Iska Hor’imaad Dhex Marey Labo Ciidan oo DKMG ah ka Wada Tirsan
Published on July 30, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Iska hor’imaad in muddo ah socdey, ayaa barwanimadii saaka ku dhex marey isgoyska Afarta Jardiino, labo ciidan oo ka wada tirsan ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya. Labada ciidan ee iska hor’imaadku dhex marey ayaa ka kala tirsanaa Maamulada Degmooyinka Yaaqshid iyo Boondheere ee Maamulka Gobolka Banaadir DKMG ah ugu magacaaban. Iska hor’imaadka ayaa yimid ka dib markii labada ciidan isku af garan waayeen cidda sida rasmiga ah isgoyska Afarta Jardiino uga qaadaneysa lacagaha canshuuraadk ah eee gaadiidka laga qaado, arintaas oo muran ka dib dhalisey isku dhacan. Inta la ogsoon yahey hal Askari ayaa ku dhintey iska hor’imaadka, lamase sheegin wax khasaare kale oo goobta ka dhacey marka laga reebo dhaq dhaqaaqi kala duwanaa ee ka jirey goobta uu dagaalku ka dhacey oo in muddo ah is taagey. Qaar ka mid ah saraakiisha labada maamul ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere oo saxaafada u waramey ayaa sheegay in dhex dhaxaadin arinta lagu xalinayo ay labada maamul uga socoto xarunta Villa Soomaaliya.
Related posts:
- Iska Hor’imaad Ka Dhacey Kaam Ku Yaal Ceelasha Biyaha
- Ciidamo Ka Tirsan DKMG ah oo Weerarey Xarunta Degmada Shibis
- Iska Horimaad ka Dhacay Faanoole
- Askar Ka Tirsan Ciidanka DKMG ah oo La Weerarey
- Weerar gaadmo ah oo caawa lala beegsadey ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah