Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maalmaahanba kulamadooda ku falanqaynayey Xaalada cakiran ee ka dhex taagan Gudiga ganacsatada Xoolaha iyo Maamulka S/land , Fadhigoodi shalay ayaa goluhu ka soo saaray go’aamo heshiiskii uu Maamulku la galay ganacsadaha sucuudiyaanka ah ee Al-jaabiri,kaas oo Xiisad adag ka dhaliyey welina ay taagan tahay.kadib markii ay ganacsatada Adhiilayaashi is-hortaageen heshiiskaa.
Fadhigan oo uu Shir-gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi , waxa madasha ka soo Xaadirey 46 Xubnood cod loo qaaday go’aankan ay Goluhu ka soo saareen muranka dhoofka Xoolaha ka taagan waxa ogolaaday 44 Xubnood waxa diiday Xubin keliya gudoomiyuhuna muu codeyn. Go’aankaasna sidaa ayuu ku ansxay. Doodaas oo isugu soo biyo Shubatay afar qodob, ayey goluhu Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen .
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in doodahaas ay mudanayaashu arrintaa [muranka dhoofka Xoolaha] ka yeesheen ay nuxurkeedii ka soo baxeen afar qodob, kaas oo Gudoomiyuhuu sheegay in loo baahan yahay in golaha wakiiladu go’aan gole ka gadhaan.
Xog-hayaha Golaha Wakiillada Maxamed Xasan Baashe oo halkaasi ka akhriyey qodobada ay doodu isugu soo biyo shubatay, waxaanay qodobadu ahaayeen sidan:
‘Waxay dooddu bilaabantay 27/7/08 waxayna dhamaatay 28/07/08 doodan waxaa ka qayb galay 21 mudane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiiladda, mudanaayashu waxay dooda u dhiibteen si xirfad iyo farshaxanimo leh iyada oo ay mudanayaashu afkaartooda ku arooriyeen sharciyadda maadaama oo ay yihiin gole sharci dajin islamarkaana waajib ku tahay ilaalinta sharciga oo uu sal u tahay distuurka JSL
Mudanayaashu waxay isdu-taageen carabkana ku celceliyeen in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka ka ganacsiga xooluhuna yahay khayraadka 1-aad ee ummadan nolosheedu ku tiirsan tahay.
Hadaba dooda mudanayaashu waxa nuxurkeedu iskugu soo biyo shubatay kuna gabgabooday qodobadan.
1. In gansiga dalka JSL uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad qodobka 11-aad ee distuurka JSL heshiis kasta oo ganacsi oo ka hor imaanaaya 11-aad ee distuurka JSL
2. In dhamaan heeshiisyada xukumadu gashay ee leh sifadda ku cad qodobka 53-aad farqadiisa sadexaad la horkeeno golaha wakiilada si goluhu uga guto waajibaadkiisa distuuriga ah
3. In loo yeedho cidksata oo ku lug leh ama ay khusayso arinta ganacsiga adhiga si loo helo xogta iyo xaqiidad ku xeeran ganacsiga adhiga sida Wasaaradda xoolaha wasarada ganacsiga rugta ganacsiga iyo ganacsatadda adhiga
4. In goluhu u saaro gudi gaar ah [Adhoc- committee] dhibaatadda xoolaha”

Related posts: