Muqdisho: Shalay, Maanta iyo Barri (Q. 3aad)

Khariidadii Muqdisho ee Dagaalladaan Ka Hor

Magaalada Muqdiho waxay u qaybsanayd laba qaybood: qayb ay si toos ah u maamulaan qabqablayaal iyo qayb si guud u hoostimaadda Qabaa’il oo aan nin gaar ahi ku amar-kutaaglayn, marka laga reebo goobo tirsan oo Mooryaani dadka lacag kaga qaadato.

Maxaakimta Islaamigu waxay ka hawlgaleen qaybihii aanay raggaasi sida tooska ah uga talin jirin, sida degmooyinka: Yaaqshiid, Huriwaa, S/xoolaha, Wardhiigley, H/wadaag iyo Hodon.

Ka dib markii lagu dhawaaqay Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada oo uu qarxay dagaalkii Muqdisho 18/02/02 waxaa magaaladu noqotay deegaanno u xiran Isbahaysiga, sida degmooyinka: Kaaraan, Shibbis, C/casiis, Boondheere, Shangaani, Dayniile, iyo qaybo ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkaynley, S/xoolaha, Hodon iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo dekedda C/macaan.

Waxaa kale oo xubnaha Isbahaysigu gacanta ku hayeen Gobolka Sh/dhexe. Waxaa kale oo jiray deegaanno aanay Maxkamadaha iyo Isbahaysiga midna ka hawlgalin, sida degmooyinka: X/weyne, X/jajab iyo Waaberi. Waxaa xusid mudan in Dadweynuhu degmo kasta ha dagganaadeene ay la safnaayeen Maxaakimta, waxayse ku kala duwanaayeen in qaarkood muujin karaan taageeradooda, kuwana ay qarsoodi u baahnaayeen maadaama ay isbahaysigu ka talinayeen deegaankooda.

Khariidada Magaalada Dagaalladii Ka Dib

Dagaalladii is daba joogga ahaa ee dhacay waxaa lagaga faramaroojiyay Isbahaysiga: xarumo millatari oo ku yaallay dhulka u dhexeeya waddada warshadaha iyo Dayniile, waddada isku xirta Muqdisho iyo dekadda C/macaan, S/xoolaha, waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, KM4, Soobbe, B/xuubey, Airport-ka weyn iyo Villa Baydhabo.

Waxaa kale oo ay ku guulaysteen Culimada, Cuqaasha iyo Ganacsatada Beesha Murusade in ay si nabadgalyo ah uga xilwareejiyaan Max’ed Qanyare iyo maleeshiyadiisa degmada Dayniile iyo goobihii kale ee taagerayaashiisu ka dagganaayeen magaalada dhexdeeda.

Waxaa hadda isbahaysiga gacantooda ku harsan degmooyinka: Kaaraan (inteeda badan), Shibbis, C/casiis, Boondheere, Shangaani iyo qaybo ka mid ah Madiina. Intaa waxaa u dheer qaybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe.

Maxaa Magaalada Looga Sifayn La’ Yahay Haraaga Isbahaysiga?

Isbahaysigu si weyn ayay ugu jabeen dagaalkii ay qaadeen, xagga, siyaasadda, warbaahinta, shacbiyadda iyo millatarigaba. Nimanka wali ku harsan magaaladu way hubaan in aan shacbigu doonayn, in aysan awood weyni ku harin iyo in saaxiibbadood la sii baacsanayo oo aan cid u soo gurmanaysa jirin ee waxay nafta ku maaweelinayaan in jifooyinkoodu ku hagoogan doonaan si nafta loogu cesho, isku daygaasna wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Waxaa socda dadaallo ay wadaan culimada, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo duqowda beelaha Mudulood oo lagu doonayo in nimankaasi hubka si nabadgalyo ah isaga soo wareejiyaan ka dibna ay iska dhoofaan iyaga oo badqaba.Taas oo looga gol leeyahay in laga ilaaliyo dadwynaha dagaal dambe oo ka dhaca magaalada dhexeeda.

Haddii ay dadaalladaasi miro dhal noqon waayaanna waxaa lagama maarmaan noqon doonta in loogu baaqo maleeshiyada in ay hubkooda ula soo galaan maxaakimta ama ku wareejiyaan cuqaasha jifooyinkooda. Marka taa lagu guulaystana waxaa sahlanaanaysa in guryohooda laga soo katiinadeeyo, ka dibna lagu wareejiyo xarumaha dhaqan celinta ee magaalada Muqdiso.

Waxaa kale oo la wadaa kulamo lagu doonayo in degmooyinka wali ku harsan gacanta isbahaysiga loogu sameeyo maamulo marka laga xil-wareejiyaba ka hawlgala deegaannadaas. Ragga haraaga ahi waxay si buuxda ugu quusan doonaan marka dhammaan gobolka Sh/dhexe laga sifeeyo saaxibbadood, dadweynuhuna waa inay sabraan oo aysan caradu dhaafin sida xikmadda ah ee umuuraha loo dhiraandhirinayo.

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

2 Comment(s)

  1. soamlaiya ilahaya waxan uga barayay in
    ay noqoto nabad

    nuuro | Sep 27, 2008 | Reply

  2. aniga waxan ahay gabar soamliyad oo ku nool
    qurbahah aniga waxan nacay
    qurbo iyo ficalakooda
    illahay wadan kayga waxan uga barayayaa
    in ay noqoto nabad lala dhaco
    aamiin

    nuuro | Sep 27, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo