Abuu Mansuur “goorma ayay nin muslim ah iyo Jandayi frezer isku fikrad noqdeen”
Published on July 30, 2008 by Somalimirror · 12 Comments ·
Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Robow (Abuu Mansuur) oo saaka shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Muqdisho khadka Taleefanka ayaa sheegay in kala qeybinta Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ka danbeeyeen Maraykanka, isaga oo sheegay in ujeedada shirka Jabuti ay ahayd kala qeybta Xubnaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. Sheekh isaga oo arintani ka hadlayana waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “shirkaas oo shirqool ahaa oo la rabay in ummadda la sii haysto oo itoobiya oo baaba’day in garabna loogu raadiyo meeshana ay sii haysato ayay illaahay cadowgiisa ku tala galeen, iyagoo kala jabiyay iyagoo ka dibna markii ay kala jabiyeen ay illaahay cadowgiisa oo dhan wada taageereen. La maqlayay Jandayi freezer oo taageeraysa qeyb, oo dhahaysa hebel baa mas’uulka saxda ah, hebelna waa gardaranyahay iyada oo dhahaysa, koleey waxaa shaki la’aan ah labada qolo, qolada ay Jandayi freezer Taskiyaynayso in ay khaldanyihiin kuwa kalana ay xaq ku dhawyihiin, goorma ayay nin muslim ah iyo Jandayi frezer isku fikrad noqdeen, ma frezer baa tanaasushay mise dadkii muslimiinta ahaa baa tanaasulay, taasi waa in wax la iska weydiiyo”. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada uu safiirka maraykanka ee Soomaaliya sheegay in uu la dagaalamaya waxa uu ku sheegay kooxa xag jirka Soomaaliya taas oo ay dadka qaar u farsireen in ay jiraan qorshayaal lagu hubaynayo ururkii Ashahaado La dirirka ee ay ka adkaadeen midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed sanadii 2006.
Related posts:
- Abuu Mansuur oo ka hadlay Dagaalkii Baydhabo
- Maraykanka oo taageeray Ciidamo Nigeria u dirto Somalia
- Abuu Mansuur “Ciidamadaas Bakaareey rabaan inay Bililiqaystaan”
- Daahir Geele “ fursad dahabi ah ayay ahayd xiligii MMIS”
- Prof. Cadow “Sh. Xasan & Sh. Shariif in la isku keeno ayaa ay tahay rajadu”
Sh.mukhtaar rooboow abuu mansuur xafudahulaah madaxweynaha xaqa ah ee somaliya sidiisoo kalaa runta loo sheegaa xaqana loo cadeeyaa wacad allaan nin muslim ah oo gaalo taskiyeynayso uusan mudnayn in ummadaan hogaankeeda sheegto uusana astaahilin inuu ka taliyo masiirka ummadan ,soomaaliyeey raaca oo adeeca culimada dhabta ay ka tahay ku dhaqanka shareecada islaamka iyo ka saarida cadowga soo duulay ciida hooyo yeysan waqtiga idinka luminin raga gaalada tazkiyeynayso ee dibad wareegyada ah ha u fadhiyina inay dal idiin xoreeyaan saa wadadii lagu xorayn lahaaba ma hayaan
indhahii umadeena walaalkeey abuu mansuur allaha xifdo aaqiro iyo aduun xaqa sheegi ogaa
AAMIIN AAMIIN ALLE AYAAN KA BARYAYNAA INUU XIFDIYO ABUU MANSUUR IYO MUJAAHIDIINTA KALEBA.
ilaahow geesiga islamka ukacey sheekh walaal abuu mansuur noo xafid walee kanu waa kii naxoreyn laha
abu mansur xafidulah
ilahay cadowgisa ha jabiyo
waa nin daacad ah runtiina anigu aad ayaan
usoo dhaweynayaa hadalkiisa sababtoo ah waa nin daacad ah oo qayaamo aqoon ilaa waagii uu xamar joogay markuu ka qudbeeyo tarabuunka
wuxuu aminsan yahay ayuu ka hadli jiray
wuxuu sheegana wuu ka dhabayn jiray ilahy ha guuleyo somaliya rajada ay qabto waa isaga iyo inta daacada ah ee dar ilahy u dagaalamysa in ay wadankooda gaalo ka xoreyaan ilahay ha ugargaaro dadkuna ha taageeran al-shabab
S/c Allah ha xifdiyo shiikha hana la taageero, tan xigto Ashahado la dirir ma quustaan miyaa?! War Alle ka baqa oo Abuu-mansur jidkiisa raacaan si aad u liibaantaan aduun iyo Aakhiro, waxaanan leeyahay shikha iyo xertiisa{ Mujahidiinta} Alle ha guuleeyo Amin s/c
S/c Allah ha xifdiyo shiikha hana la taageero, tan xigto Ashahado la dirir ma quustaan miyaa?! War Alle ka baqa oo Abuu-mansur jidkiisa raacaan si aad u liibaantaan aduun iyo Aakhiro, waxaanan leeyahay shikha iyo xertiisa{ Mujahidiinta} Alle ha guuleeyo Amin. waxaan dhihi lahaa Somaliyaay! Kutaabta Alle garab gala aad ku liibaantaane walaahi waana la hubaa! s/c
masha,allah guul geesigeena insha,allah
Waa maan gurracan oo sadxi ah in la yiraahdo ninkii Frazer taageerto yaa khaldan kan kalana xaqa ayuu u dhaw yahay, qwaxaa sax ah in xaqa iyo baadilka sidooda loo raadasdo, iyadoo hebel meeswhuu jiro sal laga dhigan. ka warrama qisadii abuu hurayra ee shaydaanku aayad kursiga u sheegay ee rasuulka scw yiri waa beenaale maantase run buu kuu sheegay. Islaamiyiinta Soomalaiya haka koreen koobiyeynta islaamiyinta kale oo danta shacabkooda ha fiiriyeen iyo hadba wxii la xiaqiijin karo oo yaan la noqon kuwii xadiisku sheegay duudna ma baajin dhulna ma goyn, in dagaal lagu jiro joogta ah oo guulna lagu keeni waayo dadkiina waxay heli kareen oo masaalixdooda barkood ah la dhaafiyo
Asc,cabdiwahaab walaal waxa la qorayo waa inlaga fiirsada alle looga baqo wixii faajirnimo doodid ah,xaq iyo baadilna maanta lama kala garan waayin oo miisaankii kala sooci lahaa ayaan haysanaa oo kitaabka iyo sunada ah ,janday frezer qoloda ay tazkiyeynayso inay dariiqii saxda ahaa ka dhacsan yihiin mulaca ayaa jiifka ku arka ,jihaadka in lawado waa waajib rabaani ah guusha gaaritaankeedana waa wax alle la jira,xageedse jirtay guulaha mujaahidiintu ka gaareen guriceel ,matabaan,kalabayr,baladweyn iyo bardaale mise maro ayaad ku dadaysaa? Dadyahow alle halaga cabsado qaar aan mudnayn in la difaaco yaan lagu aakhiro seegin oo mujaahidiinta rabaaniyiinta ah waxka sheegooda yaan lagu cadaab mudan
ASC
WAXAA BALAN AH HADII MAR DANBE AY SOO NOQDAAN, NIMANKII DIINTOODA SIISTAY WAX YAR OO ADUUNYAA, HADANA AAN MAANTA WAXBA KA HAYN, OO AXMAAR KABAHA U BAALAYEESHA, WAA ASHAAADO LA DIRI
IN AY XITAA DUMAR AAN WELIGOOD QORI SI LOO RIDO AQOON ARKIN IN AY XABADA QAADI DOONAA, ALLAH GACANTA ADAG HA IDNKU QABTO INSHA ALLAH
sc wr wb.
ilaah baa mahad leh diinta usoo saaray rag qaali ah sida Sh mujaahid sayyid al gaali abuu mansuur alxabeeb al qaaid almeedaani.
intaa kadib.
anigu garan maayo sababta loo eedeenaayo shariif sh axmed qalad walbo oo uu galo anakaa ayaa sabab u ah.
maxaa yeelay isagoon jihaad iyo diin iyo dacwo intaba shaqo ku lahayn oo ahaan jirey gudoomiyaha maxkamadaha m/dheere ee joohar kadibna noqday macalim school yar oo ku yaalay baar c c ayuu wiil 14 jir ah oo tuugo afduubatay soo daayay maalintaa baa la bartay wadaadka.
kadib muxaadaro buu ku galay meel u dhaw suuqa bakaaraha niman ganacsata ah buu qorshe usoo bandhigay ah inuu maxkamad kafuro c c.
kadibna 2 gaari oo tikniko ah iyo qoryo fud fudud baa la siiyay.
sidaas ayuu kusoo caan baxay wadaadku.
dagaalkii ashahaada la dirirkana qayb ayuu ka ahaa sida rag badanba ee qayb uga ahaayeen.
maalintaa baa wadaadka wadaadadu u geliyeen kobo waawayn oo uusan qaadi karin kuna fikirin weligiis oo waxay ugu yeereen amiirul mu miniin!!!!.
sababta arintaa ku kaliftay waxay eheed cabsi ee ka qabaan in lagusoo weeraro argagaxisonimo daraadeed balse shariifkuna kama uusan badbaadin weerarkii masuulna wuu noqday isagoon bislayn oo weliba caqiidada walaaga iyo baruhu u saxnayn uusan diyaar u ahayn inuu galo dagaalo soconaya boqolaal sano.
hadaba anigu lama yaabani shariif waxa uu suubinayo ee waxaan la yaabanahay nimanka rabo inay shariif ka dhigaan wax uusan ahayn!!!!!!.
hadaba nimankaan casmara jooga oo shariifka eedeenaayo baa dhihi lahaa arimo dhowr ah.
1: shariifkii waad cazishayn bal noo s heega sababta aad ku cazishayn haduu idiin ahaa amiir sharci ah sababtoo ah ma banaano cizilaada amiir muslim ah ilaa uu gaaloobo.
2:yaa idiin baneeyay adinka inaad cazishaan adinku markaad doontaan oo u diiday al shabaab sababtoo ah waagii al shabaab ku dhawaaqayn inuusan shariifku matalinin waa adinkii dhahayay safkii bee kala jabiyeen iyo sawaxan la mid ah.
3:yaa damaanad qaadaya raga aad hada xulufada la tihiin sida ina caydiid iyo zakariya iyo calmaaniyiinta badan oo idinla jaalka ah ineesan iyakuna bari sida shariif u aaday jabuuti iyakuna ethopia iyo yemen iyo kenya u guureenin.
4:maxaa idiin diiday inaad gaartaan go aanka alshabaab gaareen oo ah in imaaro islaami ah la helo ama in lagu dhinto iyadoo la raadinaayo.
hadaba walaalayaal sidaan kuligayn ognahay gaal been been wax ku qaadan maayo gaar ahaan asagoo kaa badan kaana hanti iyo awood badan (siduu Ismoodo) ee fadlan diinta oo idinka fitnowda iyo aduunyadii lafteeda oo aad weesaan ha isku darsanina.
walaalayaal hadaan maanta nin mujaahid dooran lahayn sida xasan turki amiir ahaan amaba abuu mansuur ama raga la midka ah uu xataa is bedeli lahaa waxaan dhihi lahaa waa qadar ilaah oo aan waxba laga qaban karin sababtoo ah qalbiga allaah uun baa haayo oo bed bedela.
balse markaad dooratid nin aan mujaahid ahayn oo jihaadba gelin weligii amaba daaci jihaad noqonin qaladkii ka yimaada qayb inakaa kuleh.
walaalaha al shabaab iyakana waxaan dhihi lahaa ha askumaan hee ad sare oo culumo ah oo mujaahidiinta u fatwoota haday jirtana magacyadooda umada ha usoo gudbiyaan si masiirka jihaadka ee rag culumo ah oo meedaanka joogo gacanta ugu hayaan.
cadaaladu waa waajib.
anigu waxaan hadanlkeega kusoo dabrayaa eenu u hagar baxno qadiyadeena jihaadiga ah una hurno naf iyo maal gelinana waqti iyo maal.
ws wr wb.