5 Nin oo lagu sheegay ONLF oo la sii daayay

boosaasopsd.jpg

5 nin oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Jabhadda ONLF isla markaana 16 May 2008 laga qabtay Garoonka Magaalada Boosaaso ayaa maanta si rasmi ah loo siidaayay sida ay Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ka qeyb qaadatay dadaaladii lagu sii daayay ragaasi.

Shabakadda Somalimirror uma suuro galin in ay si rasmi ah u hesho Magacyada 5 nin ee la sii daayay. Soo daynta ragan ayaa waxa la sheegayaa in ay ka qeyb qaateen, isla markaana ay dadaal dheer u galeen Culumo Awdiinka iyo waxgaradka Puntland kuwaas oo ku guulaystay sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw:- talaabooyin dhowr ah oo ay ugu horeyso in aan loo gudbin Magaalada Garowe oo la sheegay in ay ku suganyihiin saraakiil itoobiyaan ah iyo in ay hakiyaan in xubnahani loo gacan galiyo dowlada Itoobiya,iyada oo talaabadii saddexaadna ay ku guuleysteen in ay ka sii daayaan ciidamadii qabsaday. Ragan ayaa la sheegayaa in ay hadda ku suganyihiin magaalada Boosaaso iyaga oo dib u helay xoriyadoodii ka dib markii ay mudo 2 bilood iyo Bar ku xirnaayeen xabsi ku yaala magaalada, waxayna dad ka warqaba ragaasi somalimirror u xaqiijiyeen in ay caafimaad qabaan. 5-ta nin ayaa markii la qabanayay waxa la sheegay in ay ka yimaadeen Dalka Jabuuti iyagoo soo maray magaalada Hargaysa ka hor inta aysan imaan Boosaaso waxaana markii ay ka soo dageen diyaaradii ay la socdeen ee Daalo Airline qabtay ciidanka sirdoonka Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano PIS (Ashaahada la dirir) oo la shaqaya Maraykanka iyo Itoobiya kuwaas oo markii ay ka warheleen waxgaradka Puntland ay ku kaceen dibna uga soo celiyeen iyaga oo ciidamadii qabsaday u sii wataan dhinaca magaalada Garowe. Xirida nimankan iyo dhoofinka xubno kale oo ka horeeyay ayaa waxa uu sababay muran xoogani oo soo kala dhexgalay odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta DGPL. Odayasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso oo arintaas in mudo ah shir ka yeelanayay ayaa isla gartey in  hadii ay ragani danbi ka galeen Gudaha Puntland lagu soo wareejiyo ciidanka Booliska Puntlan si danbigooda loo xaqiijiyo, hadiise ay arintu tahay arin xiriir la leh ONLF iyo xukuumada Itoobiya aysan Puntland horseed u noqon u qabqabashada ragaasi xukuumada Itoobiya iyada oo itoobiya xiriir fiican ka raadinaysa waa sida ay odayaashu hadalka u dhigeene. Arinta qab qabashada dadka ka soo jeeda dhulka S/galbeed ayaa ku abuurtay Baqdin iyo kala firxad dad badan oo ku dhaqnaa magaalooyin ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxa ay arintani u muuqata talaabo horumar leh oo ay ku dhaqaaqeen waxgaradka Puntland isla markaana dib u soo celin karta kalsoonidii iyo is dhex galkii labada shacab ee xiriirka wanaagsan lahaa, waxayna dadka qaar u arkaan arintani mid uu maamulka Puntland dib uga noqonayo talaabadii uu itoobiya ugu gacan galinayay dadka ka soo jeeda dhulka s/galbeed ee la gumeysto.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

7 Comment(s)

  1. Odayaashan waxay naga mudan yihiin amaan.
    Waa ayaandarro in maanta dad soomali ah dhul soomaliyeed laga qabto loona dhiibo cadow soojireen ah.
    Waa masiibooyinka ku habsatay ummada soomaliyeed waayaddan danbe.
    Allow sahal amuuraaha.

    Yusuf aldarwiishi | Aug 2, 2008 | Reply

  2. waxaan halkaan uga mahad celineynaa odayada reer puntland nabadoonada,saladiinta,beel daajiyayaasha,boqorada,culimada diinta islamka ee reer puntland.waxaana leenahay waxaad natusteen inaad tihiin ehel xalaal ah oo dhibka walaaladood marnaba ogalaneyn.waxaan halkan uga mahad celinayaa khasatan odeygii gaalkacyo kahadley oo bbc da lahadley iyo reerkiisa oodhan sida wanaga iyo walaaltinamada kudheehan tahay ee ay uga dhiidhiyeen xariga iyo been abuurashada tuugada tigreda ushaqeysa.markale ayaan umahad celinayaa dhamaan dadka ka qeyb qaatey wanagan lagu soo daayey dadkeena.iinsha alahu ilahey ayaa idinka farxin dhamaantiin.

    abdikarim | Aug 3, 2008 | Reply

  3. as/ca/wa/wa allaxmadulilaah allaxmdulilaah marka hore ilahay ayaa mahad iskaleh intaa ka dib marka labadana waxaan u mahad celinayaa odayada dhaqanka iyo saladiinta reer putland ee ka qayb qatay siidaynta walalahooda reer ogadenia ee gumaysiga iyo dadka la shaqeeya ay ku xidheen bishi may magalada bosaaso ilahay waxan oga baryaya odayada inuu ilahay wax khayr qaba oogu badalo hada kabacdina ay sidaa oga qayb qaataan hadii gumaysiga iyo kuwa xun xun ee la shaqeeya ay qab qabtaan dad ka soo jeeda ogadenia waxaan ogu baqaya mamaulka putland ee la shaqeeya gumaysiga tigreega haday arinka ka tanasuli waayaan inay cawaqib xun kala kulamayaan dadka reer ogadenia ee neceb gumaysiga iyo waxa la shaqeeya iyo ciidanka jabahada wadaniga xoreynta ogadenia jwxo ama onlf oo iska shaday.

    mohamed qorahay | Aug 3, 2008 | Reply

  4. awalan waxaa mahad oo dhan iska leh allaah kabacdi waxaan umahad celinaynaa anagoo ah soomaalida xorta ah macnaha fikirkoodu xorta yahay dhamaan umadda reer puntland intoodii hawshaan ka qayb qaadatay iyo inta raaliga ka ah siidaynta raggan
    waxaan is waydiinayaa maxaa looga waayay reer somaliland odayaashooda inay ayana ku cadaadiyaan maamulkooda tan oo kale oo tusaan walaalahood walaalnimadaan oo kale
    waxaan rajaynayaa inay tusi doonaan labada shacab in aanay kala gu i karin

    hassan yusuf | Aug 3, 2008 | Reply

  5. asc, walaalayaal waa ilaahay mahadii ragaasi inay hada xor yihiin odayaasha waa mahadsanyihiin taa waxaan ku dari lahaa in maamulka p/land aanu ahayn mid wanaagsan lakiin aad moodo in ay sabab u noqotay inay qasabto ehelnimda wallalnimda 2da shacb oo ay u arkeen inaanay dhexgali karin waxaanse leeyahay somali waa wada tol kuwa s/land ee markay qabtaan deg deg isu dhaafiya iyo shacabka ku daawada ee aaminsan inaan waxba ka galin bal ay ithopia u sokayso waa waxa shaydaan u sheegay koonfurta lafteeda xiligii Hogaamiye kooxeedka waan ogayn jixin jix ma lahayn shacbna uma damqan jirin marka dad ahlu diina laga reebo marka reer ogadeenya waa reer bosaso reer bosaso waa reer ogadeenya
    mana moogin kuwa xun ee naga dhashay ee 2da dhinac ah ee dadka ka baayac mushtara ascww

    maxmed m. said | Aug 3, 2008 | Reply

  6. ilaah baa mahad leh ka dib inta ka qeyb qaadatay siidayta ragaan ayaa sharaf mudan

    ibrahim yusuf | Aug 3, 2008 | Reply

  7. WA HARTIGA LA HAYSTAHA U AH ETHIOP WAR DAGAALMA OO XURIYADIINA SOO DHACSADA WAA LA IDINYEESHAY INKASTOOY FASHILMEEN C/LAHI WAA GEESI KALA SOCO DHACDADA JIBUTI NEWS

    cajami | Aug 3, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo