Ciidamo Baaritaano Ka Sameeyay Baydhabo

Published on July 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

baydhabo.jpgCiidamada copy-ga Itoobiya kuwooda Bileyska ee dhawaan gudaha Itoobiya tababarku ugu soo dhamaadey, ayaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ka sameeyeen baaritaano. Xaafadaha, Horsed iyo Insha ee magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay baaritaanada xoogan ka sameeyeen,lamana oga waxa ay uga gol leeyihiin dhaq dhaqaaqyadan cusub ee ay ka bilaabeen Baydhabo. Dhamaan dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee magaalada ayaa Maanta ahaa mid uu hakad ku yimid, marka laga reebo gobo ganacsi oo yar iyo dadka qaar oo magaalada si teel teel ah u dhex maraya meelaha qaarkood. Ciidanka Bileyska ee copy-ga Itoobiya ayaa la arkayey iyaga oo guri guri u gelaya xaafadihii ay saaka ku kalaheen ee baritaanada xoogan ka sameeyeen, lamana oga ilaa iyo hadda haddii ay dad rayid ah ka qafaasheen guryihi ay galeen iyo in kale. Howlaha baaritaan ee maanta ciidamadu ka bilaabeen magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadaya kulamo kala duwan oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayey magaalada Baydhabo, kuwaas oo uu ugu danbeeyay kii shaley ay wada yeesheen golaha deegaanka ee beelaha Digil iyo Mirifle oo ay uga hadlayeen amaan guud ee deegaanka, gaar ahaan kan magaalada Baydhabo. Waxa kulan odayaasha Digil iyo Mirifle ka horeeyay kulamo xubanaha Baarlamaanka DKMG ah iyaguna ku yeesheen xaruntooda Baydhabo kuwaas oo ay uga doodayeen sidi ciidaman aan dhanka Muqdisho loogu gudbin balse ay ka howl galaan magaalada Baydhabo ee hadda ay ku sugan yihiin. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Xalay Baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee M/Muqdisho
  2. Ciidamo soo gaaray Baydhabo
  3. Ciidamo Tababar soo dhameystay oo Baydhabo soo gaaray
  4. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  5. Baladweyne oo Ciidamo Madani ah Loo Sameeyay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Xalay Baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee M/Muqdisho
  2. Ciidamo soo gaaray Baydhabo
  3. Ciidamo Tababar soo dhameystay oo Baydhabo soo gaaray
  4. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  5. Baladweyne oo Ciidamo Madani ah Loo Sameeyay

Latest Headlines