Kolonyo Itoobiyaan ah oo Caawa ka Baxday Muqdisho

Published on July 30, 2008 by   ·   9 Comments   ·   print

uural.jpg Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata kolonyo gaadiid ah oo lagu qiyaasay ilaa 23 gaari ayaa caawa fiidnimadii waxay ka gudbeen Deegaanka ceelasha biyaha sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan Deegaanka Ceelasha waxayna u gudbeen dhinaca Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. Kolonyadan ay wataan Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa la sheegay in 6 gaari oo ka mid ah ay jiidayaan Madaafiicda goobta lamana oga in ay ka sii gudbayaan Degmada Afgooye iyo in kale. Ciidamadan oo caawa ka kicitimay magaalada Muqdisho ayaan la garanayn halka ay sida dhabta ah ugu wajahan yihiin iyo fariisinka ay ka soo gureen toona. Waxaa baryihii danbe yaraaday Dhaq dhaqaaqa Ciidamada gumaysigu ay ku sameeyaan gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay badatay dharbaxooyinka ka soo gaaraya xoogagga Mujaahidiinta oo ka xarimay in ay ku safraan wadooyinka muhiimka ah ee isku Xiriiriya Qaybaha Dalka Soomaaliya. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 5 Taangi oo caawa ka gudbay Isgoyska Fagax iyo dagaal xoogan oo halkaas ka dhacay
  2. Dilal siyaabo kala duwan Caawa iyo Maanta uga dhacey magaalada Muqdisho
  3. Kolonyo ciidamada gumeysiga ah oo ka soo gudbay Deg.Wanla-Weyn ee G/Sh.Hoose
  4. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  5. Dagaal & Xasuuq ka dhacay caawa Muqdisho

Readers Comments (9)

  1. abdikarim says:

    waxaa aniga iga yaabisey walalayalow bada intaas la dherer adag ayaan leenahay waxa inoo diidey inaan hub casri ah aan keensano si aan isu daafacno.xataa madaafiicda goobta maheysano war madaxda islamka waa iney sidaan wax kabadalaan hubka dhulka lagu aaso oo sida fiican wax uqarxiyo xataa maleh waa indhaqale badan lagaliyaa hub cusub sidii loo keeni lahaa iinsha alaah waa iga talo walaalayaal hana ley cafiyo hadaan qaldamey

  2. naima says:

    cabdikariinoow intee xubka la soo marsiinaa sow bada balaayo waaweyni ma fadhido mar hore ayaa lagu hala bixi lahaa hadii ay badeenu xortahay allaah SWT ayaa kaweyn ee allaah ha ku cafiyo walaal

  3. cajami says:

    WAXA LA DAMACSANAA WAA SOCON LA’YAHAY MEEQA MAR AYAA QORSHO KACDOONKA SHACAB SOMALIYED EE KU ABTIRSADA HAWWIYE LA DAMACSANAA IN LA BAABI’IYO WAA AY SOCON WEYDEY ANIGOO AH SHAQSI SOMALIYED KU DHASHAY KENYA WAA IN AAN RUNTA KA HADLAA ILLAHAY RAALI KAMA AHA IN SHACABKEYGA SHARAFTA LEH LAGU KOR TUNTO DAD SOMALIYED WAA WALAALO DARIS WADAAG WAA IN LA SOO CELIYO WALAALTINIMO IYO DARIS. LANA JOOJIYO ANAA LEH IYO ANAA LEH , EHELNIMADA LAYS XIGSDAO SI AAN CADAWWGA UU KAMID YAHAY MIDKA IGU DUBKA AH SOMALIGA AH EE U ADEEGA GUMEYSIGA IYO KUWA UU KAA SHAANAAYO ISAGA CELIYO INTAAN MID KA WEYN DAMACA DHEERAA GACANTA U GALIN.

  4. Warfaa says:

    Kolonyadaas Jabkeeda insha allaah maanta ayaan rajeyneynaaa bi’idnilaah.

  5. Ogle says:

    ASc
    Ogow Eretaria oo an islahayn hub bay idin sinaysaa nama siin waayo ma rabto culayska wadankeena joogaa inu xagooda fuulo, af cidlo ah iyo huteelo waxba ma tarayaan SIDA AA LA SOCOTAAN DHAQAAQAN CIIDAMADA WUXU LA JAN QAADAYAA HADBA WIXI KA SOO KORDHA BAADHAME WAAD LA SOCOTAAN KOFIYO BLUG UN WEY ISAGA DHEXBAXDAY ETHO & ERETRIA MARKA QOORTA ALLAHA ISKU GELIYO anagana halkan baan ka dherbaaxaynaa insha allah hanbada ku hartay

  6. Midnimo says:

    fIKIRKA NA’IMA WAA QAYIN AAD U QIIMO BADAN HADAY GAALO WEYN TAHAY ALLE AYAA KA WEYN , WAXAN RAJAYNAYAA INSHA ALLAAH IN JABKA ITOOBIYA KA HALEELAY SOMALIYA UU HORSEED U NOQDO BURBURKII ITOOBIYADA HURUDA, MARLABAADNA AY NABAD ILAALIYAAL KA NOQDAAN MUJAAHIDIINTA SOMALIYEDINSHA ALAAH.

  7. `geeddi says:

    War xabshi dhaha iska dhaafa magaca Itoopiyaan, waayo iyagaa neceb, waxay jecel yihiin in loogu yeero itoopiyaan waxaad dhahdaan xabashi, way ka xanaaqaan, oo waa erey quursi bay u yaqanaan.

  8. muslima says:

    Oglow walaal fikirkaada waxbaad moodaa in uusan dhameys tirneyn, horta runtii axmaaro somalia ku daysay waa marka runta loo hadlo waxii ka soo gaaray muqdisho iyo shabelooyinka iyo gobolada dhexe waa la ogaa, baqtigooda ayaa tixigrigii ku galay meel kasta.

    Eratera waa runtii geesiyaal sida ragii somaaliyeed oo la yaqanaanaay maahan hada kuwaan leh axbaa noo walaal ah yacni waa kufri cad,hub waa heystaa ciidan xoog ayay heeysataa, maalikasta ayay u goodisaa itoobiya markaas ayuu ka tagaa kama aarsadee.

    Mase hadaad leedahay rag ayay soo dhaweysay, maxay u soo dhaweynaysaa, taas waa arin gaar ah,wax horta somaliya axsaan u galay ma jirto waa loo hishiiyay, xitaa jabuuti waxay raali ka noqotay in laga soo duulo jabuuti ciidamada amriikka LacnatuLaah fadhiya si kasta ha u inkiraan, gaalo aydaaba wax qarin karin oo jaraaidka ku soo qorta.Marka eratrea axsaan ayaan u hayaa, waayo maalintii aan u baahnaa waa in garab istaagay,inkastoo somaliya ay horey ugu fashay axsaan oo aan soo dhaweyn jirtnay eratrea baasaboorka somaliga la siin jiray, UN halkaa ka qaadi jiray.

  9. mr_ac says:

    caawa waxaa cadaatay in cadowgii uu jabay uuna ka sii caraaraayo magaalada muqdisho oo si xun ugu jabay hada kadibna in ay sii baxaan mooyaane lagama yaabo in ay soo galaan waxaan leeyahay mujaahidiinta halgankiina wada anagana ducaan idiin la garab taagan nahay
    islaamka ha sareeyo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 5 Taangi oo caawa ka gudbay Isgoyska Fagax iyo dagaal xoogan oo halkaas ka dhacay
  2. Dilal siyaabo kala duwan Caawa iyo Maanta uga dhacey magaalada Muqdisho
  3. Kolonyo ciidamada gumeysiga ah oo ka soo gudbay Deg.Wanla-Weyn ee G/Sh.Hoose
  4. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  5. Dagaal & Xasuuq ka dhacay caawa Muqdisho

Latest Headlines