Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho
By SomaliMirror on 31 Jul, 2008 11:19 PM in Main, Wararka
Xalay abaarrihii 6:10 daqiiqo ayay ciidamada booliska magaalada qardho oo uu hogaaminyayo taliyaha qaybta gobolka karkaar cali jaamac qalas ku qabteen kontoroolka magaalada qardho gaari noociisu yahay cheser ( saabuun qubays) oo uu watay ninka lagu magacaabo Maxamad Axmad oo loo yaqaanno Ina ‘Unburyaako’.
Gaarigaas oo siday khamri dhan 61 quruuradood oo laga keenay itoobiya iyo wadihiisiiba waxaa saaka abbaarihii 10:00 subaxnimo la horgeeyay maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Qardho ka dib markii ay maxkamaddu dhagaysatay danbiga lagu soo oogay eedaysanayaha lana horkeenay maxkamadda khamrigii uu watay uuna qirtay in uu isagu watay waxay ku xukuntay sidan soo socota:
1. In dhammaan la burburiyo khamridii uu watay.
2. Waxay maxkamaddu ku xukuntay danbiilaha 2 sano oo xarig ah.
3. In lala wareego gaariga khamriga lagu siday.
Kadib markii uu soo baxay xukunka maxkamadda, waxaa gabi ahaanba dhulka lagu qubay khmaridii uu siday gaadhigu waxaana xabsiga loo taxaabay danbiilihii waxaana lagu wadaa in loo gudbin doono xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.
Khamriga laga keeno Itoobiya iyo maandooriyaha qaadka oo inta badan isna Itoobiya ka yimaada ayaa dhibaato badan ku haya ammaanka iyo caafimaadka dadweynaha ku dhaqan maamul goboleedka P/land ilaa iyo haddana ma muuqdaan qorshayaal wax ku ool ah oo aafadaas lagaga hortagayo marka laga reebo hawlgallo kooban oo sida midkan oo kale lagu qabto shixnad khamro ah.
Daabaco
U dir saaxiib





reer bari sidaan ayey doorbideen ayaga iyo hargeysa in loo iibgeeyo qamrida itoobiyaanka war dadkaan culimo maleh miyaa mey iska qabtaan afartan tuug ee gaalada u adeegta diinta islamkana ladagalanta ?
abdikarim | Aug 1, 2008 | Reply
Asalamu alaikum
Marka hore alaah ayaa mahad iska leh faasiqaas hoojiyay o ka shifay qurunka uu umada ku fafin lahaa…
tan labad waxaan rabay inaan waydiiyo QAADIGA wax xukumay maxuu ugu xukumi waayay XUKUNKA ALLAH oo ah in la jeedaleeyo , maxaa xukun aan kii Allaah ahayn wali loo daba jooga?
waa su’aal aan ilaa hada layaabanahay, waxaana rajayn in la iiga Jawaabo.
Hadii intaas oo jab ah aan soo marnay soomaali ahan wali waan ka hari la’nahay xukunka biqayri maa anzala Allaah:::bal qaadigaan haddi lawaydiiyo maxaad wax ku xukuntaa oo aad adoomada Allaah aad ku kala garbixisaa, talow maxay noqon jawaabtiisa.
waad mahadsantihiin
daadow | Aug 1, 2008 | Reply
qoloyinkiina xukunka islamka ku mar-marsiyonaya ma ogtahay in aad ku dhaqmi karto xukunka madaniga ah marka illahay waa inoo qafiifiyey wwaxyaabo badan marka waxba diinta yaan lagu ciriqsan dadka waxaa kugu haboon inaad tiraahdo illahay ha soo hanuuniyo illahay wuxuu yiri isu naxariista markaas ayaan idiin naxariisan.ragga ciidanka boliska(police) ah iyo maamulkaba wey wanaagsan yihiin laakiin waxaa ka sii wwanaagsan in bulshada meesha dagani ay gacansiiyaan xiriir yeeshaan dadka amaankooda dhinac howwlaha uga soo wada jeestaan
cajami | Aug 1, 2008 | Reply
Anigu aqoon uma lihi shareecadda Islamka (Islamic penal code) balse at least haddii ay garteen oo ay ciqaabeen dambiilihi hadana lawareegeen hantidiisi,waxay iga mudanyihiin amaan inta dalka shareecaada Islamka looga xukumi doono insha Allah.
Yusuf aldarwiishi | Aug 1, 2008 | Reply