12/07/1439H oo ku beegan 15/06/2008.gudigaas oo ka koobnaa 13 xubnood oo ay labada dhanac isku waafaqeen, mas’alada ku saabsan go’aan ka gaarista: ciidamo qaramada midoobey ee ka yimaada wadamada somaliya saxiibka la’ah si ay u bedelaan ciidamada Itoobiya ee soomaaliya jooga”

sida ku cad heshiiskii jabuuti 9 june 2008, qodobkiisa 7aad farqadiisa “A” ee u oqran sidan:” in codsi loo jeediyo qaramada midoobay si waafaqsan go’aankii golaha amaanka ee tirsigiisu ahaa 1814 , in 120 maamlood gudhood uu oggolaado kuna geeyo ciidammo caalami ah oo xasiliya dalka, kana yimadaan dowladada saaxiibka la ah soomalaiya kuwaas oo aysan ku jirn dalalka dariska la ah soomaaliya”.Ka dib markii ay isla ogolaadeen labada dhinac ee is khilaafsanaa sixidda sadexdii qodob ee kale oo laysku hayay. Gudiga taxkiimku waxey is barbar dhig ku sameeyeen si taxadar leh dhibaatooyinka ka imaan kara ciidamo ka yimaada qaramada midoobey, kuna yimidda shuruudaha hood lagu sheegi doobo & dhibaatooyinka ay gesteen haddana socodda ciidamada gumeysiga Itoobiya hadda jooga & dhibaatada ka imaan karta haddii la diido ciidamada qarmada midoobey ka dib markii horey loo ogolaadey.

Gudiga Taxkiimka waxaa usoo baxday in ay dhib badan yihiin ciidamada Itoobiya, maxaa yeelay waxay leeyihiin dano gumaysi, waxay geystaan xasuuq joogto ah, barakicnta shacabka, burburinta ilaha dhaqaalaha, waa cadaw daris ah oo soo jireen ah, joojinta dhamaan waxbarashadii & dacwadii, iyo dhibaatooyin kale oo farabadan.Guddigu markuu arrintaas qiimeeyay ka dib, wuxuu go’aan ku gaaray xukmiyayna:

1. in lagu badalan karo ciidamada gumaysiga Itoobiya ciidamo ka yimaada Qaramada Midoobay oo leh shuruudaha soo socda:

A. Waa in ay ka yimaadaan wadamada muslimka ah.

B. Waa in ay caddahay mudada ay joogayaan.

C. Waa in ay cadahay shaqadooda & qaabka ay u hawlgalayaan.

D. Waa in tiradooda la’isla xaddidaa.

E. Waa in aysan faragalin ku samayn muqadasaatka shacabka soomaaliyeed sida Dhaqanka & manhajka waxbarashada ee wadanka IWM.

F. Waa in ay dhex dhexaad noqdaan, oo aysan muqaawamada u gacma duubin cadawgooda.

Gudigu waxay go’aankaas u cuskadeen qaacidada ah:(Dhibka weyn waxaa lagu suuliyaa dhibka yar) hadaan lawada suulin karin, arinkaasina waxay ka mid tahay maqaasidda shareecada, waa xaqiiqo in ciidanka shuruuddiisa la soo sheegay uu ka shar yaryahay cadawga Itoobiya.Hadii lawaayo shuruudaha kor lagu soo xusay mid ka mid ah waxaa buraya xukunkii lagu dhisay oo ah midka aan soo tilmaanay (keenidda ciidamo qaramada midoobay ah).

Go’aankan waxaa lagu gaaray aqlabiyad ah sidatan:Sideed (8) ka tirsan Guddiga waa ay oggolaatay.Afar (4) kamid ahna way diideen.Hal ruuxna wuu ka aamusay.

2. Waxaa kale oo uu guddigu go’aan ku gaaray in la badalo qodobka 7-aad ee heshiiska Faqradiisa (B) oo u qoran sidatan: ( 120 maalmood gudahood marka heshiiskan la saxiixo DFKMG ah waxey hirgelinaysaa go’aankii ay horay u qaadatay dawladda Itoobiya oo ay ugala baxayso ciidamadeeda dalka soomaaliya marka ay yimaadaan ciidamada ka socda qaramada midoobey oo ku filan) wuxuuna gudiggu go’aamiyey in loo qaato loona dhaqan geliyo sidatan” in ciidanka Itoobiya dalka looga saaro shuruud la’aan iyadoo jadwal qorsheysan loo dejinayo, kadib markey yimaadaan ciidanka qaramada midoobey ee shuruudahooda kor lagu soo xusey.

3.gudiggu waxaa kale oo ay go’aamiyeen in gudigga wada hadalada soo socda si wadajir ah loo soo xulo ayna ahaadaan dad lagu kalsoon yahey, lehna aqoon & amaano, kartina u leh wada hadalada & ilaalinta masiirka ummdda.

DARDAARAN

Wuxuu gudigu dardaarmayaa:

1) In la qabto shir dib loogu hagaajinayo qaab maamuleedka Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed, waqtiga ugu horeeya ee suura gal ah, taas oo nooga soo baxdey ka dib markii aan dhageysaney dooda labada dhinac ee walaalaha ah, kana ogaaney in ay jirto habacsanaan maamul.

2) Ilaalinta midnimdada Maxkamadaha Islaamiga ah waa lama taabtaan.

3) In la sameeyo gudi marjiciya sharci & mid siyaasadeen oo uu leeyahey Golaha Maxkamadaha, kaas oo loola laabanayo go’aanada siyaasadeed ee masiiriga ah. Ugu danbeytii waxaan u dar daarmeynaa Walaalaha Mas’uuliyiinta ah in ay ilaaliyaan Ilaaheyna uga baqaan Natfii & Maalkii & Mirihii Jihaadka Islaamiga ah oo aaney dayicin.

Wabilaahi al-tawfiiq

Saxiixa Gudoomiyaha Gudiga Taxkiimka.

Sh C/Laahi Sh Nuur Cabdi

shirka-sanca.JPG

shirka-sanca-1.JPG

shirka-sanca-2.JPG

shirka-sanca-3.JPG

shirka-sanca-4.JPG

shirka-samca-5.JPG

shirka-sanca-6.JPG

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

25 Comment(s)

  1. s/c waxaa ka muuqata qoraalkan inuu hab wanag san u dhacay heshiis kii sanca. waxaa kale oo ka muuqata qolada ka baxday heshiiskii sanca.
    waa garabka jabuutiye madaama eey saxiixeen qodobadii la isku qilaaf sanaa. s/c

    c/lahi adam | Aug 3, 2008 | Reply

  2. s/c wad kumahad san tihiin soo gudbin tiina wanaagsan s/c

    jamac | Aug 3, 2008 | Reply

  3. Asw, walaalayaal waxaad aragtaan heshiiskan Sanca in uu yahay heshiis aad looga shaqeeyey waqti badanna ku baxay, in la tuuraana meesha kuma jirin. Haddaba garabka Jabuuti ha la waydiiyo sababta ay uga baxeen ee u qaadan waayeen. Miyuu ku adkaaday qaadashadiisu, miyuu u cuntami waayey?

    Oo hadday sidaas tahay maxay u saxeexeen?

    Arrimahaaas oo dhan baa fiican in la waydiiyo garabka Jabuuti si shacabka Soomaaliyeed ee halgan ugu jira xoraynta dhulkoodu u helaan war waafi ah oo cad.

    Wa Bilaahi Tawfiiq
    Jama Abdullahi

    Maxaa loo diiday heshiiska Sanca? | Aug 3, 2008 | Reply

  4. Asalamu Calayku waraxmatullah.
    Sheekh shariif allah ha ka dhaafo laakiin wuxu iila muuqdaa nin gaalo khibrad badan oo makri badani ay majarihiisii leexiyeen.Beryahan danbe murankii iyo doodihiisu waxay ku salaysanyihiin waxay soomaalidu tidhaahdo DHAAN-DABAGAALE.shaki kuma jiro inuu khalad aad uwayn ku jiro,ummadana uu dhibaato hor leh oo ka sii masiir xumaan karta tii qabqablayaasha dagaalka uu u horseedi karo,hadii aanu Allah usoo noqon oo aanu joojin santaaga iyo kibirka beryahan danbe uu caado ka dhigtay.teeda kale waa maxay fulaynimada keentay intaas oo sano inuu is taagi kari waayay macrako qudha.please si fiican murayada isugu eeg ayaan odhan lahaa.Allah dembi dhaaf waydiiso.Gaalna ka hadh ha miciin bidine.

    abdihamid ahmed | Aug 3, 2008 | Reply

  5. SC, Shaki kuma jiro in qolyaha Jabuti jabiyeen heshiiskii sanca sababtoo ah iyagoon cidna la tashan ayay ansixiyeen kaligood. Somalidu waxay tiraahdaa GEEL JIRE ISAGOO USHU MEEL UGA GO’ANTAHAY AYUU YIRAAHDAA XAGEEN KA GOOYAA. Waxaa cad in Sh. Shariif iyo ragiisa shirka sanca ka hor ushu meel uga go’nayd oo go’aankoodu meel yaalay shirka sancana ahaa shinbirayahaw heesa ilaah ajar ha ka siiyo ikhyaartii isku dhabar jabisay ee wakhtiga dheer iyo energiga ku bixisay si ay walaahaha isugu keenaan balse nasiib daro waxuu noqday hal bacaad lagu lisay waa kii layiri ILAAH KA CABASO KU DIIDAY AYAA KA ADAG.
    SH. Shariif anigu oran maayo waa khaa’in god madaw ayuuna umada ukas ugu tuurayaa, balse waxaan oranayaa waa la khayaaneeyay oo khatar ayaa loo maleegay isna waa ku dhacay, nashiib daro dad badan oo iska daba socdana waxaa hoday waa nin aftah ah oo fasaaxa u dhashay dadkuna waxay moodaan mar walba oo uu hadlayo inuu xaqa ku taaganyahay.

    sahal | Aug 3, 2008 | Reply

  6. asalaamu caleykum
    walaalayaal maanigaa wareer san mise dadkaan wax aqrinin oo toodu ucadahey waxa ka soo baxey shirka sida somalmirror u qortey oona horyaal ayey ka been sheegayaan sow ma qorna in laga dhaaadhiciyo isbaheysiga intiisa kale inta aan lasaxiixin heshiiiis iyaasadeed kale qeybta jabuuti ma iyagaa saxiixey wax heshiis siyaasadeed oo ka baxsan isbaheysiga waxay wax ka dhaadhiceyeen oo kaliya isbaheysiga inta jabuuti joogta waana wixi lagu balamey marka inta aadan wax qorina fiiriya waxa aad ka hadleysaan fahmana
    mahadsanidiin

    qaali yare | Aug 3, 2008 | Reply

  7. nimankaan huteelada dagan waxba ka dhageysan meyno waxaa heshiis saxiixa kara kuwa naftooda iyo maalkooda u jihaadaya ….. lamana joojinayo xabada ilaa shareecada wadanka lagu xukumo iyo cadawga wadanka laga saaro

    Cade | Aug 3, 2008 | Reply

  8. Salaanta islaamka kadib waxaan dhihi lahaa markaan akhriyay qaabka uu u qoranyahay hishiiskii sanca waxaa jabiyay raga JABUTI, laakiin waxaa loo baahanyahay in la helo sababta ay u yeeleen arinkaassi!ma cadaadis ayaa heysta oo raga waa lagu qasbay waxa ay faleen mise waxaan dhab ka ahayn waxa ay sheeganayaan mise cabsidii Alle ayaa waxaa kala waynaaday cabsida adoomada maraykanka oo ay ugu wayntahay janday farayser, hadii taasi jirto rago waa rag leh aqoon diineed iyo mid maadiyaba waa in ay wax iska badalaan oo allahooda u noqdaan.
    wabilaahi towfiiq (wa salaamu calaa manitabacal hudaa)

    Daljir | Aug 3, 2008 | Reply

  9. asalaamu caleykum
    Anigu waxaan u arkaa heshiiskii jabuuti ama sanca labadaba umada uma adeegayaan ee yeeysan umada marin habaabin wadankiina ha aadeen inta ay hoteelada jiifan wiilashaa yaryarna ay dhiigooda ku gorgortamayaan runtiina go,aanka waxuu ka go ayaa kuwa ka jihaadaya wadankii cidna loo joojin maayo ama ha joogeen asmara ama hajoogeen jabuuti.

    Abu asmaa | Aug 3, 2008 | Reply

  10. a\s\walaalayaal waakumahadsantihiin sida aad ugu dadaaleysiin dadka in ay rayigooda kadhiibtaan wixii taagan markaas tan kale waxaan leeyahay walaalaha is khilaafsan waa garanay waa asmara iyo jabuuti laakiin walaalaha kale eekatagay gudaha soomaaliye jihaadkana waday maxay go aan uqaada laa yihiin oonoogu soo bandhigi layihiin mase waxay kamid noqdeyn garabyada garab kamid ah sida lagu yaqiinay soomaalida oo ah cali gar leh caydiina garleh oolaga dhaxlay waxa maanta aan kusuganahay walaala yaaltan kale shareecada islaamka in lagu dhaqmo ayaa beys nooaheyd sooma aha hadii aan nahay maxaakiimul islaami masa waxaan uxuub siibanay ururka dib xureynta jaatarkiisa walaala yaal waxaan maqalnaa labada shiiq ee iskhilaafay ookahadlaaye idaacadaha caalmka ooleh waxuu kabaxay jaatarkii ururka sidaa darteet ayaa xilka looga qaaday iyojaatarkaa ii ogol ee leygama qaadikaro marka sidee ugu qanci karnaa inay nagu dhaqi doonaan shareecada islaamka tankale hadii aan jaatar rabno maxaan kudiidnay cabdulaahi yuusuf mase waxaan anaga ogeen miyaa jiray oomanta lagaaray walaalayaal

    maxamad muxumad caraaye | Aug 3, 2008 | Reply

  11. Walaalayaal cadaaladda ha ka tagina, heshiiskan meesha ku qoran kuma cadda cidda jabisay, ee malaha waa mala awaal aad iska samaysateen.

    Labada garab taageerayaal ayay kala leeyihiin oo isugu jira;
    1. CULUMO daacad ah iyo kuwo aanan daacad ahayn.
    2. SIYAASIYIIN daacad ah iyo kuwo aanan daacad ahayn.
    3. GANACSATO daacad ah iyo kuwo aanan daacad ahayn.
    4. DAGAALYAHANNO daacad ah iyo kuwo aanan daacad ahayn.

    Fikir siyaasadeed iyo damac aduun ayaa la isku hayaa. Ninkii wax u tarayow, u ducee, adiguna ducayso si aad xaqa u haleeshid.

    Haddii aan fikirkaysa sii raacsado, anigu waxaan qabaa; arinku meesha uu ka qaloocan yahay waa dadkeena Soomalida ah oo aan lahayn karti ay uga gudbaan waqtiyada crisis-ka. Taariikhda ayaa ka marqaati ah, mar alla markii point of crisis la gaaro waa lagu kufaa. Xirfadeeda ilaahay hana siiyo.

    mahadsanidiin

    W/tawfiiq

    Baadiyow | Aug 3, 2008 | Reply

  12. waxaan u maleynayaa inta walale ka faalootey heshiiskaan aad moodo iney yihiin kuwa sii hurinaayo mushkilada war alahiina ka baqa ee aqriya oo fahma kadibna ka dhiibta fikradiina laakiin hadaad hadaad la soo boodaan qolo heblaayaa qaldan waxba ma saxeeyso.

    RUNLOOW | Aug 3, 2008 | Reply

  13. a/c salaan kadib walaalayaal waad mahadsantihiin bahda webkan, tan kale waxaa muuqata heshiiskaan mid aad looga fekeray oo walaalaha kasoo shaqeeyay ay wax badan soo dharadhiriyeen, waxaa kale oo meeshaan ka cad in qolada (JABUUTI) ka baxeen heshiiskaan, waayo waxeey ansixiyeen heshiiskoodii hore ee JABUUTI, waxaa kale oo cad in walaalaheey sh.shariif hor boodayo meel kale looga gacan haatinayo, ilaaheey hakabaqaan oo umada masiirkeeda meel mugdi ah yeeyna ku tuurin taariiqda ayaana xusi doonta inshaa allah, talada dadkana qaata, dalkana sidaa xor ku noqon maayo isku duubni ayaa meel lagu gaaraa, tan kale walaalaha heshiiskii sanca waxaan ka codsaneeynaa inteey mujaamalada dhaafaan umada wax ha u kala cadeeyaan oo wax cad ha soo saareen waayo inta badan waa ragii 6 bilood oo wanaagii la ogaa keenay fadli ilaahey marka walaalyaal xaqa ha ka gabanina inshaa allah a/c

    bile yare | Aug 3, 2008 | Reply

  14. Allow maxaa dhib na haysta. Heshiiska sida uu u qoran yahay kamaba hadal waxa laga yeelayo laba kulan ee JAbuti iyo Asmara golaha dhexe u fadhiyaan kee sax ah ama maxaa laga yeelaya, kaliya waxa lagu hesheeiyey qodobada la bedelay in ciddii lala saxiixday lagula laabto isbedelka iyo in gudiga lawada xusho. C/lahi iyo Nur Cadde golaha wasirada waa wada xulayan, berina waa laba garab midba qaybtiisa is casilayso, hadda labada sheekh Xasan iyo Sharif gudiga hasoo wwada xuleen berina qolaa shirka ka baxaysa, waxba ka ma jirto gudomiyaha la doortay, Hadana maxkamadaha soo wada xulaya oo isbahaysiga sidee laga yeeli? Guddi taxkiim baa go’aan gaaraya oo aaway golahii shhurada ee MAxkamadaha maa inta ka joogta iyo badankod la raadiyo oo go’aanka gaaran, fawdo badan oo xagga maamulka ayaa muqata. Xabaada gudaha uun baa jojin kara! yaa dhaqaalo iyo taageero siiya ragga gudaha madaxda hotel jiifka lagu sheego wax gacan ah kuma laha miyaa gudaha waxa ka socda mase laga maqlay warkan madaxda muqaawamada gudaha marka laga reebo shabaabka oo gooni u baxsanaa

    Cumar | Aug 3, 2008 | Reply

  15. A.Calaykum,waad ku mahadsantihiin soo gudbinta Qoraalkan.
    kadib,Guddiga dhexdhexaadinta waxaan ku sifey karnaa Cadaalad.
    waxaase cad cidda aan wadin danta umadda ku dhiban Dalka iyo Dibada,waxaana kow ka ah Shiikh Cumar Iimaan oo dhinac la jira ahna ninka keenay khilaafkaan asagoo loo haystay shiikh ruuxi ah,isla markaana wixii uu saxiixay markuu Asmara tegay wax ka dhisay maamul khilaafsan kii laysku ogaa oo sharciga ahaa,isla markaana waagii la dhisi rabay isbahaysiga ku jiray culamadii u iftootay in la midoobo waajibna ay tahay,8bilood ka dibna lasooo booday ifta kala fogeynaysa maamulkii uu wax ka dhisay kuna jiray.
    sidaas darteed Umada waxaan kula talinayaa haka ilbaxdo dadka Rabsho ku noolka ah oo curaarta u haysta markasta oo xalku soo muuqdana geed dheer la aada xalka ama lugta jiida xalka.

    cabdulaahi dheere | Aug 3, 2008 | Reply

  16. Xasbunallaahu Wanicmal Wakiil

    Waxaa naxdin inoogu filan marka hore inay isticmaalayaan qaabka Gaalada Dimuqoraadiyada

    Go’aankan waxaa lagu gaaray aqlabiyad ah sidatan:Sideed (8) ka tirsan Guddiga waa ay oggolaatay.Afar (4) kamid ahna way diideen.Hal ruuxna wuu ka aamusay.

    Gaalo in loo yeertaa iyadoo Gaalo la diidan yahay waa arin aad cajiib u ah.

    in la kala doorto Gaalo kula dagaashan iyo mid aan kula dagaashaneyn waxay la micno tahay Hilibka doofaarka waxaa xaaraan laakiin subagiisa ayaan cabaa.

    Allaah waxaanka codsanaynaa inuu naga qabto sharwadayaasha Aduunka ku badashey Aaqiradooda.

    Gaaladile | Aug 3, 2008 | Reply

  17. salama calaykum
    ka dib markaan akhriyey wixii lagu heshiiyey una bandhigay maskaxdeeyda waxaa ii soo baxay xaaladu dhinaca ay u socoto.
    yaa qaldan iyo yaa saxsan wax laga faa,iidayo waqtigaan la joogo maleh oo soomaali oo dhan ayaa qaldan.
    sidda caadada noo ahna qofba qumanahiisa ayaa qoorta ugu jira ama gudi hala magacaabo ama gudi la,aane tusaale,
    DARDAARANWuxuu gudigu dardaarmayaa:

    1) In la qabto shir dib loogu hagaajinayo qaab maamuleedka Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed, waqtiga ugu horeeya ee suura gal ah, taas oo nooga soo baxdey ka dib markii aan dhageysaney dooda labada dhinac ee walaalaha ah, kana ogaaney in ay jirto habacsanaan maamul.

    go,aanada gudiga waxaa ka muuqday in lagu heshiiyey in wax uun la bedelo laakiin shirka la taagero waa su,aale soow ma wanaagsaneeyn in garabka jabuuti marka heshiiska wax laga bedelo ay markaas ansixiyaan ??
    ilaah baan leenahay haddii kuwii noo soo baxaba ay ajandayaal kale wataan
    palastine kuma aysan riyoon jirin in dhulkooda yuhuudi yeelan doonto malaga yaabaa in qaxooti nalaga wada dhigo inta hartayna loo disada liita wadankana la yeesho oo aan 50 sano dabadeed ku gorgortano wadankeenii waa in aan dib ugu soo laaban karno.?
    hadaadnaan xalka ka qeyb qaadan dhibka ayaan ka qeyb qaadaneynaa ilaah halaga cabsado oo runta halaga hadlo hana loo hiiliyo hadeey dacar ka qaraar tahay.
    mahadsanidin

    afloow | Aug 3, 2008 | Reply

  18. Asalaamu Calaykum,
    Walaalayaal waxaan marka hore u mahad celinayaa somalimirror gudbinta qoraalkan, waxaana idinka codsanayaa in lagu dadaalo in cadaalada laga shaqeeyo, qof walibana uu naftiisa ka bilaabo, reer Asmarana aakhira dhinac idiin gali maayaan, reer Jabuutina sidoo kale.

    Hadaan u soo noqdo heshiiskan, qolyihii dhax-dhaxaadinayay labada dhinac ajar ALLAHA ka siiyo dadaalkii iyo dhabar adeegii ay muujiyeen, marka labaad waxay aniga ila tahay in weli ay jirto is af-fahmi la´aan laba dhinac ah ama qolyaha Asmara ayaan rabin inay fahmaan wixii lagu soo heshiiyay, waxaana ila sii muuqata in akhristayaasha somalimirror qaar koodna ay dhinac inay taageeraan ka go´an tahay.

    Marka waxaan oran lahaa si fiican haloo akhriyo waxa lagu heshiiyay, amaba ha ídiin akhriyaan dadka yaqaana sharciga, ayadoo dhinac la`iska dhigayo waxa aynu jecelnahay.

    Widaay | Aug 3, 2008 | Reply

  19. WALAALAHEEY ASMARO WAXAA II CADAATAY IN EEY XAQA KU TAAGNAAYEEN OO HISHIISKII EEY DHOOWREEN WAXAANA CADAATAY KUWA MEESHA U CADEEYD EEY TAHAY JABUUTI WAXEEY KU SI FOOBEEN GAALO RAAC

    deeqa | Aug 3, 2008 | Reply

  20. Asc walaalayaal,somalidu waxay tiraahdaa labo halaq kala goosatay midna cad macaan ma raacin,sh.aweys iyo sh.shariif waa labo nin oo halaq kala goosatay midkoodna cad macaan ma raacin ka dib markii ay jihaadkii ka dhaqaaqeen dibad wareegna ay ka doorbideen doodoodiina ay noqotay jaatartii ayaa la jabiyey iyo anaa jaatarkii ku socda ee waa sharci daro in xilka la iga qaado siduu noo iftiimiyey walaalkeen maxamuud caraaye waxaan u arkaa masiib weyn ee ku habsatay hogaankii sare ee maxaakiimta in maanta dadka la xasuuqayo diintanada la ihaaneynayo dalkanaga la haysto difaacooda laga doorbido dastuur ka doodidiis , dadkan ku mashquulsan labadan qolo kee saxsan waxaan oran lahaa labadaba ma hayaan wadadii saxda ahayd ee yaan lagu daba lumin labadoodana waxaa sii khatarsan kuwa jabuuti oo balankabax iyo been cad iyo wajibirnimo la soo taagan,qofkii doonayo inuu xaqa raaco ha adeeco mujaahidiinta u taagan difaaca diinta iyo dadka oo ay ugu horeeyaan alshabaab,jibiso,maxaakiimul islaam garabkooda milatariga ah

    Deeq | Aug 3, 2008 | Reply

  21. MOWQIFKA WAA ISBEDELAY DAMACII GUMAYSIGA UU RABEY AMA DAAHA UU KALA LAHAA OO LA FAHMAY OO WAA FASHILMAY MARKA WAXAA SOO SOCDA XILIGII ISFAHAMKA UMMADDA SOMALIYED EE WALAALAHA AH IYO SIXIDA QALADKA AY KU JIREEN OO JAHILNIMADA UGU WACAN OO LAGA BIXIDOONO ISU SOO DHEWAANSHO GACALTOOYO KU JIRTO IYO IYAGOO FAHMEY WAXA JIRA WAXA DHACAY WAAYO ARAGTINIMO KA FAHMEY. INSHA ALLAH WAX WALBA WAA HAGAAGI DOONAA.

    cajami | Aug 4, 2008 | Reply

  22. somalimiroro aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad akhbaarta hufan oo aan xanbarsaneen naceybka ee dhaxdhaxaadka ah aad noogu soo gudbisaan, ruuntii waxaad arkaysaa shabakadaha islamiga ah qaarkood oo la saftay labada garab ee isbahaysiga dib xoreynta.

    saxafigana howshiisa ma ahan in uu u hadlo dhinac ama garab ee waa inuu dadwaynaha waxi jiraa oo xaqiiq ah u soo gudbiya asoo cidna difaaceeyn

    runtii webkan amaan ayuu mudanyahay aad ayaad umahadsantihiin

    wadani | Aug 4, 2008 | Reply

  23. A . c. w.
    Walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin sida aad noogu soo gudbisaan wararka Allaah ha idinka ajar siiyo wax weyn baad ummada u qabataan waxaana idin leeyahay samo ku waara.

    Tanxigta ummada waxa aad moodaa in aakhira samaankii la joogo oo waxaa ay iska raacaan wax ay san hubsan oo ayan si wanaagsan u akhrisan waxaan idinlee yahay dhuuxa qoraaalka.

    Su,aasha waxa ay tahay adigoon dhinac raacin isweyddii marka hore ururka muxuu ka ahaa sh.x. daahir sh.Cumar oo loo xilsaarey hishiiskii Sanca Aaway???

    Haduusan sh.X . Daahir dooneyn ururkaan muu ururkale sameysto asigoo khilaafna keenin waa hadii runta la doonayo!!!!!

    Xubin buu ka ahaa ururka Sh.X. Daahir maxaa asiga kaliya soo taagay mise inta kalaa qaldan oo asgaa saxsan kaliya.

    Eretareeya waxaa ay dooneysaa Durwaaga Dhagahiisa in aanu ku dhaganaano oo aanu darbi unaqano??

    Eretareeya hadii ay dooneyso oo ay dhab ka tahay maxey u dhiibi weysey walxaha kaaraha lagu halaago barqo cad bey tagayaan hadii ay dhiibto oo waxaa ay dib ugu laabanayaan xuduudii laga soo qaadey ciidamada cadowga sidaa daraadeed ma dhiibeyso walxahaa.

    wa bilaahi towfiiq

    NV | Aug 4, 2008 | Reply

  24. ASC

    Xasbunallaahu Wanicmal Wakiil.

    Waad ku mahadsantahiin Somalimirror qoraanliina & xaqiiqda aad noo soo bandhigteen.

    Haddii aan ka dhiibto fikradeyda aniga. waxaan Aaamin sanahay qoladda Joogta jabuuti in eey jabiyeen waxa lagu hishiiyey.. Laakiin waxaan ilaaheey ugu baryayaa in walaalahood eey qaladka kula laabtaan. Midnimadiina waan ku faanaa hadii aad tahiin Maxkamdaha Islaamka Soomaaliyeed.

    Waxaa naxdin ah in Sheekh shariif oo ah dadka Soomaaliyeed ruuxa aan ugu jeclahay in aan BBCda ka dhageystay isagoo is badaley oo xanaaqa laga dhadhansankaro aan laga baran sheekha..

    Haddii la idinkugu yeero… QUNYAR SOCOD & KUWA MAYAL ADAG qaarkiina aad ku faraxsantahiin waxa la idiin bixiyey waa Murugo Noo soo hoyatay haddaan nahay Kuwa jecel midnimadda Umadda Soomaalyeed & diinteena Rabi.

    Sheekadda waxaay u sii iftiimeysaa kuwa Garabka laga taabtay ee la yiri QUNYAR SOCOD BAAD TAHIIN…in eey aad u u jecleyteen… Laakiin waxeey iloobeen in ilaaheey magaciisa oo kor loo dhigo eey aduunkaan oo dhan ka sharaf badan tahay..

    Waxii qalad ah waa naftayda iyo shaydaan waxii sax ahna waa wax xaga rabi ka sugnaaday.

    /wabillahi tawfiiq
    C/raxmaam Muxu`d Calasoow

    C/raxmaam Muxu`d Calasoow | Aug 4, 2008 | Reply

  25. ,hrki5jnogfguyuj,kjj,hgh ,nffhgteryrdetfg

    cali | Aug 8, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo