Dagaal 2-aad oo lala beegsaday ciidamada Gumeysiga itoobiya

mujaahid-duur.jpgAbaarihii 04:00 galabnimo illaa 06:00 Makhrib ee caawa ayay Mujaahidiinta JABISO iyo MMIS Dagaal culus kula beegsadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya halka lagu magacaabo “Qardho” oo ku taala waqooyiga galbeed ee Degmada Lego ee Gobolka Shabeelada Hoose.  Afahayeen Howl-galada Ciidamada JABISO oo lagu magacaabo Farxaan Cabdi Cilmooge oo la soo xiriiray Shabakadda Somalimirror ayaa u xaqiijiyay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay kula galeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya in ka badan 1:30 halka lagu magacaabo “Qardho” isla markaana ay khasaaro isugu jira gubid Baabuur naf iyo maal intaba gaarsiiyeen.   Afahayeenka ayaa intaa ku daray in dhinacooda uu ka shahiiday hal wiil mid kalana uu soo gaaray Dhaawac fudud isla markaana ay ku qasbeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya in mudo afar saacadood ah ay wax dhaq-dhaqaaq ah ka sameyn halkii ay ku weerareen.    Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyay in ay arkeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo jiidanaya 4 gaari oo gubatay kuwaas oo la aaminsanyahay in mid ka mid ahi saaka lagu gubay Dagaal culus oo ay mujaahidiintu kula beegsadeen ciidamadaasi inta u dhaxeysa Deegaanka Yaaqbariweyne iyo Balidoogle.  Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa la sheegayaa in abaare 08:00 fiidnimo ee caawa ay ka dhaqaajiyeen halkii uu dagaalku ku qabsaday iyaga aan la sheegi Karin in ay caawa si nabad ahi ku sii guurayn doonaan iyo in kale.

 Qof goob jooge ah ayaa sidoo kale u sheegay Somalimirror in ciidamadan oo wata 23 Ural oo qaarkood ay jiidayaan madaafiicda goobta ay xalay abaare 08:00 fiidnimo ka baxeen xaruntii hore ee Asluubta isla markaana ay xalay ku hoydeen Degmada Afgoye oo ay saaka waabarigii hore ka ruqaansadeen. Lamana sheegi karo illaa iyo hadda halka ay ku wajahanyihiin iyo sida ay ku nabad tagi karaan.

Mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa iyagu weerarada dhabo galka noocan oo kale ah kula beegsada ciidamada Gumeysiga Itoobiya dhamaan gobolada Dalka ee ay ka sameeyaan dhaq-dhaqaaqyada waxa ayna arintani fariin cad u diraysaa sida aysan ciidamada Gumeysiga si nabada ah uga bixi Karin soomaaliyana una soo galin Karin ciidamo cusub intaba. 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

4 Comment(s)

  1. Alaahu akbar wali laahialxamdu intaas kadib alaha halaaga amxaarada iyo kuwa lasocdo amin mujaahidiinta alaha guuleyo amin

    Muxamed shekh | Jul 31, 2008 | Reply

  2. Allah akbar,
    Raggani amaan iyo duco ayeey nagamudanyihiin.

    Yusuf aldarwiishi | Aug 1, 2008 | Reply

  3. ASALAMU CALAYKUM Salaan KA DIB waxan ku faraxsa nahay axmaradda jabkeed alla guuleeyo mujahidiinta meel walba oo ay joogaan insh allah aamin alla aqbalo ducadeena

    IBRAAHIM HASSAN | Aug 1, 2008 | Reply

  4. allaahu akbar
    waar anagu waanu ku faraxney jabka amxaarada ku dhacay iyo eryidda dabadhilif.

    warsame | Aug 1, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo