Gudiga Ganacsatada Xoolaha oo uu hormood ka ahaa Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha Kooto diidka Cabdiraxmaan Maxamed Xaseen [Shidaar] ayaa xalay Shirjaraa’id ku qabtay magaalad Hargeysa, waxayna mar kale shaaca ka qaadeen inay wada-hadaladii beryahanba u socday iyaga iyo Xukuummadu ay burbureen, oo ay faro- badhan ka taagan yihiin wax ka soo baxayna aanay jirin, kadib markii ay Xukuumadu u soo jeedisay inay ganacsatadu kala doortaan laba qodob oo kala ahaa inay Xoolaha Yemen u dhoofiyaan iyo inay Ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri ka iibiyaan, arrintaana ay ku tilmaameen ganacsatadu ka soo hor-jeedaan oo ay diidan yihiin.
Shirkoodan jaraa’id waxay gudidu ugu baaqeen Shacbiga reer Somaliland, Golaha Wakiillada inay qal-qaalo ka galaan sidii ay Xoolahaasi Dekeda taagaan ay dhoofi lahaayeen, hadii kale ay halkaasi ku dhimanayaan, isla markaana khasaare gaadhaya ilaa dhowr boqol oo kun oo dolar ay ku shuf beelayaan.
Waxa shirkaasi jaraa’id ugu horeyn ka hadlay Af-hayeenka guddida ganacsatada xoolaha dhoofisa Cabdi-raxmaan Maxamed Xuseen [Shidaar], waxaanu faah-faahin ka bixiyay wada hadaladii ugu danbeeyay ee ay xukuumada la yeeshaan, waxaanu sheegay in Wasiiradii is xil-qaamay ay u keeneen laba go’aan kuwaasi oo ah inay xoolaha ay Al-jabiri ka iibiyeen iyo inay Yemen u iib geeyaan, isagoo arrintaa faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidh. “Nimankaa Wasiirada ah hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee ay wadeen meelo badan ayaanu soo wada marnay, wax badan ayaanu soo wada hadalnay markii danbe waxay noo keeneen go’aan xukuumadu gaadhay oo ah in Xoolahaa dhaadhacay aad Al-jabiri ka iibisaan, iyo inaad xoolaha Sayladaha
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Markii arrintaasi nagu soo baxday waxaanu nidhi waanu ka wada tashanaynaa, xoolahaa aanu soo iibsanay ee aanu Berbera ka keenayna ballan uu Madaxwaynuhu noo qaaday ayay ahayd ee dadka iyo dawladduba ay ogaayeen waxaanu ku nidhi Al-jabirina ku wareejin mayno, Yemen-na u rari maynee ummadaa ka gar naqi ee halkaasay noo joogayaan haddii ay dhamaanayaan 12,500 ee Neef oo Adhi ah ayaa jooga Berbera, dhana u dhaqaaqi maayaan ilaa halkii loogu tallo galay ay tagaan.”
Cabdi-raxmaan Maxamed Xuseen [Shidaar] waxa uu xusay inay leeyihiin Dadwaynaha, xukuumad, mucaarid arrintaa waa laga hawl-galay. Hase ahaatee, wax hawl ah oo ilaa maanta laga hayaa ma jirto. Aad baanu ugu mahad naqaynaa cid kasta oo arrintaa gacan ka gaysatay, oo u damqatay arrintan. Haddii ay Baarlamaanka tahay [Guurtida iyo Wakiilada], haddii Wasiiradii ka hawl galay ay tahay haddii ay tahay Cuqaasha iyo Salaadiinta aad baan ugu mahad celinayaa.
Af-hayeenka Guddida Kooto diidka Xoolo waxa uu u soo jeediyay dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, labada Gole, Mucaaradka iyo cidd kasta inay gurmad ka galaan xoolaha ku xaniban Dekeda Berbera, oo ay sheegeen inay haraad u bakhtiyayaan haddii aan si deg-deg ah loo fasixin, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga jeedinayaa ummada reer Somaliland dad ganacsadayaal ah oo reer Somaliland ah oo Liisamo ganacsade ayaanu leenahay, xoolihii ninka Carabka lahaana waxay ka dhoofayaan Dekeda, intii ummada reer Somaliland lahaydna way xayiran tahay. Waxaanu leenahay Dadwaynaha Somaliland arrintaa wax hana lagala qabtaan, oo lagu qanciyo inaanu xaq u leenahay inaanu xoolahayaga dhoofsano oo Dastuur lana siiyo, xoolihii reer Somaliland Ber-bera ayay ku cadilan yihiin cidd kastoo ka damqanaysana ha u gurmadaan.”
“Waxaanu ka hadlaynaa waa ummada nolosheedii, waa wixii ummadu ku noolayd, dalka waa la ogyahay sicir bararka iyo macaamilada ka taagan, intii hadhayna ay camal hesho. Waxaanu ka hadlaynaana waa wax ummadu wada leedahay,” ayuu yidhi Shidaar.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Xukuumadana waxaanu leenahay, waa xukuumadayadiiye anagaa dooranay xukun Milateri-na nagu mahaysato, cod baanu siinay. Dadkeeda haddii ay u damqan waydo oo haddii laga gar-darnaado u dul-qaadan wayday dawlad noqon mayso.”
“Maantana waxaanu leenahay xukuumadii
Waxa isna halkaasi ka hadlay C/laahi Carab Ismaaciil oo ka mid ah dadka Xoolaha dhoofiya, waxaanu sheegay in xoolaha ku xaniban Berbera ay joogeen muddo gaadhaysa 13 cisho oo lagu keenay amarkii uu Madaxwaynuhu iyo ballan qaadkii uu sheegay, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya “Saddex iyo toban cisho ayay xoolahaasi joogeen Berbera, amarkii Madaxwaynaha ee uu yidhi waan fasaxayaa xoolaha ayay ku joogaan imikana amarkiisii ayay ku hor-taagan yihiin.”
Cabdilaahi Carab Ismaaciil waxa uu sheegay inay Xoolihii ku xanibnaa Marsada Berbera ay bilaabeen inay dhintaan, isla markaana loo baahan yahay in loo gurmado, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa Guurtida, Golaha Wakiilada in si dhakhso ah loogu gurmado xoolahaasi sidii loo fasixi lahaa, waxayna xoolahaasi bilaabeen inay dhintaan. Cimilada ayaa kulul, biyo dhanaan ayay cabeen, markaa xaaladoodu meel xun ayay maraysaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana Cabdilaahi waxa uu u mahad naqay Golaha Wakiilada oo go’aan ka qaatay, Golaha Guurtidana waa la sugayaa weli.
Madaxwayne Al-jabiri madaxwayne uma tihid ee ummada ku soo dooratay ayaad madaxwayne u tahay “Waxaanu u soo jeedinayaa inay dadku ka kacaan arrintan oo ay gurmad ka galaan sidii xoolaha loo fasixi lahaa. Madaxwayne Al-jabiri madaxwayne uma tihid ee ummada ku soo dooratay ayaad madaxwayne u tahay, arrintan imika taagan ee xooluhu waxay noqon doontaa taariikh lagu xuso ninka maanta hor-joogsaday maalin maalamaha ka mida, way ku calaamad-sanaan doonta sidii SNM markay dalka soo gashay xukuumada maanta joogta iyo cidda ku jirta,”ayuu yidhi Cabdilaahi.
“Waxaanan ugu baaqaynaa Abwaanada, Salaadiinta, Aqoonyahanada, labada Gole, Siyaasiyiinta iyo saddexda xisbi Qaran-ba in arrintan gurmad laga galo”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Carab

Related posts: